Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo la kulmay dhiggiisa Talyaaniga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga ayaa shir la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Francesco Lollobrigida oo ay ka wada-hadleen arrimo qodobo muhiim u ah dalkeenna.

Labada dhinaca ayaa wada-hallo qotodheer ka yeeshay iskaashi faa’iido wadaag ah oo dhexmara labada dal, maalgashi ay dowladda Talyaaniga iyo hay’adaheeda Kalluumeysiga ay ku sameeyaan Soomaaliya iyo xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Wasiirka, ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Talyaaniga soo dhaweynta heerka sare ah ee u sameeyey iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu si hufan uga shaqeeyo qodobada ka soo baxay shirka, isaga oo xusay in uu rajeynayo in dhammaan qodobada kasoo baxay shirka ay noqdaan kuwo miradhal ah.

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dowladda Talyaaniga Mudane Francesco Lollobrigida ayaa sheegay in dowlad ahaan ay aad u jecel yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin in dib boorka looga jafo iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee labada dal, waxaana uu sheegay in uu ra’iisul wasaaraha dalkan Talyaaniga kala hadli doono sidii mudnaan gaar ah loo siin lahaa hirgalinta qodobada kasoo baxay shirkan.

Ugu dambeyn labada wasiir ayaa ku ballamay in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya diyaarinta waxyaabaha muhiimka ah ee ay labada dal iska kaashan doonaan.

       

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ah ku fulisay Askar horay u dishay dad shacab ah

– Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) iyo Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif.

Labadan laga oofiyay xadka ayaa 10-kii Janaayo ee Sanadkan degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad ku kala dilay Laba muwaadin oo nolosha halgan ugu jiray.

Goobta lagu toogtay labadan marxuum ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidamada qalabka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Itoobiya

Addis ababa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qayb galayo meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada iyo argaggixisada.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Afcad ee gobalka Hiiraan

In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Afcad ee Gobalka Hiiraan.

Howlgalkaan oo socday in ka badan 12 saacadood, ayaa ku soo dhammaaday guul, waxaana jabka ku gaaray Khawaarijta howlgalladii Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland uu ka dhigayaa 72-kii saac ee u dambeeyay in lagu laayay in ka badan 300 oo khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal ay ka mid yihiin:-

1. Yuusuf Cali Sheekh Horjoogihii Deegaanka Fiidow, Waxaa lagu dilay Iji.

2. Salaad Maxamuud Siyaad oo Magaciisa Afgarashada uu ahaa Amiin Owbaanle Horjoogihii waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Waxaa lagu dilay Iji.

3. Cabdixakiin Nuur Guuleed Dabaashe Horjooge koox ay ugu yeeraan Jamhadda, Waxaa lagu dilay Iji.

4. Maxamed Indhofiiq Horjoogihii watay maleeshiyadii lagu laayay Afcad, Waxaa lagu dilay Afcad.

Waxaa kale oo howlgallada lagu qabtay maleeshiyaad isugu jira kuwa dhaawacyo ah iyo kuwa bad qaba oo uu ku jiro Horjoogihii Caafimaadka iyo Qaraxyada ee gobalka Mudug Salmaan Daahir oo lagu qabtay gobalka Mudug, sidoo kale waxaa isku soo dhiibay ciidanka Qaranka maleeshiyaad ka soo baxay khawaarijta goobo kala duwan.

Dhanka kale, waxaa la asturay maydadka Khawaarijta la laayay oo laga soo aruuriyay meelaha kala duwan oo ay ka dhaceen howlgalada.

Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dhulkii ay ku dhuumanayeen khawaarijta, Hub badan iyo saanado kale oo ay isticmaalayeen khawaarijtu.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an dhammeystirka howlgalka xididdada loogu siibayo Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khwaarigta.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Serbia

Serbia:- Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo Safar shaqo ku jooga Dalka Serbia ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Serbia Mudane Zoran Gajić.

Kulanka labada wasiir ayay kaga wada hadleen horumarinta Iskaashi dhinaca Ciyaaraha ee labada dal,waxaana goob joog ahaa Danjiraha JFS u fadhiya Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, xoghayaha gobolka Marko Kešelj iyo kaaliyaha wasiirka iskaashiga caalamiga ah Uroš Pribićević.

