Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo shir muhiim ah uga qeyb galay Adis Ababa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa uga qayb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee wasiirrada Arrimaha Dibedda Midowga Afrika.

Shirkan ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaao dardar gelinta iskaashiga dhaqaale ee Afrika iyo fududaynta ganacsiga ka dhexeeya dalalka qaaradda Afrika.

Shirkan ayaa hordhac u ah kulan ay madaxweynayaasha qaaradda 18-ka bishan uga furmaya magaalada Addis Ababa, waxaana sidoo kale, loogu tartami doonaa hoggaanka guddiyada kala duwan ee qaaradda. Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qabta in ay ku guuleeysato Hoggaanka mid ka mid ah guddiyada ugu muhiimsan qaaradda.

Wasiirka Difaaca XFS oo maanta saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadkii ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay Turkiga

Wasiirka gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uu Tacsi ugu tagay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u tagay Safaaradda si uu uga tacsiyadeeyo dowladda iyo shacabka dadkii ku dhintay Dhulgariirkii musiibadii ahaa ee ka dhacday Isniintii la soo dhaafayTurkiga.

Mudan,e Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadkii ku dhintay Dhul-gariirka, isagoo cadeeyey in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay aad uga tiiraanyeysan yihiin musiibadii ka dhacday Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha Haweenka ee ka faa’iideysiga khayraadka Badda

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha  Haweenka ee ka faa’iideysiga khayraadka Badda.

Qorshahan qaran ayaa loogu talo galay in si wadajir ah loogu horumariyo baahiyaha haweenka ee la xiriira wax soo saarka badda, kor u qaadidda doorka hoggaamineed ee haweenka, ka qaybgalka waxbarashada iyo shaqaalaysiinta, amniga iyo fursadaha maalgashi ee la xiriira badaha.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa tilmaamay in qorshahani uu wax wayn ka badeli doono shaqo la’aanta iyo saboolnimada, isagoo sheegay in haweenka ay fursad u heleyaan barashada xirfado ay uga faaiideysan doonaan  khayraadka badaha ee dalkeenna ceegaaga.

Shirka oo ay si  wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirradda Heer Dowlad Goboleed, xubno ka socday labada gole ee Baarlamaanka, Safiiro iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha deeq bixiyaasha.

Guddiga difaaca iyo amniga Aqalka Sare oo maanta u yeeray Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha

Guddiga difaaca iyo amniga Aqalka Sare oo maalmahaan ku hawllanaa akhrinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, si ay wax uga waydiiyaan qodobada qaar ee sharciga oo ay uga baahdeen fasiraad iyo turxaan bixin dheeraad ah.

Kulanka oo uu soo xiray Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo amniga Aqalka Sare, Senator Adam Abdinasir, ayaa wasiirka uga mahad celiyay siduu ugu faahfaahiyay qodobadii sharciga Hay’adda Nabad Sugidda oo ay turxaan bixinta uga baahnaayeen.

Soomaaliya iyo QM oo mar kale ka wada hadlay xal u helidda barakacayaasha

Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamud Macallin ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha arrimaha barakacayaasha iyo xalalka waara ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Robert Piper.

Labada mas’uul ayaa si qota dheer uga wada hadlay xaaladaha barakacayaasha iyo sida xal waara loogu heli karo.

Robert Piper ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si dhow ula socoto xaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, isagoo sheegay in ay garab taagan yihiin mar walba shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamud Macallin ayaa Kaaliyaha gaarka ee ka socdo Xoghayaha Qaramada Midoobay kaga mahadceliyay garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed.

Shalay ayay ahayd markii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga XFS, Mudane, Cabdirashid Jire Qalinle uu kulan looga hadlaya arrimaha barakacayaasha Soomaaliya la yeeshay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Mudane, Robert Piper.

MAXAAN LAGA DHAXLAY KHAWAARIJTA OO AAN DHIB AHAYN?.

