Muhaajiriin iyo qaxooti kale oo ku dhintay dooni ku degtay xeebaha Talyaaniga

Ugu yaraan 59 qof oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa dhintay kadib markii dooni ay la socdeen tahriibayaal iyo qaxooti kale ay ku degtay magaalo xeebeedka Crotone ,koonfurta gobolka Calabria ee dalka Talyaaniga.

Doontaasi, ayaa ka soo shiraacday dalka Turkiga dhowr maalmood ka hor ,waxaana  la socdeen muhaajiriin u kala dhashay dalalka Afgaanistaan,Iran iyo wadamo kale oo dhowr ah.

Doontaasi oo ku burburtay meel u dhow Steccato di Cutro oo ah goob loo dalxiis tago oo ku taal bariga xeebta Calabria,waxaa ka badbaaday 81 qof ,sida uu sheegay. Manuela Curra, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda gobolka, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Markabka ayaa ka soo ambabaxay magaalada Izmir ee bariga Turkiga saddex ama afar maalmood ka hor, waxaana saarnaa illaa 150 ruux,iyadoo sababaha shilkaasi lagu sheegay ,doonta oo aad u yareyd, tirade dadka oo badnaa iyo dabeylo wata qabow oo halkaasi ka jiray.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS oo baaritaan ku sameyneysa fuustooyin sun looga shakisan yahay oo yaalla Xeebta Cadale

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay deegaanka Cadale, kuwaas oo muddo dheer yaallay xeebta Degmada Cadale ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Hamahaan ayey walaac ka muujiyeen dadka degaanka,iyagoo uga shakiyey in ay ku jiraan walxo kiimiko iyo sun ah

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa lagu sheegay in wasaaradda sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qorshayneyso in ay koox khubaro ah u saarto arrintan, kuwaas oo baaris ku sameeyn doono hamahaasi looga shakisanyahy in walx kiimiko ah ay ku jiraan,si deg deg ahna ku gaari doona deegaanka Cadale ee gobolka shabeellaha Dhexe.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xariir la sameeysay maamulka degmada Cadale, waxaana la isla meel dhigay in si kumeel gaar ah loo xiro aagga ay fuustooyinku yaallaan inta baaris rasmi ah looga sameynayo si loo hubiyo badqabka bulshada iyo deegaanka,iyadoona la faray shacabka degaanka in ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jira, si loo ilaaliyo Bedqabka cafimaad ee bulshada dagan Cadale.

Ciidamada amniga oo howlgallo qorsheeysan xalay ka fuliyay degmada kaaraan ee gobolka Banaadir

Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Duufaan  iyo Ciidamada Booliiska ayaa xalay holwgallo qorsheysan ka fuliyay xaafadaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaa oo maalmihii ugu dambeysay ay falal amni darro ka dhacayeen.

Inta uu howlgalku  socday ayay ciidamada ku beegasadeen guryo lagu tuhmayay inay ku sugan yihiin Kooxo Ciyaal weero ah iyo kooxa kale oo burcad ah kuwaa oo dhibaata u geysan jiray dadka shacabka ah ee dagan degmada karaan islamarkaana ay ciidamda gacanta kusoo dhigeen.

Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir Muxudiin warbac oo howlgalka qeybka ahaa ayaa kormeeray Goobaha ay howlgallada ka socdeen, isaga oo Ciidamada ku bogaadiyay xaqiijinta amniga.

Howlgalkaan Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Duufaan iyo  Ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Kaaraan ayaa ahaa mid salka ku hayay xaqiijinta amniga degmada oo maalmihii danbe falal amiga lidi ku ah ay ka dhacayeen.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Ciraaq, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liiban Sheekh Maxamuud (Maalinguur), qunsulka iyo madaxda sare ee kala duwa oo ka howl gasha safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay sida ay u shaqeeyso safaaradda, isagoona sheegay in marxalado adag oo kala gedisan ay soo martay safaaradda isla-markaana xaaladahaas adag loogu shaqeeynaayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed looguna adeego dowladnimada dalka.

Guddoomiyahaaya Golaha Shacabka BJFS ayaa mas’uuliyiinta safaarada ku ammaanay doorkooda muhiim ka ah ay ka qaateen ilaalinta sharafka ummadda Soomaaliyed, waxaana uu tilmaamay in Dowladda Federaalka ah dadaal dheer ku bixin doonto sidii wax loogu qaban lahaa, loona qurxin lahaa dhismaha Safaaradda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo howlo shaqo u jooga dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dalka Ciraaq Mudane Dr. Shakhwaan Cabdallah Axmed.

