Maamulka degmada Hobyo oo dhagax dhigay xarunta maamulka iyo tan saldhigga ee Xinbarwaaqo

Gudoomiyaha degmada Hobyo Cismaan Acmed C/lle iyo ku xigeenkiisa Muqtaar C/Laahi Maxamed ayaa gaaray deegaanka Xinbarwaaqo iyagoo dhagax dhigay xarumaha saldhigga Booliska iyo tan deegaanka.

Gudoomiyaha degmada oo ay la socdeen Taliyaha saldhigga ,waxay warbixin la xiriirta xaaladda deegaabkaasi iyo sida loo maareyn karo baahiyaha jira,halkaasi uga dhageysteen qeynaha bulshada.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Cismaan Acmed C/lle iyo ku xigeenkiisa Muqtaar C/Laahi Maxamed oo la hadlay xubnaha ka socday ururada bulshada ayaa sheegay in loo dhisi doono xarumaha ay ku howlgalaan maamulka iyo ciidanka boliska.

Maamulka Hirshabeelle oo wada dadaal lagu dhisayo buundo ay yeelato Buulo-burde

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle,Cabdi Daahir guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Injineerro,waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Degmada Buulo-burde Xasan Maxamed Cabdi iyo qaar kamid ah qeynaha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle,Cabdi Daahir guurre ,ayaa ka dhawaajiyay in ujeedka socdaalkooda uu yahay sidii dadka degmadaasi loogu dhisi lahaa buundo cusub,iyadoo sidoo kale la dayactirayo buundada haatan ee uu ka muuqdo burburka.

Qaar kamid ah ururada bulshada oo iyaguna hadlay soo dhoweynta kadib ayaa u mahad celiyay wafdiga ka socda Hirshabeelle.

Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka XFS oo lagu soo dhoweeyay Dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo dhoweeyay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Wafdigaasi uu hoggaaminaayey guddoomiyaha,waxaa  garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.

 Wafdigaasi waxaa sidoo kale halkaasi ku soo dhoweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

 Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ,waxa ay dalka Ciraaq kaga qeybgalayaan meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta .

Guddoomiyaha ayaa dhigiisa Ciraaq uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Ciidanka xoogga dalka oo kala wareegay Khawaarijta deegaanka Beer-faarax

Xarardheere:- Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar ku qaaday Deeganka Beer-faarax oo dhaca waqooyi galbeed Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa burburiyay Saldhig khawaarijta ay ku dhuumanayeen jireen oo ku lahayeen halkaas oo Khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay, waxaana Ciidanka kala wareegeen Deegaanka.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka ayaa sheegay in howlgalku u sii socon doona,sidoo kale Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa kaabiga ku haaya Deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug kaasoo Degmada Xarardheere u jira 50KM.

Deegaanka Dabagalo ayaa ka mid ahaa Deegaannada Khawaarijta muhiimka u ahaa oo ay ku dhibaatayn jireen dadka Shacabka ah ee ku sugan halkaas.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo ka qayb galay shir looga hadlayo dhowrsanaanta ciyaartoyada

Sucuudi Carabiya- Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya kaga qayb-galay Shirweyne looga hadlayay anshaxa iyo nazaahada( dhowrsanaanta) ciyaaraha oo uu marti geliyay Wasiirka ciyaaraha ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Abdulaziz Bin Turki Al-Faysal.

Shirweynahan oo ahaa mid caalamiya ayaa diirrada lagu saaray sidii ciyaaraha looga ilaalin lahaa Musuqmaasuqa iyo in laga hortago isticmaalka maadooyin darooga ah oo ciyaaryahnada qaarkood isticmaalaan si ay firfircooni dheeraad ah uga helaan.

Wasiirka waxaa kulamadiisa ku wehelinayay danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amb Saalim Macow Xaaji iyo xubno ka mid ah la-taliyayaasha Wasiirka.

