Gobolka Banaadir iyo hoggaamiyaasha bulshada oo taageero u muujiyay shacabka Turkiga

Qaar kamid ah maamulka Gobolka Banaadir,ganacdatada Soomaaliyeed, culuma’udiinka,odoyaasha dhaqanka iyo ururada bulshada ayaa ka dhawaajiyay in ay garab istaagi doonaan shacabka Turiga ee ay waxyeeladu ka soo gaareen dhulgariirkii dhowaan ka dhacay dalkaasi.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waalaalaha Turkey ugu yaboohay 3 Million oo doolar oo ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka loo fidinaayo dadka uu saameeyay dhulgariirka ku dhuftay Turkiga.

Kusimaha Duqa Magaalada Axmed Diiriye,ayaa yiri”Gobalka Banaadir waxbadan ayaa lagu tabayaa, wixii Turkey uu gobalkaan taray way muuqataa, dhibkaas ayaa ku dhacay waxaa maanta nala gudboon in aan la imaanno isgarabtaag muuqda oo la taaban karo”

Sidoo kale Sh Bashir Axmed Salaad “Dadka Soomaaliyeed Culeysyo badan ayaa heysta, laakiin yaan la is-yasin ee aan u istaagno in qof walba wixii uu maanta heysto wax haka bixiyo “ayuu yiri

imaam Cumar Macallin Abshir “odayaasha Soomaaliyeed haddaan nahay qeyb ayaan ka nahay gurmadka, qof walbana waxaa la gudboon in uu ka qeybgalo yabooha loo fidiyay dadka Turkiga.

Guddoomiye Batuula iyo Duniya Axmed Cali ,ayaa iyaguna ku baaqay in loo midobo  gurmadka ka jawaabista xaaladda musiibada ah ee ku dhacay dalkaasi ,waxayna intaa raaciyeen in haweenka Soomaaliyeed ay qaadan donaan kaalin wax ku ool ah oo loogu gurmaneyno walaalaha Turkiga.

Dr. Maxamad xaaji “Bulshada Soomaaliyeed waxaan ku Boorrinayaa in ay Boorka iskajafto waxa nalaga filayana ay naga soo baxaan “

Ciidamada Mareykanka oo weerar xagga cirka ah ku dilay maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn xagga cirka ah ku dilay Shan maleeshiyaad ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab kadib  howlgal ay ka fulyeen meel u dhow Bacaadweyne, Soomaaliya, oo qiyaastii 460 km waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM, Duqeynta ayaa lagu taageeray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu Khamiistii shaaciyay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Sanadkan oo kaliya ciidamada Mareykanka ayaa shan duqeymo ka fuliyay Soomaaliya, waxaana 26-kii Jannaayo howlgal gaar ah ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya, kaasoo lagu dilay hogaamiyihii Daacish Bilal-al-Sudani, sidaasi waxaa yiri Caleb Weiss oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha Jihaadka. Afrika iyo Bariga Dhexe.

Waxaa Soomaaliya ka dhacay 15 weerar oo cirka ah 2022 iyo 11 duqeymo xagga cirka ah 2021, sida uu qoray wargeyska Long War Journal, oo ay soo saartay hay’adda difaaca ee Dimoqraadiyadda ee Washington, D.C.

Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday in ay daacad u tahay al-Qaacida sanadkii 2012, waxaana ay mas’uul ka tahay weerarkii Jan 5, 2020 lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa deegaanka Manda Bay, Kenya, kaas oo lagu dilay saddex American ah.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo booqasho howleed ku jooga Serbiya

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha  Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa gaaray Caasimadda Serbia ee Belgrade ,kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Serbia  Dr. Zoran Gajić.

wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha  Caasimadda Belgrade, ku soo dhoweeyay Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiga Belgrade Amb. Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Sida uu qorshuhu yahay Wasiirka ayaa la kulmi doona  dhiggiisa Wasiirka Cayaaraha isagoo sidoo kale ka qayb-gelli doona  xafladda xiritaanka horyaalka Caalamiga ah ee IMMAF World Championships.

