ARGAGIXISADA YAA KU CAAWIYA FALDANBIYEEDYADA

Argagixisada al shabaab ayaa waxay inta badan  jiritaankooda  sii xoojinya oo halka ay hada joogaan soo gaadhsiiyay ganacsatada, ganacsatada ayaa ah kuwo inta badan ay ku hayaan hanjabaado ,dhac iyo boob iyagoo dhaqalahooda lagu handadayo.  Argagixisada ayaa waxaa ay dadka xoolohooda kaga qaataan siyaabo kala duwan iyogoo usoo daliishanaya Aayado Qur’aan ah, xoolaha la qaado ayaa loo yaqanaa Sakawaad iyo Taakulayn
Ururka al shabaab oo banaystay in ay daadshaan dhiiga shacabka Soomaliyeed iyagoo oon geed ugu soo gaban oo u bareeray

Shacabka ku nool gobolada ay ka taliyaan ayaa la daalaa dhacay dhibatooyinka ay ku hayaa, dadka rayidkaa ee jooga goobahaas ayaa ah kuwo ka araday nolosha dhinacyadeeda kala duwan sida Waxbarashada , Caafimaadka ,Biyaha  iyo is-gaadhsiinta intaba.
Intaa waxaa u sii dheer tacadiyada iyo gabood  falada joogtadaa ee lagu hayo naftooda iyo Maalkoodaba.

Dhaqaalaha al shabaab ay shacabka ka uruuriyaan ayay ku dabaraan wax kasta sida hubka iyo agabka kale ay u baahanyihiinba

Waxaa sidoo kale intaa dheer oo kasaacida oo kaalmeeya dad aan u muuqan nolosha iyo hurmarka laga heli karo Soomaliya oo yeelata dowlad awood badan oo magac iyo mansaba leh laakiin kaliya uu u muuqdo shilinka maalinta ah ee loo yaaqaano ( dhunkaal dhadhami) oo macnaheedu yahay qaado waa kuu qalmin.
Dadka jaahiliintaa ama wax magarata ayaa qaybta ugu muhiimsan u ah Al- shabab waayo waa dad aan mabaadii iyo fikir midna lahayn laakiin ah calooshood  u shaqastayaal ama dhuuni raac aan raad nololeed lahayn.
Dadka noocan ah waa la kiraysta yaal oo iyago miiska go’aan ka iyo gorfaynta midna ma joogaan
Sidoo kale waxaa jira cadow aan dantiis garanayn iyo dabaal
Sidoo kale waxaa jira jaahil aan aqoon diineed iyo mid maadiba aan lahayn, midkaasi waaa kan ugu xun oo ay fududahay in looga faa’iidaysto dhinacwalbe, waayo malahan cilmi uu ku kabayo garaadkiisa taasi waxay fududaynaysaa in uu si fudud ku qaato wax kasto oo loo sheego, qalad iyo saxba.

ASKARIGU WAA WALAALKA SHACABKA

Waa salad hore ah ayey ahyd markii aan arkay dareenka igu dhaliyay in aan sheekadan wax ka qoro qiyaas ahaan 6:00 subaxnimo waxaaan ka kacay hurdada ka dib dibadda ayaan u baxay si aan u cadaydow aamin subax hore ah

Goobtu waa Muqdisho gaar ahaan agagaarka isbitalka digfeer waxa marka hore si lama filaan ah albaabka gurigaan daganahay soo maray nin askari ah oo qaba dirayskiisii watana hubkiisii sida qori iyo dhawr qasnadood oo rasaas ah oo ugu jirtay.

Waxa uu u muuqday nin daalan oo waxaan filayaa in uu xalay oo dhan ku Jiray gaadh ama shaqo loo igmaday oo ah in uu u adeego Ummadda iyo dalka.

Haddaba arrinta saamaynta ku yeelatay qoraalkayga iyo dareenka ku yeelatay waxa ay ahayd marka uu cabaar yar uu socday askarigu waxa ku soo orday wiil yar oo aad mooddo in uu iminka uu socodka bartay, xaafadda waa xaafad masaakin u badan jiingado ama cariishyo ku yaalaan.

