Taliyaha Ciidanka Booliska oo Saraakiisha Ciidanka Boliiska faray adkeynta Amniga guud ee dalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha, Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayey adkaynta amniga guud ee Dalka iyo si gaar ah amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay Khawaarijta arxanlaaweyaasha ahi u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale na la labo jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho.

 

 

 

 

 

 

Aqalka sare oo ansixiyay xeer-hoosaadka Golaha

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyeyay kalfadhiga labaad kulankiis 12-aad.

Kulanka ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ansixinta xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Guddoomiyaha guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo golaha la wadaagay qaabayn iyo toosin ay ku sameeyeen Xeer-hoosaadka ka dib, ayuu goluhu ansixiyay Xeer-hoosaadka Aqalka Sare

Sidoo kale, Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo doodiisa la guda galay ayay Senatorada ka dhiibteen dood ay ka qabeen qodobada qaar ee sharciga.

        

Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta ansixiyay labo sharci oo muhiim ah

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedyada kala ah Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda iyo ‘Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa.

Hindise sharciyeedka Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa ogolaatay 149-xildhibaan hal Xildhibaan ayaa ka aamusay Xildhibaan diidayna ma jiro, halka sharciga ‘Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa ogolaatay 148-mudane, labo  xildhibaan ayaa ka aamustay, xildhibaan diiday ma jiro.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa xildhibaanada uga mahad-celiyay ansixinta labadan sharci oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Warbaahinta qaranka oo heshay xogta horjoogayaal sare sare oo laga dilay Khawaariijta

Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay in weeraradii ugu dambeeyay ee kooxda Khawaarijta looga dilay xubno muhiim u ahaa oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta.howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa deegaanka, iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay in ka badan 300 oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan deegaanada maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.

Howlgalka oo socday in ka badan 72 saacadood ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday, laguna cirib tiray dhowr horjooge oo ay ku jiraan horjoogeyaashii degmooyin kala duwan,sida Salaad Maxamed Siyaad oo ahaa horjoogihii u qaabilsanaa qaadista lacagta baada ah iyo dhaca xoollaha gobolka Sh/dhexe,Yuusuf Cali Sheekh oo ahaa horjoogihii degmada Fiidow,Cabduqaadir Nuur Guuleed ( Dabaashe) oo ahaa horjoogee sare iyo Maxamed Indhofiiq oo ahaa Horjoogihii watay khawaariijtii lagu laayay aagga Afcad,waxa sidoo kale khawaariijta lagala wareegay hub iyo agabkii ay wateen, sidoo kale waxaa la bur buriyay saldhigyadii ay ku dhuuman jireen khawaariijta.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha arxanka daran ee khawaariijta.

waxaa howlgalka lagu soo qabtay maleeshiyaad badan oo isugu jira dhaawacyo iyo kuwo caafimaad qaba oo uu ku jiro horjoogihihii ugu muhiimsanaa ee dhanka caafimaadka iyo amniga gobolka Mudug, Salmaan Daahir. Sidoo kale, ciidamada qaranku waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan koox khawaariij ah oo isku dayey inay u baxsadaan meelo kala duwan, taas oo si weyn hoos ugu dhigtay awoodooda inay dhibaato geystaan.

Inta la xaqiijiyay howlgaladan waxaa ku shahiiday 5 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Golaha shacabka oo ka qeyb qaadanaya gurmadka walaalaha Turkiga ee dhul-gariirka saameeyay

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda FederaalkA Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa u codeeyay in mushaarka xildhibaanada ee Bishaan 20% looga qeyb qaato gurmadka walaalaha Turkiga ee dhul-gariirka saameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoominayay shirka ayaa sheegay in golaha shacabka BJF diyaar u yahay inuu ka qeyB qaato gurmadka loo fidinayo walaalaheenna Turkiga dhibaatadii ka soo gaartay dhul-gariirkii ku dhuftay, kaas oo galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 45,000, qof.