Wasiir Maxamed Barre ayaa inta uu joogo Belgrade lagu wadaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiin kale oo dowladda Serbia ka tirsan, kuwaas oo uu kala hadli doono tababarka xirfadaha gacanta  oo dalkaasi uu aad ugu horeeyo, si looga faa’iideeyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan fursadda u hellin waxbarashada Nidaamiga ah.

Wafdigaasi oo uu kamid ahaa la-taliyaha wasiirka Eng. Fahad Cali Xasan,waxaa lagu wadaa in booqasho shaqo oo laba cisho ah ku joogaan dalkaasi.

Soomaaliya iyo Serbia oo lahaan jiray xiriir facweyn ayaa dib boorka uga jafay xiriirkoodii, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dalkaasi ku leedahay safaarad kaalin muuqata ku leh xoojinta xiriirka labada dal.

In ka badan 200 khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Iji ee gobolka Shabeellaha dhexe

Dowladaa Soomaaliya ayaa ku dhawaqaday in dagaal sacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Iji ee gobolka Shabeellaha dhexe lagu dilay in ka badan 200 oo k tirsanaa kooxda khawaarijta.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  XFS oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa dib u xoreynta deegaannada, NISA iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa xusay in sacadihii ugu danbeeyay ay howlgallo ka dhan ah khawaarijta ay ka dhaceen dowlad gobolleedayada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland. isagoo sheegay in howlgalka ugu danbeeyay u ka dhacay deegaanka Iji oo 23-km u jiraa magaalada Mahaday ee gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo lagu beegsaday koox ka tirsan maleeshiyadka Khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada khawaaarijta  kuwaas oo u qaabilsana Uruurinta lacagah baada ah,dhaca xoolaha deegaanka iyo dilaalka qorsheysan, horjoogayaasha lagu dilay howlgalka ayaa waxaa ay kala yihiin, Salaad Maxamuud Siyaad oo u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah ee gobolka Shabeellaha dhexe dadka deegaankuna ay si weyn u yaqaaneen, sidoo kale waxaa kamid ah horjooge Yusuf Cali Sheekh oo ahaa horjooge khawaarijta u qaabilsana magaalada Fiidow iyo horjooge Sandheer oo ah Taliyaha aagaas, horjoogaha afarad ayaa ahaa Xuseen dheere waxaanu ku xigeen u ahaa  Salad Maxamuud Siyaad.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu qabtay maleeshiyaad qaba dhaawacayo culus, kuwaas oo lala tacalayo xaaladooda caafimaad, waxaa sidoo kale ciidanka ku furteen 300 oo qori kuwaas oo iskugu jira hubka culus iyo kuwa fudud iyadoo ay halkaas ciidanku kula wareegeen daawooyin,cuntooyin iyo agaabkii kale ee ay isticmaalayeen khawaarijtu.

Dhanka kale howlgal ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Afcad oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay tiro khawaarij ah, iyadoo wali uu socdo howlgalka.

Hawlgalladan ayaa intii ay socdeen waxa ciidanka Qaranka uga shihiiday 5 askari halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 7 askari.

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo booqaday qaar ka mid ah warshadaha kalluunka dalka Talyaaniga

Talyaaniga:- Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa booqday warshadaha soo saara kalluunka warshadeysan ee dalka Talyaaniga.
Iskaashatada Kalluumeysatada ee magaalada ee Magaalada Mazara Del Vallo ayaa wasiirka warbixin faahfaahsan ka siiyey nuucyada kalluunka ee ay warshadeeyaan iyo dalalka ugu badan ee loo dhoofiyo.
Wasiirka ayaa u sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya ay qorsheyneyso in Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ay sidaan oo kale u shaqeeyaan lana maalgaliyo.
Waxa uu u ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii uu isugu xiri lahaa labada dhibac si looga faa’iideysto aqoonta iyo khibradda ay dadkani u leeyihiin ka faa’iideysiga waxsoosaar ka iyo kheyraad ka Kalluunka.
    

