CAASINIMADU WAA DANBIGA LABAAD EE UGU WAYN DHANKA DIINTA ISLAAMKA

Sidaasi oo ay tahay tiknooloojiyada cusubi waxay ka qeyb qaadatay inay caasinimadu faafto

Diinteena suuban ee Islaamku waxay amartay in loo sama falo labada waalid haday muslimiin yihiin iyo hadaysan ahaynba waxayna ka digtay in loola dhaqmo qaab aan wanaag sanayn.

Caalamka waxaa aad ugu soo badanayay waagii dambe Caasinimada, Soomaalida oo ah dad boqolkiiba boqol muslimiin ah ayaa kamida dadka uu aad ugu soo badanayay caasi waalidnimada taasi oo ah mid ay sababtay  tiknooloojiyadda caalamka ku soo korortay .

Dhalin yarada soomaaliyeed ayaa ah kuwo aad ugu xiran aaladaha lagu xiriiro ee Internaydka sida Face book, twitter, Tik tok, Instgramka iyo kuwo kale oo badan kuwaas oo dhamaan tood dadka caalamka joogaa ay ugu wada xiriiraan sidii dad hal qol kuwada jira, waxaana halkaasi la isku dhaaf sadaa dhaqamo kala duwan .

Soomaalida oo leh dhaqan waagsan oo soo jireen ah, waa faqsanna diinteenta islaamka ayaa waxaad moodaa in duulaan badan lagu hayo ayada oo loo isticmaalayo ama loo soo marayo aa ladaha lagu wada xiriiro ee aan kor ku soo sheegay, waxaana jira filimo ay aad ugu xiran yihiin dhalin yarada kuwaasi oo ay ku jiraan dhaqamo xun xun sida caasinimada.

Musalsaladu waa kuwa ugu badan ee laga daawado guryaha soomaalida, badan kood guryaha soomaalida telefeshin ayaa yaal, caruurta aadka u yaryar ee guriga lagu hayo ayaa kamida dadka filimiintaas wax ka daawada hadhow marka ay soo aqli yaystaan waxa ay u dhaqmayaan sidii dadkii ay filimiinta ka dawaan jireen, ilmaha ayaa waalidkood ku af celinaya, sababtoo ah waxay dhalada ka soo daawadeen ciyaalka filimka jilaya oo waalid kood ku af celinaya.

Caruurtaas yaryar markay waa waynaadaan waxay noqonayaan ku waalid kood ku caasiya, hadaba waxaa laga rabaa waalidka inay caruurtooda tarabiyeeyaan marka ay yaryar yihiin baraanna diinta islaaamka iyo dhaqan kooda wanaagsan ee Soomaaliyeed si ay marka ay waa waynaadaan u noqdaan kuwo waalid kood adeeca.

Diinteenna islaamku waxay sheektay qof caasi ah inuusan galayn Jannada hadaba hadii aad rabtid inaad gasho jannada ha noqon mid ku caasiyooba labadiisa waalid, sidoo kale diinta Islaamku waxay sheektay inay Janadu ku jirto Hooyo labadeeda cagood hoosteeda.

Hadaba, aqriste hadii ay kuu nool yihiin labadaada waalid ama mid kamida ka faa’idayso, Jannadu waxay ku jirtaa u sama falidooda, haday labaduba kaa dhinteen u ducee sadaqana u bixi waxay kamid tahay sama falkooda.

WQ: Muuse Cabdinuur Maxamuud

 

 

 

WADA JIRKA IYO IS WALAASHIGAA WANAAG BADAN LAGA HELAA

Si kasta oo ay buulshadu uga dhisan tahay dhinacyda waxbarashada isla markaana ay leedahay hammi ay ku tiigsato dadyowga kale hadana marna ma muuqaneyso horumar baaxad leh oo sida dadka kale ay nolosha ka gaari karto.

Nolosha waa isku duubni iyo wadajir mana jirto ummad kala firirsan oo hadana horumartay taasna waa wax hubaal ahaan aan dhicin oo weli dumida soo marin.

