Ra’iisal wasaare Xamse oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardar gelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee dhinaca fikirka, taasi oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee in Khawaraijta lagala dagaallamo 3 jiho oo kale ah dhaqaalaha, fikirka iyo dagaalka tooska ah ee ka socda gobolladda dalka.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey qaabkii Khawaariijta looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaa’udiinka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga la saarayo sidii wacyigalinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa dagla dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka, isla markaana dadka looga wacyi galinayo fikirka khaldan ee ay kooxaha Khawaarijtu dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey.

         

Ciidanka NISA oo dilay 20 ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada Caalamiga ah ayaa howlgal ka dhacay degaanka Shaw ee galbeedka gobolka Hiiraan ku dilay 20 ka mid ah Khawaarijta.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday Gaari nooca Homey-da loo yaqaanna ah oo ay saarnaayeen malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka la laayay ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka soo firxaday howlgalkii shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoos tagta degmada Mahaddaay ee gobalka Shabeellada dhexe.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Cadaaladda XFS oo hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane , Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda sanad-guurada 53-aad ee Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta taliska Ciidanka Asluubta Muqdisho.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro, xubno ka socday Ciidamada Nabad Sugidda, Booliska, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Keenadiid) iyo hoggaanka sare ee Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Genera,l Cabdikariim Cali Afrax oo munasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray ciidankan oo muhiim u ah dalka iyo ilaalinta sharciga gaar ahaan xabsiyada dalka.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo soo xiray munaasabada ayaa hambalyo u diray sareeyeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda, dableyda, xasaaskooda iyo caruurtooda, isagoo bogaadiyay howlaha ay ciidanka Asluubta uhayaan dalkooda iyo dadkooda ee ku aaddan daryeelka, illaalinta iyo dhaqan cellinta Maxaabiista.

Wasaaradda qorsheynta XFS oo soo saartay warbixinta nidaamka maareynta macluumaadka deeqaha

Wasaaradda Qorsheynta , Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warbixinta Nidaamka Maareynta Macluumaadka deeqaha, taas oo diiradda saaraysa sannad maaliyadeedka 2021.

Munaasabaddan ayaa waxa ka qeyb galay Mas’uuliyin kala duwan oo ay ku jiraan xubnno ka kala socday wasaaraddaha dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ay warbixintu khuseyso, ururrada bulshada rayidka, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha dhanka horumarka dhaqaalaha qaabbilsan.

Nidaamka Maareynta Macluumaadka deeqaha ee Soomaaliya waxaa si sahlan ku geli karta cid kasta oo heysata xiriir internet, arrintan oo sii xoojinaysa daah furnaanta lala leeyahay bah wadaagta horumarka iyo sidoo kale dhisidda kalsoonida u dhaxeysa Dowladda iyo Muwaadiniinteeda.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in nidaamka Xog Ururinta Soomaaliya ee AIMS uu baddalay nidaamkii hore ee xog-ururinta ee duugga ahaa kaa oo la adeegsan jiray sanadihiii u dhaxeeyey 2014 ilaa 2020.

“Iyadoo la adeegsanayo nidaamka xog ururinta ee AIMS, Dowladda Federaalka iyo saamilayaasha kale waxay awood u yeelan doonan inay la socdaan cidda maalgelinta sameyneysa, waxa ay maalgelinayso, goorta,goobta iyo caddada inta ay la’eg tahay, iyadoo xoogga la saarayo ururinta macluumaadka si loo gaaro qorshayn istaraatiiji ah iyo isku duwis aad u nidaamsan, iyadoo hadafka guud uu yahay sidii loo xoojin lahaa wax ku-oolnimada gargaarka”.

Ciidanka Jubbaland iyo ATMIS oo burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta

Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa howlgalka ATMIS ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo ka dhan ah kooxda khawaarijta  ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxay Saraakiisha hoggaamineysay  sheegeen in bartilmaamedkoodu ahaa inay gacta mariyaan goobo lagu sheegay inay ku sugan yihiin xubno katirsan Khawaarijta.

Dowladda Federaalka, Ciidamada maamul goboleedyada, dadka deegaanka iyo saaxiibbada beesha caalamka ayaa in dhowaalaba waday dagaallo xooggan oo ka dhan ah Khawaarijta iyadoo laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Ra’iisul wasaare Xamse oo midowga Yurub kala hadlay taageeridda qorshaha Xasillinta

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaar xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee Khawaariijtu ka curyaamisay.

