Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay Lataliyaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim Qoone Lataliyaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Lataliyaha ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee dalka  gaar ahaan Hirshabeelle iyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta, qorshayaasha dowladu ku hormarineyso deegaanada iyo degmooyinka la xoreeyay.

Lataliye Maxamed Xasan Qoone ayaa aad u bogaadiyay dadaalada Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ee ugu jiro ka shaqeynta horumarka, kaalintiisa nabadoonimo ee arrimaha dib u heshiisiinta iyo howlgalada uu hormuudka u yahay ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.

Ciidanka Booliiska oo toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka Booliiska saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa saakay toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda

Dhagarqabahani ayaa qorsheynayay in uu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha ayey ciidamada amnigu ku dileen isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa maalmahan muqdisho ka waday howlgallo lagula dagaalamayo khawaarijta bulshada ku dhax dhuumaneyso si dhagartooda shacabka looga bad-baadiyo.

JAWIGA XAMAR XIILIGA HABEENKII

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, daal iyo dibin-daabyo daran dabadeed, deganaansho ayaa ka jirta, waxaa furan ganacsiga iyo goobaha lagu caweeyo, waxaa jiro neecaaw udgoon badan taasi oo ka soo babaneysa (Haawanaysa) badweynta Hindiya ee kaabiga ku haysa degmooyinka Xamarweyne, Cabdicasiis, Karaan, Dharkinley iyo Waabari.

Marka aad taagantahay Halbowlaha waddada Maka Al-mukarama waxaa ay indhahaadu qabanayaan saaxiibo isku hilooway, lamaanayaal soo hasaawa tagay, qoysas sita caruurtooda oo dhamaantood ku lugeynaaya wadada.

Abbaaro maqrib ah, Qoraxduna ay sii liiceyso ayaan u anbabaxay dhankaa iyo Degmada Waabari ee gobolka Banaadir aniga oo ka soo socdaalay degmada dariska la ah ee Hodan. Intaan dhabaha ku soo jiray waxaan la kulmay Aasha Aadan iyo Sayigeeda Geedi Nuur.

Geedi iyo Aasha waxaa ay ii sheegeen In ay dhawaan ka soo noqdeen Caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya halkaas oo ay deganaayeen in ku dhaw 20 sano.

Geedi Nuur waxaa uu qirsanyahay in Muqdisho maanta ay la tartamayso caasimadaha aduunka, waxaana uu qiray in dhismayaasha ku teetsan hareeraha laamiga, hotelada sida casriga loo dhisay, maqaayadaha iyo garoomada kubadda ee caasimada ay ka qayb qaadanayaan adeegyada casriga ee ay shacabka la dhacsanyihiin.

“Xilliyada habeenkii waxaan mararka qaar soo aadnaa magaalka aniga iyo Marwadeyda iyo Ilmahayga. Waxaan Tusaa sida ay u qurux badantahay Casimadda, Waxaan kala baraa dhismayaasha qadiimiga inta aan ka gaaro.” ayuu yiri Geedi Nuur.

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay in haatan uu gu’aansaday in noolashiisa inta ka harsan uu ku noolaado dalkiisa hooyo.

Sidoo kale waxaan la kulmay Arday xilli habeen ah barnaamij ku samaysanaayay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Ardaydaas oo dhigta Kulliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha ayaa isheegay in ay halkaa u joogaan hawa-badalasho. Waxay ii sheegeen in maalinkii ay ku mashquulsanyihiin casharada haatanse ay u dheertahay neecow iyo cimilo ka duwan tan maalinkii.

Dhanka kale saaxiibo kale duwan ayaa xiliga fiidkii u soo daawasha tago hirarka badda, iyaga oo sidii muusikada u dhagaysta guuxa badda. Dhagahaadu maqabanayaan waxaan ka ahayn shanqarta aad mooddo gu’gaca roobka ee Guga, qosolka dhalinyarada ku caweynaysa qararka badda.

Jawiga noocaas ayaa kaa dhigaaya mid badala fikirkii aad ka haysatay Muqdishada qaraxyada, dilalka iyo dhaca laga soo tabiyo waxaadna moodeysaa inaad daawanayso halka lagu soo jilo aflaamta.

WQ: Mohamed Ibrahim

 

HIBADU WAA SHEYGA UGU MUHIIMSAN EE QOFKU GUUL KU RAADIN KARO

Hibadu waa xirfad gaar ah oo uu Alle ku manneesto adduumadiisa kala duwan taasoo u noqota qofka mid uu bulshada kaga dhex muuqdo inta badan.

Dunida qofba wax buu ku wanaagsan yahay wuxuuna leeyahay hibo u gaar ah oo ku duugan maankiisa.

Hibadu waxay u baahan tahay qaab aad ku soo bandhigi karto oo aad ku muujin karto waayo dunidan waxaa jira malaayiin dad ah oo leh hibooyin gaar ah hadana ay ku adag tahay in ay soo bandhigaan ama aan helin qaab ay ku soo bandhigaan.

Dunida waxaa ka jirto barnaamijyo u gaar ah oo loo yaqaan“Got Talent” taasoo lagu tartarsiiyo dadyowga hibada gaarka ah leh.

