In ka badan 42 Khawaarij oo lagu dilay deegaanka Cadalay oo hoostaga degmada Mahadaay

In ka badan 42 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Cadalay oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo socday in ka badan 30 saacadood ayaa waxaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku abaabulayay deegaankaan.

27-ka mid ah meeshiyaadka la laayay waxaa xalay lagu dilay hal goob, halka 15 kalana maanta lagu dilay goob kale oo ay godad ka qoteen oo ku taala isla deegaankaan Cadalay.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Cadalay, waxaana gacanta lagu dhigay Hubkii ay lahaayeen Khawaarijta iyo Saanad ciidan.

Howlgalkaan ayaa daba socday howlgal maalmo ka hor ka dhacay deegaannada Iji iyo Afcad kuwaasi oo lagu laayay boqolaal Khawaarij ah.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta ka been sheegtay diinta ee duulaanka ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo inay cadaaladda marsiiso kuwa adkaysta inay ka sii mid ahaadaan Khawaarijta.

Generaal Biixi “Khawarijtu Degaan u dhaw Xarardheere ayay shalay ku dagaalameen, iyaga oo iska dilay 14 ruux

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal, Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in dagaal ku dhex maray Khawaarijta agagaarka degmada Xarardheere ay isaga dileen 14 dhagarqabe, iyagoo iska dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Generaal Biixi “Khawarijtu Degaan u dhaw Xarardheere ayay shalay ku dagaalameen, iyaga oo iska dilay 14 ruux iskana dhaawacay tiro intaas ka badan”.

Taliyaha oo warbixin siinayay wafdi heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah oo saakay gaaray Xarardheere ayaa intaasi ku daray in ay ka go’an tahay inay horay uga sii socdaan hadba meesha ay xoreeyaan, dowladda dhexena looga baahan yahay inay keento Ciidan xasilin ah iyo adeegyadii bulshada.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in khawaarijtu ay niyad jabeen dagaalkana aysan sii wadi karin, firxadka haatan dhuumaaleysanaya la qasbayo.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadden horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka. Isagoo xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqa in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijiyana la meelmariyey sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladdu ay dagaal saddex jiho ah kula jirto Khawaarijta, sidaas darteedna ganacsatada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qaataan, gaar ahaan ka hortagga lacagaha danbiyada lagu galo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo u baahan furdooyin ay kawaaridaan ganacsigooda.

Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa la aasaasay sannadkii 2016.

Soomaaliya oo dedaal ugu jirta in wax laga beddelo habka loo wajaho gagaarka Bani’aadannimada

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada.

Xil; Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in wax laga beddelo hannaanka loo maareeyo gargaarka bani’aadaannimo ee Soomaaliya.

Ergeyga ayaa tilmaamay qodobbo dhowra oo ay ka mid yihiin, In laga gudbo gurmadka degdegga ah ee loo jihaysto mashaariicda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka si looga gudbo ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadanimo.

In Soomaaliya loo maalgeliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, ugana guulaysan lahayd argagexisada iyo is-beddel ka cimilada.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale madasha ka sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan iyo in laga jawaabo halka ay martay 8 bilyan oo doolar oo 10-kii sano ee ugu danbaysay la sheegay in loogu gurmaday Soomaaliya.

Hadal jeedinta ka dib ayuu Ergeygu ka qayb galay dood wadaag ay ka wada qayb galeen Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka UK Andrew Mitchell, Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Swedan, Diana Janse iyo Madaxa guud ee Hay’adda UNDP Achim Steiner.

Madashan oo sanadle ah ayaa waxaa isugu yimaadda madax heer Wasiir ah, madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga ah, deeq bixiyayaal iyo dadka u dhaqdhaqaaqa hawlaha gargaarka bini’aadannimada.

 

Soomaaliya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya la dagaallanka argagixisada

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac oo ku sugan magaalada Addis Ababa oo uu kaga qeyb galay shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Wakaaladda wararka Itoobiya ku sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay hal ujeeddo ka leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada isku mowqif ayaan ka nahay, argagixisaddu waxay cadow ku yihiin nabadda gobolka, tan Sooomaliya iyo Itoobiya.”ayuu yiri wasiir Abshir.

