Xuska maalinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Baydhabo

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Iyo Arrimaha Garsoorka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka ee Ciidanka Xooga, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bay iyo Saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay xuska munaasabadda Sanad guurada 53-aad ee kasoo wareegatay Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Inta lagu guda jiray munaasabadda ayaa waxaa halkaasi dhoollatus iyo gaadda ka ciyaar kusoo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka Cadaaladda koofur galbeed ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada iyo dableyda ciidanka Asluubta, isagoo Alle ugu baryay inuu sanadkan kiisa kale ku gaarsiiyo nabad iyo baraare.

Doorka warbaahinta qaranka ee gurmadka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horayso Wakaaladda Wararka ee SONNA,Telefishinka Qaranka, Radio Muqdisho iyo Wargeyska dalka ayaa door weyn ka qaatay, sidii gargaar loogu tabaruci lahaa Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye kaas oo uu ka dhacay dhulgariir geystay khasaare baahsan oo isugu jira dhimasho kor u dhaafaysa 33.000, iyo burbur baahsan oo uu u geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee kala duwan.

Agaasimaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed Ismaaciil Mukhtaar Cumar(Orango) iyo howl-wadeenno kale oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka ayaa hoggaaminayo doorka gurmadka warbaahinta qaranka, iyadoo dhammaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka laga tebinayey Barnaamuj live ah kaas oo ay dadweynuhu kala socdeen kagana qayb qaadanayeen qaadhaan ururinta iyo u gurmashada shacabka walaahood ee Turkiye.

Warbaahinta Qaranka ayaa si gaar ah u abaabushay Barnaamij dadweynaha iyo xubnaha gudidda gurmadka ka qayb qaadanayeen kaas oo laga hagayey barta Twiter Space-ka ku leedahay Wakaaladdu, Barnaamujka ayaa wuxuu qabsoomay saddex habeen welina waa mid socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay saaran tahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan mashaqadan,Madaxweynaha ayaa ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha muslimiinta ah ee musiibadu ku habsatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hore magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga,iyadoo ilaa hadda gudiddu dadaal xooggan ka samaysay dadaalka loogu gurmanayo walaalaha Turkiye ee dhibaatadu gaartay,sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamse ayaa 16 bishan daahfuray munaasabad weyn oo dhaqaale ururin loogu samaynayey walaalaha Turkiye halkaas oo looga yaboohay lacag gaaraysa saddex milyan oo dollar.

Dhinaca kale Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ayaa u codeeyay in mushaarka xildhibaanada ee Bishaan 20% looga qeyb qaato gurmadka walaalaha Turkiye ee dhul-gariirka saameeyay.

Olaha qaaraan ururinta dowladda Soomaliya oo kaashanaysa shacabkeedu ugu gurmanayaan walaalooh Turkiye ayaa sida qorshuhu yahay lagu wadaa in maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Madaxweynaha Shiinaha oo lagu wado in bilaha soo socda uu booqdo Moscow

Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa isku diyaarinaya inuu booqdo magaalada Moscow, si uu kulan madaxeed ula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin todobaadyada soo socda, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal.

wargeysku oo soo xiganaya dadka siyaasiyiin, wuxuu sheegay in shir-madaxeedka Xi-Putin uu qayb ka ahaa dadaalka Shiinaha uu ku doonayo inuu kaalin firfircoon ka qaato soo afjarida dagaalka sannad jirsaday ee ka socda Ukrine iyo qayb ka mid ah riixitaanka nabadda ee xisbiyada badan.

Shiinaha ayaa sidoo kale u isticmaali doona shir madaxeedka in uu ku celiyo baaqyada ah in aan la isticmaalin hubka nukliyeerka, ayay warbixintu raacisay.

Wargeyska aya intaa ku daray in booqashada Xi laga yaabo inay dhacdo Abriil ama horraanta May, kolkaas oo Ruushku u dabaaldegi doono guushii laga gaaray Dagaalkii Labaad dunida ee lagu jabiyay Naziyiintii Germany.

Diblumaasiga ugu sarreeya Shiinaha Wang Yi ayaa hadda ku sugan magaalada Moscow, waxaana la filayaa inuu maanta la kulmo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov.

Xi iyo Putin ayaa markii ugu dambeysay shaqsi ahaan ku kulmay Shiinaha ka hor Ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee Beijing sanadkii hore, maalmo ka hor inta aysan Ruushka soo gelin Ukraine 24-kii Febraayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo diray hambalyo ku aaddan xuska Aas-aaska Ciidanka Asluubta

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye guuto; Cabdikariin Cali Afrax ayaa hambalyo u diray ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay 53 Sano-guuradii Aas aaskiisa.

