Khawaarijta oo looga daba tegay gododkii ay ku dhuumaleysanayeen+Sawirro

:- Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa Kooxda Khawaarijta Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo muddo 10-sano ka badan ay dadka shacabka ah ku dhibaaten jireen, waana goobihii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaarinta, iyadoo loogu tegay godadkii ay ku dhuumanayeen ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Taliyaha Macaawisleyda ee deegaanka Ceelbaraf iyo nawaaxgeeda Abuukar Axmed Cabdulle oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay argagixisada kala wareegeen gododkii ay ku dhuumaleysanayeen ee Beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“ Gododkan ayay ku jireen, ay ku dhuumanayeen,nafta jecli inta ay ka qabaan, god inta ay qoteen sida bahaladii oo baco lagu raray oo qoryo la saaray ayaa carro dusha looga shubay,intaas waxa u geynayo oo juqdaas geliyay waxa waaye cabsi, haddii ay geesayaal yihiin waxay noo istaagi lahaayeen bannaankaas ama waddooyinka,” ayuu yiri Taliye Abuukar Axmed Cali.

Sidoo kale, ciidamada huwanta ah ayaa sii baacsanaya firxadka argagixisada harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda Soomaaliyeed kuwaas u baxsaday deegaannada fog fog, sida uu sheegay Xasan Hiiraale oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada deegaanka.

“ Nimanka harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda inaan maalmahan baacsigooda ku jirnay, Illaahaa Mahadleh oo maanta namakinay meesha aan joogno,meesha aan joogno waa beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle,”.

Argagixisada ayaa goobta kaga cararay hub iyo agab kale, kuwaas oo ay ciidamada Mucaawisleyda warbaahinta u soo bandhigeen.

Deegaannada Khawaarijta laga sifeeyay ayaa la isku yiraahda 7, Jazeera waa tuulooyin Wabiga dhanka galbeed iyo dhanka bari ka saaran, waxayna kala yihiin Oobaalle,Huruwaay,Iji,Nasuur,Diinlow,Dudublle iyo Diinlaawe oo ah goobihii ay ka soo abaabuli jireen weerarada fuleynimada ah ee ay ka fulin jireen gobollada Shabeellaha iyo Hiiraan.

           

JACEYL IYO MASEYR MAXAA KALA HEYSTA

beri ayaa waxa jiray  qoys  reer baadiyo ahaa qoys kaas waxay ka koobnaayeen   wiil iyo aabihiis iyo hooyadiis waxayn ku noolaayeen meel cidlo ah waxayna heysteen xoolo aad u farabadan.

Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa odagii  guriga wuxu  go’aan ku garay inuu guursado xaas labaad maadaama ay san xafidi karin xoolahaan aad ka u badan  kaligood.

Odaygu wuxuna go’aansaday arrinta ku soo korortay maskaxdiisa ee ah guurka cusub in uu la wadaago xaaskiisa weyn, markii uu u sheegay way ka aqbashay maxaa yeelay waxay aad u dhibsan jirtay howsha ku fara badatay.

Muddo yar ka dib wuu guursaday iyadoo ay raalli ka yihiin qoyskiisii hore.

Haddaba muddo ka dib maxaa dhacay, waxaa dhacay in xaaskii weynaa ay dareento maseer yar yar ka dib markii ay aragtay in odaygii uu u jan jeersaday ama uu u batay dhinaca minyarada, waxayna billowday isla hadal iyo is hiifid ay hiifeyso nafsaddeeda waxayna deris la noqotay murugo iyo ciil.

waxay gaartay heer ay dul qaadan weysay, waayo gabadha minyarta ahi waxay ahayd qof ismacaaneyn badan oo mar waliba odayga hoosta kaga jirta, waxay is tustay in arrintan aysan ahayn mid sidaasi ku sii socon karta, waxayna go’aan satay in ay aaddo guriga kale ee minyarada.

balsa odaygii reerka oo kol horeba qabay dareenka maseyrka inuu iman doono ayaa fahmay in xaajiyaddu ay si wax ka yihiin, wuxuuna isku dayay in uu wax fahamsiiyo, balse arrintaasi ma noqon mid uu ku guuleysto oo hadalkiisa oo dhan way ka biyo diidday.

Odaygii wuxuu markale u sheegay inaysan ahayn inay xilligaan maseerto waayo howsha u taallo inay ka badan tahay wax ay iyaga keligood maamuli karaan loona baahan yahay in ay u helaan wax ka kaalmeeya howshaas sidoo kale inaysan meel suke aysan wax ka arag wuxuuna ka codsaday inay muujiso dhabar adeeg, ujeedkeygu ma ahayn in aan naag rabay ee waa inaad sidaas wax u fahantaa oo isdejisaa.

Balse mar kale lagama aqbalin hadalkaas, waayo waxaa ka weynaa arrinta maseyrka ee ku soo siyaaday hooyada min weynta ah.

Ugu dambeyn markii leys mari waayay xaajiyaddii min weynta ahayd gurigii iyo xoolihii way ka tagtay meeshuna waxay ahayd meel cidlo ah oo dagaallo badan ay ka dhacaan, waxay baxday xilli habeen madow ah,

Waxay socotaba ugu dambeyn waxay gashay meel mugdi ah way wareertay oo waxay kala garan weyday meesha ay socoto, waxay aragtay wax madoow oo ay kala garan weyday ma dadbaa mise waa dugaag, waxayna tiri ma jinbaa ma jarbaa mise jahawareer bay arrintaydu joogtaa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee odaygii reerku talo ayaa ku baahday markii uu la kulmay guri cidla ah iyo xoolihii oo kala maqan, wuxuu isweydiiyay tolow xaggey u carartay oo wiilkiina u xambaaratay? Murugo ayaa la soo deristay waxay ka gaartay alloow yaa mar kuu soo celiya iyo haddan warkeeda iska yeeli lahaa, waayo habartu waxay ahayd lafdhabarta gurigiisa iyo dhaqaalahiisa, xaaladduna waxay ka gaartay ar yaa mar ku tusa si aad ugu sheegto in aad ka soo rajuucday halkii hore.

Waagii markuu baryay ayuu raad guray balse wuxuu uga tabatagey meel cidla ah oo jiq ah oo bahallo dad cun ay ay buuxaan, wuxuuna halkii ugu sheegay in raacayo taladeeda naagtan minyarada ahna iska furayo iyaduna tahay hooyada guriga iskana cafiso waayo muddo badan ayay isla soo qariibeen, iyadana way ka aqbashay sidaas ayeyna gurigoodii ugu soo laabtee.