Intii ay soo ifbaxeen maleeshiyaadka argagixisada  khawaarijta al shabaab, waxaan ka dhaxalnay waxyaabo farabadan oo ay ka mid yihiin kuwaan hoose ee soo socda waxeyna kala yihiin

  1. Daadinta dhiiga kooxda khawaarijta waxa ay caadeysatay baneysashada iyo daadinta dhiiga muslimiinta, halka diinta islaamku ay mamnuucday dilka dadka musliimiinta ah sabab la’aan, al shabaab daadinta diinta agtooda waxay ka tahay wax caadi oo wax weyn uma arkaan.
  2. Ku xadgudubka diinta islaammka al shabaab waxa ay ku xadgudbeen oo meel uga dhaceen ku dhaqanka iyo hirgalinta shareeecada islaamka iyagoo dadka muslimiinta ah diinta uga wax xun oo nacsiiyeen falalkooda guracan dartooda islamarkaana xalaashada waxa ay diinta islaamka xaaraantinimeysay sida daadinta dhiiga qofka, dhaca xoolihiisa iyo ku xadgudubka sharafkiisa sidoo kale waxa ay xalaasha oo diinta baneysayna aan ku dhaqmin oo wixii ay doonaan sameeya.
  3. Argagax dadka soomaaliyeed waxa ay ku sameeyeen argagax iyo rucbi iyagoo gumaad iyo gumeysi ku haayey 15kii sano ee la soo dhaafay iyagoo ku haayey dilal, qaraxyo, qoor goyn, cabsi, iyo caburin iwm
  4. Qaraxyo al shabaab wixii ugu weynaa ee laga dhaxlay waxaa ka mid ah qaraxyo aan loo aabo yeelin taas oo galaaftay hooyo, aabe, caruur, curyaan, waayeel dhalinyaro waxa ay geysteen kumanaan qaraxyo ah taaas oo ay ku dhaafaan markasta inta qof ay sida arxan darada u dilaan taas oo aan kala sooc la heyn, qaraxyadii ugu waayeynaa uguna caansanaa waxaa ka mid ah qarxixii soobw 1, qarixii soobe 2, qarixii shaamoow, qarixii ex control afgooye, qarixii tiyaatarka iyo qaraxyo kale oo badn.
  5. Baaad waxaan ka dhaxalnay baad joogtada ah sida waxa ay ugu yeereen sakawaat iyo sidoo kale canshuuro ay dadka ka qaadaan taas oo aysan  raali ka aheyn oo ay xoogaan, isii ama waan ku dililaa taas ay dadka bixiya naftooda ku badbaadsadaan, hadda waa ay sii laba jibaareen baada.
  6. Dhac waxa ay dadka reer miyiga ah ka dhacaan xoolaha oo ay xoog uga qaataan sidoo kale ganacsatada soomaaliyeed ay dhac u geystaan.
  7. Kufsi al shabaab ayaa xoog uga ka xeysta qoysaskooda gabdhaha quruxda badan iyagoo u geeya amiirada ku sheegta si ay gogol dhaaf ula sameeyaan una jimaacaan taas oo ah kufsi iyo xoog iyadoo raali ka aheyn sidoo kale ku xirneyn oo meher kala dhaxeynin.
  8. Sumcad dilka diinta al shabab khawaarijtu waxa ay sumad iyo magac dil ku sameeyaan diinteena suubaan ee islaamka ah muqadaska ah.
  9. Sumcad xumeynta soomaaliya sidoo kale dalka soomaaliya ayey sumcad xumeeyaan oo ay dunida ka reebeen iyagoo qofka soomaaliga ee qurbaha ku  nool aaan loo ixtiraamin sida kuwa dalalka kale ka yimid.

Shan iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay soomaalida waxaa jid iyo jaho u diiday ururka argagaxisada alshabaab waxayna ku sameeyeen bulshada soomaaliyeed  waxaan horay loo arag oo aan sheeko lagu

maqal waxaana ka mid ahaa qaraxyo aan loo meeldeyin oo ay la beegsadeen shacabka soomaaliyeed si aan kala sooc laheyn hanjabaadyo iyo bahdil iyo canshuur xoog ah iyo weliba waxaan ilaahey awood u siin dhaca dilka iyo xoog ku guursiga hablaha soomaaliyeed oo ay xalaashadeen gabdho aabbayaalkodi