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo kulan la yeeshay madaxa hay’ada EUCAPSOM

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto.Sulub Axmed Firin ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’ada EUCAPSOM Mr Kauko AALTOMAA, Dania Cossa,Madaxa howlaha iyo oo ah Mohamed Ibraahim la-Taliye siyaasadeed oo ka tirsan Hay’ada.
Hay’ada Tayeeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya, European Union Capacity Building in Somalia (EUCAP SOM) ayaa ka mid ah hay’adaha sida weyn u taageera Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,kulanka ayaa daaranaa Isbarasho iyo soo dhaweyn.
       

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka arrimaha dibadda

Addis Ababa:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaaliya Mudane Absher Cumar Jaamac ayaa magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya kula kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen oo uu kaga qeyb galay Kalfadhiga 42-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka,iskaashiga wadajirka ah ee dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka Itoobiya ay ka qaadatay shir madaxeedkii ugu dambeeyay ee dalalka deriska iyo Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in labada dal ay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada.

  

INTII LA DHIIRIGELIN LAHAA MIYAA LA DILAYAA? WARBIXIN

Dalka Soomaaliya waxay dhallinyarada ka yihiin 70% bulshada waana cududa ugu badan badan ee kaalin ka qaadan karta horumarka dalka Soomaaliya oo soo maray in 25 sano oo dib u dhac dagaalo iyo horumar la’aan.

Iyadoo dhallintan ay iskood u abuurteen shaqo, si ay u soo dhacsadaan nolol maalmeedkooda kagana maarmaan inay u tahriibaan dalalka shisheeye ayaa haddana waxaa caqabad ka heysataa siday uga shaqeysan lahaayeen gudaha magaalada.

Shaqadii bajaajtu waxay noqotay mid leysku cabsiiyo, ruuxa ka shaqeeyaana uu magaalada dhexdeeda ku maro tawakal calallaah haddaba:

Axmed Xasan Cismaan wuxuu ka mid yahay dhallinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho wuxuu qabaa in aan loo baahneyn in la niyad jabiyo ama la waxyeelleeyo dhallinyarada gaar ahaan kuwooda ku howlan in ay wax qabsadan ee ka horjeestay fadhiga, caajiska iyo isticmaalka mukhaadaraadka una jeestay in ay wax qabsadaan.

“ Dhallinyarada ay shaqo abuurka u tahay wadista bajaajta waa iney helaan dhiirigalin maadaama ay jecleysteen in ay waxqabsadaan halkii ay darbi fadhin lahaayeen “ ayuuna yiri Axmed.

Cabdi C?qaadir waa mid ka mid ah dhallinta darewalada ka ah bajaata ka howlgasha magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in bajaajleyda ay yihiin dhallinyaro sameysatay shaqo abuur si ay uga baxaan shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta wuxuuna qabaa in bajaajleyda xaaladda ay kaga howlgalaan caasimadda ay tahay mid adag.

“Mararka qaar waxaan la kulanaa xaalado amni oo adag oo aan ku dhex shaqeynaa iyadoo xitaa naf ahaan aan galno qataro halis nagu noqon kara laakiin uma joojino “ ayuu yiri.

In kastoo ay jiraan dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah hadana  Maxamed Xuseen oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho waxaa uu qabaa in xaaladaha qaar ay u baahan yihiin degenaan isagoo soo jeediyey in khalalaasaha mar kasta ka dhex aloosma bajaajleyda iyo ciidamada ammaanka loo baahan yahay in lagu xalliyo degenaan.

“Taasi waxay ku iman kartaa bajaajleyda oo iska xilsaara fulinta shuruucda waddooyinka iyo ciidanka oo iyana tixgeliya duruufaha ay dhallinta wadeyaasha bajaajta ah ku shaqeynayaan, taas haddii la helo wax walba way xalismayaan” ayuuna  yiri.