 

males ma aqbalin hadalkisa waayo aad bey u murugesned  ugu dam ben gurigi  wey katakatay balse waxa jirtay in ey mesha cidlo aheyd waayo waa mel dagal  kadhacay sasa owged halka ey degan yihin waa cidlo waxayn goaan ku gartay in ey haben madow baxdo  iskaka tag to meshan  ugu damben waa ey baxday balsa waxey socotoba waxay  Gashay mel muGdiya    waxayna kalagaran weysay mesha ey goga to waayo wixidhama wexey    kala garan weysay madad baa mase waa dugaga  waxeyn lasooboday  majin baa majarba mase jahwarerebey arin teydu jogta

WQ: Hiddaayo Cabdulle Caddoow

 

KA GANACSIGA GUDNIINKA GABDHAHA

Gudniinka gabdhuhu waa hab-dhaqan soo jireen ah oo ay caan ku yihiin qaar ka mid ah bulshoyinka Afrikaanka oo ay ka mid tahay Soomaalida.

Waa maxay ka ganacsiga gudniin? Waxaa jira dad ka ganacsada shaqadaa gudniinka oo lagu yaqaanno isla markaana loo geeyo, iyagoo qaadanayo qidmo lacageed haddey tahay gabadh ama wiil, balse maanta waxaan kaga hadleynaa maqaalkeenna gabdhaha oo si xun loo jar jaro xubintooda, waana halka uu dhibka badan ka taagan yahay.

Gudniinku wa nooc kasta oo lagu jarayo qeyb ka mid ah ama giddigiis qaarka sare ee xubinta taranka dumarka .

Gudniinka gabdha oo noocayadiisu kala duwanyihiin ayaa ah xad gudub iyo dhibaato joogta ah ay la kulmaan haweenka somaliyeed, xilliga ay yaryihiin balse dhibatadiisu ay tahay mid ay la nolaan donan inta cimrigooda oo uu jiro.

dhibtooyinka  ay kala kulmaan waxaa kamid ah

1 qalbi jab iyo walaac

2 hubanti la’aan oo keni karta dhiig bax ama dhibatoyin ku dhaca gabdha xilliga ay howsha gudniinka socoto.

3 xanuun ay kala kulman cadada.

4 xanuun iyo culays xilliga galmada ah.

5 kaadida oo dhib iyo xanuun ku ah.

6 xayiraad xilliga shaybaarka.

7 khatarta oo sii ballaarata xilliga dhalmada.

 

Gudniinka gabdha waxaa sababtay caado dhaqmeed so jireen ah taas oo ay haystaan ugu yaraan 29 dal oo afrikada saxaraha  koonfur ka xiga

sido kale waxaa laga isticmalaa, Yaman, Cumaan iyo Indoniisiya

Bulshooyinka ku dhaqma gudniinka waxa ay aminsanyihiiin inaysan  gabdhii aanan la gudin aysan nolal sharaf leh ku nolaan Karin

Ama goynta xubin caafimaad qabta oo jirkeeda ka mid ay ka qeyb qadanayso xakamayn  dareenkeda naf ahaaned ee gabdha haddaba isku so wada duubo

 

Maamul Puntland ayaa meel mariyey sharci dembi ka dhigaya gudniinka gabdhaha.

Sharcigan ayaa noqonaya kii ugu horreeeyey ee noociisa ah ee laga hirgaliyo Soomaaliya, kaas oo mamnuucaya nooc walba oo gudniinka gabdhaha ah, ayadoo ciddii ku xadgudubtana ay ciqaab mutaysan doonto.

W/Q: Sowda Cali Cumar.

SOOMAALAAY KHEYRAAD LAGA BAAHAN YAHAY MA ARAGTEEN

Dalkeena Soomaaliya waxuu ka mid yahay dalalka Adduunka ugu kheyraadka badan, uguna wanaagsan dhanka Cimilada.

wuxuu ku tiirsan yahay afar dhinac oo aad u baaxad-weyn, una wax-dheef badan oo kala ah Badda, Birriga oo bar iyo beer ka kooban, Macaadinta, iyo Shidaalka. Berriga waxaan ku dhaqannaa xoolo afar meesi ka kooban: Geela, Adhiga,Lo’da iyo Gammaanka oo dhammaantood inoo leh wax-tar aanay umadaha kale haysan, nasiibna u yeelan.

Waxaa noo sii dheer dhul cosob iyo carro-san ah oo beerashada oo ugu wanaagsan, dalag kastoo lagu tabcaahina uu si hagaagsan uga baxo oo barwaaqo iyo baad looga haago.

Dhanka badda ayana waxaa ceegaaga kalluun jaad walba leh oo ciiddaa ka badan, dalalka aduunka qaarkoodna aan badohooda laga helin ee inaga noo gaadh ah, wax-tar dhaqaale iyo mid calaf oo aad u balaadhanna inoo leh.

Seddaxdaa dhaqan-dhaqaale waxaa inoo weheliya shidaal iyo macdin uu dalkeenu hodan ku yahay oo meel walba muush ku ah, gal iyo goofna ka buuxda.

Sidoo kale waxaa illaahay ina dejiyay oo nagu makaniyay goob istaatiiji ah oo ganacsiga aduunka intiisa badan marin u ah, cid waliba ay isha ku hayso oo muhiimaddeeda lawada qirsan yahay.

Haddaba weydiintu waxay tahay ayadoo sidaa illaahay inoogu nimceeyay, kheyraadkaa faraha badanna laynagu cowryayo maxaa naga dhigay ceydh/cayr faraha madow oo aanu aduunyada u tuugsannaa? Jawaabtu waa mid adiga lagaa sugayo,balse dad badanni waxay rumaysanyihiin inaanu nolosha hal qaab oo xoolo dhaqasho ah ka fahamnay ee aynaan jaadadka kale ee kheyraadka wax quman ka aqoon.

xoolihiina ay nolosheenu ku tiirsanayd kolkay abaaro soo noq-noqday ina nacsiiyeenna aynu magaalooyinka caga caddaan ku soo galnay, dabadeedna illeen qaab-noleed xoolo dhaqasho ka duwan ma naqaane aan sidaa saboolnimo ku qaayibnay, gacmahana hoorsannay.

Sababi waa middaa, tu kalena waa buufis dal nacayb ah oo dhammaanteen inagu wada beeran, inaanay kheyraadkeena iimaansanno inoo diidan oo tahriib iyo tahluko inagu riixaya.