Dadku hibooyin bay leeyihiin waase kala duwan yihiin hibooyinkaas adiguna kuwaas ayaad ka mid tahay waayo barnaamijyda qaar ee hibooyinka lagu soo bandhigo waxaad ku arkeysaa waxyaabo aadan fileyn hadana ah hibooyin mucjisooyin ah oo qofka ay duugnaayeen haddii aan laga soo saari lahyn uu la dhiman lahaa iyadoo laga faa’ideysan.

Weligaa ha dhihin waxaas maad dad la hortagi kartaa laakiin la soo bax wax kasta oo kugu jira oo xirfad ah oo keeni kara in aad gaarto guul tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in aad laxanka heesaha ku fiican tahay laakiin adiga aad is leedahay waxa aad heyso lama hor yagi kartid bulshada uuna kula noqdo wax hooseeya.

Haddii aad heyso xirfad cusub iyo waxqabad mucjiso ah ma aha in aad adiga isla yaabtid oo aad ka gaabsatid in aad soo andhigto tusaale ahaan waxaad leedahay hibo in aad ilkahaada ku qaadi karto foosto shidaal ah ..ha is dhihin arrintan ma bandhigi kartid oo dadka ayaa kula yaabaya ama kuu qaadanaya qof aan caadi aheyn oo awoodo sheydaan leh.

Aduunka hubooyinka waxay keenaan caanimo deg deg ah iyo mararka qaar qofka oo la yimaada wax cusub oo uu ku shaqo tago kagana duwan yahay dadka intiisa kale una soo jiideysa caanimo aanu hore u heysan oo xad dhaaf ah.

Sidoo kalena hibada waxay qofka gaarsiin karta martabad cusub oo noloshiisa ah waayo manta dunida ninka caanka caanka ee hibada kubbadda cagta ah leh ee malaayiinta dadka ah daawadaan tusaale ahaan ciyaaryahanka Messi lama mid aha ciyaartoyga caadiga wuxuuna Messi ku caano maalaa hibadiisa oo laga yaabo in ay noloshiisa wax badan ka bedeshay.

Hibada nooca qofku yeealan karo waxay ku imaan kartaa qaab uu soo koriyey oo uu tababaro xirfad iyo aqoon kororsi badan us oo maray iyo mid hibo Rabbaani ah waxayna labduba qofka ka dhigaan mid wax  gaar ah hibo u leh ama ku wanaagsan.

Xitaaa haddii aaney hayn mid rabbaani ah qofku wuxuu ku heli karaa waayo aragnimo iyo ku dhex jir waqti dheer oo uu kaga duwanaan karo inta kale ee la wadaagta isla xirfaddaa tusaale ahaan labo sawir qaade oo muddo toban sano ah soo wada shaqeynayey isku tababarna qaba ayaa midkood laga yaabo in uu hibo gaar ah u sii leeyahay oo kan kale kaga wanaagsan yahay xirfaddaas oo ay dadka qaar yiraahdaan hebel waa ka gacan macaan yahay hebel ama sawir qaadista waa kaga fiican yahay hebel.

Waxaa laga yaaabaa in hebel hibo u leeyahay ama uu waqti dheeraad ah barashadeeda galiyey marka loo eego saaxiibkiis taasna ay ka dambeyso in saaxiibkiis si gaar ah loogu tilmaamo xirfaddaa.

Si kastaba ha ahaatee haddii qof walba ceysaantiisa ceelka keeno oo soo bandhigo hibadiisa waxaa la heli lahaa malaayiin qof oo mid waliba hibo u gaar ah leeyahay waana sirta ka damebysa in dalal ay hindiya ugu horreyso ay xilligan xoogga saaraan barnaamijyo hibo raadinta … Soomaaliduna barnaamijyada noocan aad bay ugu baahan yihiin waxaana faa’ideeda laga dareemi karaa barnaamijkii ay wadi jireen idaacadda WADNAHA FM iyo qaar ka tirsan fannaaniinta Soomaaliyeed.

Mohamed Hassan Shiil

 

BOGGA DHACDOOYINKA GXX102 EE 20-KA FEB 2023 ————————————————————————————————–HAWEENEEY DABAGAL KU SAMEYSAY NIN GABADHEEDA KUFSADAY

Sannadkii aan ka soo gudubnay ayaa haweeney ku nool gobolka Bihar ee waqooyiga Hindiya loo sheegay in ninkii kufsaday gabadheeda uu dhintay, kiiskiina sidaa lagu la xiray. Waxay su’aal galisay run ahaanshaha hadalkaas waxayna daaha ka qaaday xaqiiqada, taasoo keentay in kiiska dib loo furo, ugu dambeyntiina ay cadaaladda u hesho gabadheeda. Weriyaha BBC-da Soutik Biswas ayaa baadhay sheeko cajiib ah oo dulqaadasho muujinaysa.

Subax aad u wanaagsan oo ku qiyaasan bishii Febraayo ee sannadkii hore, laba nin ayaa yimid goob meydadka lagu gubo oo ku taal jiinka webiga Ganges, oo ah webi la barakaysto oo ku yaal Hindiya.

Waxay halkaas u joogeen si ay u sameeyaan aaska Hinduuga oo ah in qofka dhintay la gubo. Nimanku waxay wateen xaabo, balse waxaa la yaab leh in aanay wadan wax meyd ah.

————————————————————————————————————-MAXKAMAD DHALLINYARO KU XUKUNTAY IN LA DALDALO

 

Dowladda Iran ayaa dhawaan daldashay afar nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen dibadbaxyadii gilgilay waddankaas.