joogaan iyo oo aysan u meeldeyin iyo wax garadka soomaaliyeed ku qasbay oo ay waxay doonaayaan ay ku qasbaan amuurta maragada leh ee aan illoobikarin waxaa xoog ku maquuninta ummad soo taagan in waxaan sharci iyo heshiis aheyn ama lagu wax yeelleyo naftooda iyo maalkooda taasoo ah waxaan shircigu u banneyn xulashada wiilasha yaryar ee garaadkodu ku fineyn iyo dambiileyaasha mooryaanta ah ka cararay ummaddii ay dembiga kagaleen ayey urursadan dadkana ku laayaan waxay u sheegaan oo

kaliya suuradaha ka hadlaya jihaadka xaqqa ah oo kaliya mana su aalikaraan goorta ay bannaantahay meesha lagu jahaadayo waxayna doonayaan in ay ku fuliyaan waxaan ilaahey u bannayn waxaana lasoo joogay haween nadaafad ka shaqeynaya ayagoo qarxiyey maqaayado ay leeyihiin  dad masaakiin ah

guryo hooy dad shacab ah iyo masaafirka oo ay waddooyinka u fariistaan taasuna ahan wax diinteennu na fareyso  haddaba walaalyaal kuma jirno dadka la duleysan jiray ee duni horumartay dadka soomaaliyeed aqoontiisu ay horumarsan tahay oo aan wixii la rabo sheegikarin haddaba ayadoo oo ay intaasoo dhan jiraan ma qaadankaraa shacabkeenna xoog lagu ma quuniyo naftooda iyo

maalkoodanakoox gaar ahi ay iska maamulato haddii aan isaga jawaabo waa maya xilligaan waxaan lagu heshiin ummadda soomaaliyeed ma yeeleyso oo hadda waxay leedahay dowlad la isku raacsan yahay wuxuuna wargeyska isagoo ku hadlaya codka shacabka qaadan meyno ujaaddooyin gurracan oo ay koox iyo urur ay wataan waana kasoo horjeedaa shacabka soomaalieed meelkasta ay joogaan waxayna

kadambeeyaan dowladda ay uu hogaamyo madaxweyne xasan sheekh maxamuudhaddaba ciddii shacabka u heysa wax dan ah ha usoo marto baarlamaanka iyo xukuumadda madaxweynaha ugu sarreeyo  laakiin waa horjeedaan boobka qaraxyada iyo wadaankooxaha qawaariijta eek u qaangaaray gobollada iyo degmooyinka lugumana fiirsankaro  dhibaatooyinka au kuhayaan shacabka ku nool waddanka soomaaliya waxaana go,aansadeen in si wada jir ah in ay isaga  dul qaadaan dulliga naf iyo nololba u diiday bulshada soomaaliyeed ,

Sikastaba ha noqotee waxaan filayaa geediga la raray in lagu furi doono guryo barwaaqo ah shacabka soomaalidu waa geesiyaal waxaana horsocota dowlad ay raalli ka tahay bulshada soomaaliyeed lagumana qasbi karo waxay aysan  raalli ka aheyn soomaalidu waxay lasoo dagaashay gumeysi wejiyo badan leh ayadoo la hanti magaalo oo aan heysan hubkaan casriga ah ee maanta adduunyada  ku faafay laakiin waxay laheyd hub gacmeedkii ay hiddaha dhaqanka u laheyd kas oo ahaa warmo seefohaddaba maanta halkii ayey taagan tahay  tooreyoiyo dhagaxa magac yeeshay oo ka mid noqday hubka soomaalida ay hiddaha iyo dhaqanka u leedahay waxaana loobixiyey ha noolaato iyo dagaalkii dhagaxtuur,waxayna si ugu baraarugeen dhibaatada barrinsataywaxayna fahmeen ujeeddooyinka gurracan oo ay ku hayaan kooxda qawaariijta ee muddaada dheer xoogga ku heysatay

WQ: DALKA EDITORIAL

 

DHAQANKII BIRI MA GEYDADA EE SOOMAALIDA DIB HA LOO EEGO

Soomaalida iyada oo aanay soo gaarin ilbaxnimada iyo xeerarka cusub ee caalami ah ayey laheyd xeerar waafi ah oo wanaagooda wata marka la eego xaaladaha degenaansho la’aanta iyo dagaalada .