Shaqo abuurka bajaajta ayaa dhallinyaro badan oo soomaaliyeed ka badbaadiyey in ay galaan safarada qataraha badan lagala kulmo ee badaha ee ah tahriibka kuwaas oo sanad walba ay ku dhammaadaan dhallinyaro isku dayeysa in ay galaan dalalka Yurub si ay wax uga bedelaan noloshooda.

Dalka Edatorial

 

 

WIXII CAQLI LAHOOW KHAWAARIJ ISAGA SOO BAXA!!

Guud ahaan wahaabiyada iyo gaar ahaan kooxaha hubaysan ee ay Khawaarijta Ashabaab ka mid yihiin waxa ay bulshada soomaaliyeed u hayaan su’aalo badan,

Waase haddii ay su’aalahaas in ay ka jawaabaan diyaar u yihiin.

Waydiimaha maskaxda qofka soomaaliga ah ku jira waxaa keenay in ay wahaabiyadu yihiin Aafo dalka ku cusub oo isbeddelkeeda aan faa’iidooyin badan laga gaarin oo ka shiddo badan sida Uu Sheegay C/laahi yuusuf Madaxwene Alaha U Naxaristee dhibaatadii qabyaaladda oo dhaqanka soomaalida ahayd.

Haddii aysan kooxahaasi weydiimo diyaar u ahayn oo ay isu arkaan dad laga amarqaato oo aan waxba la weydiin waa in ay dadka su’aalaha qabaa xaqiiqsadaan in aysan Khawaarijtu wax wanaag ah soo wadin oo ay yihiin dad qufulan oo aan ummadda u oggolayn in aragtiyo la isweydaarsado.

Wahaabiyada waa isku ujeeddo oo yoolka ay u socdaan waa mid kaliya, waana in ay ummadda ku xukumaan diin huwan ra’yiga wahaabiyada oo aan oggolayn aragtiyaha wadaaddada kale.

Khawaarijta iyo wahaabiyada qunyarsocodka iska dhigtaa isku ma diiddana aragtida ah in ummadda lagu soo rogo xukun aragti wahaabiyo  ee waxa ay isku khilaafsan yihiin Jidkii loo mari lahaa xukunkaas, waxayna Ashabaab iyo kuwa la midka ah qabaan in dadka qori caaraddiis iyo qaraxyo lagu khasbo si ay u oggolaadaan shareecada wahaabiyada, halka ay kuwa kale ku andacoonayaan in ummadda laga maro xagga kale iyo in wahaabinimada si nabad ah lagu baro oo lagu dhex jiiro xagga tacliinta, xagga siyaasadda, xagga maamulka, xagga ganacsiga iwm.

Ogow marka ay kooxahaasi sidaas isu khilaafayeen waxa ay wada aamminsanaayeen in ay dhammaantood yihiin dad ka duwan soomaalida inteeda kale oo wata ujeeddo aysan ummaddu la wadaagin, waxaana halkaas ku sii qarsoon in ay wahaabiyada oo dhammi ummadda inteeda kale beri ka yihiin, taas oo uu macneheedu yahay in aysan diinta dadka u la sinnayn oo uu macneheedu sii yahay in ay soomaalida inteeda kale gaalo yihiin.

Waxaan aragnay in wahaabiyada qaraxyada iyo qoryaha aamminey ay kuwa qunyarsocodka sheegtay gaaleeyeen oo ay iyaga ka neceb yihiin ummadda inteeda kale, waayo waxa ay soomaalida kale u haystaan gaalo asliyiin ah oo hore gaalo u ahaa, halka wahaabiyada qoryaha iska dhigay ay u haystaan murtaddiin diinta ka baxay maaddaama iyaga oo og in uu jihaadku xaq yahay ay diinta dhabarjebiyeen.

Kuwo badan oo wahaabiyo ah baa mabda’aas lagu laayey, waxaase ka sii daran in Ashabaab iyo kuwa la midka ah ay habeen iyo maalin isxasuuqaan oo la wada laayey raggii ugu cuslaa kooxahaas iyada oo loo cuskanayo in ay kooxda dhexdeeda ku riddoobeen.