Qof kastoo inaga mida waxaa maskaxdiisa ka guuxaysa sidii uu dalalkaa reer galbeedka mar uun u caga dhigan lahaa, cayr iyo cood aanu cududdiisa kula soo bixinna fadhi ugu jadiiman lahaa.

Sidaa darteed, indheheenu ma arkaan barwaaqada Eebbe ina siiyay oo meel kale ayaan dhammaanteen ku sii jeednaa, nabad-galyo xumo beenana waan sheegganaa si aanu dalal shisheeye magan-gelyo iyo dib u dejin uga helno.

Tolow xillimaanu isku tashan doonnaa oo taysaha iyo dhaqaalaha Eebbe ina siiyay calfan doonnaa? Jawaabtu waa dhankaaga.

WQ: Abwaan Hareeri

GABAL-DHICII KHAWAARIJTA

Tan iyo intii Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisadu ay soo saareen go’aannadii adkaa ee ku saabsanaa cuna-qabateynta khawaarijta, ayaa waxaa dhaqaalo xumi aad u weyn soo food saartay khawaarijta argagixisada ah, taasoo durba saameysay awooddii ay markii hore ku lahaayeen goobihii ay ka joogeen gobollada dalka, iyagoo si weyn loo wiiqay awoodahoodi dhanka milateri iyo maaliyadeed, waxayna hadda marayaan heer gabo-gabo ah.

Khawaarijta ayaa hadda waxay awoodooda kusoo ururtay  gobollo fara ku tiris ah, waxaana laga fara maroojiyey inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka, sida gobollada ay ka koobanyihiin maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug oo guud ahaanba laga saaray marka laga reebo tuulooyin fara kutiris ah, iyagoo hadda lagu baacsanayo baadiyaha iyo keymaha ay ku dhuumaalaysanayaan, waxaana la dhihi karaa argagixisadu gobolladaas ama maamul goboleedyadaas waa loogu guulaystay waxaana hadda ku jiraan gabagabo iyo sifeyn.

Markii laga yimaado labadaas maamul-goboleed ee aan soo sheegnay, waxaa kaloo argagixisadu jab wey loogo geystay gobolka Shabeellada hoose ee maamul-goboleedka koonfur-galbeed oo laga saaray goobo badan oo ka mid ah, iyadoo inta dhiman ee gobolladaas ay kaga suganyihiina mardhow laga sifeyndoono sida horey ugu dhawaaqday dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horey ugu dhawaaqay in wajiga labaad ee dagaal lagula jiro argagixisada ka bilaaban doono maamul-goboleedka Koonfu-galbeed Soomaaliya, taasi oo hadda diyaargarowgeeda lagu jiro, iyadoo meelaha qaar ee kamid ah gobollada Bay iyo Bakool ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta argagixisada ah ee dhiigya-cabka ah, sidoo kale waxay howlgallada ay kasocdaan maamul-goboleedka Jubbaland oo asigana ku jira dadaaladii ugu dambeysay ee baacsiga khawaarijta.

Khawaarijta ayaa jab iyo halaag kasoo gaaray dhammaan dagaalladii ay lagaleen ciidamada xoogga iyo dadka shacabka ah ee hubkooda qaatay kadib markii ay u adkeysan waayeen dulmiga iyo hagardaamada ee in muddo ahba ku hayeen argagixisada arxan laawayaasha ah iyagoo si buuxda uga soo horjeestay go’aan mid ahna ku qaatay in guud ahaanba iska cirib tiraan mujrimiinta caadaystay dilka iyo boobka hantidooda, iyagoo markoodi horeba kula joogin rabitaankooda balse ay ku heysteen juujuub iyo caga jugleyn iyo iyagoo dadka qaar ku qalday inay wadaan diin iyo cadaalad taasi oo ah mid xaqiiqda ka fog.

Khawaarijta ayaa hadda maraysa maalmahooda ugu adkaa uguna dambeysay, kadib kolkii uu ku furmay dagaal  dhowr jaho ah oo aysan waligood ku fakirin in uu soo mari doono mid lamid ah midkan oo kale, waxaana dagaal kaga socdaa dhammaan jihooyinkii ay awoodda ka heli jireen, sida Dhaqaalaha oo ka soo wajahay jab weyn oo aysan filayn kana soo kaban doonin, waxaana laga xanibay dhammaan akoonadii lacagaha looga soo diri jiray. Dowadda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in dhammaan ilihii iyo akoonadii ay khawaarijtu dhaqaalaha usoo mari jiray laga wada xiray sidoo kale sim-kaaro lacag looga tuuri jirayna la xiray.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale la duldhigay amarro ah in khawaarijtu aan lasiin karin wax dhaqaale ah ciddii siisana ay talaabo adag laga qaadi doono, amaradaas oo iyagana miro-dhal noqday, shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale looga digay inay wax macaamil ah haba yaraatee ay la yeeshaan khawaarijta gabalkooda dhacay, iyagoo shacabka soomaaliyeed ay dowladdu la wadaagtay nambaro gaar ah oo ciddii xog khawaarij hesho ama weydiisata lacag ay soo wacaan si looga howlgalo gacantana looga soo dhigo argagixisada khawaarijta ee shacabka baadda.

Waxaa kale Khawaarijtu dagaal loogu furay dhanka fakirka, iyadoo wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diintana dowrkeeda la dagaalanka khawaarijta ay qaadatay, waxaana wasaaradda isugu yeertay casuumaadna u fidisay culimaa’udiinka Soomaaliyeed, waxaana shir ballaaran oo culimada iyo waxgaradka soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisaba lagu qabtay magaalada Muqadisho, iyadoo shir maalmo socday laga soo saaray war-murtiyeed lagu cadeeyey in argagixisadan magac diimeedka markii hore dad badan ku qalday ay yihiin Khawaarij ladagaalankooduna uu yahay waajib waxaana laysla qaatay in layka dhciyo oo aan loo kala harin si dalka iyo dadka looga badbaadiyo, waxayna culimadu cadeeyeen oo ay isku raaceen in khawaarijtu aysan laheyn daawo aan aheyn in lalaayo, isla markaana loo midoobo dagalkooda iyagoo sheegay in qofkii ay dilaan khawaarijtu ahl-janno yahay dilkoodana ajir laga helayo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa wixii ka dambeeyey dagaalka dhowrka jaho ah ee khawaarijta lagu qaaday isla markaana ay u cadaatay sida muhiimka ay u tahay la dagaalanka khawaarijta, waxay ku sii dhiiradeen dagaalka loogu soo horjeedo argagixisada waxayna bilaabeen in balad iyo baadiyo meeshii ku arkaan ay baacsadaan khawaarijta iyagoo u arka fursad aan mar kasta la heli karin oo ay tahay inay ka faa’ideystaan, waxaana lawada aaday meelihii lagu sheego khawaarij inuu ku dhuumanayo.

