Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo lagu qabtay Galmudug

Ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug  ayaa gacanta ku dhigay horjoogihii maaliyadda ee khawaarijta  u qaabilsanaa gobolka mudug iyo horjoogihii dhanka tababarada u qaabilsanaa khawaarijta Al-Shabaab.

Howlgalka lagu qabatay xubnahaan khawaarijta ka tirsan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Xinlabi iyo Baraag-ciise ee koonfurta gobolka Mudug, Raggaan ayaa ka koobnaa laba horjooge iyo darawalkii gaariga ku waday.

Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela ee gobolka mudug Maxamed shuuke Abshir oo la hadalay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan gacanta lagu soo dhigay laba horjooge oo ka tirsan khawaarijta iyo darwal u waday gaariga,sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in gaariga uu saarnaa rashiin ay khawaarijtu kasoo dhaceen dadka degaanka

Dagaalka tooska ah ee Dowladda ku qaaday kooxda khawaariijta oo sababay in khawaariij la kulanto jabkii ugu xumaa

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 7- bilood dagaal kula jirta Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxaana laga abaaray dhinacyo badan, waxaana lagula diraray qaab dhameystiran, kaasi oo isugu jira ina lagu wajaho dagaal iyo guluf xooggan oo dhinaca Ciidamada ah, waana looga guuleystay, waxaa kaloo laga wajahay dhinaca fikirka, taasi oo ay Culumaa’diinka Soomaaliyed caddeeyeen inay yihiin Khawaarij, uuna bannaan yahay dagaalkooda iyo kan dhaqaalaha oo isna hirgalay, waxaana soo baxaya baaqyo badan oo Dadka looga digaayo inay lala macaamilo Kooxdaasi,

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka NISA ayaa uga digtay ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ay ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda NISA oo nuqul kamid uu soo gaaray SONNA ayaa lagu sheegay in Hey’adda NISA ay si dhow ula socoto isku dayo ay khawaarijtu ugu yeereyso dad ganacsato ah deegaan Kuunyabarow hoos yimaada gobolka shabeelada Hoose.

Hey’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka waxay si dhow ula socotaa isku dayo khawaarijtu ugu yeeriyaan Dad Ganacsato ah deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeelada Hoose, haddaba Hey’addu waxa ay uga digeysaa Ganacsatada in ay u hoggaamansamaan ammarada Khawaarijtu ku dooneyso ina ay ku boobaan hantidooda, kadibna loo istcmaalo hantidaasi gumaad Dadka Shacabka ah.

Sidoo kale Hey’addu waxay ugu baaqeysaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Xaruuaha Khawaarijta, maadaaa ay bartilmaameed u yihiin Hey’adahas Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale kooxda khawaariijta ayaa ganacsatada isku day fashilmay ku raadisay in ay ganacsatada ku amarto in ay ugu tagaan degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe taas oo masaafo ahaan aad uga fog deegaanadii ay markii hore ugu yeeri jirtay ganacsatada oo ahayd deegaano aan ka fogayn caasimadda,balse jabka gaaray kooxda ayaa sabab u ah in ay jilib iyo jubadda dhexe ku aruurto,sida ay ogaatay Warbaahinta Qaranku dalabaadka kooxda khawaariijta waxa gabi ahaan ba ganafka ku dhuftay ganacsatada Soomaaliyeed tan oo khawaariij uga daran jabka uu gaarsiiyey dagaalka militarigu,dowladda ayaa xirtay in ka badan 250 Account Bangi iyo malaayiin dollar oo ku jirtay.

Sidoo kale Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa go’aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex (3) usbuuc ah, iyadoo hay’adaha maaliyadeed, Bankiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada lagu faray inay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood

Dhanka kale bulshadda Soomaliyeed ayaa la wargaliyay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, wuxuuna Warbaahinta u akhriyey Go’aanno adag oo ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

Go’aanadaan ayaa si khaas ah u khuseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta, sidaasi awgeed ayuu Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada(National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee-NAMLC).ayaa Markii uu arkay: Xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.Markii uu arkay: Waajibaadka shaqo ee guddiga.Markii uu yaqiinsaday: inay waajib tahay in ilaha dhaqaale ee ay ka faa’iidaysan karaan khawaarijta laga hortago, lana adkeeyo dadaalada Dowladda ay ku xannibayso tubooyinka iyo marinada dhaqaale ee khawaarijta.Markii uu garwaaqsaday: Dagaalka khawaarijta Al-shabaab iyo dhamaan argagixisada dalka ka jira ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.Markii uu dhagaystay: Jihaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, markaasi kadib ayuu Guddigu soo saaray go’aannada ku aadan sidii loo ciribtiri lahaa meelaha ay dhaqaalaha ka hekaan Kooxda maleeshiyaad Khawaarijta.