Golaha Aqalka sare BFS oo maanta lagu ansixiyey hindise sharciyeed hay’adda nabad sugidda

Kalfadhiga maanta ay yeesheen golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Kalfadhigan ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha Aqalka sare, Senatar, Cali Shacbaan Ibraahim ayaa waxaa soo xaadiray 35 xubnood, iyadoo 31 ka mid ah ay u codeeyeen ansixinta xeerkan.

Sidoo kale waxaa diiday saddex xubnood halka uu hal xubin ka aamusay.

Wasiirudowlaha wasaaradda Amniga , Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahadceliyay ansixinta xeerka ee golaha Aqalka sare ay ku meel mariyeen, sidoo kale waxaa isna dhankiisa uga mahadceliyay Agaasimaha guud ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo la kulmay Madaxa hay’adda Boqor salman

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa Magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga kula kulmey Madaxa hay’dda Boqor salman Mudane Abdullah bin Al Rabeeah.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadley arrimaha gargaarka Bani’aadannimada iyo daboolista baahiyaha dhanka Caafimaadka ee dadka Soomaaliyeed,iyo in hey’addu qeb weyn ka qaadato arrimaha gurmadka Soomaaliya gaar ahaan inta uu socdo howlgalka lagu cirib tirayo Khawaarijta.

Wasiirka waxa uu sidoo kale kala hadley Madaxda Hey’adda boqor Salman furitaanka xarunta kilya dhaqista ee ku taala Isbitaalka banaadir maadaama ay jiraan Muwaadiniin farabadan oo Soomaaliyeed kuwaas oo baahi wayn u qaba Kilya dhaqista iyadoo oo Muwaadiniinta qaar aysan awoodin lacagaha laga qaado dadka dialysis-ka, waxa ayna balanqaadeen in ay si degdeg ah ku howl gellin doonaan xaruuntaas muhimka ah.

Abdullah bin Al Rabeeah madaxa hey’adda Boqor Salman ayaa balan qaaday in haya’diisa ay si dhaw ula shaqeyn doonto Wasaaradda Caafimaadka kana taageeri doonto Mashaariicda Caafimaadka sidoo kalena ay ka taageeri doonaan arrimaha gargaarka maadama Soomaaliya ay ka socdaan dedaallo lagu xureynayo deenada ka maqan gacanta Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu mahadceliyay hay’adda Boqor salmaan taageerada joogtada ah ee ay la garab taagantahay hay’daha Caafimaadka dalkeena waxa uuna bogaadiyey go’aanadii kasoo baxay kulamada dhexmaray isaga iyo Madaxda Hey’adda si loo gaaro yoolka Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka oo khwaarijta looga dilay 144 dhagarqabe

Hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobollada Mudug, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan ayaa kooxaha khawaariijta looga dilay in ka badan 144.

Ciidanka XDS ayaa howlgal ay kusoo afjareen koox khawaariij ah oo weerartay guri ku yaal degmadda Cabdi casiis ee gobolka Banaadir waxay ku dileen afar xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta.

Deegaan u dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayay 14 xubnood isaga dileen khawaariijta, iyagoo iska dhaawacay tiro intaas ka badan, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay taliyaha Ciidanka lugta ee XDS.

Sidoo kale, deegaanka Shabeellow oo u dhow Qayacad ayaa duqayn iyo hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka, saaxiibbada Soomaaliya iyo xoogagga deegaanku waxay ku dileen 80 dhagarqabe.

Deegaanka Cadaley oo u dhow degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sidoo kale lagu dilay 42 ka tirsanaa khawaariijta, sida noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Ciidanka xoogga dalka ayaa deegaan ku dhow Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta.

Dalalka Shiinaha iyo Japan oo maanta kulmaya

Kulan maanta oo Arbaca ah dhexmaraya dalalka Shiinaha iyo Japan, ayaa looga hadlayaa arrimaha amniga labada dal, kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee muddo 4 sano ah dhexmara dalalkan, inta uu socday kulanka Tokyo, ayaa dhaleeceysay xiriirka milatari ee Beijing ay la leedahay Ruushka.

Wadahadalladan oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo xiisadda u dhexeysa dalalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Tokyo ay ka cabsi ka qabto in Beijing ay awood ku qabsato Taiwan, taasoo dhalin karta isku dhac dhex maro Japan iyo Shiinaha, oo ka mid ah dalalaka caalamka ee ku tilmaaman Ganacsiga.

Dalka Shiinaha ayaa ahaa saaxiibka ugu weyn ee Ganacsiga Japan, wuxuuna ahaa kaabaha shan meelood meel dhoofinta iyo soo dejiyo alaabaha uu soo saaro dalka Japan, sidoo kale waa saldhigga ugu weyn ee wax soo saarka shirkadaha Japan