Dad kale oo gaaraya 18 ayaa lagu xukumay dil.

Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in habka loo maxkamadeeyay dadkaas uu ahaa mid cadsaaladda ka fog.

Dhalinyaradaas la daldalay waxaa kamid ahaa Maxamed Mahdi Karami, 22 jir ku guulaystay tartanka karate-da. Dad xog ogaal u ahaa kiiskiisa ayaa BBC qeybta Faarisiga u sheegay in ninkaas loo qabtay 15 daqiiqo si uu isaga difaaco eedeymaha loo jeediyay.

Dibedbaxyada ayaa bilowday kadib markii gabar 22 jir ahayd, Mahsa Amini, ay ku dhimatay saldhig ay leeyihiin booliska xumaan reebidda. Waxaa loo qabtay in aanay si wanaagsan u xiran xijaabka.

————————————————————————————————————-XAYAWAANO LA SHEEGAY IN AY KA DIGAYAAN DHUL GARIIRKA

Markii uu dhulgariirku ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya waxaa soo baxay muuqaallo laga soo duubay xayawaano si qeyrul-caadi ah u dhaqmaya.

Xayawaannada muuqaalladooda sida weyn loo faafiyay waxaa ka mid ah Eey ciyaya, waxayna xayawaannadan u muuqdaan inay digniino ka bixiyaan dhul-gariirka, ka hor inta uusan dhicin.

Hase yeeshee su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: Xayawaanadu ma saadaalin karaan musiibooyinka?

Barfasoor Martin Wikeleski oo ka tirsan machadka la socda dhaqdhaqaaqa xayawaannada ee Max Planck ayaa sheegay in jawaabta su’aashaas la raadinayay muddo dheer.

————————————————————————————————————-NIN SAFAR MEELO BADAN KU MARAY OO AY BISAD KA YAABISAY

Markii uu Dean Nicholson, oo horay u ahaa kubadda Rugby-ga u ciyaara Scotland, xir xirtay alaabtii uu ku aadayay safar dunida daafaheeda ah, wuxuu rajeynayay in safarkaas uu ka heli doono khibrad noloshiisa baddasha.

Laakiin ninkan 31-ka jirka ah ma uusan ka warqabin in xayawaan yar oo afar lugood leh uu la noqon doono saaxiib noloshiisana baddali doono abid.

Dean, oo ka soo jeeda magaalada Dunbar, wuxuu dhibsaday nolosha ku saleysan shaqada la aado 9-ka subaxnimo ee laga soo baxo 5-ta galabnimo, wuxuuna go’aansaday inuu baaskiilkiisa kusoo maro guud ahaan caalamka.

Wuxuu ka tagay Scotland, isagoo safarkiisa ugu horreeyay ku aaday Amsterdam. Wuxuu sii maray dalalka Belgium, Giriigga, Switzerland iyo Talyaaniga ka hor inta uusan Doon weyn u raacin waddanka Croatia.

————————————————————————————————————-HABLO WARQAD DHIIGOODA KU QORAY OO RA’IISUL WASAARE KA CODSADAY IN LAGA DAAYO DENBI UU AABBAHOOD GALAY

Lix sano ka dib markii ay qoreen warqad, iyaga oo isticmaalaya dhiiggooda oo ay ku dalbanayeen in caddaaladda la horkeeno qofkii ka dambeeyay dilka hooyadood oo nolosha lagu gubay, ayaa waxay heleen caddaalad.

Marka loo eego marag-furka Latika Bansal- oo hadda 21 jir ah oo ay weheliso walaasheed, maxkamad ayaa ku xukuntay xabsi daa’in aabbahood Manoj Bansal.

Gabadhan dhallinyarada ah ayaa kiiskan ku sheegtay in aabbahood uu garaaci jiray hooyadood, maaddaama ay wiil u dhali wayday.

Bansal ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu sheegay in xaaskiisa ay iyadu is-dishay, taas oo  ay maxkamadda Bulandshahr ee waqooyiga gobolka Uttar Pradesh aysan rumeysan.

————————————————————————————————————-GABADH NIN AANAY AQOONIN AAMINTAY KA DIBNA KUFSADAY

 

 

Karen Lina oo loo garan ogyahay Princess waa haweeney 44 jir ah, waxayna sheegtay in labo sano ka hor ay la kulantay xaalad aysan illoobi doonin inta ka harsan nolosheeda.

Waxay sheegtay inuu ahaa ficil aysan waligeed ku fikirin inuu ku dhici doono. Waxaa kufsaday nin aysan waligeed horay u arkin.

“Markii aan xaaladdaas la kulmay waxaan meel kaligey ku noolaa saddex bilood ka dib markii ay soo afjarantay nolosheydii guurka.

Ninkeygii hore ayaa i furay wuxuuna iga eryay guriga aan ku wada nooleyn,” ayay tiri Princess.

Arrinta murugada ku abuurtay waxay ku dhacday wax yar ka dib markii uu dhammaaday guurkeedii saddexda sano aqalkiisu dhisnaa.

————————————————————————————————————-JACEYL XAD DHAAF AH OO AAN U QAADAY NIN QIYAANOOLE AH

Jaceylku wuxuu noqon karaa mid natiija la’aan ku soo dhammaado, Xitaa Jaceylka fool ka foolka ah ee labada qof dhexmaro wuxuu ku soo idlaan karaa dhacdooyin xanuun badan.