Amarrada isdabajoogga ah ee kasoo baxayo dowladda ayaa waxay sababtay in ganacsatadii markii hore lacagaha siin jirtay ay u diidaan lacagahooda iyagoo go’aansaday in khawaarij dambe lacag iska siin, taa badelkeedana ay iska dhiciyaan tasoo sababtay in khawaarijtu ay si sahlan oo dhaqsi ah u jabto waxaana la waayey meel dagaal lagula galay oo ay jab mooyee guul ka gaaraan waxaana meel walba waran meydadkooda iyagoo mararka qaarkood si naf la caari ah isasoo biimeeya kadibna meeshii lagu gumaado, waxaana hadda awoodooda kusoo uruurtay in ay xoolaha baadiyaha ku gowracaan iyo in meel  ay ogyihiin inaysan guul ka gaareyn isku haligaan.

Mar haddii Ilihii dhaqaale ee ay lacagaha ka heli jireen laga soo kansalay, shacabkiina ay fahmeen tabarta khawaarijta iyo waajibnimada in lala jihaado khawaarijta, culimadiina iyadoo wada jira ay cadeeyeen mowqifkooda diiniga ah, dadka Soomaaliyeedna si wadajir ah u buraarugeen dhibka khawaarijtu ku heysayna usii dulqaadan waayeen waxaa qof walbo Soomaali ah la gudboon inuu qeyb ka noqdo dagaalka lagula jiro argagixisada khawaarijta ah.

Iskusoo wada duubo, mar haddii dowlad soomaaliyeed oo awood u leh inay cagta mariso khawaarij, shacab u hiilan in dowladiisa ku garabsiiyo dagaalkaas diiniga ah, culimadii Soomaaliyeed oo mowqifkoodii cadeeyey shacbkuna u sheegay, khawaarijtii oo tabar beeshay dhan walbana ka jabtay, lagama yaabo inay argagixiso dambe kusii noolaato geyyiga soomaaliya, waxaana Alle ka baryeyaa inuu soo gabo-gaboobo gabood falkii ay ummadda ku hayeen gabalkooduna dhaqsi u dhaco, soomaaliya guul.

DALKA EDITORIAL

DILALKA QORSHEYSAN EE KHAWAARIJTA WADDO MAAHAN INAY SII SOCDAAN

Dad badan oo Shacabka Soomaaliyeed ka mid ah, ayaa laga yaabaa in Magaca khawaarij uu ku cusub yahay oo aynaan horey u maqal haday maqleena aysan aqoon micnaha waxa loola jeedo khawaarij. Micnaha khawaarij waa kuwa banaanka ka jooga diinta islaamka ee xaniifka ah, waa duul banaystay wax walboo Ilaahay xarrimay, sidaa dardeed, wax shaqo ah kuma lahan diin islaam oo dibad joog ayey ka yihiin, waxaa u fudud in muslimiinta si micno la’aan ah u dilaan, xoolahooda u dhacaan, sharafka iyo karaamada dadka ku xad gudbaan, waa koox aaminsan in dadka ay ka dhigaan kuwo u wada hogaansan oo ku qasban wixii ay usheegaan kaliya inay qaataan, wixii ka hor imaadana si fudud nafta u dhaafiyaan xoolahooduna ay u xalaalaystaan.

Ma ahan dad ogol in lala doodo, oo aaraa lays dhaafsado qofkii isku dayana waxaa meel u taala murtad baa tahay iyo in qoorta loo dheereeyo, kaaga darane iyagoo sameynayo intaas oo xumaan iyo xadgudub ah ayaa hadana waxay ku leeyihiin camalkan aan sameynayno Alle ayaan ugu dhawaanaynaa! waa yaabe ruux muslim ah dilkiisa miyaa Alle loogu dhawaada? xoolo islaam oo la xalaalayso miyaa Alle loogu dhawaadaa? Diintoo lagu xadgudbo miyaa Alle loogu dhawaadaa? Sharafka iyo Caqliga Ummadda oo lagu xadgudbo miyaa Alle loogu dhawaadaa?.

Jawaabaha Su’aalahaas iyo kuwo kaloo badan markaad u dhaba gasho una fiirsato  waxaa kuu soo baxaya  inay  yihiin qolo naftooda u qurxisay camal shaydaan kaasoo ka tuuray haadaan ay adagtahay kasoo laabashadiisa, waayo waxa ay khawaarijtu sameynayso ma ahan wax ay aqbali karto maskaxda fiyow ee aadanaha Alle ku rakibay ee shaqeysa. Mar haday saa tahay sidee ummad islaam ah boqolkiiba boqol, sunniyiin wada ah uga dhex noolaan karaan dad aaminsan fakirkan gurracan ee shaydaaniga ah? ma dhici karto in loo dulqaato waxa noocaas ah, dadka soomaaliyeedna waxaa ku waajib ah inay u istaagaan iska sifeynta wuxuushtan hororka ku ah naftooda, maalkooda una diidan horumarka iyo dowladnimo hanaqaada.

Khawaarijtu magac ahaan wey fara badan yihiin  balse hadduu Alle ogolaado waxaan ka tilmaami doonaa wixii Alle (SWT) ina waafajiyo si aan u gaarsiino ummadda soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol muslimka ah ee khawaarijtu maanta banaaneysteen dhiigooda, maalkooda, iyo waliba sharafkooda, si ay uga digtoonaadaan dhibaatada iyo hagardaamada joogtada ah ee ay ku hayaan kuwa usoo xirtay shaatiga diimeed si ay u qaldaan umadda Soomaaliyeed una xalaaleystaan naftooda iyo xoolahooda.