Ninkii askariga ahaa inta uu fadhiistay oo uu hab siiyay cunigiisa ayaa uu hore u qaatay ka dib ayaa uu galay gurigiisa ,

Runtii waxay ahayd dareen qiira leh oo la yaab igu reebtay, marka la eego waxa taasi ay tilmaamaysaa dhibka haysata askarta waddanka waayo habeenkii iyo maalintii uu waqti la qaadan lahaa caruurtiisa iyo qawskiisa ayaa uu heegan ugu jira ilaalinta waddanka.

Haddaba, si guud marka aan u eegno qoraalka waxa maqan doorka dhiiri galinta shacabku ay ku leeyihiin waddankooda sida in la dhiirigaliyo askarta oo la tuso in ay bulshada muhiim u yihiin.

Dhiirigalintu maaha oo kaliya in lacag la siiyo ee xataa waxaa muhiim ah in aadku tiraahdo Walaal Shaqo wacan ayaa qabateen Mahadsanidiin.

W/Q: Khadar Xasan.

QUWAD IYO AWOOD WAXA LAGU HELAA WAA WADA JIRKA IYO IS KAASHIGA

Ummadi haddii ay waydo iskaashi iyo wadajir ma gaari karto horumar dhaqaale mid waxbarasho, waxaa kale oo meesha ka baxaya amniga iyo kala dambaynta  waxaa joogsanaya ganacsiga  isu socodka iyo safarrada iyo wadda marka, waxaa gaabis noqonaaya dhammaan ilaha dhaqaale oo dhan.

Haddaba si aysan u dhicin is tuhun iyo anfariir, boob iyo kala carar, waa in la hubiyaa dhismaha maamulka iyo awood qaybsiga wada jirka bulshadu waa kal soonida iyo caafimaadka shacab hurumarsan waxaana hobboon in ay dadka u siman yihiin caddaaladda iyo garsoorka, waxaana baab’aya kala sarreynta hayb-haybta iyo qabyaaladda iyo is faquuqa.

Waxaa habboon in laga daaweeyo cudurka iyo boogta halka ay ka qurunsan tahay qayb qaybintu Waxay  raad ku leedahay  qaybintii  gumeysiga qorniyaal ka hor, sidaas darted nagama tekin gumeystihii reer yurub waxaana taas kuu caddeyn kara waxyaabo badan oo iska muuqda.

Haddaba, haddii la waayo  iskaashi iyo wadajir lama heli karo qaran xoog iyo awood leh, lamana tartami karo dunida hurumartay.

Dhanka kale, si loo gaaro horumar bulsho iyo meesha geeddiga loo yahay  waxaa loo baahan yahay isku duubni iyo is gacaleysi,  taasina  waa midda kaliya ee lagu gaari karo shacab is jecel bulsho caafimaad qabta toos u qaadda waddada dowladnimada.

Guushu waa feker mideysan xoog siyaasad dhaqaale  Is fahan iyo isku tashi waxaana markaa soo baxaya guul gacmo wadajira iyo wax wada qabsi, garsoor loo siman yahay kalsooni iyo wax wadaag, wuxuu qarankaasi noqon karaa mid uu san saameyn burbur ee noqdaa qaran ummaddiisu ka ilaaliso hareeraha Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Barbarkey ka baxdaa waa Bakeyle qaleen.

Haddaba’ Soomaalidu goorma ayay fahmidoonaan wajiyada siyaasadeed ee hor taagan muddada aadka u dheer, malaga yaabaa in ay dhinac isaga riixaan  hagardaamada gumeysigu nooga tegay ee ay sameeyaan isku tashi  qarannimo haddii la helo waxay u baahan tahay ilaalin xoog wadajir ah difaac maskax iyo dhaqaale, waa in laga ilaaliyaa hagarta hurutubyeynta cadow la shaqaynta iyo wax kasta oo keeni kara dib u dhac haddaba guusha waxaa lagu hanta  gacmo wadajira  iyo iskaashi iyo isku duubni wadajir iyo hoggaan lagu doortay waxqabad waddanimo ee lagu dooran eex iyo qabiil midna.