Guddoomiye Abshirow ayaa xubnaha xildhibaanada uga mahad-celiyay tallaabada geesinimada leh ee ay qaadaan, taas oo looga jawaabayo dhibaatada dhul-gariirka ka dhalatay ee gaartay shacabka Turkiga.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in uu lacag dhan $250.000 (Laba boqol iyo Konton Kun oo Doollar) kaga qeyb qaadanayo Gurmadka dhibaatadii ka dhashay dhul-gariirkii ka dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kula kulmay madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca, ganacsatada hoggaamisa shirkadaha ugu waa weyn dalka Talyaaniga iyo hay’adaha daneeya arrimaha kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa si qoto dheer uga sheekyay xiriirka tariikh fog ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, wuxuun u sheegay in ay u furan yihiin fursado maalgashi ku sameeystaan dalka taas oo fursad dhaqaale u noqon karta bulshada Soomaaliyeed iyo shirkadaha maalgashiga ku sameeya.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca uga mahadceliyey dadaalka iyo sida ay u daneynayaan in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

    

Generaal Biixi oo guddoomay deeq xoolo ah oo loogu talagalay ciidanka DF ee dagaalka kula jira Khawaarijta

Taliyaha ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Xoolo nool ka guddoomay dadka deggan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deeqdan Xoolaha ayaa loogu talagalay in lagu taageero Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Xarardheere iyo deegaannada ku xeeran, kuwaas oo halkaas ka wada howlgallada ka dhanka ah Khwaarijta.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa taageero joogta la garab taagan ciidamada iyo xoogagga kacdoonka dadweynaha ee ku howllan ciribtirka Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

      

Soomaaliya oo dhaqaale ku garab istaageysa Walaalaha Turkiye (WARBIXIN)

Inta aan u gudagalin dulucda qormada aan marka hore dib u jaleecno Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiye, waa xiriir diblomaasi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye, kaasi  oo ah mid taariikhdiisa fog tahay ama fac weyn tahay, waxaaana ku soo xasuusan karnaa dawladii Cusmaaniga oo uu hogaaminaye Cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka Soomaaliya, taasi oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneen dalka turkiga magaalo madaxna u aheyd istanbul ayaa dawladaan ayaa soomaaliya ka talineyse ku dhawaad 300 oo sano.

Xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Turkiga iyo dalka waxa uu daciifay kaddib markii ay burburtay dawladii Cuthmaaniyiinta lana aasaasay jamhuuriyaddii Turkiga sannadkii 1923. Turkiga waxa uu markii ugu horreysay xafiis siyaasadeed ka furtay Soomaaliya 1979, waxa uuna shaqeynayay ilaa iyo markii uu qara Soomaaliyeed bur-buray sanadkii 1991-kii.

Mar kale ayuu xiriirku soo laabtay, waxay aheyd goor dalka dhibaato badani ka jirtay abaar iyo   colaad bishi July sannadkii 2011-kii Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in macluuli ka jirto gobolada koonfureed ee Soomaaliya Bakool iyo Shabeelada hoose , markii dambe abaartu waxay ku fiday gobolo kale sida Shabeelada Dhexe, Dawladda dalka ka jirtay waxay aheyd ku meel gaar , awoodeeda inay ka jawaabto macaluusha ayaa iska xadidneyd, caasimadda qeybo ka mid ah waxaa ka socday dagaal toos ah, badi gobalada siiba meelaha abaabrtu aadka u saameysay waxaa gacanta ku hayay Alshabab.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha dalka Turkige oo xilligaas Ra’iisulwasaare ahaa ayaa ku dhiiraday inuu ka soo dego Muqdisho oo loo arkayay meel halis ah, waxa uu xeradooda ugu tagay dhibbenayaashii abaarta, waxa uu ahaa ficil dareenkiisa  leh, Imaantinkiisu waxay furitaan u aheyd xiriirka labada dal, dhinaca kale waxay kalsooni siisay dawladihii ka didsanaa Soomaaliya, waxaana durba bilowday in Dawlado waaweyn oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain iyo China ay bilaabaan inay xiriir diblomaasi la yeeshaan Soomaaliya, sidaa darteed dawladda Turkige waxay geed-qaaday kayntii cabsida ee ku dadneyd dalka, iyadoo Quwadaha dunida kama qarsooneyn dhibaataas, hase ahaatee kuma aysan soo deg degin wax ka qabashada dhibaatadaasi, balse mar qura waxaa lagu baraarugay dawladda Turkiga  oo hawlo samafal ah ka bilowday dalka.

Haddaba markii uu ka dhacay dhulgariirkii aadka u daraa Dalkaasi Turkiye ayay dunidu u gurmatay, gacan ka geysashada dhibaatadaasi ka dhacday Dalka gaar ahaan Gobolada Dalkaasi qaarkood, sidaasi awgeed Soomaaliya Masuuliyiinteeda ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Shacbiga iyo Madaxda Dalkaasi u diray dhambaallo tacsi ah, iyagoo u muujiyay sida ay uga xun yihiin waxa ka dhacay halkaasi, “waana la qeybsaneynaa murugada”  ayay ku yiraahdeen Dhambaaladooda, waxaana dhawaan la bilaabay dhaqaale ururin la doonayo in lagula garab istaago Walaaaha Turkiye ee waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay, waxaana Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah, waxaa kaloo ee u soo jeediyey madaxda dowlad gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

Masuuliyiinta kale ee ka hadlay dhibaatada ku dhacday Dalka turkiye waxaa ka mid ah Wasiir Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Abdulqaadir oo ka hadlaayay kaalinta uu Dalkaasi ka soo qaatay gurmadka Shacbiga Soomaaliyeed ayaa yiri:- “Dalka Turkiga waxa uu noo galay abaal weyn waxaana shacabka Soomaaliyed looga bahanyahay abaal midkii lamid ah.

