Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymaha qaar (MAQAAL)

Deyn cafinta Soomaaliya waxay ay soo martay heerar kala duwan iyo maraaxillo kala gedisan, waxaana Dowladda Soomaaliyeed xoog saartay sidii Ummadda Soomaaliyeed looga cafin lahaa Deymihii ku aruuray tan iyo Dowladdi militariga, iyadoo inta badan ay tahay dulsaar, maadama deynta lagu lahaa ay ahayd 2.5 bilyan Dollarka oo Maraykanka ah, ayaa hadda ku dhow 5 Billion , waxaana jirta in ay dowladdu helayso ballan qaadyo badan oo kala imaanaya Wadamada Islaamka iyo kuwa Caalamka intiisa kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Al-shabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada beeraha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii  loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

Haddaba maxaad ka taqaannaa He’yadda IFAD?  IFAD Waa Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha,  waana hey’ad maaliyadeed oo caalami ah iyo Wakaalad gaar ah oo Qaramada Midoobay ah oo ka shaqeysa wax ka qabashada saboolnimada iyo gaajada ka jirta dhulka miyiga ah ee wadamada soo koraya, marka waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed mar haddi ay bilaabatay deyn cafintu,  waxaana lagu wadaa in qorshaha Deyn Cafinta lagu soo afjaro dabayaaqada sanadkan,iyadoo faa’iido weyn ugu jirto ama laga heleyaa haddii gabin ahaanba la cafiyo, waayo waxaa Soomaalida u bilaabanaya inay gaarto yoolkeeda ku aadn horumarinta adeegyada kala duwan ee Bulshada iyo dhaqan dhaqaale iyo inay qaadan karto ammaah kale iyo inay Dowladda Soomaaliyeed sameysan karto Lacag shillin Soomaali ah.

Qallinka C/llaahi Ruush

Jab xooggan oo khwaarijta lagu gaarsiiyay Jalalaqsi

Dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawarijta Al-Shabaab ayaa maanta ka socda  deegaan lagu magacaabo Inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa qaaday ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, markii ay heleen xogta koox Khawaarij ah oo dooneysa inay dhinaca kale uga gudubto wabiga Shabeelle.

Dagaalka oo weli socda ayaa wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in khasaare culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta, isla markaana la fashiliyey qorshihii ay uga gudbayeen deegaankaas

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in hawlgalladii u dambeeyey lagu dilay 200 oo ka tirsanaa Khawaariijta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay howlgalladii u dambeeyey  ku dileen 200 oo ka tirsan kooxda khawaariijta argagixisada Al-Shabaab,deegaannada ku yaalla dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland, tan iyo bilowgii toddobaadkan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay xaalladihii iyo isbeddeladii ugu dambeeyey ee ku guulaysatay Dowladda soomaliya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Howlgalladan oo ahaa kuwo xooggan ayaa lagu dilay ku dhawaad ​​200 oo maleeshiyaad ah oo ka kala dhacay deegaannada “Qayacad” ee Galmudug, “Sabid” oo Koonfur Galbeed ah iyo “Afmodow” oo ka tirsan Jubbaland, isagoo sidoo kale xaqiijiyey in ciidanka la wareegeen deegaanno kala duwan.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay u suurtagashay shalay subaxnimadii Talaadada in ay gacanta ku dhigaan horjooge Salmaan Daadir oo ahaa sarkaalkii qaraxyada u qaabilsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug, oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale Waxa uu Wasiirku carabka ku dhuftay in shacabka Soomaaliyeed ay bilaabeen inay ka jawaabaan awaamiirta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku aadanaa sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada, lagana shaqeeyo sidii ciidanka loo garab istaagi lahaa, loona dhiiri gelin lahaa naf iyo maalba, sidoo kalena  Ra’iisul Wasaaraha XFS uu qabtay dhowr jeer, Kulamo uu la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir si sare loogu qaado amniga caasimadda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa ka hadlay go’aanka Hay’adaha amniga, kaasoo loogu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan cid kasta oo gacan siinaysa kooxaha xiriirka la leh argagixisada.

Xubin ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Maxamed-deeq Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii ay ciidanku kordhiyeen howlgallada.

Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay inuu u adkeysan waayay nolosha adag ee maleeshiyaadka Khawaarijta ay wajahayaan iyo gulufka xooggan ee kaga imanaya Ciidamada XDS.