Go’aanada oo dhammaantood aad muhuum u ah ayaa waxa aan mid mid u dul istaagi doonnaa, inaga oo ka bilaabi doonno qodobka kowaad oo u qoran sidan:-

Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada.
Qodobkaan faahfaahintiisa ah ayaa ah, Lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada waa dambiyo waaweyn si waafaqsan qodobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta Argagixisada, kaasi waa cad yahay.

Qodobka 2-aad ayaa u qoran sidan:- .Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha waa inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh, iskuna diiwaangeliyaan muddo sadex (3) usbuuc gudahooda oo ka bilaabanta taarikhda marka ay tahay 11/02/2023. Ciddii aan isku diwaangelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabahaku xusan qodobada 28-aad iyo 29-aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:-

Xabsi ciqaabeed
Ganaax lacageed
Xayiraad safar
Kala noqosho shati ganacsi &
In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.
Haddaba war lee maan wadeynaa waa cad yahay qodoboda looga digayo Ummdda Soomaaliyeed inaysan ku kadsoomin la macaamilka Kooxada Argagaxisada ah, iyo waliba sharigii lagu qaadi lahaa hadday ku dhacaan dabinada loo dhigay, waxaana jiri doona dabagal iyo la xisaabtan meelaha lagu tuhmaayo inay xiriir la leeyihiin Kooxaha Argagixisada ah, maadama looga wada adkaaday dhinacyada Militariga, Fikirka iyo dhanka Dhaqaalaha, ayaa sharciyadaani ku sii giijinaayaan xayiraadda dhanka dhaqaalaha ee saran Khawaarijta.

Haddaba falanqeeyayaashu maxay ka yiraadeen Go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan Go’aanka Guddiga la dagaalanka lacag dhaqista iyo maalgalinta Argagaxisada?

La soco qaybta labaad.

XIGASHO SONNA

Madaxweynaha Galmudug oo daah furay mashruuca Barwaaqo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa Dhuusamareeb ka daahfuray mashruuca Barwaaqo.

Munaasabadda daah furka oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Maamulka Galmudug waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah golayaasha dowladda Fadaraalka, labda gole ee Dowladda Galmudug  maamulka gobalka Galgaduud, kan Caasimada iyo masuuliyiin kale.

Mashruuca Barwaaqo oo horay wajigiisa koobaad lagu magacaabi jiray Biyoole ayaa ka shaqeeya horumarinta kaabayaasha kala duwan ee dowlad dhiska Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa bogaadiyay mashuuraca Barwaaqo oo wax la taaban karo ka qabtay Galmudug oo ay si gaar ah u wada shaqeeyaan Wasaaradaha Qorsheynta, Tamarta & Biyaha, Deeganka, Xannaanada Xoolaha, iyo wasaaradda Beeraha Galmudug.

 

Kuuriyada Woqooyi oo tijaabisay dhowr gantaal,xilli ay jiraan digniin dagaal

Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo kuwa ridada gaaban ah ku ridday xeebaha bari ee gacanka, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed, laba maalmood ka dib markii Pyongyang ay dib u billowday mamnuucista dhaqdhaqaaqyada tijaabinta gantaallada ballistic-ga ee isaga gudba qaaradaha.

Milatariga ayaa sheegay in ay si adag  u cambaareynayaan labada weerar,iyagoo ku tilmaamay  fal daandaansi ah.

Gantaaladaasi,waxaa laga tuuray  magaalo xeebeedka galbeed ee waqooyiga caasimadda Kuuriyada Waqooyi subaxnimadii maanta, sida ay bayaan ku sheegeen madaxda isku dhafka ah ee shaqaalaha Kuuriyada Koonfureed.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gantaaladaasi ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu naafeeyo garoomada diyaaradaha ee cadowga, wakaaladda wararka dowladda ee KCNA ayaa tiri.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay ka hortgtay gantaaladaasi,isla markaana ay saaka soo rideen laba gantaal oo ballistic ah,waxaana tijaabinta gantaaladaan la sheegay in ay dhacayaan,xilli Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya ay sameynayaan dhoolas ciidan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galinkii dambe magaalada Addis- Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay dhiggiisa dalka Nigeria Muhammadu Buhari.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dadaallada la dagaallanka khawaarijta iyo kor u qaadista midnimada dalalka Afrika( Pan-Afrika) iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirada dhanka ganacsiga iyo isu socodka bulshada labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Itoobiya uga qeyb galay Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika, isagoo uga hadlay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga sida la dagaallanka Khawaarijta, arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda.madaxweynaha ayaa dhinaca kale kulama doceedyo kula qaatay madaxda wadamada afrika ee shirka ka qeyb galayay.