Xeerarkaas waxaa ku jira Xeerka Biri-ma-geydada oo ah in la dilin dadka aan dagaalada ku jirin ee maatada ah kuwaas oo laga dhowray in la dhibaateeyo.

Dadkaaas waxaa ku jiaray haweenka , carruurta , culimada iyo waayeelka iyo dadka waxgalka u ah bulshada.

Xeerarkaas Soomaalidu dejisteen maanta si caalami ah ayaa loogu dhaqmaa oo waxay yihiin xeerar ay iyana gaareen dalalka horumaray waayo waxaa jira xeerar u dhigma oo laga soo saaray magaalada Geneva ee dalka Swizerland oo caalamku isku raacay in lagu dhaqmo.

Xeerarkan waxaa intooda badan la adeegsadaa xilliyada dagaalada waxaana ku jira xeerarka Maxaabiista oo qeexaya qofka askariga ah ee dagaalada lagu qabto in loola dhaqmo si biniaadminimo ah oo la dawweyo lana xanaaneeyo.

Xeerkaas laftiisa soomaalidii hore way qabeen oo qofka ay dagaal ku qabtaan isagoo dhaawac ah waa la xannaaneyn jiray lagumana xadgudbi jirin maxbuuska.

Dadka waxgalka ah sida dhaqaatiirta, aqoonyahanka , culimaa’udiinka iyo waayeelka iyana dhaqanka biri-mageydada soomaalida waxay ahaayeen kuwo aan la dilin xitaa haddii la qabto .

Dhaqan suubban ayuu dhaqankaasi ahaa hase yeeshee wax badan ayaa isbedelay oo ay sabab u yihiin khilaafyada iyo dagaalada soo noqnoqday ee dalka ka dhacay kuwaas oo khiyamkii iyo akhlaaqdii xeerarkaas ku saleysnaayeen wax ka bedelay .

Waxyaabo aan horey loo baran ayaa dagaalada sokeeye laga dhaxlay waxaana laga tallaabsaday dhaqankaas wanaagsan iyadoon loo aabbo yeelin badbaadinta dadka uu xeerkaas ka beri yeelay in la waxyeeleeyo iayadoo dumarkii, carruurtii iyo duqowdiiba lagu xadgudbay oo birta lagu aslay.

Waxaa lag tallaabsaday dhaqankii waxaana lagu kacay falal lama filaan iyadoo xilliyadan dambe dalka lagu dilay dadkii waxgalka ahaa ee berry mustaqbalka dalka ka qeyb qaadan lahaa taas oo keentay in dalka ay isaga cararaaan dad waxtar u noqon lahaa iyagoo la baqanaya badbaadada naftooda.

Soo celinta dhaqankaa biri-ma geydada iyo ku dhaqankiisa waxay  soomaalida u horseedi laheyd in dad badan oo maanta ciidda ka hooseeya oo waxtar ahaa ay maanta oo dalku u baahan yahay ay dhici laheyd in la dareemi lahaa waxtarkooda iyo sida ay u badbaadin lahaayeen dadka iyo dalka .

Ma dhici laheyn haddii dhaqankaas iyo xeerarkaa biri-ma geydada ay shaqeyn lahaayeen in maanta la arko gumaad iyo wax la mid ah soomaalidu waxay dhowran laheyd dadkeeda waxtarka ah iskama baabi’in laheyn kuwa anfaci lahaa.

WQ: C/Naasir Xuseen

ILAALI XUQUUQDA DADKA KALE SI LOO ILAALIYO XUQUUQDAADA

Xuquuqda aadanaha waa damaanad qaad sharuucda caalami ah ee lagu difaacayo lahaansha qof, kooxo ama guud ahaan aadanaha ku nool dunida gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay, haweenka, caruurta, qaxootiga, barakacayaasha, dadka naafada ah, iyo dadka dalka loogu yimidka sida ku qeexan shuruucda, heshiisyada iyo baratakoolada caalamiga.