Magac khawaarij ma ahan mid cusub, waligood ayey jiri jireen balse waxaa laga yaabaa in waqtiyada ay joogaan ama ay  kusoo aadaan ay isla badalaan, waxaa dhici karta in wadanka ay waligood joogeen kuwo aamisan fikirka khawaarijta laakiin aysan heysan tabar ay wax ku haleeyaan ama ay qeybba ka ahaayeen dilalkii iyo dhibaatadii wadanka ka jirtay iyagoo qarsoon ama isticmaalaya magacyo kale ileen itaal darada jirtay awgeed cid baareysay majirine.

khawaarijtu dhaqamadooda waxaa ka mid ah waa jaanis gaad mar walbo waxay ku bulaalaan oo ay ku tarmaan meelaha ay ka jiraan fursadaha wax lagu qarbudi karo ee aan qaran ahaan iyo shacab ahaanba dadkeedu aysan isuraacsaneyn sidaas ayeyna fursad ugu heleen in dalka ay ku faafaan muddadii kala daadsanaanta dadka ka jirtay waxaana usuura gashay inay ka sameeyaan wax walbo ay rabeen.

Waa Alle mahaddii, in maanta lawada fahmay dowlad iyo shacabba ayna wada go’aansadeen sidii layskaga xoreyn lahaa dhibkooda iyo dhaqamaddoda qalafsan ee aan naxriista laheyn, waxaana hubaal ah mar haddii dowladeenu xoogeysatay shacabkiina kusoo jeestay ayna fahmeen waxa ay wadeen khawaarijtu inay ahaayeen wax ka fog diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee umadda soomaaliyeed astaanta u ahaa, mar haddii intaa laysku helayna lagama yaabo in khawaarij kusii noolaato Soomaaliya, waxaana inoo muuqata ifafaalaha inay ku jiraan maalmahoodi ugu dambeeyey.

Khawaarijtu ma ahan wax hadda uun soo bilowday, horey ayey u jirtay dunidana usoo martay, horey waxay usoo laayeen qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka kuwooda ugu waaweynaa uguna fadliga badnaa, sida Cusmaan bin cafaan iyo SayidCali Ilaahay haka wada raali noqdee oo lawada ogyahay qiimaha ay lahaayeen iyagoo kamid ahaa afartii khulafaa u raashidiin, islamarkaasna safka hore kaga jiray tobankii saxaabi ee iyagoo nool jannada loogu bishaareeyey, waxaa intaa ka daran khawaarijtu waxay aaminsaneyd in dilkooda Alle ugu dhawaanayaan!.

Qofka markuu maankiisu meel baas u jaheysto waa majnuun aan waxba kala ogeyn, muslimbaa dilayaa, maalkiisan dhacayaa, maatadan laynayaa, marasta iyo masaakiinta ayan xasuuqayaa, dilkooda ayan ilaahay ugu dhawaanayaa waa waxyaabo aan ku fakiri karin ruux Islaamnimo iska daaye xitaa Insaannimo ku jirto, dhaqannimada noocaas ah waxaa ku sifoobay oo astaan u ah khawaarijta, Alle waxan ka baryeynaa in ummadda dhaafiyo.

Dalka Editorial

 

 

AMNIGA CAASIMADDA IYO SIDII LOOGA DIFAACI LAHAA KHAWAARIIJTA

Waxaa mar walba habboon in la Feejignaado xilliyada dagaalladu ay ka jiraan dalka waayo khawaariijta waxay sameyn karaa waxa loo yaqaanno aarsi

Sidoo kale, haddii ay jiraan howgallo dagaal oo ka soconaya gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee ku teedsan caasimadda muqdisho.

Waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo abniga korna loo qaado, waayo waxaa laga yaabaa in jiho aan laga fileynin ay ka soo galaan cadowga islaamka oo ay dhabar jebin ku sameeyaan howlgallada maadaaba ay ciidamadu ku sii jeedaan gobollo iyo degmooyin ka fog gobolka banadir.

sidaas awadeed ayadoo ay is kashanayaan  dadweynaha gobolka banaadir iyo ciidamada qalabka sida waa iney  si wda jir ah u difaacaan gobolka banaadir iyo qaybaha uu ka kooban yahay, waana in howlgalladu ay hor kacaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo duqa magaalada xamar .

Waxay u baahan yahiin ciidamadu dhiirrigelin iyo isgarab istaag ay u  muujiyaan shacabka iyo madaxda dalka, waayo muqdisho waa muraayadda dalka laga eeganayay.

Magaalada muqdisho waxay u baahan tahay indho feejigan oo waddanimo, nabadda iyo dowladnimadu iskama yimaadan ee dad ayaa dhiigga u dadiyey oo naftooda u huray mana jirto barwaaqo meel iska ceegaagta oo aan waardiye la heyn.

haddaba todobaaddaan muqdisho waxaa ku soo batay qulqulka dadka soo galootiga ah ee ka yimid gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan waxayna qatarteeda haddii aysan jirin hubin iyo baaris ka dhan ah waxaa soo gala maalin kasta boqlaal dad ah oo aan la ogeyn waxa ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen.

Waxaa loo baahan yahay in xil la iska saaraa sidii loo maareyn lahaa abniga gobolka banaadir iyo degaamada ku dhow dhow waana in xal loo helaa dadka soo golootiga ah oo faraha badan oo dhan kasta ka soo gelaya magaalada.

Gaadmada cadowgu way nuucyo badan tahay laakiin ayadoon lagu talaxtegin walaalnimada soomaaliyeed oo aan dhibaato loo geysaneyn dadka wada dhashay ee isku asalka iyo diinta ah ayaa haddana loo baahan yahay in la sugo abniga waddanka iyo kan deegaanka gobolka baanaadir oo ah saldhiggii waddanka oo dhan iyo meesha looga taliyo oo adduunku noo aqoonsan yahay.

haddaba waxaan usoo jeedineynaa shacabka gobolka banaadir iyo madaxdooda in ay hurdada ka toosaan oo ay fahmaan waxa ka jira adduunka iyo dalkooda gudahiisa.

Waxay soomaalidu ku mahmaahdaa markii firo timaado ishaada ayaa gacanta la saartaa waana dadaal iyo difaacu nafsi haddaba waa digniin ee gobolka looga digayo habacsanaanta iska dhega tirka waxa ka socda dalka gudahiisa iyo siyasadda dibadda qaybta aan ku leenahay iyo dagaallada rogaal celiska ah oo duufaantu la ogeyn meesha ay dhigidoonto.

waxay soomaalidu ku mahmaahdaa culeys iyo dhibbadan haddii aad aragto aqligaaga ayaa la kulmiyaa waxayna tani u baahan tahay in ay soomaalidu kulmiyaan xooggooda iyo xoolahooda iyo maskaxdoodda, waxaa kale oo soomaalidu ku maahmaahdaa meeshii madax jiraa mijo loo laabaa.

sidaas awgeed, waa muhiim in ayadoo la fiirinayo waqtiga meesha uu marayo haddana la galo difaac  nafsi iyo in aad is uruuriso talo kama maarmo oo waxa hoggaamiya aqliga iyo cilmiga oo is kashanaya ee is jir waxa berri dhici kara.