 

Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Kalfadhiga 36-aad ee Madasha Wasiiradda caafimaadka CDC Africa

Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryan Maxamad Xuseen oo matalaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay Kalfadhiga 36-aad ee Madasha Wasiiradda caafimaadka CDC Africa kaasoo kadhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, taariikh Febraayo 18 2023.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa xoojinta Nidaamka Caafimaadka ee Afrika iyo kor u qaadida Wadashaqeynta Wasaaraddaha, dhanka kale kulanka waxaa lagu soo bandhigay wax qabadka CDC Afrika iyo qorshaha ay hiigsanayso.

Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryan Maxamad ayaa kulama gaar gaar ah la yeelatay Wasiiradda Caafimaadka ee dalalka kenya, Etoobiya, Ugaanda iyo South Sudan; halkaas oo kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka caafimaadka ee Soomaaliya iyo dalalkaas.

Kalfadhiga 36-aad ee Barnaamijka Hoggaanka Sare ee heerka Wasiiradda Caafimaadka ee xubnaha Afrika CDC iyo Golaha Midowga Afrika waxaa goobjoog ahaa qaar kamida madaxweynayaasha dalalka Afrika, Ag. Agaasimaha Guud ee Afrika CDC Dr. Ahmed Ogwell Ouma iyo dhamaan wmWasiirada.

Ugu dambeyntii Madasda Kalfadhiga 36-aad ee Wasiiradda CDC Africa waxaa la isla qaatay in Wasaaraddaha Caafimaadka ay sii xoojiyaan Nidaamka Caafimaadka ee Afrika, qeyb weyna ay ka qaataan sidii loo adkeyn lahaa Wadashaqeynta si loo gaaro Hormar caafimaadka ee Waara iyo Hisiyada loo-wada dhanyahay ( Universal Health Coverage)

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Lagu wadaa in Maanta xarunta Villa Hargeysa ay ku yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin

  1. Dhaarinta Xildhibaanka Cusub ee Xasan Hurre Ugaas , kaas oo dhawaan ku guuleystay kursiga HOP#203 oo doorashadiisa ka dhacday Magaalada Kismaayo.
  2. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta
  3. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka
  4. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Ladagaalanka Argagixisada
  5. Qeybinta Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah
  6. A) Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha
  7. B) Socdaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala sharciya dhowr ah oo ay soo ansixiyeen Golaha wasiirada loogana fadhiyo in ay meel mariyan,sabtidii dhaweyd ayay ahayd markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ansixiyeen Hindise sharciyeedyada kala ah Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hindise sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa

Wasaaradda Qorsheynta oo u diyaar garoobeysa Diyaarinta Qorshaha Dayn Cafinta

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene ayaa shir gudoomiyay shirka bilaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS kaas oo ay ka qeybgaleen Wasiiru- Dowlaha, Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle, Agaasimaha Guud, Mudane Asad Yusuf Qanyare, Agaasime Waaxeedyadda, La-taliyayaal Sare iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada Wasaaradda.

Qodobbada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ah: Diyaar garowga Wasaaradda ee ku saabsan diyaarinta Qorshaha Dayn Cafinta Kadib (Post HIPC Plan) iyo dardargelinta dib u eegista xiliga dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay diyaar garowga ku aadan shirka lagu soo bandhigaayo warbixin-sanadeedka horumarinta,mashaariicda dalka iyo qabashada shirka xalka waara ee heer qaran.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo xilalka u kala wareejiyay Hanti dhowrka Qaranka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Hanti Dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale iyo Hanti Dhowrihii hore Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in Xafiiska Hanti Dhowrka uu laf dhabar u yahay hannaanka, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maalliyadda dalka, qayb waynna uu ka yahay barnaamijka dayn cafinta ee hadda ay xukuumadda Dan-Qaran gacanta ku hayso.

Mudane Saalax ayaa uga mahad celiyey Hanti dhowrihii hore sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Hanti-dhowraha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare iyo masuuliyiin kale.

     

 

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo booqasho ku tagey xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay safaaradda Soomaaliya ee Serbia, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen danjiraha Soomaaliya u fadhiya Serbia iyo howlwadeenada Safaaradda.

Amb.Maxamed Cabdullaahi safiirka Soomaaliya ee Serbia ayaa wasiirka warbixin ka siiyey howlaha muhiimka ah ee ay safaaraddu u heyso ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Barre ayaa safiirka iyo howlwadeenada safaaradda ku bogaadiyey shaqada mugga weyn leh ee  safaaradu u heyso shacabka  Soomaaliyeed iyo shaqada adag ee lagu dhisayo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal.

Booqashada wasiirka ayaa ka mid ah safar shaqo oo uu ku joogo dalka Serbia, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Serbia