XUQUUQDA AADANAHA WAXAA LAGU SOO KOOBAA LABO QEYBOOD:

A:- Qeybta 1-aad waa xuquuq uu aadanuhu la dhasho sida :

  • Xaqa xuriyadda asaasiga ah. مقالة عمر بن خطاب رضي الله متى استعبدتم الناس وقد ولدتهم أمعاتهم أحرارا
  • Xaqa karaamada aadanaha. قال تعالى- ولقد كرمنا بني آدم وحملناهم في البر والبحر

B:- Qeybta 2-aad waa xuquuq uu aadanuhu ku kasbado sharuucda dalkiisa iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Shuruucda dalka waxaa ka mid ah :

  • shuruucda dalka waxaa ugu horeeya shareecada islaamka.
  • dastuurka dalka oo isna waafaqsan shareecada islaamka.
  • xeerarka kale ee uu baarlamaanku soo saaro.

Shuruucda Caalamiga ah waxaa ka mid ah :

  • shuruucda ay soomaaliya qeyb ka tahay
  • heshiisyada iyo baratakoolada caalamiga ah ee ay soomaaliya qeyb ka tahay
  • shuruucda iyo heshiisyada goboleed ee ay soomaaliya qeyb ka tahay.

Hadaba, shuruucda dalka iyo shuruucda kale ee caalamiga ah ee kor ku xusan qof kasta wuxuu ku kasbanayaa inuu ku helo dhamaan xuquuqda ku xusan shuuruucda ee laga ma maarmaanka u ah noloshiisa, sida :

xuquuqda waxbarashada, xuquuqda caafimaadka, xuriyada xuriyada, xuquuqda shaqada, xuquuqda nabadda iyo badbaadada iyo xuquuqda kale ee uu aadanuhu baahan yahay, qof kastana wuxuu xaq u leeyahay in uu sheegto dhamaan xuquuqdaasi,

Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta uu ilaaliyo xuquuqda dadka kale si loo ilaaliyo xuquuqdiisa.

Waxaa Diyaariyey : Axmed Cabdi Cumar (Borille)                                                  Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Aadanaha WHHXA                                              Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

XAD-GUDUB: XAQ IYO XEER MIDNA MAAHAN!!

Adduunyada aan ku noolnahay, Waxaa abuuray Allaah Rabul Caalamiin, ujeeddaduna waxay ahayd in dadkoo dhan ay Ilaahey caabudaan.

Adduunyadan markii la abuuray Allahii na abuuray wuxuu usoo dejiyay manhajkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa dadka ku nool dhexdeeda, waxbana lagama tegin, oo wixii xukun ah way ku dhameystiran yihiin.

Allaah Rabul Caalamiin ayaa ka nasahan xumaan idilkeeda, Allaah ayaa naga xaaraantinimeyay in aan isdulmino iskuna xad-gudubno iyadoo la adeegsanayo awood sheegasho noocey rabto ha ahaatee iyo kipir.

Nabi Aadam Cs iyo Xaawo, markii Ilaahay dajiyay Jannada loona amray inay cunaan wax waliba oo jannada gudaheeda ahaaday illaa geeda shajaratu saquum la yiraahdo, laakiin waxaa dulmiyay Shaydaan oo u siineeyay geedkii laga celiyay ee shajaratu saquumka ahaa, way cuneen dibadda ayaana looga soo saaray jannadii macaanta badneyd.

Sidoo kale, qaabiil ayaa dulmiyay walaalkiisa haabiil, wuuna dilay Marka dulmigu maahan wax hadda beni’aadamka dhexdiisa ku cusub ee waa wax soo jireen ah illaa maantadan aan adduunka korkiisa joogno.

Adduunyadan aan ku noolnahay waxaa mar waliba laga helaa nin wax dulminaya iyo mid la dulminayo, balse Allaah Rabul Caalamiin wuxuu maciisu yahay la dulmiyaha lagu xad-gudbay.

Waayo la dulmaha badana wax awood ah malaha, wuxuuna yiraahdaa Allaa jooga oo dacwadiisa wuxuu u tebiyaa kor ahaayee Ilaahiisa qaaliga ah ee wax waliba u jeeda.

