Dad ku geeriyooday Dhul-gariir mar kale ka dhacay Turkiga

Labo Dhul-gariir ayaa waxay xalay ka dheceen Gobalka Hatay ee dalka Turkiga, oo dhaca xuduudka ay wadagaan dalka Suuriya.

Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega (AFAD) ee Turkiga, ayaa sheegtay inuu Dhul-gariirka Koowaad uu ka dhacay degmadda Defne 5:04 daqiiqo  xilliga (GMT), kaasi oo Halbeegiisu ahaa 6.4 Richter Scale.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

Shucuubta ku dhaqan dalalka caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee afafka dunida.

Maalintaan  caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan kala duwanaanshaha xagga  luqadaha , dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta  afafka oo dhan.

Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey’adda UNESCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday Sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan  lagu aqoonsanaayo maalintaasi

Muhiimadda xuska 21-ka febraayo ayaa ah in dowladaha caalamka ay u howlgalaan ilaalinta in ka badan lix kun oo luqadood,xoojinta midnimada bulshada,tixgelinta qeybaha luqadaha iyo wanaajinta xiriirka dunida, iyada oo loo marayo dhanka afafka iyo dhaqamada

Haddaba, dadka Soomaaliyeed,waxa ay ka mid yihiin shucuubta caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta 21-ka Febraayo oo ah maalin ku weyn dunida oo dhan.

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga  iyo is dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Bishii Oktoobar Sanadkii  21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay qaamuus ,buugag iyo manhajyo ku qoran afka Somaaliga,iyadoo isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqallada iyo shibbanayaasha.

Sidoo kale,21-kii  Jannaayo 1973-dii,waxaa dalka Soomaaliya ka soo baxay wargeys ku hadlaya afka Soomaaliga, waxaana  la helay Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.

Af Soomaaligu waa luqad qara weyn oo looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Haddii la helo manhaj ku qoran afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la’aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon waxbarashoo oo tayeysan.

Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka afka, isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah  nidaanka kaliya ee lagu ilaalin karo in uusan dabar go’in Afka Hooyo.

Haddaba,Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,Wasiir ku xigeenka Mudane C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Mudane C/Laahi Xayir Ducaale ,iyagoo ka faa’ideysanaya xuska maalinta caalamiga ah ee 21-ka febraayo,waxay dhambaal hambalyo ah u direen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka.

Madaxdaasi waxay shacabka iyo u rajeeyeen in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay tartanka cayaaraha degmooyinka gobolka

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan ee kubada Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

 

Furitaankan tartankan oo ka dhacay garoonka Stadium Eng Yariisoow ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir iyo boqolaal dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Muqdisho.

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah mid aad u xiisa badan ayaa sanad kaste mar la qabtaa, kaas oo ay usoo daawasha tagaan kumanaan dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Gobolka.

Kooxda Degmada Balcad iyo Kooxda Degmada Dharkeenley ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.                  

Wasiirka arrimaha gudaha oo kormeeray xarunta hay’adda maaraynta masiibooyinka

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyidoo uu xarunta ku soo dhaweeyey gudoomiyaha Hay’adda mudane Maxamud Macallin Cabdulle iyo gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan.

Kulanka ayaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi lagu siiyey Warbixin kooban oo ku saabsan Howlaha ay Hay’adda SoDMA qbatay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee Arrimaha Gargaarka Abaaraha, Xasilinta, Gurmadkii Musiibadii Zoobe 2 iyo u Gurmashada dadka ku waxyeeloobay shaqaaqadii Lascaanood.

Wasiirka ayaa bogaadiyay shaqada culus ee Hay’adda heyso mudadii koobaneed ee ay shaqeyneysay, asigoo ku amaanay Guddoomiyaha Hay’adda dadaalka u geliyay shaqooyinka hortabinta u leh Hay’adda

Kulanka Gudoomiyaha iyo Wasiir Fiqi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime waaxeedyada, iyo La-taliyayaasha Hay’adda.

          

Ra’iisal wasaare Xamse oo xarigga ka jaray xarunta wasaaradda xanaanada Xoolaha.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa looga fadhiyo siyaasad Qaran oo lagu badbaadinayo Xoolaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in haddii aan la qaadin tallaabooyin deg-deg ah oo lagu badbaadinayo xoolaha Soomaaliyeed ay sanadaha dhow dabar go’i karaan.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad xarigga looga jarayey dhismaha Wasaaradda ayaa xusay in xooluhu ay yihiin mid kamid ah ilaha ugu muhiimsan dhaqaalaha dalka, xilligana ay saameyn ku yeesheen xili roobaadkii la filayey oo la waayey iyo isbeddelka cimilada oo saameeyey deegaankii ku haboonaa daaqsinka.

Munaasabadda xarigga looga jarayay Dhismaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa oo dayactir lagu sameeyayy ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya.

       

Daahfurka warbixinta sahanka miisaaniyadda qoysaska Soomaaliyeed ee 2023 oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Daahfurka warbixinta sahanka miisaaniyadda qoysaska Soomaaliyeed ee 2023 ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda furitaanka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka Maaliyadda  Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, madax ka socotay Bangiga adduunka iyo kuwo socday hay’adaha caalamiga ah.

Xogtan ayaa ah mid laga sameeyey dalka oo dhan, waxayna qayb ka tahay himmilooyinka dowladda federaalka ee yaraynta saboolnimada, sidoo kale waxay qayb ka tahay barnaamijka deyn cafinta dalka.