Maxay yihiin waxyaabaha bulshada Soomaalida ka hor taagan in ay is raacaan?

Soomaalida sideedaba waa dad aan ka harin oo weli daba taagan qabyaalad iyo in ay dhexdeeda ka shaqeyso is khilaaf iyo wax sii kala fogeynaya .

Sidoo kalena waxay soomaalida dhaafi la’ dahay nin jecleysi iyo eex dhexdeeda ah taas oo abuurtay in kooxba kooxda kale diido oo ka horjeesato xitaa haddii kuwa ay ka horjeeddo ay wanaag ka shaqeynayaan.

Waxaa soomaalida dib u dhigay is huruufid beel beel ku dhisan iyo is weyneyn kooxba tan kale iska weyneyso.

Siyaasadda soomaalida lafteeda waxaa ku jira mucaarnimo iyo iska horjeed aan inta badan ku taagneyn ujeeddo iyo mabda’ siyaasadeed balse u badan iska daba wareeg iyo hadalo iska tuur tuur ah.

Arrimahan oo dhan waxaa isku fuuqsanaya hannaanka wax qeybsiga ee loo yaqaano 4.5 oo isna noqday furaha caqabadda soomaalidu isu raaci la’dahay kaas oo saameeeyey meel kasta oo nolosha soomaalida ah.

Caqabadan Soomaalidu ma hayaan meel ay uga gudbaan waxayna noqotay mid ay ku warwareegaan iyagoo arkaya in ay kal jebeineyso Soomaalida.

Colaadaha sii daba dheeraaday laftooda waxba ulama harin Soomaalida oo waa kuwa keenay in weli Soomaalidu kala irdhoownaato oo is aaminkoodu adkaado waxayna colaaduhu dalka sii galinayaan haadaan aanu ka soo laaban Karin.

Inkastoo dalku muddooyinkii dambe ay jireen rajooyin dadka hammi galin karay dadka oo ay soo if baxday awooddii dowladnimo hadana weli waxaa jira kuwo aaney u muuqan oo ku fekeraya in dhibaatada iyo kala jabka Soomaalida uu sii socdo.

Marka laga reebo cadowyada dibedda hadana waxaa Soomaalida cadowgaas u soo wehliya mid gudaha ah iyo dad aan ku fekereyn in wadajirka uu yahay wanaag balse ka doorbidaya danahooda gaarka in ay fushadaan halkii danta qaranku ku jirtay ka weecanaya .

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida waxay u baahan tahay midnimo iyo wadajir ee uma baahna xilligan kala tag  iyo is colleysi hor leh waana arrin u baahan in si dhab ah looga fekero dalkana laga qabto kuwa heysta fikradaha gurracan ee lagu kala geynayo wadajirka Soomaalida xilli ay baahi weyn u qabto Soomaalidu in ay is raacdo oo danaheeda si wadajir ah uga shaqeyso.

WQ: Mohamed Hassan

 

 

DANTEENNU WAA INAY DANTA GUUD KA HORREYSO

Damac iyo hunguri kasta oo ku haya Waxaa lagu dabbaqaa ama isbarbar dhig lagu sameeyaa midda kuu sharaf iyo qiimo badan haddii aad shirka la tagto.

Waxaa aad u wanaag badan danta ummadda inaad hor mariso si bulshadu kuugu duceyso aakhiro iyo adduunba marka ay hagaagto danta guud Waxaa hooteeda yaalla adduun fara badan oo ka soo haray oo ah danta gaarka ah waxaadna ka heleysaa waxaad dooneyso wax ka badan.

Waxaa intaas kuu dheer duco iyo kheyraad ka fara badan waayo soomaaliada waxay ku mahmaahdaa ducada wey soo duxdaa dhib iyo harraad kasta oo aaed marto mar haddaad duceysan tahay oo aad danta guud ka shaqeyso adigoo dantaadii haya ayaa hadana ducadu kuu dheer tahay waxaana heleysaa xil iyo mas’uul waxaad rabtay oo kheyr badan.