Dulmiga waxaan uga digayaa inay ku dhaqmaan oo caadeystaan bulshadeenna qaarkeed, waayo ducada madluumku celis malaha, waana arrin khatar ah.

Ma wanaagsana in wax waliba leyska fududeysto, waayo aadanaha waxaa ku jira kuwo Ilaaheey barakeeyay uuna karaameeyay.

Dulmiga waa wax xun waxaana geysta badana kuwo wax megarata ah oo aysan waxba qiimo ah la lahayn nolosha basharka daciifka ah.

Iyadoo dad badani ay wax waliba ogyihiin ayey haddan u sameeyaan kibir iyo islaweyni, iyo maxaad sameyn kartaa waa dhaqanka ugu badan uguna xun.

Haddaad dib u fiiriso xilliyadii dadku baarbarka ahaa, ninba ninkuu ka xoog badan yahay ayuu dhacayay, dilayay ka qaadanayay wuxuu heysto, oo qoom meel deggan oo nabad qaba ayaa qoom kale ku soo duulayeen oo baaba’ ka dhigi jireen.

Dhaqankaasi foosha xun weli kama dhamaanin adduunyada oo weli dadbaa ku dhaqma dhammaan caalamka oo idilna waa laga helaa.

Haddaad u fiirsato aflaamta hindiga ama mareykanka waxay qaarkood ku saleysan yihiin qolo wax dulmineysa iyo qolo la dulminayo ka dibna sameynayaan rifengi ama aarsasho.

Laakiin xilligan casriga ah ee adduunku marayo qarnigii 21aad inay dadka iska sii wataan dulmiga iyo gardarooyinka ku xad-gudubka ah waa laga fiican yahay, haddii la yiraahdo ninba ninkuu ka awood badan yahay dalka haka saaro, waxaan bulshadeenna u sheegayaa in ay iska ilaaliyaan ku xad-gudubka nafta iyo maalka, sharafta iyo karaamada birimageydada iyo guud ahaanba addoomada Ilaahey.

Xaqiiqo waxaa ah haddii aad intaasi sameysaan in aad guuleysan doontaan, waayo wax waliba waxaa ka horreeya raali gelinta Ilaahey Ruuxii Ilaahey raali ka noqdana ma jiro axad is hortaagi karo.

Guuleysta oo qaata Waanada iyo Alle ka cabsiga, badiya towba keenka, si Alle nooga cafiyo danbiyadeenna kuwii hore iyo kuwii danbaba.

WQ: Osman Dhiblaawe.

KHAWAARIJTU MALAHAN WAX ARXAN AH

Qoraalkan waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu sunnah wal jamaaca u leedahay uga digidda qatarta Khawaarijta ay leedahay. Maadaama maqaalkan uu daaranyahay macluumaad xambaarsan sidii shacabkan muslimka ah ugu feejignaan lahaa khataraha iyo dhaqaraha ay u maleegayaan qoladan qaloocan ee manaxayaasha ah ee ummaddan lagu imtixaanay ee kadeedka iyo hardaamada ku hayey muddada badan.

Waa koox maafiyo qoolaysato ah, waxay in mudda ah ku soo qaraabanayeen ka been sheegidda diinta islaamka ah ee xaniifka ah, iyagoo dhallinyaro badan qalday, in badan oo ka mid ah-na dab ku shubay.

mar walbo waxay adeegsadaan oo maanka iyo maskaxda ka xadaan dadka aan  garaad ahaan diyarsaneyn, sida caruurta dib jirka ah kuwaasoo ku qanca hadaba wixii ay kushubaan sax iyo qaladna aan kala saari karin.