Shirka Wasaaradaha Dekedaha dowlada federaalka iyo dowalad goboleedyada oo warmurtiyeed laga soo saaray

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Dekadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka qabsoomay Caasimada Dalka ee Muqdisho..

Shirka waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Dowlada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Shir-gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Amb. Cabdulaahi Axmed Jaamac oo ay wehlinayaan Wasiiru Dowlaha Wasaarada Mudane Maxamed Cabdulqadir Dhucle iyo wasiir ku xigeenka Wasaarada Mudane Saadam Maxamud Cabdi, waxaana ka soo qayb galay Wasiirada Dekadaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada federaalka ee kala ah Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Galmug ,Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Hirshabeelle,Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jubaland.

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Dakadaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa ujeedadiisu ahayd xoojinta wadashaqeynta wasaaradaha iyo gorfaynta hawlaha hortabinta leh ee dakadaha iyo xeebaha Soomaaliya.

Gunaanadkii waxaa Shirka ka soo baxay qodobadaan hoos ku xusan:-

  1. Shirku wuxuu bogaadinayaa kacdoonka ay iska kaashanayaan shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada qalabka ee cadowga khawaarijta looga xoraynayo dalka, waxa uuna xoojinayaa in deegaanada laxoreeyey wasaaraduhu ay geeyaan adeegyada ay bixiyaan gaar ahaan dhanka xeebaha.
  2. Shirku waxa uu ku heshiiyey in wasaaraduhu ay yeeshaan wadashaqeyn joogta ah, shirka madasha wasaaradaha Dakadaha Dowladda Federaal iyo Dowlad Gobaleedyadana uu joogto noqdo.
  3. Shirku waxa uu ku heshiiyey hormarinta dekadaha jira iyo uqareemida dowlad gobaleedyada aan dekadaha lahayn.
  4. Shirku waxa uu ku heshiiyey iIlaalinta xeebaha iyo ka hortagida wasakhaynta badda.
  5. Shirku waxa uu ku heshiiyey dhamaystirka xeerarka hortabinta leh ee dakadaha iyo gaadiidka badda iyo dhaqangelinta xeerarkii la ansixiyey sida Xeerka Gaadiidka Badda Soomaaliyeed.
  6. Shirku waxa uu ku heshiiyey xoojinta tababarada howl wadeenada dekadaha iyo kor u qaadida xirfadahooda.

Joe Biden oo booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Kyiv.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden,ayaa gaaray magaalada caasimadda ah ee Kyiv,halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Ukrine Volodomyr Zelensky.

Xaqiiqda ah in madaxweynaha Maraykanku uu badhtamaha caasimadda kula kulmay hoggaamiyaha Ukraine iyada oo ay jiraan khilaaf baaxad leh waa mid muhiim ah oo astaan u ah xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Ukrine.

Ku dhawaad hal sano ooo ka soo wareegay duullaankii Ruushka ee Ukrane,safarkaan, waxa uu farriin cad u dirayaa Moscow – in Ameerika, iyo reer Galbeedka, aysan ka xishoon doonin inay taageeraan Ukraine.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲: “𝗖𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗯𝗮𝗸𝗮𝗱 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗹𝗮𝗴𝗮𝗺𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗿𝗺𝗮𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗵𝗮𝗹 𝗺𝗮𝗿 𝗮𝗵 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗹𝗮 𝘀𝗮𝘅𝗼”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Caddaaladdu ay tahay unug isku xiran oo ay lagama maarmaan tahay in hal mar ah la isla saxo, isla markaana aan waxba laga qaban karin amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada haddii aan la hagaajin.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhaqamada ku saleysan laaluushka iyo musuq-maasuqa, cid walba oo lagu helana sharciga la horkeeno.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in aan la aqbali karin xilligaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah in maalin walba muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu dilo jidadka, isagoo faray hay’adaha caddaaladda in ay qaadaan tallaabooyin lagula xisaabtamayo kooxaha dilalka geysanaya.
Shir Sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xeer Ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada, Safiirro iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo furay aqoon-iswaydaarsiga dejiyeyaasha Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa si rasmi ah u furay aqoon-iswaydaarsiga dejiyeyaasha Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliya.

Daah furka aqoon-iswaydaarsiga ayaa waxaa goobjoog ahaa Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka , Guddoomiyaasha guddiyada, Arrimaha Bulshada , Qorsheynta iyo Arrimaha Dibadda Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ,Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada Dalka , wakiillada hay’adaha Dawladda iyo ka qeyb galayaasha Aqoon-iswaydaarsiga.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay siyaasadda Arrimaha Bulshada inay door xooggan ku leedahay qorshaha horumarinta Bulshada ee dalka, isagoo tilmaamay saddexdii sanno ee u dambeeyay in ka badan 1.3 milyan oo qof in taageerro dhaqaalo ay ka helayeen barnaamijka qaran ee Ilaalinta Bulshada (Baxnaano) , si loo xoojiyo siyaasadda Ilaalinta Bulshada.

Waxa uu sidoo kale wasiirka caddeeyay muhiimada ay leedahay fahanka iyo mudnaansiinta, taa oo ah ujeeddada aqoon-iswaydaarsiga dejiyeyaasha Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliya oo ay maanta Muqdisho ka furtay Waaaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.