Warbixin Kooban:-Aamusnaanta iyo Faa’iidooyinka ay Leedahay

Dhawaqa  codadka kala duwaan  ee aan ka fogeyn ayaa ah kuwo sabab u noqda dulqaad yarida,iyadoo Aadanaha qaar ay jacayl yihiin Aamusnaanta iyo jawiga degganaan ku jirto.

Codadka qeylada  keena waxaa ka mid ah hoonka gaadiidka,telefoonnada codadkoodu furan yahay,Hubka nuucyadisa kala duwan iyo goobah aan xasiloonidu ka jire  kuwaasi oo dhammaantooda ka mid ah dhawaqyada aan dulqaadka loo yeelan Karin xiliyada Aamusnaanta iyo degganaanta uu daneynayo Aadanaha..

“Waxaan ku nool nahay duni sawaxan u ka jiro,degganaantu ay ku sii yaraaneyso,” ayuu yiri faylasuufka Erling Kagge.

Fikraddaada ugu wanaagsan waxay kugu soo dhici kartaa adoo filaneyn,nabadda iyo degannaantu waxay muhiim u yihiin inaad si habboon oo hal-abuurnimo leh u fikiirto

Seynisyaannaada Caalamka  ayaa isku raacay in ay Aamusnaanta tahay mid dhalin karta hab fikir wanaagsan,sidoo kalana laga heli karo firfircoone ,sida u qabo Erling.

Si taas la mid ah waxay seynisyaannadu Aamisanyihiin in aan Aadanuhu usan ka marmin jabaqda iyo Sawaxanka xiliyada qaar iyadoo badalkeeda hadii ay waayaan ka dhigi karta mida sabab u noqota Murgada,Caajiska iyo dareenka kelinimada oo dhib ku keeni karta Aadanaha iyo jirtaankiisa nololeed.

Waa maxay faa`iidooyinka  aamusnaantu  ay u leedahay Aadanah:-

Aamusnaanta waxay kor u qaada hal-abuurka

Aamusnaanta waxay sarre u qaada kobaca Maskaxda

Aamusnaanta waxay hagaajin kartaa hurdo yarida.

Aamusnaanta waxay abuurta Faa’iidooyin Caafimaad oo Muhiim u ah Aadanaha.

Aamusnaanta ayaa ah fursad farshaxan oo aad si wanaagsan ugu  adeegsan karto qab hadalka ama doodaha  IWM,iyadoo dhanka kale u yahay Aamuska  jawaabta ugu wanaagsan ee la bixiyo,taas oo ka dhigan in ay tahay mida ugu saameynta badan.

Marka ay Aadanahu Aamusaan waxay si deggan u bixin karan jawaabah ku habboon ay doonayaan in ay ka fal-celiyaan ama la su’aallo, sidoo kale si dabiici ah ayay  wax u dhegeysan karaan, iyagoo abuuraya jawi degganaan ah si dadka kale ay  ugu heli karaan in ay hadalaan.

Aamusnaanta dabciga ah waxay ka dhigan tahay in hadalkaaga la sugo jahada u jiro,si loo ogaado awoodo iyo Saameynta u yeelan karo.

Dhanka kale marka laga Eego Aamusnaantu waa hadal ka kaliyah ee saameynta yeesha sida Aadanahu Aaminsan yahay.

Akhriso:- Waxqabadka Dowladda ee Toddobaadkan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Afrika ee ka qeybgashey Shir Madaxeedka Midowga Afrika uga waramey guulaha Dowladda Soomaaliya ka gaartey dagaalka lagula jiro argagixisada.