Sidoo kale,  waxay soomaali ku maahmaahdaa geeridii galbeed laga sheego gondahaada ka day sidaas darted, u fiirso waxa ka jira gobollada iyo degmooyinka waddankeenna  iyo sida  dabeyluhu u dhacayaan iyo xilliga la marayo ha ku deeqdo waanadu walaalaha dalkeygoow.

WQ: Abwaan Gabayre

MAXAAN ISKU KHILAAFAYNA?!.

Dadka Muslimiinta ah waxaa badan, waxyaabaha mideeyo, la isku raacsanyahy, laguna kala tagsanayn, wixii ka soo haro, waxa ay u badan yihiin waxa la isku qabsado masaa’il faraceed uusan ku soo aroorin nas cad, ama tafsiirkiisa lagu kala geddisnaado.

Meelaha sixitaanka u baahan ee inbadan doodaha dhaliyo waxaa kamid ah; in masaa’ilka faraca ah la isku qabsado, wadaaddada ama xubnaha jamaacooyinka Islaaamiga ahne ay ku kala tagaan; arrimahaas oo u badan kuwa ay culimadii hore isku khilaafeen xaaraantinimadooda ama xalaalnimadooda, waajibnimadooda ama sunnanimadooda!.

Waxaad arkaysaa iyaga oo buuq badan ka dhalinayo, ama dagaal ka kicinayo arrimo khilaaf badan ka jiro, tusaale; Sii deynta garka, gaabinta ama xiiriddiisa, dheeraynta dharka ama gaabintiisa (ragga), gacmaha halka la saarayo xilliga salaadda la taaganyahay; xuddunta korkeeda ama xabadka!, Heesaha iyo aaladaha loo isticmaalo; xaaraan, xalaal mise wax la koho, sawirka iyo surashadiisa darbiyada, niqaabka dumarka iqk. Oo badan kuwaas oo dhammaantood markaad eegtid ah masaa’il horay iyo gadaal ba dood badan ka taagneyd, khilaaf badanne culimada kaga dhex jiray!.

Haddaba mushkiladdu ma ahan qofka, in uu baaritaankiisa kaga qanco ra’yi gaar ah oo ku saabsan mas’alada, balse dhibka aan tilmaamaya ayaa ah, in halbeeg lagaaga dhigo aragtidaada ku aaddan mas’alo farci ah, oo aad addoomada Illaahay ku xukuntid aragtida aad ka qabto mas’alo khilaafi ah, kadibne aad ka hadashid masiirkooda iyo xukunkooda aakhiro, mas’alooyinkaasne aad u aragtid sidii iyaga oo ah asaas caqiido oonan lagu kala tagi karin!.

Dadka noocaas ah halbeeg ay kugu xukumaan ayay kaaga dhigayaan mas’alooyinkaas iyaga oonan marne soo hadal qaadeyn inta ka badan ee la isku waafaqsanyahay, markaasuu ka tagayaa tiirarkii Iimaanki, Islaamka, Dhaqanka wanaagsan iyo akhlaaqda suubban ee lala soo diray suubbanaha SCW in uu dhammaystiro, waajibaadka la isku raacsanyahay iyo xaaraanta la isku raacsanyahay, waxa uuna wax walba u arkaa, dood ka kicinta iyo weydiimaha ku dhisan arrimahaas khilaafiga ah!.

Waxyaabaha aan u diiddanahay dadkaas:

  1. Jaceylka dood-kicinta: waxaa summad u ah dadka noocaas ah, in ay dood ka kiciyaan ku saabsan arrimaha la isku khilaaf sanyahay meel walba, masjidka, muxaadarooyinka iwm.

Waa dood sugid jiritaan ku dhisan iyo is-muujin joogid!.

  1. U-arkidda in aragtidooda uun sax tahay; arrintaas oo keensanayso isku qancid ay la jirto isla-weynin, waana u arkidda in aragtidaadu tahay sax aanan khalad noqon karin, halka aragtida qofka ka soo horjeedana tahay a khalad aanan sax noqon karin!. Waxa ayna kuwaaas inkirayaan ama is-inkirsiinayaan, in mas’alooyinka khilaafiga ah lagu kala aragti duwanaan karo, caalimka (Mujtahidka) ahne uu ku yeelan karo aragti isagoon caalim kale u daba fariisanayn, halka qofka caamiga ah ee aanan aqoon u lahayn cilmiga uu kaga dayan karo caalim dedaalay (Mujtahid) aragtidiisa!.
  2. Tixgelin la’aanta arrimaha la isku raacsanyahay: waxa aan ku lunnay waxaa kamid ah, in aan ku mashquulnay arrimo yaryar kuwaas oo naga indho tiray arrimo waaweynaa oo mudnaa tixgelin iyo weynayn, in sees iyo saldhig looga dhigo xukminta qofka; aragtidiisa ku aaddan mas’alo yar, waa indho la’aan jahli iyo marin haabid cad!.
  3. Jacayl buuq-dhalin iyo dood: Waxaan inbadan u fiirsaday in dadka noocaas ah, ay iska jecel yihiin buuqa, doodda iyo muranka, waana wax xun oo waqtiga oo ah waxa ugu qaalisan ee aan haysanno inbadan naga cunayo, dedaalladana baabi’iyo. Xadiis ayaa ahaa “Kama baadiyoobaan qawm hanuun ay ku sugnaayeen illaa waxaa ay lagu sallidaa dood!”. (Axmad iyo Tirmidi). Waxaana kamid ahaa hanuunkii Suubnaha SCW necbanaanta doodda iyo muranka.
  4. Isla-saxnaan indho la’aan ah: waxaana laga dhaxlaa is-cajabin iyo in uu qofka naftiisa u arko marwalba mid saxan. Waana wax aad u xun in qofka ka indho la’aado ceebihiisa, maanta dhanne uu arkayo ceebaha dadka kale.
  5. Ka malaysashada dadka wax xun: arrintan aad ayay u halis tahay, suubanahuna waxa uu noo dardaarmay ka maleysashada mu’miniinta wax wanaagsan. Nasiib darro, waxaan arkeynnaa in qofki lagu arko wax kamid ah masaa’ilka khilaafka ka jiro, iyada oo dadka qaar ay qofkii xukminayaan, oo ay ugu yeerayaan naanayso xun sida (Faasiq, calmaani, diinlaawe iwm.)!. qofki aad aragtid in uu surwaalkiisu dheeryahay kama dhigno in uu yahay qof xun, waxaaba dhici karto in uu kaa fiicanyahay, ee aan Illaahay ka cabsanno oo aan umadda isu soo dhaweeynno, inti aan kala fogeyn lahayn!.