Balse marka aad xiriir jaceyl aad ka abureyso qaabka lagu xiriiro oo loo adeegsado teknooloojiyadaha casriga ah, waxaa dhici karta wixi aad fileysay wax aan ahayn iney kaaga soo baxaan halkaasina aad kala kulanto niyad jab aad u weyn.

Waana taa waxa ku dhacay Yzabel Szisky oo filimaanta soo saarta oo u dhalatay dalka Faransiiska xirir jeceyl oo wada sheekeysi toos ah uu ku dhammaaday iney ku dhacdo dabin been ah.

Waxayna BBC-da uga warrantay sida ay jeceylka ku qaadday iyo khiyaanada looga tagay oo ay hadda ka shaqeyneyso dhaawaci soo garay sidii ay uga bogsan lahayd.

————————————————————————————————————-HAWEENEEY U BAREERTAY KHATAR SI AY U HESHO NIN AY JECESHAHAY OO XABSI MUTEYSATAY

 

Haweeney u dhalatay dalka Bangladesh oo u bareertay khatar weyn si ay u guursato saaxiibkeed oo ku nool Hindiya ayaa markii dambe xabsiga loo taxaabay iyadoo loo haysto inay si sharci darro ah ku gashay dalkaas.

Krishna Mandal oo 22 jir ah ayaa go’aansatay inay safar dhulka ah ku marto keymaha khatarta badan ee Sunderbans ee kala qeybiya labada waddan, kadibna ay ka gudubto webiga Malta, sidaasna ay ku gaarto halka uu ku noolaa ninka ay jaceylka u qaaday.

Ninka oo lagu magacaabo Abhik ayaa waxa ay Krishna isku barteen Facebook, waxaana uu u sheegay in aanu haysan baasaboor uu ku tago Bangladesh.

Ninka oo ku nool degmada South 24 Parganas ee gobolka West Bengal ayaa ku baraarugay gabadha uu xiriirka ka dhexeeyay oo safar khatar badan kadib soo gaartay guriga uu ku noolaa.

————————————————————————————————————-

 

QISADII NABI HUUD (CS) IYO CANAADKII REE CAAD MAXAA XIGAY? (QEYBTII 2-AAD)

Haddana Huud isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:-                                                                                                       1- ma aragteen Eey ka Cararaayo Sayidkiisii (qofkii lahaa) oo uu aadaayo qof kale?                                                              2- ma aragteen Xayawaan caabudaayo Dhagax?                                                                                                                3- miyaadse aragteen Xayawaan u Sujuudaayo Dhagax?

Qoomkii reer Caad way ka xanaaqeen hadalkii Nabi Huud, ka dibna iyagoo isla hadlaaya ayey yiraahdeen:-

1- Huud muxuu sheegayaa ?                                                                                                                                                         2- Huud muxuu naga rabaa ?                                                                                                                                           3- Anaga ma fahmeyno hadalkiisa.

Huud mar Labaad ayuu u yeeray Qoomkiisa, waxayna yiraahdeen:-                                                              Huud anaga waxaan kuu aragnaa qof dhunsan, waxaana kuu qaadanay qof beenloow ah. Huud ayaa wuxuu ugu jawaabay:-

Qoomkeygiyoow aniga ma dhunsani, balse waxaan ahay Rasuulkii ilaah, waxaa idin sheegayaa Risaaladii Rabbi, waxaana idiin ahay qof daacad ah.

6- Xikmaddii Huud.

Huud isagoo weli qoomkiisa u naseexeynaaya wuxuu yiri:- Qoomkeygiyoow aniga shalay waxaan ahaa walaalkiina iyo saaxiibkiina, sow ima taqaaniin? haddaba walaalaheygiyoow maxaad iiga cabsaneysaan oo iiga ordaysaan? aniga maalkiina wax ka nusqaamin maayo, waxna ma idiinka rabo, Ajirkeygana ilaah ayaan ka rabaa, Qoomkeygiyoow maxaad uga baqeysaan inaad ilaah Aamintaan? Wallaahi waxba ka nusqaami maayo Maalkiina, weliba haddaad ilaahay aamintaan waxaan shaki ku jirin inuu idiin barakoobaayo Maalkiina, ee Qoomkeygiyoow maxaad ula yaaban tihiin Risaaladeyda? ilaahayna dadka u lama hadlo qof qof, oo ilaahay Qoom kasta waxa uu u soo diraa Qof u naseexeeya, haddaba aniga ayuu i soo diray inaan idinla hadlo oo idiin Naseexeeyo.

7- Iimaankii Huud.

Qoomkii Reer Caad ma ayan helin jawaab ay uga jawaabaan hadalladii uu ku yiri Huud, markay garan waayeen wax ay ku hadlaan ayey yiraahdeen :- Ilaahyaasheena way ka xanaaqeen hadalkaaga ee Huud waxaad tahay qof jiran.

Huud wuxuu yiri :- Asnaamyaasha waa dhagax, waxna ma anfacaan, waxna ma maqlaan, mana hadli karaan, Wax kheyr ama Shar ahna idiinma hayaan, xataa idinka gacantiina kumajirto Sharta iyo kheyrka, anigana wax iima heysaan, mana aminaayo ilaahyaashiina, mana ka baqaayo, oo aniga Allaah keliya ayaan talo saartay, oo Allaah keliya ayaa gacantiisa wax ku jiraan, waxna ma dhacaan ilaa uu Allaah idmo, oo Allaah amarkiisa ayaa wax walba ay ku dhacaan.