Waxaa dhawaanahan isa soo tarayay xubnaha ka tirsan kooxaha Khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidamada dowladda, markii ay waayeen goob ay kaga baxsadaan weerarrada aan hakadka lahayn ee kaga imanaya CXD, dadka deegaanka iyo saaxiibbada Caalamka.

Mareykanka oo Soomaaliya ka caawiyay weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah (warbixin)

Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 9 milyan oo dollar oo isugu jirta Hub, Gaadiid, Agab caafimaad iyo qalab kale siisayCciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay uga caawiyaan la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Qalabkan oo si rasmi ah loogu deeqay xafladii 8-dii Janaayo ee sanadkan, ayaa isugu jirtay Gaadiid taageero iyo dhismo ah, Agabka qaraxyada, agabka caafimaadka, qalabka dayactirka gaadiidka iyo hubka. iyadoo Sahayda ugu badan loo raray dowlad goboleedyada Hishabeele iyo Galmudug, si loogu taageero ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“ii ogolaw in aan dowladda Mareykanka u gudbiyo mahadnaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada la dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaa kaloo uu yiri:- “Taageeradan waxay ku soo beegantay waqti xasaasi ah ciidamadeena annagoo kor u qaadayna awoodooda dagaalka lagula jiro al-Shabaab.”

Markii loo doortay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud May 2022-kii, dawladdu waxay ku dhawaaqday “dagaal guud” oo ka dhan ah ururka Argagixisada, kaas oo aafeeyay Qaranka muddo tobanaan sano ah.

Al-Shabaab waxaa ku adkaatay in laga adkaado, iyagoo isku dhex milmay bulshada Soomaaliyeed hadafkooda ah abuurista dowlad Islaami ah oo xagjir ah. Wakaalada Wararka ee AP ayaa ku warantay in kooxdan xagjirka ah ay ku xeel dheeraatay ka faa’iidaysiga kala qaybsanaanta qabaa’ilka iyo inay malaayiin dollar ka qaataan ganacsiyada iyo beeralayda sanadkiiba, iyagoo doonaya inay ku soo rogaan khilaafada islaamka, iyadoo Muqaawamada ay weli tahay caqabada ugu weyn ee dhanka amniga ee dalka, waxayna gacanta ku haysaa qeybo badan oo ka mid ah koonfurta dalka, waxayna sii waddaa weerarada halista ah ee ka dhanka ah Rayidka iyo Ciidamada Caalamiga ah.

Meelaha ay maamusho, Al-Shabaab waxay si gaar ah uga fulisaa tafsiirka shareecada, waxayna mamnuucday waxyaabaha ay ka midka yihiin filimada, muusiga, sigaarka, dharka reer galbeedka iyo xiiritaanka gadhka.

“Dhagax iyo googoyn ayaa lagula kacay dad looga shakisan yahay inay sinaysteen iyo tuugo,” ayay tiri Golaha Xiriirka Dibadda, “Isla markaa, kooxdu waxay mamnuucday la shaqeynta hey’adaha bani’aadamnimada, taasoo abuuraysa caqabad aad u xun oo ku wajahan abaaro aan horay loo arag.”

Abaaruhu waxay ku riixeen dadweynihii dalka inay qarka u saaran yihiin masiibo. Xayawaanku waa dhimanayaan, dalagyadii waa engegeen, malaayiin qofna waa ay gaajoonayaan. Abaaraha ayaa Soomaalida ku qasbay in ay isaga tagaan bulshada ay maamulaan Al-Shabaab oo ay raadsadaan guryo ku meel gaar ah.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tan iyo bishii Agoosto 2022-kii in ka badan 1,200 oo dagaalyahanno ah lagu dilay weerarrada Qaran ee soo cusboonaaday, inkastoo aan la xaqiijin karin wararkaas. Balse Wakaaladaha Wararka ayaa ku waramaya in shaqa joojintii ugu dambeysay ee Soomaaliya ay bilaabeen inay muujiyaan natiijooyin fiican.