Sidaas awgeed, waa in la ilaaliyaa wadajirka ummadda iyo qalbigooda haddii ay tahay mid qarannimo mid ka shacbiyadda intaba.

Inta ay da,ayso daruurta qarannimo waa in la doogtaa lana difaacdaa dowladnimo loo dhan yahay gobol iyo maamul kaligiis ah iyo midna xilkama saarna ee waa loo dhan yahay difaaca qaranka.

Haddaba, waxaan doonayaa in lagu difaaco wadajir iyo iskaashi, waxaa guuldarro ah in lagu wada shaqeeyo hagar iyo qaa,inuwaddannimo waxaa guul lagu gaarayaa daacad iyo wadajir iyo iskaashi waxaa sidaas lagu helayaa guul iyo gobanimo.

WQ: Gabeyre

Ku-simaha Madaxweynaha oo Ummadda Islaamka ugu hambalyeeyay habeenkii Nabigeena Muxamed SCW la dheel miyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda 27-ka bisha Rajab ee Hijriyadda u diray dhammaan ummadda Muslimiinta gaar ahaan ummaadda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan oo ah habeenkii la dheelmiyay Nebigeenna NNKH (ليلة الاسراء والمعراج) oo ku weyn qof walba oo Muslim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhammaan ummadda Islaamka meel walba ay dunida ka joogaan la wadaagay dhambaalkaas qiimaha badan leh, isagoona xusay in muhiim ay tahay weyneynta iyo xuska nebigeenna NNKH lana badiyo xuska iyo xusuusta habeenkaas oo ku suntan kheyr iyo wanaag.

Khawaarijta oo tuulo hoos tagta Xarardheere ku dilay xubno ka tirsanaa Maleeshiyaadka u dagaallama

Khawaarijta ayaa tuulada Wadaariq oo hoostagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dishay lix xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka u dagaallama, ka dib markii uu soo kala dhex galay kala shaki ka dhashay guul darooyinka is daba joogga ah ee ay wajahayaan.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee aagga Xarardheere ka wada howlgalka sifeynta Khawaarijta ayaa noo xaqiijiyay dhacdadaan oo galabta ka dhacday deegaankaas.

Warka ayaa intaas ku daray in Khawaarijtu lixdaan xubnood ka soo dhex saareen maleyshiyaadkooda kuna hor toogteen si kuwa kale ay ugu cabsi galiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalalka Burundi iyo Tanzania

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira kulamo uu la yeelanayo madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa ayaa kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

Kulamadan ayeey Madaxweyneyaashu ku dul istaageen dhibaatada xooggan ee argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda iyagoo isla meel dhigay in la iska kaashado citirka kooxaha nabadda diidan si loo xaqiijiyo Afrika nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ka wada hadlay ciribtirka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka Ethopia mudane Abey Ahmed kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-ababa.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Aby Ahmed ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa iska meel dhigay dardar galinta howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda dalka.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof iyo dad taagan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Rwanda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dalka iyo sidii la iskaashi loo sameyn lahaa.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa iska xog wareystay xaaladda Gobolka Geeska Afrika.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad taagan iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof iyo dad fadhiya

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Golaha Shacabka uga mahad celiyay ansixinta hindise sharciyeedka dhismaha HSJ

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa uga mahadceliyay Mudanayaasha Golaha shacabka ansixinta Hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinisyadda.

“Waxaan u mahadcelinaynaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliyeed oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliyeed.

Sharciga HSJ wuxuu muhiimad gaar ah u Ieeyahay tayaynta Baasaboor-ka & sare-uqaadidda aqoonsigiisa, horumarinta koontoroolka socdaalka xaduudaha, iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sidoo kale agaasimaha ayaa Golaha Aqalka Sare ka codsaday in ay meel mariyaan hindise Sharciyeedka ka soo gudbay Golaha Shacabka.

“Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamahuuriyadda Fader-aalka Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa inay ansixiyaan sharcigaan maadaama uu ahmiyad adeeg bixin u Ieeyahay bulshada Soomaaliyeed dalka iyo dibadaba, isla markaana ay hay’adu waajibkeeda u gudato si hufan” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali Agaasimaha Guud