Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay furitaanka kalfadhiga 46-aad ee golaha maamulka Sanduuqa caalamiga ah oo ka furmay Rome

Rome- Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ee ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaniga ayaa ka qeyb galay furitaanka kalfadhiga 46-aad ee golaha maamulka Sanduuqa caalamiga ah ee Horumarinta beeraha oo ka furmay magaalada Rome.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay aragtida Soomaaliya ka leedahay sida dunidu ku gaari karto isku filnaansho cunto iyo sida uu dalkeenu qeyb uga noqon karo haddii uu helo malgrlinta loo qorsheeyay.

  

Hey’adda NISA oo uga digtay ganacsatada Soomaaliyeed inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijta

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka NISA ayaa uga digtay ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ay ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda NISA oo nuqul kamid uu soo gaaray SONNA ayaa lagu sheegay in Hey’adda NISA ay si dhow ula socoto isku dayo ay khawaarijtu ugu yeereyso dad ganacsato ah deegaano hoos yimaada shabeelada Hoose.

In ka badan 10 tirsan Khawaarijta oo lagu dilay deegaanka Qeycad ee Gobolka Mudug

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay fariisimo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen oo ka yeella deegaanka Qaycad ee Gobalka Mudug.

Dagaalka oo socda illaa hadda ayaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 10 Maleeshiyaad ah, waxaana looga furtay Hub kala duwan oo isugu jira qoryaha culus iyo kuwa fudud sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Gen. Biixi taliyaha Ciidanka Dhulka XDS.

Ciidamada Huwanta ah ayaa Khawaarijta ka saaray dhul ballaaran oo ay dhufeysyo ka dhex qoteen Dhulka Hawdka ah, howlgalkaan oo ah mid socda ayaa laguna baacsanayaa firxadka Khawaarijta ee isku dayaya inay isku qariyaan dhulka hawdka oo ah ka qoteen boholo.

   

Wasiirka Ganacsiga XFS oo la wadaagay maalgashato reer Talyaani ah fursadaha maalgalin ee Soomaaliya ka jirta

Rome- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku wehelinaayey booqashadii qaran ee uu ku tagay wadanka Talyaaniga, ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah Ganacstada iyo maalgashadeyaasha ugu waa weyn wadankaas oo uu la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, waxaana ay isku raaceen inay magaalada Muqdisho ku qabtaan wejiga labaad ee madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madashan, ayaa abuuri doonta horumar ganacsi, Maalgashi, shaqo abuur iyo kobac dhaqaale inta ba, waxa kale oo ay noqon doontaa madal ay ganacsatadu ku wadaagaan wixii xogo iyo macluumaad ah ee la xiriira dhinacyada ganacsiga iyo Maalgashiga labada dal.

  

Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Degmada Balanbale e gobolka Galgaduud

Madaxweynaha dowlad Gobolkeed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud oo wajigiisa koobad uu soo dhamaaday.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xubno ka mid ah Golayaasha Dowlada, Maamulka Degmada iyo guddiga dhismaha garoonka Diyaaradaha degmada balanbal ayaa si wadajir xariga uga jaray dhismaha garoonka diyaaradaha oo wajigiisa koobad soo dhamaaday.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo bogaadiyay maalgelinta iyo dhismaha Garoonka diyaaradaha degmada balanbal ayaa sheegay in Dowladda Galmudug ay qeyb ka qaadan dooneyso dhismaha iyo dhameystirka Garoonka Diyaaradaha balanbal.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa bulshada degmada balanbal kula dardaarmay in lala shaqeeyo maamulka Cusub ee Degmada, lagana gacan siiyo dhinac walba oo horumarinta bulshada ah.

          

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay go’aanno adag dhidibada loogu siibayo haraadiga Khawaarijta

Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa go’aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex (3) usbuuc ah, iyadoo hay’adaha maaliyadeed, Bankiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada) lagu faray inay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood

Dhan kale bulshadda Soomaliyeed ayaa wargaliyay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta u aqriyey Go’aanno adag oo ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

Go’aanadaan ayaa quseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta.

Hoos ka Akhri go’aannada ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

   GO’AANNO

Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada(National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee-NAMLC).

Markii uu arkay: Xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.

Markii uu arkay: Waajibaadka shaqo ee guddiga.

Markii uu yaqiinsaday: inay waajib tahay in ilaha dhaqaale ee ay ka faa’iidaysan karaan khawaarijta laga hortago, lana adkeeyo dadaalada Dowladda ay ku xannibayso tubooyinka iyo marinada dhaqaale ee khawaarijta.

Markii uu garwaaqsaday: Dagaalka khawaarijta Al-shabaab iyo dhamaan argagixisada dalka ka jira ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii uu dhagaystay: Jihaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu soo saaray go’aannada soo socda:-