Guddiga Qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa shaaciyay Akoonnada ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaada karaan gurmadka oo lacagaha ay ku soo diri karaan, kaasi oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana bilowday ololaha dhaqaale uruurinta oo Xukuumadda Soomaaliya ay ku bilowday hal Milyan oo Dollar.

Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ayaa sidoo kale xalay ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, waxaana maanta Masaajidda magaalada Muqdisho ka sii socday ololahaan oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka bilowdo magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka, halka Maamulka Gobolka Banaadirna uu yaboohay $250.000 oo dollar ugu deeqay dhul gariirka Dalka Turkey ka dhacay, waxaa kaloo jira in Shirkadda Dahabshiil Group ay ugu deeqday 2,000,000 TL oo ah lacagta Dalka Turkiye  iyo dadka walaalaheen ee ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay türkiye oo u dhiganta 106,005.20 United States Dollar, sidoo kale ayay Jaamcadda ZamZam ugu deeqday Dalkaasi lacag dhan 50 kun oo dollar.

Safiirka  Dowladda Turkiye u fadhiya Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “Waxaan u mahadcelineynaa intii ka qeybqaadatay taakuleyta , isla markaana ka tacsiyadeyneysay dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, isla markaana si wanaagsan uga qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka”.

Safaaradda waxay uga mahadcelinaysaa is garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya ay u fidisay dhibanayaashii dhulgariirkii ka dhacay Turkiga, oo uu hindisay H.E. Xasan Sheekh Maxamuud  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo H.E. Xamza Cabdi Barre Raiisulwasaaradaha Xukuumadda.

Dowladda Soomaaliya waxay Dowladda Turkiye ugu yaboohi doontaa lacag gaaraysa ku dhawaad 5 Milyan oo doolar, taasi oo ah wajiga 1-aad ee taakuleynta Walaalaha waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhiftay qaarka mid ah Gobolada Dalkaasi, waxaan mar kale bilaaban doono wajiga labaad ee lacag ururinta, kaasi oo ay ka qeybqaadan doonaan dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka dibaddiisa iyo gudahiisaba, taasi oo la filaayo inay ka badnaato lacagta hadda la qoondeeyay.

Qallinka C/laahi Ruush

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo la kulmay dhiggiisa Talyaaniga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga ayaa shir la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Francesco Lollobrigida oo ay ka wada-hadleen arrimo qodobo muhiim u ah dalkeenna.

Labada dhinaca ayaa wada-hallo qotodheer ka yeeshay iskaashi faa’iido wadaag ah oo dhexmara labada dal, maalgashi ay dowladda Talyaaniga iyo hay’adaheeda Kalluumeysiga ay ku sameeyaan Soomaaliya iyo xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Wasiirka, ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Talyaaniga soo dhaweynta heerka sare ah ee u sameeyey iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu si hufan uga shaqeeyo qodobada ka soo baxay shirka, isaga oo xusay in uu rajeynayo in dhammaan qodobada kasoo baxay shirka ay noqdaan kuwo miradhal ah.

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dowladda Talyaaniga Mudane Francesco Lollobrigida ayaa sheegay in dowlad ahaan ay aad u jecel yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin in dib boorka looga jafo iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee labada dal, waxaana uu sheegay in uu ra’iisul wasaaraha dalkan Talyaaniga kala hadli doono sidii mudnaan gaar ah loo siin lahaa hirgalinta qodobada kasoo baxay shirkan.

Ugu dambeyn labada wasiir ayaa ku ballamay in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya diyaarinta waxyaabaha muhiimka ah ee ay labada dal iska kaashan doonaan.

       

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ah ku fulisay Askar horay u dishay dad shacab ah

– Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) iyo Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif.

Labadan laga oofiyay xadka ayaa 10-kii Janaayo ee Sanadkan degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad ku kala dilay Laba muwaadin oo nolosha halgan ugu jiray.

Goobta lagu toogtay labadan marxuum ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidamada qalabka.