Riddadu sida ay u dhacdo iyo cidda xukunta la ma garan karo ee waxaa laga warhelaa dhiig qulqulaya. Inta aan la gaarin laynta iyo xukumidda ummadweynta gaalada loo arko sow ma ahayn in ay wahaabiyadu iyagu kala badbaadaan, maaddaama ay yihiin firqo si gaar ah loo soo carbiyey oo isku yool u socda aysan dhexdooda is layn?

Haddiise xaaladdooda dhiigga daadinta iyo la dagaallanka aragtiyaha dadku sidaas tahay maxay samayn lahaayeen haddii ay ku guulaystaan xukunka ummadda?

Iyagu wahaabiyo ahaan ma noqon lahaayeen koox dhexdooda aan islayn oo u midaysan sidii ay gaalada ay qabsadeen u xukumi lahaayeen?

Ashabaab iyo kuwa la midka ah waxaa maanta dil ugu xukuman ama ay hore u laayeen kuwa ugu tababar sarreeya wahaabiyada ee haddii ay Ashabaab dalka qabsadaan yaa wahaabinimada wax ku xukumaya haddii ay laayaan kuwii wahaabiyada ugu af dheeraa?

Dadweynaha sidee bay u la dhaqmi lahaayeen wahaabiyadu haddii ay ku guulaystaan in ay ummadda qabsadaan? Hiddaha, dhaqanka, taariikhda, fanka, afka iyo qaab nololeedka guud ee soomaaliyeed maxaa uga qorshaysan wahaabiyada kooda surka taagaya iyo kooda isgaabinaya

Wahaabiyo ama Ashabaab aragtidooda ugu culus waa in ay isu arkaan in ay iyaga keliya ay diinta masuul ka yihiin oo aysan ummadda inteeda kale diin haysan ilaa ay iyaga soo raacaan ama ku biiraan,

Aragtidaasina waxa ay ka soo maaxatey in ay wahaabiyadu asal ahaan ummadaha ay ka mid yihiin gaalo u haystaan. Waxa ay isu arkaan firqo gaalnimo ka badbaaddey oo uu nebigu ku tilmaamay kuwo badbaadey oo ku sugan jidkii nebiga

Kaalintaas ay iyagu isu magacaabeen oo aan lala ogeyn in ay buuxiyeen maxaa lagu caddaynayaa? Yaa u doortay oo u ogol in ay keligood muslimiin yihiin?

Haddii ay iyagu isdoorteen qofkii isagu madaxnimo isu doorta xukunkiisu muxuu yahay? Ashabaab waxa ay aamminsan yihiin in ay yihiin koox si gaar ah xaqa u fahamtay oo Eebbe dartiis uga dhiidhiyey gumaysi gaalo,

Dadkoodiina uu yahay murtaddiin gaalada raacay oo aysan xaqa uu Eebbe ku gooni yeelay uga tanaasulin murtaddiin diintoodii laga saaray.

Yaa ku raacsan in ay fahmeen xaqqa aysan ummadda inteeda kale fahmin? Intii aysan wahaabiyadu dhulkeenna imaan sow dadku muslimiin ma ay ahayn oo ummaddu gumaysiyadii reer galbeed iyadu iska ma xorayn?

Soomaaliya waa dal madaxbannaani qaatay lixdankii oo calan iyo xudduud leh, mana jiro waddan mid kale qabsan karaa qaynuunka caalamiga ah,

Dadka shisheeyaha ah ee dalka yimaadayna waa qayb ka faa’iidaysatay dagaallada sokeeye iyo kuwo soomaalida caawinaya, dhammaantoodna dalalkoodii bay ku laaban doonaan marka uu waddanku xasilo.

Waxaan qof ahaan dhihi karaa Ashabaab iyaga ayaa maanta sabab u ah in ay ciidan shisheeye dalka ku raagaan oo dagaalladooda iyo qaraxyadooda ayaa keenaya in ay ciidamo afrikaanka ah sii joogaan.

Ciidanka ay gaalada ku sheegayaan meelaha ay joogaan ma ku laayaan soomaali tiro la’eg kuwa ay Ashabaab laayaan?