Bishii Agoosto 2022-kii, dad deggan tuulo ku taal bartamaha Soomaaliya waxay ogaadeen in ciidamada Soomaaliya ay ka saareen dagaalyahannada al-Shabaab magaalooyinka deriska la ah, warbixintu waxay kaloo xustay in Koox yar oo ka mid ah dadka tuulada ay si qarsoodi ah ula kulmeen taliyeyaasha Ciidamada Soomaalida, waxayna ku heshiiyeen inay hubka qaataan, “ku biiraan maleeshiyaad maxalli ah oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Soomaalida ee dagaalladii miyiga ah ku qabsaday noocyo badan oo hub ah” Wakaaladda Wararaka Maraykanka AP ayaa tiri.

La taliyihii hore ee dhinaca amniga ee dowladda Soomaaliya Samiira Geyd ayaa sheegtay in taageerada shacabka ee ciidamada qaranka ay tahay mid cusub kadib sanado badan oo ay jireen cadaadisyo xagjir ah.

“Tani wali waa weerar cajiib ah maadaama, ay tahay markii ugu horreysay ee aan aragno baraarugga Muwaadin oo ay taageerto dowladda federaalka,” ayay u sheegtay AP. Horay Soomaalidu waxay daawaanayeen Ururo ay ka mid yihiin Midowga Afrika iyo ciidamo ka socda Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah Soomaaliya.

Bishii Janaayo, in ka badan 300 oo Culimaa’uddiin ah ayaa ku kulmay Muqdisho si ay ugu dhawaaqaan inay taageersan yihiin dagaalka uu dalka ka ka socda ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah, iyadoo Idaacadda Codka Maraykanka ay sheegtay in kulankani uu yahay kii ugu horreeyey ee muddo sanado ah ay isugu yimaadaan culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si ay uga dhiidhiyaan Argagixisada, waxaana ka qeybgalay xitaa kooxda Dariiqooyinka kala duwan.

“Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ka gaareen ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Al-Shabaab,” ayuu yiri Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André. “Kani waa olole ay Soomaali hormuud ka tahay oo ay Soomaali la dagaalantay.”

ADF STAFF, Waxaa Turjumay oo Diyaariyay C/llaahi Ruush

Waxyeellada dhul-gariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya oo sii kordhaya

Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa Talaadadi shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay burbur dhismo hoostiis, hal todobaad kaddib, dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo da’ ahaan kala jiray 17 sano iyo 21 sano, Labaduba waxaa laga soo bixiyay Guri dabaq ah oo ka mid ah Guryaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye.

Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabar iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood.

Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa.

Tirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000.

Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran.

 

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay caleema saarka guddoonka cusub ee degmada Balanbal

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane, Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Balanbal ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Guddoonka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Balanbal.

Munaasabadda caleema saarka guddoonka Degmada Balanbal oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Golayaasha Dowladda, Maamulka Gobalka, Maamullada Degmooyinka Galmudug iyo qaar ka mid ah bulshada halkaasi ku dhaqan.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay guddoonka cusub ee Degmada Balanbal, asagoo ugu duceeyay in Eebbe la garab galo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.

Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga XFS iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Rome

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Wasiirka ayaa inta uu joogo dalka Talyaaniga booqan doona magaalooyin kala duwan si uu u arko Horumarka ay dowladda talyaanigu ka sameysay Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga ah.

Waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa dhigiisa dalkan oo ay ka wadahadli doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta Kalluumeysiga iyo waxsoosaar ka badda si loo gaaro horumar dhaqaale oo waara.

Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanka Qeycad ayaa dilay 50 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada xoogga Dalka oo ay wehliyaan ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa khawaarijta Al Shabaab kala wareegay Deegaanada Qeycad, Laas-gacameey iyo tuulooyin kale oo howlgal qorsheysan laga fuliyeen.

Dagaalka lagula wareegay deegaanadan oo ay wadajir u qaadeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa lagu dilay ku dhawaad 50 ka tirsan khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayey godad ay ka qoteen deegaanada laga qabsaday.

Axmed Maxamed Salaad Taliyaha Ururka 6-aad ee Komaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa sheegay in guulo laga gaaray dagaalka lagu qaaday deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, isagoona Ciidamada kula dardaarmay inay dhiigooda u huraan Dalka, Diinta iyo Dadka Soomaaliyeed.

            

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymihii Sanduqa Qaramada Midoobay ee Horumarinta Beeraha (IFAD)

Roma Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Alshabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii  loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.