Xildhibaannada Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Sharciga korontada Qaranka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 13-aad oo lagu meel mariyay Sharciga Korontada Qaranka.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa akhrinta labaad ee Sharciga Korontada Qaranka, ayaa dood iyo aragtiyo kadib wuxuu guddoomiye Timacadde, go’aamiyay in sharciga la ansixiyo maadaama aysan jirin qaladaad sharci oo ay tilmaameen Sanatarradu islamarkaana ay ku qancaan sida ay uga soo shaqeeyeen sharciga Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare.

Kulanka ayaa wadar ogol lagu ansixiyay Sharciga Korontada Qaran.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Jaamac Taqal Cabaas ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda Qaran sida ay u meel mariyeen sharciga Korontada Qanka oo muhiim u ah Dalka.

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof, dad fadhiya, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya iyo gudaha

 

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad taagan iyo marada madaxa

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga XFS oo la kulmay Wasiirada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo qeyb ka ahaa wafdigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamoud ee dalka Itoobiya, ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiiradda Maaliyadda iyo Ganacisga dalka Itoobiya.

Wasiirka Ganacisga ayaa dhigiisa dalka Itoobiya, Mr. Gebremeskel Chala  waxaa ay ka wada-hadleen iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal.

Labada dhinac, ayaa waxay ku dheeraadeen muhiimadda xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal, fududeynta iyo yareynta caqabadaha ganacsiga iskaga gudba xuduudaha oo ganacsatada Soomaalidu dhib kala kulmi jirtay inay wax u dhoofiyaan gudaha dalka Itoobiya, wax-is-dhaafsiga badeecadaha kala duwan ee labada dal sida Kaluunka iyo Kofeega iyo weli ba sidoo kale dhammeystirka heshiis ganacsi oo rasmi ah oo mustaqbalka dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo booqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan talyaaniga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aadan ayaa booqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan talyaaniga isaga oo la kulmay duqa magaalada, Mudane Mauro Armelao iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka midawga Yurub marwo Rosanna Conte taas oo laga soo doorto deegaankan.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta uu la kulmay in Soomaaliya ay daneynegso in ay soo ceshato saxiibadeeda soojireenka ah islamarkaana ay diyaar u tahay in aqbasho maalgashi shisheeye si gaar ah dhinaca Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga ah.

Marwo Rosanna Conte oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay la kulanto wasiirka Kalluumeysiga ee Soomaaliya maadaama ay tahay xildhibaan si gaar ah uga warhaya arrimaha Kalluumeysiga ee Baarlamaanka Midowga Yurub, waxa ay u sheegtay wasiirka in ay ballan qaadeyso in baarlamaanka dhexdiisa uga ololeyn doonto horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.

Duqa magaalada Chioggia Mudane Mauro Armelao oo soo xiray kulankan ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu magaaladiisa ku martiqaado wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya maadaama magaaladu ay tahay magaalo xeebeed kalluumeysiga ku horreysa.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa booqday suuqa Kalluunka iyo dekadda Kalluumeysi ee magaalada isaga oo duqa magaalada Xildhibaannada iyo duqa magaalada kala qeybgalay qado sharaf ay u sameeyeen.

Israa’iil oo tiro dad ah ku dilay duqeymo ay ka geysateen Dimishiq

Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay, 15 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo, kadib duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen caasimadda Suuriya ee Dimishiq, , sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Suuriya .

Weerarradaan oo dhacay saaka  subaxnimadii ayaa lala beegsaday dhismo ku yaalla xaafadda Kafr Sousa ee badhtamaha magaalada Dimishiq,gaar ahaan dhismooyin ku dhow xarumo Iran ay ku leedahay halkasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo soo xiganaysa goobjoogayaal.

SANA ayaa ku warantay in shan qof la dilay, oo uu ku jiro askari, waxayna intaa raaciday in tiro badan oo  dhismooyin ah oo ay lahaayeen dad rayid ah loo geystay burbur.