Waxaa dhibaato ah marka uu damac ku qaado ee aad ku ceebowdo goob kasta oo la joogo oo laguugu tilmaamo kii hunguriga weynaa taariikhdana wax bay kaa qoreysaa.

Qofyahow isku day in taariikhdu wax kaa qorin xaqa la safo iyo dulqaadka , tanasul haddii dhibaato timaado , tanasulka Waxaa uu ka mid yahay dulqaadka iyo iimaanka.

Talo kasta oo aad hagaajiso wanaag ayaa kaaga kordhi doona laakiin xumaanta dhaxal fiican ma laha oo weliba waa taariikh xumo iyo goobaha la fadhiisto oo looga sheekeysto xumaantaada.

Waxaa kale oo Bulshada hadal heyteeda daadihin doonta qof kasta oo arrimaha soomaaliya meel wanaagsan ka istaaga laakiin hadda waxay hadal hayaan maxaa soo yeeri doona , side wax noqon doonaan .

Inta badan ee waaya aragga ah duco ayey u daba mariyaan faallooyinkooda ay is dhaafsadaan waxaana halkaa ku yaraanaya afkaarihii kala duwanaa ee ay kala wateen Bulshada.

Guntii iyo gabagabadii, waa in mahuumta faraha badan iyo hanqal taagga ururada kala jeeda waa in laga haro iyadoo soomaalidu ka sugeyso in ay nabadda salka u dhigaan.

Waxaan indhaha laga qarsan Karin mar kasta oo la soo qaado arrimo nabadeed iyo shirar Waxaa weerar soo qaada cadowga gudaha iyo dibedda waxay inta badan wax ka qoraan hadalheynta nabadda sidii ay u kala tuuri lahaayeen waxaadna arkeysaa markaad akhriso been abuur fara badan, isku dir iyo kala fogeyn.

Si kastaba ha noqotee waxay arrintan u baahan tahay dulqaad tanaasul iyo wax wada qabsi iyadoo indho furan lagu eegayo danya guud iyo xaaladuhu halka ay marayaan si aan cadowga nooga faa’ideysan.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

MA OGTAHAY INUU DALKU ABAAL KUGU LEEYAHAY?

Qofka soomaaliga ah maanta ma jirto meel aan dalkiisa aheyn oo uu si nabdoon ugu ladi karo ama raaxo ugu seexan karo welwel la’aan xitaa haddii uu joogo meesha caalamka ugu qanisan ayna taallo hantida ugu badan.

Ma jiro meel u dhaami karta dalkiisa waayo isagaa leh isagaana ku nool oo uu dalku wax walba ka sugayaa.

Dalkaada oo aad dhisato kana shaqeyso horumarkiisa ma jiro wax kaaga wanaagsan hase yeeshee ma wacna in aad ka shaqeyso dalkaaga waxyeeladiisa iyo lug gooyadiisa waayo haddii aad dalkaaga burburiso dal kale ma dhiseysid mana jirto cid ku aamini karta .

Ogow dalkaagu waa ku soo abaal gashaday oo waxaad wax  ku tahay abaalkii uu kuu soo galay waayo waxaad wax ku noqotay oo aad wax kus oo baratay canshuurtiisa.

Dalkii aad canshuurtiisa wax ku soo baratay weli aheyd canshuurta laga qaadayey hooyada yaanyada suuqa ku iibisa haddii aad ku abaal dhacdo waxaa cad in aadan marna faa’ido ka heli doonin.

Dhibka aad u geysato dalkaagana adiga ayey kaa go’an tahay waayo kuwa dhibaatoonaya waa walaakaa, hooyadaa , aabahaa iyo walaashaa, ma jirto cid kale oo aad waxyeelo u geysaneyso.

Si kasta oo aad isugu daydo in aad xaqiiqda ka weecato ma hureysid dalkaaga isaga ayaana kuu dambeeya maal kasta oo aad joogto .