Sow la ma hubo in soomaalida dhimata ay badankooda Ashabaab laayaan? Gaal aan ku dilayn iyo muslim ku dilaya kee baad jeclaan lahayd? Waraabaha xataa su’aashaas wuu fahmi karaa, waayo qofka usha in laga daayo sheega ayuu dhankiisa isu buriyaa sida ay soomaalidu sheegeen.

Waxaa la sheegaa in ay muslimiintu tiro ahaan yihiin shan meelood oo meel dadka dunida oo dhan, waxa ayna noqonaysaa bilyan iyo dheeraad. Haddaba wahaabiyada su’aasha la weydiinayaa waxay tahay tiradaas intee baad muslimiin u aragtaan, intee baase gaalo ah?

Waxaa la hubaa wahaabiyadu in aysan dadka muslimiinta lagu sheego boqolkiiba hal ka dhammayn, laakiin ay yihiin dad caraysan oo hubaysan oo uu aad ugu fudud yahay dhiigga dadku, waana sababtaas midda ay gaaladu ugu shaabbadeeyeen in ay argagixiso yihiin,

Muslimiinta badankooduna ay ugu raaceen, waayo wahaabiyadu dadkooda muslimiinta ah gacan qabow ma ay tusin oo shar bay indhaha caalamku u arkeen

Diinta islaamka waxaa lagu soo dajiyey Nabi Maxamed Scw waxaana la wada og yahay in uusan dagaalka nebigu ahayn laablakac oo uusan wax rabshad ah samayn ilaa uu hubiyey in uu haysto ciidan iyo hub u dhigma kuwa gaalada.

Haddaba Wahaabiyadu sidii nebiga ma hubiyeen in ay haayaan awood u dhiganta midda gaalada? Nin aan su’aashaas weydiiyey baa iigu jawaabey.

Nabi Maxamed Csw arrimaha uu sameeyey wuu madaxbannaanaa oo isaga ayaa wax hindisayey, laakiin wahaabiyadu waxyaalaha ay ku kacayaan uma madaxbannaana oo wahaabiyadu aragti kuma laha waayaha iyo duruufaha ay ku dhex nool yihiin”.

Sida aynu ognahay gaalada maanta jirta waxaa hoggaan u ah caddaanka ee waxa aad isweydiisaa inta gaal caddaan ah oo ay Ashabaab dileen xilligii ay dagaallamayeen!

Qoryaha ay haystaan tiiradoodu intee bay gaaryaan?, iyagu qori ma samayn karaan? Caddaanka dalalkooda immisa qof baa lagu dilaa sanadkii? Caddaanka ciilka loo qabo ma lagaga baxayaa in habro soomaali ah maalin kasta banbo lagu qarxiyo?

Wahaabiyada waxaa la moodaa in ay kaftamayaan, kaftankana waxaa ugu macaan midka isyeelyeelka iyo caqli yaraanta lagu metalo, waayo kaftanka fiican waxaa shardi u ah in uusan dhab ahayn.

Masala’dda ugu danbaysaa waa horta madaahib ma la isku waafaqi karaa oo macquul ma tahay in ay wadaaddo isku raacaan arrimo diineed?

Nin caalim ah oo aan su’aashaas weydiiyey waxuu iigu jawaabey ”Mad-habtu waa qofka uga horreeya waxa uu rabo oo markii uu waxa uu rabo dareemo ayuu diinta waxaas daliil uga raadiyaa, taasina waxa ay keentay in ay aragtiyaha madaahibtu iska soo wada hor jeestaan, waayo dadkii aragtiyaha lahaa baa kala dano duwanaada.

Qawaarijku marka hore go’aankiisu waa in uu ummadda kale xoog ku xukumo, ka dibna diinta kama uu waayayo xaddiis daciif ah ee uu daliishado”.