WQ: Cabdicasiis Mubaarak.

MAXAA KA DHAXEEYA ISLAAMKA IYO FALAGGA?

Islaamku Masaadirtiisa saxiixa ah sida qur’aanka iyo sunada raacsan marna kama hor imaanin cilmiga iyo aqoonta dhab loo hubiyay ee aadanuhu ka gaaray sida ay u shaqeeyaan dunida rabbi abuuray iyo falagga la halmaala ee ay qorraxda iyo dayaxa iyo meerayaalka kalaba ka mid yihiin.

Waxaa kale oo in la ogaado mudan in asal uusan quraanku u imaan inuu dadka saynis baro, ee uu u yimid inuu dadka baro kuna xiro rabigii abuuray iyaga iyo dunidaba si ay u caabudaan, sayniska iyo aqoonta kalana Alle wuxuu u xilsaaray aadanaha maadaama uu dunida iyaga khaliif oga dhigay una yeelay caqli iyo garaad ay ku fahmi karaan kuna fududeysan karaan nolosha dunida.

Ilaahay wuxuu siiyay Aadanaha ishaarooyin iyo tilmaamo uu ku farayo insaanka in ay dunidan toodii tahay loona dulleeyay oo hayin looga dhigay  iyaga isla markaana loo fasaxay inay dabo iyo dacalba ugu socdaan soona ogaadaan siraha ku qarsoon kana faa’iidaystaan macluumaadka  ay soo fahmaan.

“Alle waa midka idinkaga yeelay dunida mid idiin dulleysan oo hayin idiin ah ee ku socda dacaladeeda oo cuna risqiga Alle xagiisa uun baa laydiin celin doonaaye”.

“Bani aadamkii waan karaameynay waxaanan ku xambaarnay bad iyo barriba oo waxaan ku irsaaqnay waxyaalaha wanwanaagsan,oo waxaan ka fadilnay oon ka saraysiinay waxyaalo badan oo wixii aan abuurnay ka mid ah”.

Sidaa darteed aadanaha Alle abuuray waligiiba fasax ayuu u qabay inuu la legdamo nolosha dunida oo uu ula falgalo hadba inta garaadkiisa korayo, islaamkuna ma hor istaagin ogaanshaha waxa cusub iyo aqoonta iyo tacliinta ee bal wuuba tirtirsiiyay oo dhiirigaliyay sida ku cad tacaaliimta diinta islaamka.

Arimaha falaga ku saabsan wali lama hayo aqoon soo korortay oo misna dhab loo hubiyay oo si cad loo oran karo islaamku wuu khilaafay.

Ilaahay dhulka iyo qoraxda iyo dayaxa iyoo meerayaasha kalaba meelo kala duwan ayuu oga hadlay waxna oga tilmaamay sida ay u shaqeeyaan.

“Ilaahay waa midka abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa mid kasta oo kuwaas ka mid ahina waxay dhex dabaashaan falag (orbit).

Culimada qaybtood waxay yiraahdeen habeen iyo maalin jismi leh oo qorraxda iyo dayaxa falag kula jira ma jiraan ee waxaa loo jeedaa waa halka habeenka iyo maalinta laga dareemo oo dhulka ah waayo dhulka weeye midka falaga kula dabaasha qorraxda iyo dayaxa iyo meerayaalka kalaba.

Haddii saynisku sheegay inuu dhulku wareego oo ay wareegaas ka dhashaan habeenka iyo maalinta, intaas quraanku ma diidin bal aayado laga fahmayo inay habeenka iyo maalinku qaab wareeg ah ku yimaadaan ayuu Alle quraanka ku sheegay.

“Samaawaadka iyo Arlada ayuu Alle si dhab ah u abuuray, wuxuuna qaab wareeg ah habeenka oga dul keenaa maalinta sidoo kalana wuxuu qaab wareeg ah maalinta oga dulkeenaa habeenka, waana midka sakhiray qorraxda iyo dayaxa oo mid kasta oo kuwa ka mid ahi wuxuu ku socdaa waqti jaan go’an oo xisaabsan, war baraaruga eh Allaha sidaas ah waa midka ay tiisa soconayso oo dambiyadana dhaafa”.

Saynisku wuxuu kol sii horaysay yiri qorraxdu ma socoto, kol danbe oon siiba dheereyna waxay xaqiijiyeen falagyahanadu inay qorraxdu socoto socod kadle oo kale ah oo u eg midka fardaha oo ay meel iyada u gaar ah ku samayso.

Quraankuna wuxuu yiri qorraxdu way socotaa socod kadlaha fardaha oo kale ah oo ay ku samayso meel iyada u gaar ah.

“Qoraxdu waxay ku oroddaa-kadleysaa-meel iyada u gaar ah, arintaasna waa jaangoyn Allaha casiiska ah ee cilmiga badan xagiisa ka ahaatay”.

Quraanku ma sheegin qorrax dunida dul meeraysata ee wuxuu sheegay qorrax ku dhaqdhaqaaqda meel iyada u gaar ah intaasna waa inta uu saynisku iminka ogaaday.

Waxaa jira qolo dadka ku khalda oo muslimiinta ku tashwiishiya in quraanku sheegay qorrax ku dhacda meel dhoobo ah iyaga oo khaldaya tafsiirka aayadda suuratu kahaf ku jirta ee ka sheekeynaysa aragtida dulqarneyn iyo safarkiisii uu ku kala bixiyay mashriq iyo maqrib.

“Ilaa uu gaaray dulqarneyn qorrax u dhac oo uu arkay qorraxdii oo ku dhacaysa badda ka shisheysa meesha isha dhoobada kulul leh ee uu ka helay dad degan halkaas….”

Sida muuqata aayadda waxa ay ka hadlayso waa aragtida dulqarneyn oo kolkii uu gaaray qorrax u dhac halka ugu dambaysa uu arkay qorraxdii oo u dhacaysa jihada biyaha ka dambeeya  il dhoobo kulul leh oo halkaas ku taallay, taasn waa sida adiga oo iminkaba istaaga xeebaha galbeed oo daawada kolka ay qorraxdu dhacayso waxay kuula muuqanaysaa inay biyaha badda gadaashooda ku dhacayso cml, waa aragtida aadanaha.