Ogow dalkaagu abaal buu kugu leeyahay maanta haddii aad arki weyso abaalkaas ama aad gudi weyso waxaad garan doontaa maalin kale oo aad ka shalleyn doonto dhibtii aad u geysatay.

WQ: Mohamed Hassan

 

MAXAA DIIDAYA IS CAFINTA INAAN SII KORDHINO?

Cafiska waa arrin qiimo badan oo mudnaantiisa leh..waana arrin muhiim marka loo eego waxa dadka ka dhex dhaca.

Bini’aadamka ayaa sidiisaba u sameysan khilaaf iyo in uu isku dhaco ..waxaa la yiraahdaa taas ka sokow “xitaa carrab iyo ilko waa is qoomaan”.

Kuwa dadka isugu dhow oo ah nin iyo xaaskiis waa is qoomaan, waxayse u baahan yihiin heshiis iyo iscafis. Ka waran ummad dhan oo is qoontay , is dishay oo aan waxba isu reebin.

Ma xuma in is cafin iyo dib u heshiisiin loo dalbo dhexdoodana laga baadi goobo hese yeeshee sow ma aheyn in hanta gunta laga soo tolo oo la raadiyo gunta iyo asaaska wixii dhacay iyo waxa ka dambeeya.

Cafis aan sida kii K/Afrika hoosta laga soo xalin ma ka suurta gali karaa dal sida Soomaaliya 26 sano ka badan la isku tacadinayey welina uu tacadigii socdo oo aan sinaba loo xalin.

Soomalida ma ah sida dadka reer Rwanda mana aha dad qalbi furan waxaadna ka garan kartaa arrin yar oo dhacday ayaa labo reer isu heynayaan labaaatameeyo sano oo haddii wax kale ka dhex dhacaan isu soo qaadayaan iyadoo la leeyahay “Berigii..deyrtii xilligaa aheyd ….” Taas oo lama ilaabaan ka dhigeysa wixi dhacay.

Utun walba waxay ka dhigayaan Soomaalida mid taagan oo calool xumada kama tanaasulaan..waana midda iscafis ay sameyaan ka dhigeysa wax adag.

Qofka wax cafiya waxay u arkaan qof jilicsan oo liita laakiin taas bedelkeeda qofka wax cafin kara waa qof adag oo dhiirranaan leh.

Geesinimadu ma aha is adkeyn aan waxba soo kordhineyn laakiin in aan wax cafin karto oo qofkii aabahaa dilay saxan wax kula cuni karto.

Intee boqolkiiba Soomaalida geesinimaadaas leh..runtii aad bey u yar tahay …Mujtamaca Soomaalidana geesiyaal noocaas ah in laga helo waa aarin dhif ah.

Waa wax loo baahan yahay in Soomaalidu barato isna barto cafiska iyo dib u heshiisiinta …

Weli nolosha Soomaalida kuma dhex arkin hadal heyn cafis in la is cafiyo marka laga reebo maalmo dhow laakiin hadalheynta arrintaa ma yeelan saameyn badan in kastoo warbaahinta soo hadal qaaday .

Weli waxaa muuqata in biseyl aanu jirin oo weli gowshaha la isku riiqayo ..dibna loo eegeynin wixii laga dhaxlay waran waran ku taag iyo in xuquuqo badan oo dad lahaayeen laga tallaabsado , la duudsiyo , tacadiga la galayna aan la qiran.

WQ: Maxamed Shiil

 

CUDURKA DAACUUNKA IYO SIDA LOO DAWEEYO

Daacuunka waa Cudur halis ah, oo si fudud ugu fida meelaha ay ku jiraan xaaladaha nadaafad darro iyo faayo dhowr la’aanta, isla markaana biyaha la cabbo ay wasakh yihiin.

Daacuunka waxaa keena Bakteeriyada Febriyo Koleera, marka ay saameyn ku yeelato Mindhicirka caloosha qofka.