Maadaama dalka uu soo maray muddo dheer oo dowlad la’aan ah, in muddo ahna fowdo aan kusoo jirnay, wax maamul dhexe ahna aysan dalka ka jirin, khawaarijtu waxay ka faa’ideysteen muddadaas qaranku kala daadsanaa iyagoo in muddo ah ku soo dhex jiray, tiiyoo aysan jirin nidaam xoog leh oo u wajaha qaab awood ku maquunin ah iyo mid xeelad midna, sidaa daraadeed waxaa usuurta gashay in shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah in muddo ah ku heystaan cabsi gelin, juujuub, dil, xarig iyo wax walboo ay isleeyihiin waa idinkaga baqayaan dadka.

muddadaas dheer ee dadka ku dhex noolaayeen marnaba majirin qanaaco iyo kalsooni shacabku ay qabeen balse dadka waxay ahaayeen kuwo qasban oo naftooda qiil qiil qashay oo ku jira laba daran mid dooro, dil ama duli oo in badan oo shacabka ka mid ah waxay ku qasbanaadeen inay iska aamusaan mar haddii aysan jirin awood markaasi jirtay ee ay isaga celiyaan qoladan manaxayaasha ah ee baneystay wax walboo islaamku xarrimay sameyntooda.

Cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka scw ee toosan iyo kitaabkii Alle (swt). Kuwaas oo Culimada islaamka ay ka warameen in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (swt).

 

Khawaarijtu noocyada ama firqooyinka ay leeyihiin wey fara badan yihiin  waxaan ka qori doonaa wixii Alle (sw) inoo fududeeyo si aan u gaarsiino ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee jecel inay raacaan jidka ama wadada toosan ee suubanaha Rasuulka (scw) iyo saxaabadiis iyo inta jidkaasi saxda aha qaaday.

Anigana waxaan Ilaahay ka baryaayaa in uu naga yeelo dhamaan (Muwaxidiinta) kuwa ku dayda ee raaca jidkaas toosan qaatana qowlka wanaagsan.

Sida aan horey usoo sheegnay fakirka Khawaarijtu waa mid wakhti fog soo jiray, xilligii saxaabada ayey soo joogeen, sida la ogyahay waxay dileen qaar ka mid saxaabadii siiba kuwoodi ugu waaweynaa sida Cuthmaan ibnu Caafaan iyo Cali bin abii Daalib labaduba Alle haka raali noqdee, ilaa waqtigaana waa ay jireen.

Mar walbo meeshii u suura gasho inay ka fuliyaan fikradooda gurracan ayey isku dayayaan hadba meeshay la gaarto, maadaama waxay wadaan ay yihiin wax baadil ah diintana ka fog, qaadana karin maskaxda fiyow ee wax fahamsan, mar walba waxay isku dayayaan inay isticmaalaan xoog iyo handadaad, iyagoo qofkii ka hor yimaadana dila waliba si aan kala sooc laheyn dadka u dila.

Waa koox dhiigyo cab ah, aan wax naxriis ah laheyn, ma ogola in waxa ay wadaan lagala doodo, aan ogoleyn wada noolaansho umadeed, aragtidooda waa xoog isku maqoonin iyo isoo raac ama wan ku dilayaa, ruuxii aragtidooda ka hor imaada way dilaan xoolihiisna way dhacaan, ma karaan inay u adkeystaan aragtiyaha kasoo horjeeda, sidaa awgeed, mar walba waxaa bartilmaameed u ah dadka indhaha u ah ummadda, sida Culimada, indheer-garadka, aqoonyahnada iyo cid walboo ay isleeyihiin wax bay fahmaysaa waana idinka soo horjeedaa.

Waxaa Alle mahaddii ah in dadka Soomaaliyeed ee muddada badan dilka, cabsi gelinta iyo hanjabaadka ku heysteen, xoolahoodina ay xalaaleysteen ay ogaadeen khawaarij iyo wax ay tahay intan ka dibna aan loo dulqaadan karin ficilladooda gurracan ee k abaxsan Islaamnimada iyo bin’aadnnimada, iyagoo bilaabay inay hubkooda qaataan iskana dhiciyaan, taasi oo sababtay in dhul badan oo ay horey khawaarijtu shacabka ku gumeysan jirtay maanta ay iska xoreeyeen kadib markii ay u adkeysan waayeen kana dhiidhiyey ficillada khawaarijta iyagoo kaashanay dowladooda iyada usoo jeedsatay inay shacabka ka xoreyso muurayaantan diinlaawayaasha ah ee shacabka u diiday nabadda iyo horumar ay kula tartamaan umadaha asaagooda ah.

WQ: C/risaaq Absuge