Ciidamada xoogga dalka oo gacanta ku dhigay deegaannada Iji iyo Afcad

Hiiraan:- Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa  wada howlgallo looga sifaynayo maleeshiyada khawaarijta ee ku dhumaalaysanaya deegaanno hoostag gobolka Hiiraan,ayaa saaka aroortii hore la wareegay deegaanada Iji iyo Afcad oo u dhexeya degmooyinka Jalalasi iyo Bulo-barde oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale dagaalkan ayaa khawaarijta loogu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaaawac,iyadoo sidoo kale laga furtay saanada ciidan.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaannada  ayaa waday maalmahaan howlgallo khawaarijta looga saaray goobaha ay ku dhumaalaysanayaan ee gobolada Hiiraan iyo Mudug.

Madaxweyne Galmudug oo ka qeyb-galay munaasabad lagu caleema sarayay maamulka cusub ee degmada Guriceel

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa degmada Guriceel kaga qeyb galay munaasabad lagu caleema sarayay maamulka cusub ee Degmada oo dhawaan la doortay.

Munaasabadda caleema saarka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiis oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah labada gole ee Dowlada Fadaraalka,Maamulka Galmudug iyo Bulshada Degmada Guriceel.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay guddoonka cusub ee Degmada Guriceel isagoo ugu duceeyay in Eebbe la garab galo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Wasiirka Qorshaynta XFS oo ka qayb galay shirweynaha dowladaha adduunka

Dubai- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa ka qayb galay Shirwaynaha Dowladdaha Adduunka ee 2023 ee lagu qabtay magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta kaasoo halkudhiggiisu ahaa “qaabaynta dowladaha mustaqbalka”.

Wasiirka ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta kala duwan ee kasoo qeybgalay shirweynaha iyagoo isla falaanqeeyay sidii loo heli lahaa habab cusub oo lagu dardar gelinaayo horumarinta dhaqaalaha iyo in si wadajir ah loo qaabeeyo mustaqbal la isku haleyn karo.

Sidoo kale, Waaiirka ayaa ka qeyb galay madal kulmisay Maamulka Dowladaha Carabta oo kaashanaya Ururka Horumarinta Maamulka Carabta (ARADO) oo lagu gorfeeyay isbedelka tiknoolojiyadda ee ku saabsan dhinaca maamulka iyo horumarinta dowladaha.

  

Ciidanka xoogga iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo howlgal ka wada koonfurta Mudug

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maalintii 4aad howlgal ka dhan ah Khawaarijta Al-shabab oo looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ka wada koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa howlgalladii maalmahaan ka socday deegaannadaas waxaa ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Khawaarijta ku dhuumaaleysanayay Deegaanada Qeycad, Laas-gacameey, Doonlaaye iyo kuwa kale.

La soco faah faahin dheeraad ah goor dhow.

  

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮𝗮𝗯𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗲𝗲𝘆𝗮 𝗚𝘂𝗿𝗺𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗧𝘂𝗿𝗸𝗶𝗴𝗮

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa markii uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xubnaha hoos ku xusan u magacaabay in ay isku xiraan, kana shaqeeyaan gurmadka Soomaaliya ay u direyso Turkiga.

1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka — Mudane Xasan Macallin Maxamuud

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta — Mudane Axmed Macallin Fiqi

3. Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare — Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir

4. Sheekh Bashiir Axmed Salaad

5. Sheekh Cabdulqaadir Soomow

6. Suldaan Cabdiqani Qorane

7. Cumar Xasan Maxamed

8. Axmed Maxamuud Yuusuf

9. Axmed Shirwac Maxamed

10. Duniya Maxamed Cali

11. Prof. Xuseen limaan

Galmudug oo shaacisay in 75-ka tirsan argagixisada lagu dilay dagaal Culus oo ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegtay in ka badan 75-maleeshiyad ka tirsan kooxda Khawaarijta lagu dilay weerar xooggan oo ay ciidamada xooggan, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ay ku qaadeen deegaanka Qeycad ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay kooxda Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen.

Dagaal culus iyo duqeymo halkaas ka dhacay ayaa laga jabiyay Khawaarijta, waxayna ciidamada uga furteen hub aad u fara badan, wuxuuna meydadkooda daadsan yahay goobta uu howlgalka ka dhacay.

Ciidamada huwanta ah ayaa horumar iyo guulo waa weyn ka sameynaya howlgallada Koonfur gobolka Mudug, kuwaas oo lagu soo afjarayo Khawaarijta farxadka ah ee ku dhuumaaleysanaya howdka.

Maamulka Galmudug ayaa u mahad-celiyay saaxiibada caalamiga ah oo gacan weyn ka geystay jabinta Khawaarijta.

Ra’iisal wasaare Xamsa iyo safiirka Sweden oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Per Lindgärde.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dalka iyo muhiimadda ay leedahay horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga oo tiir u ah horumar waara.

 

Wafdi ka socda Hay’adda UNHCR oo gaaray degmada Cadaado

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineyso Madaxa UNHCR ee Galmudug iyo Puntland Monique Rudacogora ayaa maanta gaaaray degmada Cadaado, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame iyo wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay sidii gurmad iyo qorshaha xalka waara loo gaarsiin lahaa barakacayaasha ku nool Cadaado.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa wafdiga ka socday Qaramada Midoobay la wadaagay xaaladda barakacayaasha,kuwaas oo isugu jira qaar xilliyo hore Cadaado soo gaaray iyo kuwa dhawaan ku barakacay colaadaha iyo abaaraha ka jira qaybo ka mid ah Galmudug.

Wafdiga ayaa kormeeray dhul loo qorsheeyey in loo dhiso Barakacayaasha. Guddoomiyaha iyo wafdiga UN-ka ayaa isla gartay in la dardar geliyo mashaariicda samafalka ah ee ka socda Cadaado, iyadoo diiradda la saarayo qorshe wax ku ool ah oo xal waara looga gaarayo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha.

Ugu dambeyntii, Monique Rudacogora, ayaa sheegtay in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGO-yada la hawlgalla ay ka warqabaan in ay kordheen tirada dadka ku barakacay mushkiladaha colaadaha iyo abaaraha, ayna hawlahooda samafalka xoojinayaan, iyaga oo ka duulaya waxa ay maanta indhahooda ku soo arkeen.

           

Ciidamada xoogga dalka oo dagaal ku dilay 32-ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada  Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyed ee Danab iyo ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa cagta mariyey difaacyo maleeshiyaadka aragagaxisada ah ee Al-shabaab ay ku lahaayeen tuulada Qaycad iyo deegaanka Bacaadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay Khasaaro culus, waxayna ciidanka ay ku guuleysteen in ay khaarijiyaan 32- dhagar qabe oo ka tirsanaa cadowga argagixisada.

Taliyaha ciidanka daraawiishta maamulka Galmudug Jeneraal Maxamed Cali Nuur ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in maanta 32 xubnood oo horjoogayaal ay ku jiraan Khawaarijta ku dileen dagaallo culus oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

“ Dagaal fool ka fool ah ayaa loogu tagay, loogana saaray goobihii ay ku jiraan, cadowgana cagta lagu mariyay, hubkii, agabyadii iyo isgaarsiinti ay wateen looga furtay, amiirka, amariiradii ugu sareeyayna lagu dilay,” ayuu yiri Jeneraal Maxamed Cali Nuur.

Ciidamada xoogga dalka ayaa hadda ku daba jira firxadka maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo baxsaday markii dagaalka looga adkaaday.