Wafdi ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo shir uga qeyb galay Magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania

Wafdigan ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qarnka Soomaaliyeed oo uu Hoggaaminayey La-taliye Sare Dr. Ismail Jimale Alasow ayaa shir heerkiisu sareeyo uga qeyb galay Magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Ururka Midowga Africa, waxaana ka soo qeyb galay 54-ta dal ee Qaarada Africa, waxaa uuna ku saabsanaa ansixinta Barnaamijka Adkeysiga Magaalooyinka Afrika (African Urban Resilience Programme).

Shirka oo muhiim u ahaa Soomaaliya in ay ka qeyb-gasho iyadoo lagu ansixiyey Barnaamijka adkeysiga Magaalooyinka Afrika kaas oo wax badan ka badali doono hab dhismeedka magaaliyenta dalalka Afirka, waxaana kor loo qaadi doono Fahamka Aqoonta, Tayadda waxyaabaha keeno dhibaatooyinka soo noqnoqda ee la xariira Musiibooyinka.

Jordan oo martigelinaysa wada-hadallo nabadeed oo dhexmara Israa’iil iyo Falastiin

Dowladda Jordan ayaa lagu wadaa in ay martigeliso kulan u dhaxeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, si loo hakiyo rabshadaha dhimashada badan ee ka socda Daanta Galbeed ee la heysto.

Kulanka maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in uu ka furmo dekedda Caqaba ee badda cas, waxaana ka qeyb galaya wakiilo ka socda Mareykanka iyo Masar.

Wadahadalladan la qorsheeyay ayaa imaanaya maalmo kadib markii ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, halkaasoo ay ku dileen 11 falastiiniyiin ah.

Sarkaal ka tirsan dawladda Urdun, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in kulanka la xiriira amniga iyo siyaasadda ee maanta uu qayb ka yahay dadaallada kor-u-qaadidda wadahadallada ee ay wadaan Urdun oo kaashanaysa maamulka Falastiiniyiinta iyo dhinacyada kale, si loo soo afjaro dhibaatooyinka ka yimaada dhanka Israel.

Wadahadallada ayaa looga golleeyahay in lagu heshiisiiyo dhinacyadaasi, isla markaana lagu yareeyo dhibaatooyinka soo gaara dadka reer Falastiin,” ayuu yiri sarkaalka, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Ciidanka Booliiska oo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta oo ku howlana falal amni darro

Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Deyniile oo ku jira howgal ayaa caawa gacanta ku soo dhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa falal amni darro oo ay u maleegayeen dadka shacabka ah.

“Ciidanka ayaa raggaan soo qabtay iyaga iyo moota Bajaaj ay wateen, sidoo kale dhagarqabayaashaan ayaa watay Qori RBG ah, waxayna haatan ku jiraan gacanta ciidanka amniga,” ayaa lagu yiri qoraal uu warbaahinta qaranka la wadaagay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay shirka Midowga Baarlamannada Dowladaha Jaamacadda Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq uga qeyb galay meerteeda 34-aad ee Midowga Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirweynaha  34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo maanta ka furmay magaalada Baqdaad ayaa looga hadlay taageerada Carabta si kor loogu qaado xasiloonida iyo madax banaanida dalka Ciraaq, iyadoo madaxdu ay isla eegeen guddiga fulinta go’aamadii ka soo baxay shirweynihii 32aad iyo Shirweynihii 33 aad ee deg-degga ahaa, arrimaha maaliyadda, xisaabta kama dambaysta ah ee sanadka 2022-kii iyo barnaamijka qabyo-qoraalka barnaamijka shaqada.

Madaxda shirka ka qeyb gashay qaarkood ayaa soo jeediyay in la taageero codsiga ah in qodob degdeg ah lagu daro ajandayaasha golaha guud ee 146-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka ee uu soo gudbiyay Golaha Shuurada ee Dawladda Qatar, oo wakiil ka ah Kooxda Baarlamaanka Carabta, oo cinwaankeedu yahay In la dambiyo quursiga diinta, ku xad-gudubka goobaha cibaadada iyo xurmada, faafinta nacaybka dadyowga dhexdooda, iyagoo ku  baaqay in la horumariyo qiimaha wada-noolaanshaha, dulqaadka, nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Shirka ayaa sidoo kale maanta looga hadlay In la sameeyo wafdi ka socda Midowga Baarlamaanka Carabta oo booqasho ku taga walalaha Suuriya, isla markaana la caddeeyo taageerada iyo garab istaaga dowladda iyo shacabkeeda.

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof iyo dad fadhiya

Waxay noqon kartaa sawirka 9 qof, dad fadhiya, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof, fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof iyo dad taagan

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Wasiirka caddaalada iyo Wasiiru dowlaha Waxbarashada maamulkaasi

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka iyo Wasiiro Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Galmudug.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Mudane Cabdullahi Axmed Maxamed Wakiil, halka Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare loo magacaabay Cabdiwali Cali Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii faray dhamaan hay’adaha kala duwan, inay la shaqeeyaan wasiirada la magacaabay, si ay waajibkooda u gutaan.

Wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda XFS,  Isaaq Maxamuud oo maanta garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wafdi ka socota Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Wafdigaan ayaa waxaa Hoggaaminaya Kaaliyaha xoghayaha ururka iskaashiga islaamka ee arrimaha binu aadanimada, socdaalkoodu ayaa qaadan doona saddex cisho, iyaga oo kulamo kala duwan la yeelan doona mas’uuliyiinta dowladda federaalka.

Wafdiga ayaa u kuura gali doona xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha binu aadanimada.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta dowladda ayay warbixin ka siin doonaan shir heer wasiir ah oo bartamaha bisha dambe ee March ka qabsoomi doona dalka Murataania, kaasi oo ay ka qeyb gali doonto Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ay kaalin muuqata ka qaadata howlaha ururka iskaashiga islaamka, waxaana ay ka mid tahay dalalkii aas aasay.

 

Hadal-jeedinta Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS ee Golaha Shacabka

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor aqriyey hadaljeedin ku saabsan sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa la wadaagay faahfaahin iyo sharaxaad ku saabsan wax ka badalka lagu sameeyey sharciga, meelaha ugu muhiimsan ee wax laga badalay iyo sabaha keenay in wax kabadal lagu sameeyo sharcigan.

“ Sharcigii hore wuxuu ka koobnaa siddeed (Cutub iyo 44 qodob. Dib u habayn ka dib sharciga aan maanta ka hor aqriyey Golaha Shacabka wuxuu ka kooban yahay, afar iyo toban (14) Cutub iyo 162 qodob, taas oo muujineysa isbadalka lagu sameeyey sharcigan kaas oo aan rajeyneyno in uu daboolo baahi weyn oo loo qabo sharci nuucaan oo kale ah, dalkana siinaya sharci kalluumeysi oo dhamaystiran kana jawaabaya baahida sharci ee khayraadka kalluunka dalkeenna”, ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday in ay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda sharci dajin ay meelmariyaan sharcigan kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid muhiim horumarinta iyo maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliya islamarkaana dalka u horseedaya in si hufan loo maanulo Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee dalka.

            

Maxaa looga hadlay kulanka golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 16-aad.

Ajendayaasha kulanka looga hadlayay ayaa kala ahaa hindise sharciyeedka nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa iyo Hindise sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman.

Sanatarrada Golaha ayaa ugu horreyn dood ka yeeshay sharciga Cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman oo marayay akhrintiisa labaad, waxayna soo jeediyeen in maalmo dheeraad ah la siiyo si ay turxaan bixin ugu soo sameeyaan sharciga.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Senatorrada Aqalka Sare u akhriyay sharciga nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa, oo uu Wasiirku sheegay in sharcigaan muhiimiyad gaar ah uu dalka u leeyahay kana mid yahay sharciyada qaybta ka ah Barnaamijka deyn cafinta Dalka.

         

Soomaaliya oo cod buuxa ku yeelatay ururka “AFENET” ee culuumta iyo tababarrada caafimaadka

Shir ay isugu yimiden Golaha maamulka iyo Maareeyayaasha Barnaamijyada ee 45-ka dal ee Africa, kana mid ah  ururka “AFENET” ayaa lagu qiimeynayey waxqabadka sanadkii tegay ee 2022-ka, kaas oo ka qabsoomay 23- bishan February magaalada Mombasa ee wadanka Kenya.

Shirkan oo diirarada lagu saaray waxqabadka sanadkii tegay ee 2022kii, ayaa haddana waxaa dhinac socday doorashooyin, agaasimaha machadka caafimaadka (NIH), Dr. Cabdifataax Diiriye Axmed  oo Soomaaliya shirkaas uga qeyb galay ayaa jeediyay guulaha iyo waxqabadka barnaamijka FETP -Somaaliya oo ay ka taageerto AFENET.

Shirkan ayaa  markii ugu horeysey Soomaaliya loogu doortey in ay ka mid noqoto wadamada xubnaha ka ah ee codka buuxa ku leh ururkan, taas oo fursad u noqon doonta in ay hesho taageero caalami ah oo quseeya dhinaca ka hortaga, Baaritaannada, xakameynta iyo maareynta cudurada halista ah.

Ururka African Field Epidemiology Network (AFENET) waa dallad madax bannaan oo ay ku mideysan yihiin 45 waddan oo Afrika ah oo isku xirta culuumta iyo tababarada Caafimaadka.

   

Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Dr. Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086 oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka guuleystay ayaa waxaa kursiga kula tartamayay murashaxa kale ee Cabdirisaaq Bukhaari Axmed oo tanaasulay, sidaasina waxaa gacan taag loogu codeeyay Dr. Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed Maxamed oo helay 98-cod, oo ah tirada ergada ee kooramka soo xaadirtay.

Xildhibaanka cusub ee maanta ka mid noqday golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa uga mahadceliyay ergagada dooratay, wuxuuna ballan qaaday inuu si hufan ugu adeego doono dadka iyo dadka Soomaaliyeed.