Sarreeye guuto; Cabdikariin Cali Afrax ayaa hambalyo ku aaddan xuska Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u diray Sareeyayaasha Sarakiisha, Sarakiil Xigeennada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xaasaskooda iyo Curruurtooda, isagoo u rajeeyay in uu Alle Sanadkaan kiisa kale uu ku gaarsiiyo Nabad iyo Caafimaad.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la Aas-aasay 22-kii Febaraayo 1970 ayaa soo maray marxalado kala duwan, isagoo door muhiim ah kasoo qaatay ilaalinta maxaabiista iyo dadka gala dembiyada waaweyn, dhaqan celinta iyo soo saaridda xirfadlayaal ku shaqaysta mihnadaha ay barteen.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo $1Bilyan ugu deeqday Yeman

Sacuudi Carabiya ayaa lacag dhan 1 Bilyan oo dollar dhigay bankiga dhexe ee Yeman ee fadhigiisu yahay magaalada Cadan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga, iyadoo dowladda dalkaas ay la daalaa dhacayso lacag yari iyo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo badeecadaha.

Xukuumadda Riyad oo hoggaamineysa isbaheysiga militari ee dagaal kula jira Xuutiyiinta ka dagaalama Yeman, ayaa hadda dadaal ugu jirta sidii Gacan looga geysan lahaa kor u qaadida dhaqaalaha dalkaasi.

Sacuudiga ayaanan caddeeynin in Lacagtan ay qayb ka ahayd xirmo taageero ah oo 3 bilyan oo doollar aheed, taasi oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay u ballan-qaadeen Yeman bishii May ee sanadkii hore.

Sidokale, Bishii Nofembar ee sanadkii tagay, Sanduuqa Lacagta Carbeed ayaa saxiixay heshiis $ 1 bilyan ah oo lagu taageerayo barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha dalkaasi Yeman.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Riyaad uga qeybgalay shir caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo deryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta kaga qeyb galey Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga madasha 3-aad ee Riyadh International Humanitarian Forum (RIHF3) oo ujeedadeedu tahay in looga doodo Baahida arrimaha Bani’aadannimo ee soo koraysa marba marka ka dambeysa.

Madashan oo heerkeedu sareeyey ayaa aheyd wax ka qabashada arrimaha Beni’aadannimada si loo dhaqaajiyo isbeddel macno leh iyo wax ka qabashada arrimaha ugu muhiimsan caqabadaha bani’aadannimo ee caalamiga ah ee hadda jira, iyo fududeynta doodaha ku saabsan horumarinta, xoojinta iyo bixinta gargaarka bini’aadanimo iyadoo loo eegayo heerarka ugu sarreeya ee tayada iyo waxtarka leh dadka ay saameeyeen adduunka oo dhan.

Madasha oo ay marti gelisay Xarunta Gargaarka Beni’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Samafalka ayaa waxaa kasoo qeybgaley madaxda dalalka Carabta, Khaliijka, hay’addah ka shaqeeya arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo khuburo waaweyn iyadoona Dowladda Soomaaliya uu ku matalayey Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirri gelinaysaa in la badiyo doodaha caynkan oo kale ah si baarayaasha ka socda waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah (LMICs), ay kor ugu qaadaan wax ka qabashada arrimaha gargaaka iyo Bani’aadannimada.

Ciidamada oo soo afjaray weerar Khawaarij ku soo qaaday guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah

Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Koox Khawaarij ah ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa koox ka tirsan Khawaarijtu waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.

Nafti hallige ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay Khawaarijtii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.

Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjarilahaa duullaanka Khawaarijtu ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd.

Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa Cadawga Khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale.

Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.

Weerarkaan ay Khawaarijtu ku qaadday guryaha Dadka Shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee Khawaarijtu ku suganyihiin iyo Heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Talaabada Khawaarijtu waa mid muujinaysa sida ay ugu bareerayaan beegsiga Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan sii labanlaabno dedaalka lagu suulinayo Cadawga Khawaarijta ah.

Dawladdu waxa ay tacsi udiraysaa ehelada Muwaadiniintii ay Khawaarijtu beegsatay ee Shuhadada ah waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta shaawacyadu soo gaareen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Xoghayaha fulinta Hay’adda ka Hortagga tijaabada Nuclear-ka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (CTBTO) oo warbixin ka siiyay shaqada hay’adda.

Xoghayaha Fulinta ee Hay’adda Mudane Robert Floyd oo sharaxaad ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sida ay u socoto ku biirista hay’adda ee Soomaaliya iyo sida looga faaideysan karo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey in xoghayaha hay’addan uu yimaado Muqdisho, ka dib kulankooda Vienna oo fariintiisa na uu soo gaarsiiyey dalka, isagoo xusay in laga faaideysto shaqooyinka muhiim ah ay qabato hay’adda.

      

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Galmudug.

Madaxweynaha waxaa xarigg jarka ku wehliyay xubo ka mid ah Golaayasha DG Galmudug, Gudoomiyaha gobalka Galgaduud, iyo masuuliyiin kale.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Galmudug oo kasoo dhalaashay howshii loo igmaday.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa ku amaanay howlwadeenada mashuurca biyoole howsha baaxada leh oo aay ka qabten dib u dhiska wasaaradda iyo kaabayaasha kala duwan ee Dowladda Galmudug.

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo balaaran ka wada deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgalo balaaran waxay ay kawadaan maanta deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi ay ku dileen dhagar qabayaal ka tirsan Khawaarijta.