WQ: Ibraahim Warsame

 

QISADII NABI HUUD

SIDEE GAADIID LOO XUKUMAA HADDII WAX KALA HAGAABA JIRIN? MUQDISHOOY MAXAA TABEYSAA?

Horay iyo gadaalba dayay, meeshaad eegtaba waa ka dar oo dibi dhal, waddooyin ciriiri ah, gadiid nooc walba isugu jira, oo wada baxsanaya oo haddana hal qad wada saaran.

Adduunyadu waxay ku dhaqantaa sharuucyo kala duwan oo dhanka gaadiidka ah, haddana way kala nidaamsan yihiin oo waxaa u dhameystiran dhammaan wixii looga baahnaa run wayga, weliba waxay leeyihiin waddooyin toos iyo gudubka isku dhaafa, laakiin meeshii loogu baahi badnaa in qalabka asaasiga u ah howlaha gaadiidka ee dal dhan haddana aan dan laga lahayn wixii isku dhaca iyo wixii is qardoofa intaba.

Shilalka ka dhaca dalka waxa sababa waxaa ugu weyn aqoon yarida darawallada taasoo aan darwalada sida badan aan lagu siinin leysimada si waafaqsan sharciga.

Waxaa jira leysimada inay u kala duwan yihiin sida xajmiga gaadiidka u kala duwan yahay, loona baahan yahay mid waliba in lagu koontoroolo, waxa uu dulsaaran yahay, waxaad arkeysaa ruux soo bartay gaariga raaxada isagoo cirdeynaya gaari xamuul ah ama tareella ah isla markaana uu u heysanin wax oggolaasho ah iyo leysin midna, yaa kontoroola gaadiidka safarrada aada waa iska jaantaa rogan, haddii la qabtana waa iska leta bessa.

Haddaan usoo laabto muhiimmadda qormadeyda waxaan ula jeedaa in wax laga qabto calaamadaha gaadiidka ee waddooyinka loogu tala galay si loogu hortago wixii qaladaad ah oo dhici lahaa.

Tabeelluhu waa inuu ahaadaa wehelka gaadiidka safraya, waa tilmaame loo baahan yahay in lagu diyaarsho meel kasta oo aad cidlo ku tahay si uu kuugu sheego halka aad joogto inta kilo mitir ee kaaga harsan halka aad usocotay,

Tabeelleyaasha bixinaya tilmaamaha kala duwan, waa waxa ugu daran ee loogu baahi badan yahay xilligan aan joogno, Samaafaraha ayaa ah mid kaalintiisa ay tebayaan dhammaan magaalooyinka waa weyn ee dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda u ah dalka soomaaliya ee Muqdisho, waana arrin ceyb weyn nagu ah ayadoo la marayo 2022.

Faa’iidooyinka ay inoo leeyihiin maahan wax halkaan lagu soo koobi karo, waxaana naga maqan wax weyn oo xil dowladeed ah, dadkuna ku kala socdaan.

Dhanka kale, Haddaad u fiirsato xitaa bilicda magaalada waa dareemeysaa in ay wax weyn ka maqan yihiin, laami burbursan, bacaad waddo soo galy qashin meel is barkaday, biyo fadhiisiyo iwm.

Waxaan arki jirnay shaqaale ka shaqeeya waddooyinka oo si gaar ah u nadiifiya meelaha faras magaallada ah siiba jardiinooyinka lagu nasto, taasi waxay muhiim u ahayd kaabidda bilicda caasimadda, laakiin hadda lama hayo, xaggeey ku dambeeyeen kooxdii malaamilleey.

Bilicda Caasimadda Muqdisho waa Muraayadda Qalbiga qofkasta oo Muwaadin Soomaali ah, hab socodka nidaamka gaadiidkeeda waa arrin u baahan wax ka qabasho laamaha ay quseyso arrintana waxaan ka codsaneynaa in ay fiiro u yeeshaan arrintan oo muhiim u ah quruxda dalka gaar ahaan Muqdisho iyo duleeddadeeda, rinjiyeynta laamiyada ayaa ka mid ah, tabeellooyin kuu tilmaamaya halka aad ku wajahan tahay iyo halka aad rabto in aad u leexado, calaamadaha kilo mitirrada iyo waxyaabo kaloo badan oo wada muhiim ah ayaa halka ka maqan ee dalka wax haloo qabto isagaan la huri dooninee.

WQ: Osman Dhiblaawe

DIB MA LOO HOWL GELIN KARAA SHAQAALIHII FAYA DHOWRKA G/BANAADIR?

Shaqaalahaas waxay ahaayeen kuwo ku howlan ilaalinta tayada raashinka ganacsiga ceeriinka iyo midka bisil, waxay ku wareegi jireen maqaayadaha dukaamada, kuwaasoo isha ku hayn jiray taariikhda loogu tala galay in uu raashinka.

Raashinka haddi uu yahy mid dhacay waxay awood u leeyihiin in ay joojiyaan raashinkaas waqtigu ka dhacay, waxay kale oo ay si toos ah u geli jireen maqaayadaha cuntada waxayna si aad u fiiri jireen dharka shaqaalaha jirkooda timaha iyo shaatiyaasha ay gashan yihiin nadaafaddooda.