Diinta in ay dad badani isku aragti ka noqdaan iska daaye hal qof baan naftiisa isku aragti ka qaadan karin oo wadaaddada manta joogto waxaa la moodaa in ay dadka caqliga yar ka faa’iideen wax kastana u adeegsadeen ayaga,

Hadda Ka Hor Ayaan maqlay Nin aan weligiis ciid tukan oo ogaa in salaadda hal takbiir lagu xirto ayaa maqlay salaad iideed oo takbiiro badan, waxa uuna yiri ”Agah! war salaaddii xirmi wayday ee wixii reer hebel ahaw isaga soo baxa!”. Hadda Ayaan Leeyahay War wixii caqli lahaw Khawaarijta isaga soo baxa!

 WQ: C/risaaq Axmed Absuge!

DHIBAATADA QABYAALADDA AY LEEDAHAY.

Waxaa muhiim ah inaanu kala fahamno Qabiilka iyo Qabyaaladda, Qabiilku waa wax laguugu garanaayo ruuxa aad adigu tahay iyo isir ahaan halka aad ka soo jeedo,abtirsigaagu halkuu ku arooro iyo dadka dhalasha ahaan isku xegtaan.

Ujeeddooyinkaasi waa kuwa uuu Eebba wayni ugu talo-galay kolkii tolka iyo jilibka uunkiisa isku raaciyay.

Sida ay diinteena suubbani tilmaamaysona qabiilkoo laysku aqoonsado iyo ku abtirsashadiisuba ceeb maaha, waxaana sidaa qeexaysa aayad ka mid ah aayadaha qur’aanka Eebbe,taasoo ahayd” waxaanu idinka dhignay qaabiillo iyo shucuub si aad isku barataan”.

Nabigeenii suubbanaa (NNKH) qudhiisa waxaa laga hayaa axaadiis badan oo abtirsiga iyo is taakulaynta xegaalka iyo tol waynaba tirtirsiinaysa.

Xariirinta iyo taban-taabada xigtadu waaba arrin waajib ah,oo ay diinteenu jidaysay qofkii qaraabada/xegtada gooyana wuxuu Illaahay u ballan qaaday inuu goyn doonno, sidaana wuxuu ku yiri xadiisul qudsi.

Qabyaalad: qabyaaladdu waa ficil xun oo ah inaaad qabiilkii u isticmaasho si qaldan waxeyna kugu hogaamineysaa, Dhibaato iyo burbur waxeyna kuu diideysaa horumarka iyo nolosha wanaagsan.

Qabyaaladdu waxaa keena jaahil nimada iyo bdoqonnimo markaad akhriso taariikhda dadyowga dunida ku nool waxaa ogaaneysaa dhibaatada ay leedahay qabyaaladda.

Dadka ay ku weyn tahay qabyaaladda waa kuwa ugu liita xagga nolosha.                    Waxa ay diinteena suuban waxa ay muslimiinta ka xarimtay qabyaaladda, dhibaatada qabyaaladda ma ahan dunida kaliya kugu saameyneyso ee waxa ay kula soconeysa ilaa iyo qiyaamaha, waxaana cadeyn u ah axaadiiskii Nabigeena Maxamed(NNKH) ee ahaa dadka udagaalama qabyaaladda kuwii wax dila iyo kuwii la dilaba waa ahlu Naar.

dunida kuwaa ugu hooseeya xagga nolosha waa kuwaa aan wali ka ilbixin dhibaatadii qabyaaladda wali waxey moodayaan in uu qabiilka wax taraayo laaakiin dhib mooyee dheef keeni meyso.

Tusaale waxaa kugu filan dalkeena halka ay qabyaaladdu geysay, waxa halkaan na dhigay waa qabyaaladda manta waxeynu nahay dal ay tusaale kusoo qaataan hogaaamiyaal shisheeye.

Markaan maamul dowlaadnimmo ka door bidnay qabyaaladda waxaa kala daatay awoodeenii waxaa lumay magacii iyo sharaftii aan laheyn.

Aynu iska deyno qabyaaladda si mustaqbalkeenna aduun iyo mid aakhiro an u wanaajino.

WQ: Cumar Maxamed Cumar.