Wasiirka ayaa xusay in dhawaan ay Muqdisho ku kulmeen madaxda labada dowladood ee safka hore ku jira oo ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada oo khatar ku ah dhammaan dalalka deriska ah maadaama argagixisada aysan ku koobneyn Soomaaliya, marar badana isku dayeen in ay ka gudbaan xudduudaha.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu yahay mid adag.

“Waxaan ku tilmaami karaa xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya waa xiriirka ugu wanaagsan ee ay dowladaha, labada dal hadda yeelan karaan,waxay maraysaa heerkii ugu fiicnaa abid. “ayuu yiri wasiir Abshir.

Xukuumadda Washington oo eedaysay Golaha Ammaanka

Mareykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay waxqabad la’aan, ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay Gantaallo ay dhowaan farsameeysay.

Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas, ayaa ku andacootay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay Gantaallo aan horay loo arag, taasi oo ay sheegtay in Golaha Ammaanka, marnaba aanay ka hadlin.

Kuuriyada Waqooyi ayaa maalmihii la soo dhaafay sameeysay saddex tijaabo dhanka gantaallada halista ah, taasi oo ka careysiisay Mareykanka iyo xulufadiisa.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay nagu soo biiraan oo ay cambaareyaan dhaqanka mas’uuliyad darrada ah ee ay ku kaceyso Kuuriyada Waqooyi,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay.

18-kii bishan ayay Kuuriyada Waqooyi fulisay dhoolatus ay ku riday tiro kamid ah Gantaallada ballisti-ga ah ee isaga kala goosha Qaaradaha, iyada oo sheegtay inay muujinayso awooddeeda ay ugu hortageyso weerarrada Nukliyeer.

 

Dhowr qof oo ku dhntay dhulgariir mar kale ka dhacay Turkiga iyo Suuriya

Dhulgariir kale oo cabirkiisu yahay 6.3 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Turkiga ee Hatay iyo waqooyiga Suuriya, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof.

Dhulgariirkaan cusub, ayaa laga dareemay dalalka Suuriya, Israel, Ciraaq, Lubnaan iyo Falastiin, sida ay sheegtay warbaahintu.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca ayaa sheegay in 294 qof ay ku dhaawacmeen dhulgariir dhacay fiidnimadii xalay .

Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in lix qof ay ku dhaawacmeen magaalada Xalab, halka duqa magaalada Hatay uu sheegay in tiro dhismayaal ah ay dumeen, isla markaana ay ku jiraan dad rayid ah.

Ciidanka xoogga dalka oo dilay Afar xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee fadhigooda yahay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa xalay ku dilay afar xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta duleedka deegaanka Janaale.

Howlagalka ayaa dhacay kadib markii ay Ciidanka xoogga dalka heleen xog ku aaddan koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulaya goob ku dhow degaanka Janaale si ay weerar gaadmo ah ugu qaadaan Ciidanka xoogga.

Taliyaha guutada 14-ka October ee Xoogga dalka Gaashaanle dhexe, Nuur Maxamed Gaabow “Nuur Fareey” ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Khawaarijta dagaalkan looga dilay afar xubnood sidoo kalena looga furtay saanadii ay ku hawlgalayeen

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BFS iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray magaalada Xarardheere

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug oo ay wehliyaan Xildhibaanada kala ah Cabdisamad Macallin Maxamuud, Ilyaas Sheekh Axmed, Sanatar, Cabdixakiin Macallin Axmed iyo mas’uuliyiin kale ayaa saaka kormeeray fariisimaha ciidanka iyo xarumaha bulshada ee Magaaladaas

Mas’uuliyiintan oo safar xagga dhulka ah ku soo maray magaalooyinka Wisil, Hobyo iyo deeggaanno kale ayaa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay magaalada Xarardheere saraakiil uu horkacayo Taliyaha ciidanka Dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi, isagoo uga warbixiyay xaaladda amni ee magaalada.

Dad ku geeriyooday Dhul-gariir mar kale ka dhacay Turkiga

Labo Dhul-gariir ayaa waxay xalay ka dheceen Gobalka Hatay ee dalka Turkiga, oo dhaca xuduudka ay wadagaan dalka Suuriya.

Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega (AFAD) ee Turkiga, ayaa sheegtay inuu Dhul-gariirka Koowaad uu ka dhacay degmadda Defne 5:04 daqiiqo  xilliga (GMT), kaasi oo Halbeegiisu ahaa 6.4 Richter Scale.