Hase ahaatee, maanta haddii aad magaalada oo dhan marto ishaadu qabanmeyso shaqaalihii faya dhawrka ahaa laakiin  waad arkeysaa maqaayado furan oo iibinaya raashin xaaladdiisa Alle ogyahay iyo weliba qashin fara badan.

Sidoo kale, raashin dhacay oo ay ka mid yihiin burka iyo bariiska oo intey dhagax noqdeen hortaada mar kale makiinad lagu burburinaayo jawaanno lagu cabbeynaayo dadka sidii raashin cusub looga iibinaayo sidii raashinka cusub  oo hadda soo degay.

Shaqaalahaani waxay ahaayeen kuwo ilaaliya caafimaadka waxayna subax kasta ku soo kallihi jireen maqaayadaha iyo dukaamada sidoo kale, waxay isha marin jireen raashinka bisil iyo kan ceeriinka ah intaba.

haddaba shaqaalaha faya dhowrku waxay ahaayeen shaqaale muhiim u ah ilaalinta caafimaadka iyo nolosha dadka ku nool magaalooyinka waayo haddii aan caafimaad jirin waxba ma jiraan.

Caafimaadku waa qaybta koowad ee noolaha, nolosha bini’aadamku waxay ku tiirsan tahay waa nolosha noole, marka labaad in jiro caafimaad, marka seddaxaad in la helo biyo iyo raashin caafimaad qaba, abni iyo kala dambeyn waxbarasho iyo horumar.

Aadanaha waa rejo ku nool waxayna qof waliba heshaa wixii ilaahey u qoray Haddaba, waxaa laga fiican yahay in  aad ku tacaddido dalkaada, ha ku fikirin weligaa in aad wax u dhinto dadka iyo dalk, adduunkana ugu noolow adigoo weligaa noolaanaya, aakhirana uga feker adigoo hadda dhimanaya oo kale.

Haddaba, waxaa habboon inla abuuro shaqaalihii faya dhowrka magaalooyinka kuwaas oo ah lagama maarmaan waxayna koontaroolaan miyiga iyo magaalada waayo waxaa isku xiran nolosha magaalada iyo miyiga oo weliba caasimadda, gobollada iyo degmooyinka gobolka banaadir iyo waddanka intiisa kale.

Sidaas darteed, cudurka ka taga magaala madaxda wuxuu gaarayaa dalka oo dhan sidaa awgeed   ka hortaggu waxaa uu ka fiican yahay ka daba tagga.

haddaba waxaa habboon in laga hortago caafimaaddarrada nolosha iyo caafimaadka, waxaan soo jeedinneynaa in dib loo soo celiyo shaqaalahii khibradda u lahaa faya dhowrka tayada iyo bed-qabka ummadda.

WQ: C/salaam Axmed Gabeyre

NABADDA AYAA ASAL U AH IN MAALGASHI LA HELO

Badda cas iyo bad weynta Hindiya ayaa labaduba Allaah Swt uu ku maneystay Dalkeenna Soomaaliya.

Badda ugu xeebta dheer Afrika ayaa marta meelo badan oo dalkaan ka mid ah taasoo ay ay ka buuxaan kheyraad tiro badan oo ahmiyad u leh dhoofinta dibadda  waxaa ku jira badda gudaheed kalluun kala duwan oo kala magac ah balse kan ugu wacan ayaa ah midka loogu Jaceyl yahay Dunida (Yuunbi) Inkastoo ay jiraan Kalluumaysato iskood uga jalaabta xeebaha Dalka ayaa hadana aysan ka marneyn kuwo iskaashato ah oo ku kallaha Badda si ay u helaan kalluun, yaxaas oo beryahan hoos u dhac ku yimid, aargoosato ayaa hoos u dhac weyn ku yimid iyadoo markii hore la dhoofin jirahy.

Yaxaaska iyi Yibiriga ayaa suuq wacan Soomaalidu ku laheyd Barriga Africa ilaa Koonfur Africa kaasoo Maliixaan loo dhoofin jiray dalalka  Tansaaniya. Namiibiya iyo Koonfur Africa taasoo haatan mesh aka baxday.

Waxaa muuqata hoos u dhac ku yimid qalabkii, Maraakiibtii kalluumaysiga oo runtii aan howgalin imika sida Shirkaddii Soomal fishi oo bur bur tay.

Sidaasi oo ay tahay waa in la abiyaa ama la dhisaa hab iskaashitio kalluumaysi oo leh Maraakiibta Kalluunka oo ay u dhan yihiin tashiilaadkooda sida Qaboojiiyaal, qalabka Shabaakta dabashada taasoo kaalin wax ku ool ah ka ciyaaratysa kobcinta dhaqaalaha Dalka.

Sare u qaadista habka Kalluumaysiga iyo kala soo bixidda kheyraadfka kala duwan ee dhex jiifa Badaha dalka waa mid lama huraan ah si markaasi logo faa’ iidaysto kheyraadka badda ku jira oo aad mooddo in dad shisheeye iyo maraakiib kale si xattooyo ah oo qarsoodi ah ku xaabsadaan kheyraadka Dalka.

Inkastoo aysan jirin hab wacan ee lagu kontroolo sidii loogu hortagi lahaa kuwa caadeystay in sharci daro ku gurtaan kheyraadka badaheena kuna soo xad gudbaan Xudduuda baddeena iyadoo dhowr jeer looga digay inay kusoo xad gudbaan.