Muuqaalo ay faafisay warbaahinta dowladda ayaa muujinayay in dhismo ka kooban 10 dabaq uu si xun ugu burburay weerarka, kaasoo burburiyay dhismihii dabaqyada hoose.

Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Masiibooyinka oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xarunta dhexe IGAD ee laqabsiga cimilada iyo ilaalinta Deegaanka

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka Maxamuud Macalim ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamal Maxamed Xasan madaxa xarunta dhexe IGAD ee laqabsiga cimilada iyo ilaalinta Deegaanka.

Ambassador Jamaal ayaa hay’adda la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada xarunta iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen hay’adda iyo guud ahaan qeybaha kale ee IGAD ee la xariira maareynta musiibooyinka, cimilada , u adkeysiga aafooyinka, iyo sidii loo xoojin lahaa loogana faa’ideysan lahaa khibradaha kala duwan ee IGAD iyo tayeynta shaqaalaha hay’adda.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun15 sano ah ku riday Xiddigle xogaha la wadaagi jiray khawaariijta

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukunka 15 sano ah ku riday Xiddigle xoggaha la wadaagi jiray khawaariijta

Xidigle Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ahaa macalin Tababar oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalla siyaad ee militaryga Soomaaliya ayaa loo xukumay la shaqaynta kooxda Argagixisada ee khawaariijta ah.

63 jirkan ayaa maanta Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare balse xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay,kana been abuurtay darajada ciidanimo.

Caro uu ka qaaday sida uu sheegtay kadib waxa uu xiriir wada shaqayn la yeeshay khawaariijta Alshabaab, hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaaday In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Mursal yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaaga kooxaha khawaariijta.

Argagaxisada oo laga soo ooday ilihii dhaqaale ee ugu dambeeyay (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 7- bilood dagaal kula jirta Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxaana laga abaaray dhinacyo badan, waxaana lagula diraray qaab dhameystiran, kaasi oo isugu jira ina lagu wajaho dagaal iyo guluf xooggan oo dhinaca Ciidamada ah, waana looga guuleystay, waxaa kaloo laga wajahay dhinaca fikirka, taasi oo ay Culumaa’diinka Soomaaliyed caddeeyeen inay yihiin  Khawaarij, uuna bannaan yahay dagaalkooda iyo kan dhaqaalaha oo isna hirgalay, waxaana soo baxaya baaqyo badan oo Dadka looga digaayo inay lala macaamilo Kooxdaasi.

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka NISA ayaa uga digtay ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ay ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda NISA oo nuqul kamid uu soo gaaray SONNA ayaa lagu sheegay in Hey’adda NISA ay si dhow ula socoto isku dayo ay khawaarijtu ugu yeereyso dad ganacsato ah deegaano hoos yimaada shabeelada Hoose.

Hey’adda Sirdoonka  iyo nabadsugidda Qaranka waxay si dhow ula socotaa isku dayo khawaarijtu ugu yeeriyaan Dad Ganacsato ah deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeelada Hoose, haddaba Hey’addu waxa au uga digeysaa Ganacsatada in ay u hoggaamansamaan ammarada Khawaarijtu ku dooneyso ina ay ku boobaan hantidooda, kadibna loo istcmaalo hantidaasi gumaad Dadka Shacabka ah.

Sidoo kale Hey’addu waxay ugu baaqeysaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Xaruuaha Khawaarijta, maadaaa ay bartilmaameed u yihiin Hey’adahas Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa go’aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex (3) usbuuc ah, iyadoo hay’adaha maaliyadeed, Bankiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada lagu faray inay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood

Dhanka kale bulshadda Soomaliyeed ayaa la wargaliyay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, wuxuuna Warbaahinta u akhriyey Go’aanno adag oo ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