Inta badan Daacuunku waa cudur soo raaca biyaha wasakheysan, bakteeriyada Daacuunka waxaa laga helaa saxaro ku dhacday biyo aan la daaweyn, qof kasta oo caba biyaha wasakheysan, waxay u badan yihiin inuu qaado cudurka daacuun caloolaha.

Duqsiga guryaha, waxa uu fidiyaa daacuunka marka uu ku fariisto saxarada kaddibna uu dul fuulo cuntada uu qofka cunayo.

Sidaa darteed, duqsiga, wuxuu bakteeriyada daacuunka ka soo qaadaa saxarada una gudbiyaa cuntada qofka cunayo. Astaamaha Cudurka Daacuunka waa – Shuban biyood u eg Biyaha Bariiska. – Matag – Addimaha oo soo kaga.

– Fuuq bax keena maqaarka oo qallala. Haddii aan deg deg loo daweyn bukaanka fuuq baxaya wuxuu ku keeni karaa geeri saacado gudohood. Habka iyo sida loo daweyn karo Cuduka Daacuunka:-

  • in bukaanka la karatiilo.
  • In saxarada iyo mataga daawo lagu shubo in aan la qubin ka hor.
  • In lagu jiifiyo sariir meesha daba ku beegan ka duleesho lana hoos dhigo baaldi ama sakeel.
  • In si fiican loo nadiifiyo mar kasta oo la daweeyo Bukaanka.
  • In Bukaanka la siiyo biyaha ORS-ta oo la yiraahdo milanka fuux celinta ee afka laga qaato.

Sida loo diyaariyo biya ORS-ta waa in biyaha lagu daro cusbo iyo sonkor, dabadeedna la isku kar kariyo marka uu qaboobana la siiyo.

Ilmaha Yar, waxaa la siinayaa malqacad muggeed daqiiqad kasta qof weynina 3 malqacadood.

Dhinaca kalana, waxaa la siinayaa antibiyood, si uu bakteeriyada cudurka keentay meesha looga saaro.

WD: Mursal

 

BADAHU WAA KEYD CUNTO OO ALLE NOOGU DEEQAY

y si howl Haddii aad u fiirsatid oogada dhulka aan ku nool nahay, waxaa ogaaneysaa in 75% ay tahay biyo ama bad, dhinac kasta nooga wareegsan.

Badahu ma ahan kuwo kala go’an ee waa badweyn qura, oo qeybaheeda kala duwan loo bixiyay magacyo kala duwan, sida : Badweynta Hindiya Badweynta Atlaantikada Badweynta Basifikada Badweynta Artikada Badaha naga xigaan afarta jiho, oo kala ah:-

Bari Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Badaha waxay ka abuurmeen duufaantii lagu halaagay qoomkii Nebi Nuux ee la oran jiray reer binu Rasiis, ka dib markii laga quustay inay nabigii loo diray ee Nuux (Cs) rumeeyaan, sida ahlu siira sheegayaan, waana biyihii ka soo burqaday samada, balse dhulka waxaa la amray inuu liqo biyahiisa, waxaana la tilmaamay in biyuhu weli muuqato carada ay u qabaan qoomkii loo soo diray.

Sidoo kale, badahu waxay u leeyihiin nolosha dunnida, gaar ahaan nolosha bani’aadamka, waxay u yihiin marin ama waddo lagu safro marka la isugu gudbaayo dunnida daafaheeda.

Badaha waxaa laga helaa, cunto iyo kheyraad kale sida macdan iyo shidaal. Badaha ka faa’iideysigooda wuxuu u baahnan yahay aqoon iyo qalab casri ah oo laga soo saaro kheyraadka kale duwan eek u jira.