Kulanka labada Guddoomiye oo ahaa mid u ah muhiim Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ahaa xildhibaano ka kala socday labada dal waxaa ku weheliyay danjiraha dalka Soomaaliya ee uu fadhiya Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Mas’uuliyiinta waxay muujiyeen sida uu ugu faraxsan yihiin kulankan iyo soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay, isagoo sidoo kale ka hadlay mawduucyo dhowr ah iyo arrimaha danta guud oo ay ugu horreyso sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada Baarlamaan si loo adkeeyo wada shaqeynta.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhaweeyay Xarunta Baarlamaanka Ciraaq, isagoona u muujiyay in Soomaaliya ay tahay dalkooda labaad, waxaana uu tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya, waxaana uu uga mahadceliyay sida uu u soo ajiibay qabsoomidda Shirweynaha 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo shalay ka furmay islamarkaana lagu soo gabagabeeyay Baqdaad.

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof, dad taagan iyo dad fadhiya

Waxay noqon kartaa sawirka 10 qof, dad taagan iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo bannaanka

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlay dardar galinta mashaariicda ka socda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulanka isudu-wayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, si loo dar-dargaliyo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda #DanQaran iyo adeegyadda dowladda ee sannadka 2023.

Shirka ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadyada xukuumadda ee dhinacyada mashaariicda iyo horumarinta arrimaha bulshada gaar ahaan barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo ay hada ka socoto dib u soo noolaynta adeegyadii aassaasiga ahaa ee bulshada, isla markaana sanadkan qorshuhu yahay in si dhamaystiran u hirgalaan mashaariicdaasi.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyey xiriiriyaasha iyo iskuduwayaasha mashaariicaha kala duwan shaqooyinkii ay soo qabteen, isagoo tilmaamay sanadkana looga fadhiyo in ay hir galiyaan mashaariico intii hore ka badan oo dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey Khawaariijta oo dadka deegaannada ku dhaqan la tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay.

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo fadhiya

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof, dad fadhiya iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 11 qof, dad taagan iyo gudaha

Wasiirka Amniga XFS oo kulan la yeeshay wakiillada qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” ayaa kulan wadajir ah magaalada Muqdisho kula yeeshay wakiillada qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kulankaan la qaatay Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine,waxaana looga hadlay Amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimadda iyo sidii loo ciribtiri lahaa khawaarijta Alshabaab.

“Dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxay mudan yihiin inay nabad iyo amni ku noolaadaan, waana waajib na saaran ka dowlad ahaan inaan xaqiijinno”ayuu yiri wasiir Doodishe.

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa Wasaaradda Amniga ku boggaadiyay dardar gelinta howlaha hortebinta u leh Amniga dalka iyaga oo sheegay in ay dhankooda ka qeyb qaadan doonaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaa lahaayeen.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga,Taliye xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Waxay noqon kartaa sawirka 10 qof, dad fadhiya, dad taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad fadhiya, dad taagan, dareeska ciidanka iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Kulan looga hadlay diyaar garowga maalinta haweenka Qaranka

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka Boliiska iyo ku xigeenkiisa ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda Haweenka iyo ururka kaweenka Qaranka.

Kulankaas ayaa looga hadlayey diyaar garowga loogu Jiro maalinta haweenka Qaranka oo foodda nagu soo haysa.

Wasiirada iyo taliyaha ayaa haweenka ka balan qaaday in si wayn loo sugi doono ammaanka guud ee caasimada iyo meelaha loogu babbaal degayo maalinta haweenka Qaranka.

   

Diyaar garow ku aadan dagaal ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda gobolka Bakool

Diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta ayaa ka socda degmooyin ka tirsan gobolka Bakool iyadoo maanta taliyaha qeybta 60-aad iyo masuuliyiin kale ay gaareen Ceel Berde iyo Xuddur.

Wafdi iskugu jira saraakiil Ciidan iyo Wasiiro ka tirsan Koofur galbeed ayaa gaarey Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka bakool waxaana ay la kulmeen Masuuliyiinta maamulka iyo Bulshada iyaga oo uga sii gudbay dhanka degmada Ceel Berde.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda OIC

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga, mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee OIC oo uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Arrimaha siyaasadda danjire Yuusuf Binu Maxamed Al-Dabiici.

“Waxaan ka wada hadalnay qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha binu aadannimada gaar ahaan saamaynta ay roob yaridu ku yeelatay beeralayda Soomaaliyeed, taageerada dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dhamaystirka dayn cafinta, qaadista cunaqabataynta hubka ee 32 jirsatay, iyo in wadamada xubnaha ka ah OIC ay garab istaag buuxa siiyaan dowladda Soomaaliya tartanka ay ugu jirto xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada midoobay” ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Soomaaliya ayaa waxaa ay kaalin muuqata ka qaadata howlaha ururka iskaashiga islaamka, waxaana ay ka mid tahay dalalkii aas aasay.

Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 dal ayaa ah kan labaad ee ugu balaaran dunida marka laga tago qaramada midoobay, iyadoo dalkeennu uu ka mid ahaa dalalkii lagu asaasay ururka sanadkii 1969.