Go’aanadaan ayaa si khaas ah u khuseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta, sidaasi awgeed ayuu  Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada(National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee-NAMLC).ayaa Markii uu arkay: Xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.Markii uu arkay: Waajibaadka shaqo ee guddiga.Markii uu yaqiinsaday: inay waajib tahay in ilaha dhaqaale ee ay ka faa’iidaysan karaan khawaarijta laga hortago, lana adkeeyo dadaalada Dowladda ay ku xannibayso tubooyinka iyo marinada dhaqaale ee khawaarijta.Markii uu garwaaqsaday: Dagaalka khawaarijta Al-shabaab iyo dhamaan argagixisada dalka ka jira ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.Markii uu dhagaystay: Jihaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, markaasi kadib ayuu Guddigu soo saaray go’aannada ku aadan sidii loo ciribtiri lahaa meelaha ay dhaqaalaha ka hekaan Kooxda maleeshiyaad Khawaarijta.

Go’aanada oo dhammaantood aad muhuum u ah ayaa waxa aan mid mid u dul istaagi doonnaa, inaga oo ka bilaabi doonno qodobka kowaad oo u qoran sidan:-

  1. Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada.

Qodobkaan faahfaahintiisa ah ayaa ah, Lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada waa dambiyo waaweyn si waafaqsan qodobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta Argagixisada, kaasi waa cad yahay.

Qodobka 2-aad ayaa u qoran sidan:- .Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha waa inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh, iskuna diiwaangeliyaan muddo sadex (3) usbuuc gudahooda oo ka bilaabanta taarikhda marka ay tahay 11/02/2023. Ciddii aan isku diwaangelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabahaku xusan qodobada 28-aad iyo 29-aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:-

  1. Xabsi ciqaabeed
  2. Ganaax lacageed
  3. Xayiraad safar
  4. Kala noqosho shati ganacsi &
  5. In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.

Haddaba war lee maan wadeynaa waa cad yahay qodoboda looga digayo Ummdda Soomaaliyeed inaysan ku kadsoomin la macaamilka Kooxada Argagaxisada ah, iyo waliba sharigii lagu qaadi lahaa hadday ku dhacaan dabinada loo dhigay, waxaana jiri doona dabagal iyo la xisaabtan meelaha lagu tuhmaayo inay xiriir la leeyihiin Kooxaha Argagixisada ah, maadama looga wada adkaaday dhinacyada Militariga, Fikirka iyo dhanka Dhaqaalaha, ayaa sharciyadaani ku sii giijinaayaan xayiraadda dhanka dhaqaalaha ee saran Khawaarijta.

Haddaba falanqeeyayaashu maxay ka yiraadeen Go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan  Go’aanka Guddiga la dagaalanka lacag dhaqista iyo maalgalinta Argagaxisada?

La soco qeybta 2-aad

By C/laahi Ruush

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Adis-Ababa kula kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto.

Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo sidoo kale in ay Soomaaliya ku biirto Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Itoobiya uga qeyb galay Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga sida la dagaallanka Khawaarijta, arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda.

Macron” Waxaan rabaa in Ruushka looga adkaado dagaalka Ukraine, balse aan la bur burin”,

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inuu rabo in Ruushka looga adkaado dagaalka Ukraine, balse aanu dooneyn in la gaarsiiyo heer u uku burburo waddankaas dullaanka qaaday.

Madaxweyne Macron oo la hadlayay warbaahinta Faransiiska, ayaa ku booriyay dalalka reer galbeedka inay kordhiyaan taageerada milateri ee Kyiv, wuxuuna sheegay inuu wado qorshe diyaargaroow dagaal.

“Waxaan rabaa in Ruushka looga adkaado dagaalkan, oo Ukraine ay difaacato dhulkeeda,” ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.

Balse waxa uu diidday fekerka ah in dagaalka la gaarsiiyo ilaa gudaha Ruushka, si loo maquuniyo xukuumadda Moscow.