Marka uu qofku xirneyn qalabka maquurashada, wuxuu biyaha ku dhex jiri kara laba ilaa saddex daqiiqo, mana gaari karo meel fog ama qoto dheer. Hase yeeshee, waxay saynisyahannadu qalab ka caawiya qofka maquurashada badda, oo u oggollaanaya in uu gaaro meelqoto dheer, muddo dheerna ku jiri karo badda gunteeda, si ay waxyaalo badan u soo fiirsadaan, oo aqoon uga soo kororsadaan.

qalabka maquurashada waxaa ka mid ah mid qofka u suura gelinaya inuu gaaro meel qotadeedu gaareyso ilaa 250 fuudh ah, qalabkani wuxuu ka kooban yahay laba taangi oo soo gaarta qofka maquuranaya, qofku wuxuu kaloo xirtaa muraayad ballaaran, oo si wanaagsan wax uga arki karo biyaha dhexdooda, raga maquurta waxay kaloo xirtaan kobo af ballaaran, oo usuuro gelinaya inayar oo dhaqso leh u dabaashaan, Haddii qabow yihiin ama meel dheer gaarayo, waxay xirtaan lebis rabar ah ama gudmo ah oo dhaxanta ka celinaya.

In kastoo qalabka maquurashada uu qofka dabaalyahanka ah u suura gelinayo inuu muddo dheer badda dhexdeeda ku jiro, haddana ma aha muquurashadu wax sahlan sida loo maleynayo.

Mowjadaha hirarka baddu, waa biyo socda oo sida kuwa togagga u dhex mara badweynta, qaar wey qabow yihiin, kuwana way diiran yihiin marka loo eego biyaha badweynta ay dhex marayaan.

Tamarta ay ku socdaan waxaa la sheegay inay ka helaan qorraxda iyo dabeysha. Dadka xeebaha deggani waxay arkeen in 24 saacba laba jeer baddu soo buuxsanto, laba jeerna caarido, heerka buuxa iyo caariga ee ay gaaraan kala duwan yahay heerkii shalay uu gaaray buuxu ma gaaro manta.

WQ: Dr-Maxamed Isaaq Mursal.

 

 

KHAWAARIJ KHILAAF MOOYE MA LAHA WAX KHEYR AH.

Kooxda Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo ayaa waxa gaaray jab iyo Khasaarihii ugu badnaa ee lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay qaybo ka mid ah gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Mudug iyo Galgaduud oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada hirshabeelle iyo galmudug.

Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay soomaalida waxaa jid iyo jaho u diiday ururka argagaxisada khawaariijta al-shabaab waxayna ku sameeyeen bulshada soomaaliyeed waxaan horay loo arag oo aan sheeko lagu maqal, waxaana ka mid ahaa qaraxyo aan loo meeldeyin oo ay la beegsadeen shacabka soomaaliyeed si aan kala sooc laheyn, hanjabaadyo, bahdil, anaga na adeec, amiirka hadalkiisa kama hor imaan kartid, canshuur xoog ah iyo weliba waxaan ilaahey awood u siin sida dhaca, dilka, kufsiga iyo xoog ku guursiga hablaha soomaaliyeed oo ay xalaashadeen, gabdho aabbayaalkodii joogaan.

Sidoo kale wax garadka soomaaliyeed ku qasbay oo ay waxay doonayaan ay ku qasbaan amuurta muragada leh ee aan illoobi karin, xoog ku maquuninta ummad soo taagan in waxaan sharci iyo heshiis aheyn ama lagu wax yeelleyo naftooda iyo maalkooda taasoo ah waxaan shircigu u banneyn xulashada wiilasha yaryar ee garaadkodu ku fineyn iyo dambiileyaasha mooryaanta ah ka cararay ummaddii ay dembiga kagaleen ayey urursadaan dadkana ku laayaan waxay u sheegaan oo kaliya.

Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo ayaa waxa gaaray Khasaarihii ugu badnaa ee lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay qaybo ka mid ah goballada Hiiraan,Shabeellaha dhexe,Shabeellaha Hoose, Mudug iyo Galgaduud.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu khawaarijta ku gaaray dagaalo ka dhacay labada gobal ee Hirshabeelle, markii ay is wajaheen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo kuwa ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijta.

Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo Khawaariij ah Lixdii bilood ee u dambeysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka Qaranka ayadoo isla howlgalladaasi sidoo kale lagu dhaawacay in kumaan kun oo Maleeshiyaad ah.

Hadda ba khawaariijta oo xamili waayay culaysak gulufka dagaal ee lagu ekeeyey ayaa dhexdooda waxa ka dhashay kala shaki iyo In ay si toos ah isu beegsadaan,10-kii bisha January kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa kadib markii uu dagaal toos ah dhex maray laba garab oo Khawaarijta ka tirsan, sidoo kale waxa dagaalka lagu qaarijiyey Afar kale oo ka mid ah Maleeshiyaadka ku heybta ahaa Horjoogaha la khaarijiyey dhinaca kale iyagana dhankooda laga dilay Afar ruux taasi oo qasaaraha guud ee Khawaarijtu iskaga dileen ka dhigeysa 8 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge sare oo kooxda ka tirsan,isla bilowgii bisha janaury dagaal dhex maray kooxda Khawaarijta dhexdooda ayaa lagu khaawarajiyey horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda ka dib markii ay ku dagaalameen

deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayadoo dagaalkaasina ay khawaarijtu isaga dileen 10 khawaariijta ka tirsanaa.

Waxa sidoo kale Deegaano ka tirsan gobalka Mudug oo si weyn uu uga soo ifbaxay khilaafka Khawaarijta oo markii dambe gaaray inay dhexdooda dagaalamaan ayaa horjoogayaasha ku xayiran oo aan ogaanay waxaa ka mid ah: Horjooge Xuseen Cali Fiidow, Horjooge Cali Ibraahim Geesay “Cali Rooti” horjooge C/laahi Jeeri iyo kuwa kale.

Xogo ay heshay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in horjoogayaasha Khawaarijta ay amaro ku soo rogeen meelaha ay wali haraadiga ku yihiin, waxaana ammaradaasi ka mid ah.

  • In la joojiyay isku socodka Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee deegaanada ay markii hore isaga gudbi jireen. Amarkaan ayaa ka dhaqan galay, magaalooyinka Saakow, Kuunyo Baraow, Jilib iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobalka Mudug.

Horjooge lagu magacaabo Buqaari oo kooxda u qaabilsan Maleeshiyaadka dabagalka oo ay ugu yeeraan Kooxda Mutaabacada, toosna uga amar qaata Horjooge Axmed Diiriye ayaa la sheegay in dhammaan horjoogayaashii kale iyo maleeshiyaadka uu amar ku siiyay qof kasta oo ka baxaysa Magaalooyinka Saakow iyo Jilib inuu haysto warqad ogolaansho ah oo ay magaalada uga bixi karaan, sidoo kale wuxuu amray in labadaan magaalo aysan qofna soo gali Karin, taas oo muujinaysa inta ay la egtahay cabsida soo wajahday Khawaarijta.

Dhinaca kale Dad goob joogayaal aha ayaa inoo sheegay in dhaawacyo badan ay dhammaystireen kooxda khawariijtu tan oo sii hurisay khilaafaadka dhexdooda oo noqday mid gaaraya heerkii ugu sareeyey,

Geesta kalena Khilaafkan ayaa sababay in ay hakad gasho wada shaqayntii qaar ka tirsan horjoogayaasha sar sare ee kooxda tan oo qaarkood ku khasabtay in ay isu so dhiibaan ciidamada dowladda iyo laammaha Amniga.

WQ:  Dalka EDITORIAL

 

BOGGA DALJIR GXX103 ———————————————————————————————–CIIDANKA NISA OO DILAY 20 KA TIRSANAA KHAWAARIJTA

Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada Caalamiga ah ayaa howlgal ka dhacay degaanka Shaw ee galbeedka gobolka Hiiraan ku dilay 20 ka mid ah Khawaarijta.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday Gaari nooca Homey-da loo yaqaanna ah oo ay saarnaayeen malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka la laayay ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka soo firxaday howlgalkii shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoos tagta degmada Mahaddaay ee gobalka Shabeellada dhexe.