  1. Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada. Lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada waa dambiyo waawayn si waafaqsan qodobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada.
  2. Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha waa inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh, iskuna diiwaangeliyaan muddo sadex (3) usbuuc gudahooda oo ka bilaabanta maanta oo taarikhda tahay 11/02/2023. Ciddii aan isku diwaangelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabahaku xusan qodobada 28-aad iyo 29-aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:
  3. Xabsi ciqaabeed
  4. Ganaax lacageed
  5. Xayiraad safar
  6. Kala noqosho shati ganacsi &
  7. In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.
  8. Dhammaan shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska & sariflayaasha lacagaha qalaad, waxa la farayaa in ay isku diiwaaangeliyaan muddo 30 cisho gudahood, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadidoono cidkasta oo aan diiwaangashanayn.
  9. Guddigu waxa uu farayaa hay’adaha maaliyadeed, (Bankiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada)in ay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida FRC&Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood. Ciddii kusoo gudbin weysa warbixinnada muddadaas waxaa laga qaadayaa talaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada.
  10. Dhammaan qareenada iyo nootaayooyinka, shirkadaha & dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha (real estate companies, real estate agents),macadanta & dhagaxyada qaaliga waa in ay FRC uga warbixiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyadalooga shakiyay inay xiriir la leeyihin khawaarijta si degdeg ah,si waafaqsan qodobada 5aad &14aad ee sharciga kahortaga lacag dhaqidda &maalgalinta argagixisada.
  11. Bangiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha adeegyada lacagaha mobile-da aan shati ka haysan Bangiga Dhexe, waxa lala tiigsan doona sharciga hay’adaha maaliyadda 2012, ayadoo dabagal iyo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo dhamaan hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.
  12. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta & adeegyada lacagaha mobile-lada (mobile money service providers) waxa la farayaa inay diiwaangeliyaan macaamiishooda cusub, ugu yaraanna waa in sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta loo furayo Sim-kaar cusub. Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn mudo 90 cisho gudahoodah si waafaqsan qodobka 5-aad sharciga kahortaga lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada.
  13. Dhammaan Shirkadaha Adeegyada lacagaha mobile-lada (Mobile Money Providers) waa in ay dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah ee macaamiisha uusan kabadnaankarin USD $300 (Sedex boqol oo doolar) cidii fulinwaysana lala tiigsandoono sharciga.
  14. Dhammaan shirkadaha ganacsiga & adeegyadaganacsiyadda yar yar ee dalka, waa inay iska diiwaangaliyaan Wasaaradaha Ganacsiga & Warshadaha iyo wasaaradaha & hay’adaha kale ay shaqadooda khusayso muddo 60 cisho guddahood. Ciddii isdiiwaagalin wayda ama la arko iyadoooganacsiaan diiwaangashanayn ku jirta, waxaa la horgaynayaa maxkamada awoodda u leh.
  15. Dowladdu waxaa ay la wareegeysaa si waafaqsan Sharciga Ka hortaga Lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo khawaarijta, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeysa cid kasta oo xiriir la leh lacag dhaqista ama maalgelinta khawaarijta.

Soomaaliya iyo Qaramada midoobay oo ka wada hadlay xaaladaha barakacayaasha

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS, Mudane Xildhibaan Cabdirashid Jire Qalinle oo ay wehliso Agaasimaha Xalka-Waara ahna Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimeynta, Marwo Sahra Cabdi Maxamed ayaa maanta kulan kula qaateen La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Mudane, Robert Piper iyo Madaxada Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka shaqeeya.

Qodobada laga wada hadlay waxaa ka mid ah habab hore u jiray iyo dadaalada la sameeyay si wax looga qabto xaaladaha barakacayaasha Soomaaliyeed.

Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la dardargaliyo hirgelinta Istaraatiijiyada Xalka Waara si xal waara loogu helo barakacayaasha.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha  sidii wax loogu qabanlahaa barakacayaasha laguna gaari lahaa xal-waara iyadoo lala kaashanaayo dowlada dhexe iyo dowlad Goboleed yada.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha laamaha ammaanka oo ka wada hadlay xoojinta nabadgelyada Caasimadda

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarrinta Amniga Caasimadda la qaatay Taliyaasha  Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/le Sare Mahdi Cumar Mumin (Macalin Mahdi) iyo taliyaha hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir, Muxyadiin Warbac Shadoor.

Kulankan ayaa looga hadlay dardargelinta sugidda nabadgelyada Caasimadda, gaar ahaan xoojinta howlgallada looga hortagayo dhagarta Khawaarijta iyo la dagaallanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geysta bulshada.

Kusimaha Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yabooh ayaa ku amaanay Ciidamada Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugidda Amniga Magaalada iyo badbaadinta shacabka.

Ciidanka xoogga oo gacanta ku dhigay horjoogihii qaraxyada ee kooxda khawaariijta u qaabilsanaa gobolka Mudug

Madaxii qaraxyada kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa gobolka Mudug Salmaan Daadir ayaa saaka ciidanka qaranka ku qabteen Aagga Camaara isagoo maleegayay dhagar uu rabay inuu ku dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhagar qabe Salmaan ayaa gaari ku waday xilliga la qabtay agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo daawooyin, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad.

Degmooyinka iyo deegaanadda dowlad goboleed galmudug ayaa waxa si xawli ah uga soconaya dagaalka dalka looga xoraynayo kooxaha khawaariijta.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay xarunta Xirfadda Farsamada Gacanta ee Haweenka Degmada Shibis

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Mudane, Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa dhagax-dhigay xarunta Xirfadda Farsamada Gacanta ee Haweenka Degmada Shibis.

Munaasabada Dhagax-dhigga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo, Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Soomaali, Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Ururka Haweenka Degmada Shibis iyo marti sharaf kale.

Xaruntan ayaa loogu tala-galay in Haweenka ay kusoo bandhigaan xirfadahooda Farsamada Gacanta, taas oo dhiirri gelin u noqoneysa Haweenka kale.