Waa in sharci lala tiigsadaa Maraakiibta lagu helo falkaasi xad-gudubka ahee gurashada kheyraadka Badda Soomaaliyeed.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waa in ahmiyad gaar ah loo yeeshaa soo celinta habkii casriga ahaa ee Kalluumaysiga Maraakiibta dalka si kor loogu qaado Ganacsiga iyo dhoofinta waxyaabaha ku jira Badda.

Waa muhiimad hiigsi wacan leh ka faa’iideysiga iyo ka ganacsiga kheyraadka Badaha dalka ku jira.

Waxaa wadanka dib ugu soo laabtay Muwaadiniin Somaaliyeed kuwaasi oo  Dal-tabyo muddo dheer ay haleshay, waxay xiiso iyo jaceyl u qabeen dalkooda Hooyo oo ay muddo dheer ka maqnaayeen.Waxaana ay hadda dad badan dib ugu soo laabteen Waddankooda ayigoo go’aan ku gaaray inay Maalgashi dhan walba leh ay ku sameystaan si ay kor ugu qaadaan bilicda, haybada iyo horumarka Magaalooyinka waaweyn.

Waxaa la dareemay inay isa soo tarayaan maalgashiga Qurba-joogta Somaaliyeed ee dib ugu soo laabtay dalka waxayna bilaabeen Ganacsi kala duwan ayagoo ka eegaya Baahida markaasi ka jirta Goobta, Degmo ama Caasimad.

Waxaana ay dabooleen qeybo badan oo ganacsi sida- Hoteelo,Carwooyin, Makhaayado heer sare ah, Cafeteria, Shirkado kala duwan, wax soo saarka Beeraha, abuuris Warshado yaryar, Shaqo abuur, mahrado Ganacsi oo kala ceyn ah kuwaasi oo guud ahaan ka jira Dalka oo idil siiba Gobollada.

Waa arrin yadadiilo leh Muwaadiniinta dalka dib ugu soo laabtay in ay go’aan sadaan Maalgashiga Dalka. Waa mid bilow wacan ah waana wadiiqo furraysa in ay u sii gudubto mid sare oo soo jiidata Shisheeyaha daneeya Maalgashiga Soomaaliya.

Arrintani ayaa loo arkaa kolkii muwaadin arkeen in Soomaaliya ka soo reynayso ayna tahay xilligii Dalku lagelin lahaa Fikirka Ganacsi ee horumarsan iyo soo wax soo saarka dhinacyada badan  in diirada la saaro sida horumarinta wax soo saarka beeraha, Kalluumeysiga, xanaanada Xoolaha, Warshadaha iyo Dalxiiska.

Waa arrin loo riyaaqo marka aan aragno dhallin yaro dalkooda  daneeynaya Maalgashigiisa.

Maalgashigu waxa uu leeyahay ujeedo badan oo runtii maldahan, waa marka hore waxa uu abuuraya shaqo taasoo dhalin yaro badan oo aan waxba heyn ay shaqo helayaan.

Tan labaadna waa horumar iyo saami Ganacsi oo dalka kusoo kordhay  ayadoo Faa’iido dhinacyo badan leedahay. Muwaadiniinta waa inay kusoo dhiiradaan maalgashiga Waddankooda halkii ay dibad joog dal kale bulaalin lahaayeen.

Waa lama huraan dalkaaga hooyo waana mid aad asal u leedahay hadaba ku dhiso kuna dhaqan kuna bulaalaal dalkaada hooyo

WQ:  Dalka Edatorial

21-KA FEBERAAYO WAA MAALINTA CAALAMIGA AH EE AFAFKA ADDUUNKA

Maalinta caalamiga ah ee 21-ka feberaayo waa maalinta afafka adduunka waana xusuus loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigalin ku saabsan kala duwanaanshaha xagga  luqadaha , dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta  afafka oo dhan.

Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey’adda UNESCO ee qaabilsan waxbarashada, seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday Sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha, ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan  lagu aqoonsanaayo maalintaasi

Muhiimadda xuska 21-ka febraayo ayaa ah in dowladaha caalamka ay u howl galaan ilaalinta luqadaha, Kor u qaadidda midnimada bulshada,tixgelinta kala duwanaanta luqadaha iyo is-fahamka guud oo dhexmara dunida iyada oo loo marayo dhanka afafka iyo dhaqamada.

 Haddaba, sidoo kale dadka soomaaliyeed waxa ay ka mid yihiin shucuubta caalamka ee u dabbaaldegta xuska munaasabadaha maalintaas 21-ka Febraayo oo ah maalin qaramada midoobay u asteysay xuskaasi.

Haddaba,Waa maxay Af ama Luqad?                                                                                   

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga  iyo is dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Iyo isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Marka la eego taariikhda soo jireenka ah iyo keydadka qoraalada ee dunida, Waxay na barayaan in xilli hore dadka Soomaaliyeed ay xiriir ganacsi iyo mid is dhexgalba la lahaayeen dalal ka mid ah caalamka, gaar ahaan kuwa carabta oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba la wadaaga bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa dhab ah in barashada tacliinta diinta islaamka ee ku qoran afka Carabiga ay suurtagalisay  horumar kale ee loo qaaday xagga qoraalka farta,taasina,waxaad ka garan kartaa kororka ereyo badan oo carbeed oo noqdaan kuwo ku miilmay Afka Soomaliga

Dhinaca kale, barashada luqadaha qalaad ee ka yimid Galbeedka, gaar ahaan gumeystayaashii reer Yurub, waxa ay saacideen in ay soo baxaan bulsho wax taqaan oo kaalin xoogan ka qaatay fududeynta qoraalka farta iyo Helitaankii iftiinkii xornimada Soomaaliya.