——————————————————————————————————————————————CIIDANKA JUBBALAND IYO ATMIS OO BURBURIYAY GOOBO AY KU DHUUMAALEYSANAYEEN KHAWAARIJTA

Kismaayo- Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa howlgalka ATMIS ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo ka dhan ah kooxda khawaarijta  ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxay Saraakiisha hoggaamineysay  sheegeen in bartilmaamedkoodu ahaa inay gacta mariyaan goobo lagu sheegay inay ku sugan yihiin xubno katirsan Khawaarijta.

Dowladda Federaalka, Ciidamada maamul goboleedyada, dadka deegaanka iyo saaxiibbada beesha caalamka ayaa in dhowaalaba waday dagaallo xooggan oo ka dhan ah Khawaarijta iyadoo laga gaaray guulo wax ku ool ah.

HOWLGALLADII UGU DAMBEEYAY EE KA DHACAY GOBOLLADA DALKA OO KHWAARIJTA LOOGA DILAY 144 DHAGAR QABE

Hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobollada Mudug, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan ayaa kooxaha khawaariijta looga dilay in ka badan 144.

Ciidanka XDS ayaa howlgal ay kusoo afjareen koox khawaariij ah oo weerartay guri ku yaal degmadda Cabdi casiis ee gobolka Banaadir waxay ku dileen afar xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta.

Deegaan u dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayay 14 xubnood isaga dileen khawaariijta, iyagoo iska dhaawacay tiro intaas ka badan, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay taliyaha Ciidanka lugta ee XDS.

Sidoo kale, deegaanka Shabeellow oo u dhow Qayacad ayaa duqayn iyo hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka, saaxiibbada Soomaaliya iyo xoogagga deegaanku waxay ku dileen 80 dhagarqabe.

Deegaanka Cadaley oo u dhow degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sidoo kale lagu dilay 42 ka tirsanaa khawaariijta, sida noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Ciidanka xoogga dalka ayaa deegaan ku dhow Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta.

————————————————————————————————————-CIIDAMADA OO SOO AFJARAY WEERAR KHAWAARIJ KU SOO QAADAY GURI AY KU SUGNAAYEEN DAD SHACAB AH

Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Koox Khawaarij ah ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa koox ka tirsan Khawaarijtu waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.

Nafti hallige ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay Khawaarijtii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.

Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjarilahaa duullaanka Khawaarijtu ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd.

Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa Cadawga Khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale.

Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.

Weerarkaan ay Khawaarijtu ku qaadday guryaha Dadka Shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee Khawaarijtu ku suganyihiin iyo Heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Talaabada Khawaarijtu waa mid muujinaysa sida ay ugu bareerayaan beegsiga Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan sii labanlaabno dedaalka lagu suulinayo Cadawga Khawaarijta ah.

Dawladdu waxa ay tacsi udiraysaa ehelada Muwaadiniintii ay Khawaarijtu beegsatay ee Shuhadada ah waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta shaawacyadu soo gaareen.

 

 

Xoghayaha guud ee golaha shacabka BJF oo ka mid noqday guddiga fulinta Midowga Xoghayayaasha Baarlamaannada Carabta

Xoghayaha guud ee Golaha Shcabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa loo doortay xubin ka mid ah Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Carabta.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa ka qeyb galay Kulanka 42-aad ee Golaha Xoghayayaasha guud ee Baarlamaannada Carabta, kaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Kulankan oo barbar socday meertada 34-aad ee Baarlaannadda Carabta oo socon doona Febraayo 25-26, ayaa xoghayeyaasha waxa ay iska  doorteen saddex xubnood oo guddiga fulinta ka mid ah, waxaana xubnahaasi ka mid noqday Soomaaliya, Al Jeeriya iyo Ciraaq.