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale intii uu joogay magaalada Addis Ababa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika, iyagoo ka wadahadley xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaasi u dhexeeya.
  • Hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeystay, ayaa waxaa ay Ciidanka Qaranka guluf lagu guuleystey ka fuliyeen Jubaland, HirShabelle iyo Galmudug, iyadoo ay jiraan goobo badan oo cadowga laga xorreeyay, hub iyo saanad badanna looqa qabsadey.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay gurmad u fidiyaan walaalahooda dalka Turkiga ee uu dhulgariirka ku habsadey.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddi heer Qaran u xilsaarey barnaamjika gurmadka lagu taakuleynayo dadkii ku waxyeeloobay dhul gariirkii ka dhacay Turkiga.
  • Mar kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo colaadda ka socota Laas Caanood, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu xaliyo.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan.

  • Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda oo ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka.
  • Hanti Dhowraha Guud ee cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Guutaale yaa xilka kala wareegay Hanti Dhowrihii hore Maxamed Mohamud Ali (Afgooye).
  • Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Sharciga Korontada.
  • Aqalka Sare ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

 

Golaha Ammaanka ee QM oo shaaciyay in horumar laga gaaray dagaalka ka dhanka Khawaarijta

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Kiki Gbeho oo ka hadashay kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya horumar la taaban karo ay ka sameysay ku guuleysiga arrimaha muhiimka u ah qaranka.

“Dowladda DFS in kasta oo ay caqabado badan jireen, haddana waxay ka sameysay horumar la taaban karo, joogteynta wadashaqeyn dhow oo ay la yeelatay dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, guulo laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyo Soomaaliya oo weli ku socota wadadii lagu dhammeystiri lahaa hannaanka deyn cafinta ee 2024.” Ayey tiri  Kiki Gbeho.

Sidoo kale, Mrs. Kiki Gbeho, ayaa tilmaantay in horumarka ay sameysay dowladda federaalka uu abuuray jawi wax ku ool ah oo suurtageliyay ajendaha dowlad-dhisidda, udub-dhexaadka dhammeystirka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

“Horumarka ay samaysay DFS,waxa uu abuuray jawi wax ku ool ah si loo suurtageliyo horumar laga gaaro ku sii socoshada ajendaha dowlad-dhisidda. Udub-dhexaadka ajanduhu waa dhammeystirka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka loo dhan yahay, la iskuna raacsanyahay,” ayey Kiki Gbeho ka sheegtay Shirka Golaha Ammaanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray Shirweynaha Midowga Bangiyada Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shir weynaha Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ee SBF.

Shirka Midowga Baangiyada Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin 13 Bangi ayaa inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha dalka, cilmi baarisyo la xiriira sida ay u shaqeyaan baangiyada Aduunka,Afrika iyo kuwa Soomaaliya, iyagoo xusay in dowadda ay fududeeyso aqoonsiga dadweynaha si loogu kalsoonaado kobcinta dhaqaalaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo shirka soo xiray ayaa bangiyada Soomaaliyeed ku ammaanay doorkii horumarineed iyo dib u dhiska dalka ay ka soo qaateen, kuwaas oo ku soo shaqeeyay marxalado adag iyo daruufo kala duwan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maanta la helay adeegyo Bangi oo wax badan  taray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

         

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Xarunta C.I.D-da iyo Dugsiga barbaarinta Carruurta Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Sulub Axmad Firin iyo Agaasimaha Miisaaniyadda Dowladda ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmad Cabdi Aadan (Iraad) iyo Madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta Kormeeray xarunta faraha ee C.I.D-da iyo Dugsiga Barbaarinta Carruurta Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo muhiimad siinaya sida ugu fudud ee loogu adeega Bulashada Soomaaliyeed ayaa Wasaaradda ka codsadey inay Qorshaha ku darsadaan Xarunta Faraha C I D oo ah adeeg Bulsho oo muhiim ah

Sidoo Kale, Agaasime Iraad ayaa xarunta Barbaarinta Carruurta Booliska Soomaaliyeed ugu deeqey mashaariic ay ka mid yihiin Dhismaha Dugsiga iyo agabkii ay ku seexan lahaayeen Carruurta Booliska Soomaaliyeed .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyey Agaasimaha iyo madaxdii kale ee ka socdey Wasaaradda Maaliyadda.