Hadalka Macron ayaa yimid iyadoo madaxda caalamka ay isugu tageen shirkii amniga ee Munich, kaasoo laga soo saaray ballan-qaadyo lagu dardargelinayo hubka la loo dirayo Kyiv, cunaqabatayn adagna lagu soo rogo Moscow.

Rafaadkii Khawaarijtu badday raxmad ayaa u bedeshay reer Raaga Ceele. (Warbixin)

Raage Ceele, waa magaalo ku fiican marti-soorka iyo soo dhoweynta, sida ka muuqata oraahda ah” Raaga Ceelaa la rogaa hee ma rabtaa rooti iyo caano”.

Magaaladan oo dhacda bartamaha degmooyinka Warshiikh, Jowhar iyo Cadale oo dhammaantood ka wada tirsan maamulka Hirshabeelle, waxay ahayd magaalo dhismeysa ka hor inta aysan qabsan Khawaarijta, balse waxay ka rideen indhaha muddo ay xoog ku haysteen.

Dhowr bilood ka hor, magaalada Raage Ceele waa ay adkeyd in la dayactiro  la dhiso guryaha sababo la xiriira in Khawaarijta Al-shabaab ay u diiday dadka deegaanka in ay dhistaan guryahooda, waxayna ku soo rogi jireen lacago ka badan mida ay ku dhisayaan.

“ Maanta qofkii guri dhiseyso ilaa ay fasax u soo jaraan ma aysan dhisan Karin, waxaa laga yaabaa allaabta ay guriga ka dhisaneyso in ay qof masaakiin tahoo dan yar ah oo qandal ka soo deynsatay ay leedahay si ayuuta ahaa kuu siinaa qofkaas ayay leeyihiin in ay u yimaadaan ama soo tuur ama guriga ma dhisaneysid, sidaas darteed dhismo la’aantaas waxaa hadda hooy la’aan u ah dad badan oo msaakiin ah oo gurigooda dhisan waayay,”  ayuu yiri guddoomiyaha degmada Raage Ceele.

Waayo jooga degmada waxay dib u heleen kullamadooda qaxwada subaxda hore oo ay isaga wareysan jireen xaaladaha deegaanka iyo guud ahaan dalka, waxayna warbaahinta qaranka oo booqatay uga warameen sida Khawaarijtu u diiday in ay dhisanto magaaladan.

“ Marka cisbitaalada iyo guryaha, saddex bil ka hor lama dhisin Karin, hal dhagax haddaad kor u qaado waxaa lagaa rabay boqol dollar,”.

“ Marba si waa, mar soddon dollar, mar labaatan dollar, mar konton dollar, calaa qof madaxaaga lagaaga rabaa, dhismo dhan lama soo xusuusan sidee u noolaan karaa ayay noqotay?, wax Xamar ayay u haadeen, wixii harayna nolosha ciriiri ku noqotay, waxayna arrinta hagaagtay oo nafis la helay markii la isku yimid oo Khawaarijta laga saaray deegaanka,’.

Qoys qoys iyo qof qof ayay Khawaarijtu lacagaha uga qaadayeen dadka degan degmada Raage Ceele sida uu sharaxayo guddoomiyaha degmadaas.

“ Dadka deegaanka waxaa laga tiring jiray ciyaalka, waxaa la dhihi jiray canug kasta lacag ka keen, canug kasta, qoys kasta iyo oday kasta oo nabadoon ah waxaa loo diri jiray inuu dadkiisa soo tiriyo, inuu canug kasta lacag ka bixiyo oo baad ah”.

Bilo ka hor, 100-km ka badan ayay dadka deegaanka u safri jireen si ay u helaan adeeg caafimaad, goobtaasina waxay ahayd Difaac ay ku jireen ciidamada oo isugu jira dadka deegaanka iyo kuwa qaranka.

Waxaana hadda socda dhismaha cisbitaal, sahli doona in ay dadka degmada Raaga Ceele iyo deegaannada ku haraareysan helaan adeeg caafimaad oo dhammeystiran, kaas oo aan horay halkaas uga jirin.