Mudane Zoran Gajić Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Serbia ayaa sheegay in Ay Labada dal iska kaashan doonaan Sare u qaadista Tababarada Xirfadlayaasha Ciyaaraha iyo horumarinta Isboortiga.

Wasiir Maxamed Barre ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Serbia Casuumaada uu u fidiyay,waxaana uu faah-faahin ka siiyay,horumarada Kala duwan ee Ciyaaraha Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa wadaaga xiriir Taariikhi oo ku qotoma danaha diploomaasiyadeed ee labada dal.

     

Madaxweyne Xasan“Maamulka Soomaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka reer Sool”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Soomaaliland ku boorriyay inay dhageystaan rabitaanka dadka reer Sool oo aan lagu cabburin rabitaankooda.

“Maamulka Soomaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka ree Sool. Midnimo ayaan rabnaa dadka laguma colaadinkaro sida aan adinkaba la idinkugu colaadineynin aragtida gooni u goosadka. Walaalka midnimada doonayana waxaan u sheegayaa midnimada nabad ayaan ku rabnaa.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha XFS oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia

Serbia:- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia ayaa maanta booqasho ugu tagay Muftiga Guud ee Serbia Sheekh Mohammed Jusufspahic, Sheekh Mustafa Azra iyo Majmaca culimadda islaamka dalka Serbia.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Masjid taariikhiga ah ee Bajrakli Mosque ee Magaaladda Caasimadda dalka Serbia ee Belgrade ee la dhisay 1517,Jameecadda culimadda ayaa aad uga mahad celisay booshadda Wasiirka iyo diplomaasiyiinta Safaaradda ay u yimaadeen majliska culimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan gurmadka dadkii musiibadu ku habsatay ee dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Fedreaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ku doonayaan in ay ugu gurmadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay saarantahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan mashaqada ayaa ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha muslimiinta ah ee musiibadu ku habsatay.

Halkaan hoose ka daawo khudbad madaxweynaha Soomaaliya ee uga hadlay musiibadii ka dhacday dalka Turkiga iyo baaqa shacabka Soomaalyeed u ujeediyay.

Guddiga gurmadka Soomaalida ee dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga oo Akoono shaaciyey

Guddiga qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa shaaciyey Akoonnada ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaada karaan gurmadka oo lacagaha ay ku soo diri karaan.

Guddigaan oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana bilowday ololaha dhaqaale uruurinta oo Xukuumadda Soomaaliya ay ku bilowday hal Milyan oo Dollar.

Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ayaa sidoo kale xalay ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, waxaana maanta Masaajidda magaalada Muqdisho ka sii socday ololahaan oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka bilowdo magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka.

Hoos ka eeg Akoonada aad uga qeyb qaada karto taakuleyntaan

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo dalbaday in loo dhimriyo maxaabiista ku xiran Sacuudiga

Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed C/Kariin cali Afrax  oo maalmahaan ku sugnaa Dalka Sacuudi carabiya,isla markaana soo dhameystay booqasho shaqo ayaa madaxda Dalka Scodsaday in loo dhimriyo maxaabiista Soomaalida ee ku jirta xabsiyada dalkaasi,

Taliyaha oo muddo dhowr cisho ah joogay Magaalada Jiddah,ayaa booqday xabbsiyada ku yaalla Magaalada Jiddah ee ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shimees iyo Dabbaan  ,,

C/Kariin cali Afrax oo u kuurgalay xaaladda maxaabiista ayaa madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudah ka dalbaday in la cafiyo maxaabiista waqtiga gaaban,isla markaana sanadaha lo yareeyo kuwa xiran waqtiga dheer.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa dalbaday in la daboolo guud ahaan baahiyaha dadka maxaabiista ah ee ku jira xabsiyada dalkaasi.

Wafdiga uu hoggaaminaayey taliyaha waxaa garoonka Magaalada Jiddah ku soo sagootiyay madax ka socotay Arrimaha Gudaha,kuwa xabsiyada iyo Qunsulka Soomaalida ee Jiddah Axmed Maxamuud Diiriye Macruuf