Bal iminkana ila arka sida uu ibnu kathiir oo mufasiriinta tafsiirka quraanka ku xeeldheer ka mid ah uu ku fasiray aayadda.

Ibnu kathiir wuxuu leeyahay waa aragtida dulqarneyn waxa ay aayaddu inoo cabirayso ee qorraxdu maba dhacdo oo falageedaa afaraad ma soo dhaafto…”

Ibnu kathiir marka uu sidaa lahaa waxaa iminka laga joogaa sideed boqol oo sano ka hor.

Ilaahay waxa uu ishaaro ku sheegay meelo kala duwan oo quraankiisa ka mid ahi waxyaalo ku saabsan falagga iyo inta ku jirta,wuxuu kaloo cadeeyay inay arimahaasi ku socdaan xisaab jaango’an oo qadaran,wuxuu kaloo cadeeyay inay wareega meerayaashaa qaarkood sida dhulka iyo dayaxu yihiin waxyaabaha ay ka dhashaan habeenka iyo maalintu qorraxduna ay tahay midda saameynteeda leh ee iftiinkeedu uu hadba dhanka ku aadan maalin tahay dhanka ka qarsoona ay habeen u tahay.

Waxaa kale oo wax iska cad   ah oo uu caqliga koraya ee ishaarooyinka ka faa’iidaysanaya fahmayaa in xisaabaadkaas jaanta go’an haddii uu u fiirsado uu bani aadamku ogaan karo waqtiyada ay ku soo aadi karaan waxyaabaha ka dhasha falagaas isla falgalaya ee xisaabta ku socda,sida waqtiyada dabayluhu isbadalayaan ama xiliyada meerayaasha isku aadayaan oo ay iska qarinayaan iftiinka cadceedda iyo midka dayaxa uu sida caksiga ah dhulka ugu soo celiyo ifkii uu qorraxda ka soo qaatay iwm.

Sida dhabta ahna aadanahu mar hore iyo mar dambaba wax bay ka fahamsanaayeen arintaas oo xitaa culimadii muslimiintu way ka hadleen sida qorrax iyo dayax madoobaadku u dhacaan.

Abdullahi ibnu cabaas kol uu fasirayay aayad ka mid ah aayadaha ka hadla xisaabta falagga  wuxuu yiri:-

“Qoraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab jaan go’an”.

Sidoo kale sheekh ibnu taymiya oo isna noolaa sideed qarni muddo ku siman wuxuu qorrax iyo dayax madoobaadka ka yiri:-

“Ibnu taymiya wuxuu yiri:qorax madoobaadku wuxuu inta badan dhacaa ayaamaha 28ka ama 29ka ama 30ka-waa tirsiga qamariga ahe-waayo xiliyadaas waa waqtiga uu dayaxa aad ugu dhow yahay qorraxda kolkaas ayuu dayaxa dhex galaa dhulka iyo qorraxda dhexdooda oo uu ka xijaabaa dhulka qaar iftiinka dayaxa ah.

Amaa dayax  madoobaadku waxa uu dhacaa oo kaliya xiliyada caddaha ah ee uu dayaxa buuxo waxayna inta badan ku beegantaa habeenada 13ka ama14ka ama 15ka.

Qoraxda iyo dayaxuba waxay ku socdaan xisaab go’an oo qadaran oo haddii loo dhabo galo la ogaan karo maalinba meesha ay marayaan iyo xiliga ay intay saani ama si yar isugu beegmaan ay iftiin dhulka ka wada qarin karaan ama qayb ka qarin karaan.

Ugu dambeyntii walaal waxaa xusid mudan oo in la fahmo loo baahan yahay inuusan islaamku marna ka horjeedin kororka aqoonta aadanaha iyo waxa ay tacaaliimtu iyo tijaabooyinku sugaan.

Xigasho: Uhiilinta Diinta Islaamka

Education website

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

DADKA MUSLIMIINTA AH BEEN MASHEEGAAN!

Beentu waa shay xaaraan ah, diinteena Islaamka ah waa ay reebtay sheegidda beenta waxaana si toos ah uga hadlay Quraanka Kariimka ah iyo Sunada Nabigeena naxariis iyo nabad galiyo dushiisa ha’ahaatee.

Beentu waa astaan lagu garto dadka xun xun, bulshada uu la nool yahay qofka been lowga ah majecla, sidaasi darteed qofka beenlowga ah waa qof xun oo si siman ay u karaah-sadaan Bulshada muslimka ah ee uu ku dhex noolyahay iyo kuwa aan muslim ka ahayn.

Nabigeena NNKH waxaa uu beenta ku daray calaamadaha lagu garto ruuxa munaafaqa ah, Ilaahey hanaga badbaadiyo munaafaqnimada’e.

Waayahaan dambe waxaa aad noogu soo soobatay beenta oo waxayba noqotay wax iska caadi ah, haddii aa nahay umad muslimiin ah nooma’aha beentu wax caadi ah ee waa shay Alle uu naga reebay waxaana nagu waajib ah inaan beenta iska dayno.

Ruuxa muslimka ah been masheego laakiin dambiyada kale waa ay ka dhicikaraan, beentu maaha astaan lagu yaqaan dadka muslimiinta ah.

Soomaalida waxaa ugu beenbadan kuwa siyaasiyiinta ah, marka ololaha ay ku jiraan balanqaadyo badan ayay sameeyaan, waxay ku dhaartaan inay dantooda ay ka hormarinayaan danta guud.

Bulshadeena Soomaaliyeed waxaa ku dhacay dhaqan badal, dhaqamo aan wanaagsanayan ayaa ku soo biiray iyada oo loo soo marsiinaayo aaladaha casriga ah ee warbaahinta sida TV-yada, Taleefanada gacanta iyo Internet-ka.

Beenta la qurxiyay ee magaca nalooga badalay waxaa kamida ‘’Barankiga’’, Baraha bulshadu ay kuwada xiriirto waxaa aad ugu badan jilidda Barankiga, waxaad arkee ruux kaamiro u soo qaatay magaalada si uu baranki ugu sameeyo Bulshada asaga oo rabo in uu dadka uga qoslisiiyo ama uu daawadayaal badan u helo.

Ruuxa muslimka ah waxaa looga baahanayahay inuu katago waxyaabaha aan anfacayn noloshiisa iyo bulshadauu la noolyahay, aqriste ka bilow naftaada oo noqo marwalba mid runta un sheega saaxiibadaadana ku dhiirri gali runsheegidda.

WQ: Muuse Cabdinuur Maxaamud