In la qoro Afka Hooyo,waxa uu ahaa dadaalkii ugu horeeyay ee fikrad ahaan ka yimid Dowladdi Rayidka ee Soomaaliya,waxaana 1-di July ee sanadkii 1961-kii la magacaabay guddi aqoonyahanno ah oo ka soo baaraandega qoraalka Farta Soomaaliga.

Isku daygaasi loo qaaday xagga qoraalka Farta, waxa uu noqday mid aan miro dhalin,iyadoo sababaha ugu weyn lagu sheegay is-qabqabsi u dhexeeyay guddigaasi oo ku aadanaa nidaamka xuruufaha  farta ee la qaadanaayo.

Guddigaasi loo magacaabay qoraalka Farta,waxay kala ahaayeen;-

1-Muuse Xaaji Ismaacil Galaal-Guddoomiye.2-Yuusuf Maygaag Samatar-Xog-heyn.3-Xusein Sheekh Axmed (Kaddare).4-Yaasiin Cismaan Yuusuf.5-Maxamuud Saalax (Ladane.6-Ibraahim Xaashi Maxamuud.7-Mustaf Sheikh Xasan.8-Shire Jaamac Ahmed.iyo 9-Khaliif Suudi

Markii labaad, sanadkii 1971-dii waxaa  la magacaabay guddi u howlgala qoraalka Farta Soomaaliga oo ay abaaabulkeeda lahaayeen Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii,waxaana guddigaasi ay soo bandhigeen 18-far oo ay ka mid ahaayeen Cismaaniya,Kaddariya,Al-xabashiya,Al-carabiya iyo kuwo kale

Guddigaasi labaad waxay isugu jireen abwaanno,macalimiin iyo  aqoonyahanno kale oo

waxayna kala ahaayeen:-

1-Shariif Saalax Maxamed Cali.2-Yaasiin Cismaan Kenadiid.3-Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal.4-Xusein Sheikh Ahmed Kaddare.5-Aw Jaamac Cumar Ciise.6-C/laahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya).7-Maxamed Xaaji Xusein Sheeko Xariir.8- Mustaf Sheikh Hasan.9-Ahmed Ali Abokar

10-Yuusuf Xirsi Axmed.11-Cabdi Daahir Afeey

12-Cabdulaahi Xaaji Abuubakar.13-Cabdullaahi Ardeeye

14-Xasan Sheekh Muumin.15-Maxamed Nuur Caalin

16-Maxamed Xasan Aadan (Gaheyre). 17-Xirsi Magan Ciise.18-Cumar Aw Nuux.19-Axmed Cartan Xaange.20-Cabdirahmaan Nuur Xirsi.21-Shire Jaamah Ahmed

Oktoobar 21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay Qaamuus ,Buugag iyo Manhajyo ku qoran Afka Somaaliga,iyadoo isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii Laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqalada iyo shibanayaasha.

21-kii  Jannaayo 1973dii, waa markii ugu horreysay ee uu dalka Soomaaliya ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, isla markaana la helo Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado Dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.

In kastoo wixii ka dambeeya 1991-kii si weyn loo dareemay dib u dhac xoogan oo ku yimid  manhajyada waxbarasho ee ku qornaa Afka ,haddana, Sanadkii 2018-kii waxaa mar kale lagu guuleystay in la mideeyo manhajyadii waxbarasho ee ku baxayey afafka qalaad,isla markaana la sameeyo hal manhaj oo ka tarjumaya Afka Hooyo.

Waxaa xaqiiqo ah in xilligii berisamaadka  ee la qoray Afka ka dib lagu tallaabsaday horumar xagga Afka ah oo bulshada Soomaaliyeed ka saaciday in la helo hal nidaam oo loo maro qoraalka Afka ,isla markaana xambaarsan adeegyada maadooyinka cilmiga ah, kuwa dhaqanka, Warbaahinta, xafiisyada iyo  Waxbarashada.

Af Soomaaligu waa mid ka mid ah luqadaha ugu qarada weyn ee looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Qoraalka Farta waa nidaamka kaliya ee lagu ilaaliyo Afka,waana adeeg aasaasi ah oo ku xiran nidaamka dowladnimo,sidaa daraadeed,waxaa lama huraan ah in ,mas’uuliyiinta Waxbarashada iyo maamulka Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta uu dorkodu noqdo ilaalinta iyo dhowrista adeegga waxbarasho ee dalka.

Haddii la helo manhaj ku qoran Afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la’aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon  waxbarashoo oo tayeysan.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka Afka, isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah nidaanka kaliya ee lagu ilaalin karo Afka Hooyo.

Gabagabadii anagoo ka faa’ideysaneyna maalinta 21-ka Febraayo ee afka hooyo iyo xuska 21-ka jannaayo ee maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed waxaan hambalyo u direynaa shucuubta dunida, gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed, waxaanna u rajeyneynaa in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

 WQ: Shire Xasan Kulmiye

+++++++++++