Shirka guddoomiyeyaasha baarlamaanka Carabta oo lagu soo gabagabeeyay Qaahira

-Waxaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar lagu soo gabagabeeyay shirka shanaad ee guddoomiyeyaasha Baarlamaanka dalalka Carabta.

Shirka ayaa waxaa shir guddoomiyay, guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Caadil Alcasuumi waxana ka qaybgalay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuqayth, guddoomiyaha baarlamaanka Africa iyo diblomaasiyiin kale.

Muddadii uu shirku socday 8-11 February, waxa lagu lafo guray ammaanka cuntada ee Caalamka Carrabta waxaana lagu meelmariyay qoraal loo gudbin doono shirka Madaxda Jaamacada Carabta ee ku qabsoomi doona Mauritania bisha Maarso, 2023.

Waftiga Soomaaliya uga qaybgalay shirka waxa ka mid ahaa Cabdirisaaq Xareed, Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Jama Askar.

   

Taliyaha ciidanka Booliska oo wax ka adeegga dadweynaha ee uu bixiyo hoggaanka barista dembiyada CID

-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer u kuurgelid ah ku tagay xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da,  halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gudaha iyo Dibada Dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhamaan Qeybaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay CID-da, sidoo kale cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amaradda soo socda;-

1- Waxaa la mamnuucay qof udhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.

2- Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmikaro. Isma markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood.

3- Waxaa si faahfaansan loola wadaagidoona Bulshada habsami usocodka adeegan.

Ugudambeyn, Waxaa uu taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, wuxuu u balanqaaday kormeer iyo korjoogteyn joogto ah.

      

Taliyaha ciidanka Booliska oo wax ka baddalay adeegga dadweynaha ee uu bixiyo hoggaanka barista dembiyada CID

-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer u kuurgelid ah ku tagay xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da,  halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gudaha iyo Dibada Dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhamaan Qeybaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay CID-da, sidoo kale cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amaradda soo socda;-

1- Waxaa la mamnuucay qof udhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.

2- Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmikaro. Isma markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood.

3- Waxaa si faahfaansan loola wadaagidoona Bulshada habsami usocodka adeegan.

Ugudambeyn, Waxaa uu taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, wuxuu u balanqaaday kormeer iyo korjoogteyn joogto ah.

      

Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ku sugan dalka Imaaraatka Carabta ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas

Dubai-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayo oo magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraatka Carabta u jooga ka qayb-galka shirweynaha horumarinta dhallinyarada ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Imaaraatka Carabta, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay safiirka dowladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Danjire Axmed Daahir Maxamed, asagoona Wasiirka iyo wafdigii la socday warbixin ka siiyay hawlaha Safaaradda.

Danjiraha ayaa wasiirka la wadaagay heshiisyada iskaashi ee ka dhaxeeya dalkeenna iyo Imaaraatka Carabta ee looga faa’iidayn karo dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa la xiriira shaqo abuurka, horumarinta Ciyaaraha iyo in la sahlay isu socodka labada dal oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay caqabado ka jireen.

Bishii hore ayay ahayd markii Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo danjiraha Imaaraatka Carabta u qaabilsan dalkeenna Amb Ahmed Jumaa Mohamed ay kulan ku yeesheen Caasimadda Muqdisho si la isaga kaashado horumarinta dhalinyarada oo labada dal is-waydaarsadaan khibradaha xagga horumarinta dhallinyarada maadaama dalka UAE ka mid yahay dalalka horumarka muuqda ka sameeyay awoodsiinta dhallinyarada iyo ka qaybgelintooda siyaasadda.

   

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo dood adag ka yeeshay labo sharci oo muhiim ah

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 18-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo aa ajandihiisu ahaa ka doodista akhrinta 2-aad Hindise sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa iyo Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga iyo La xisaabtan Hay’adaha Dowladda xildhibaan Maxamed Harruun ayaa faahfaahiyay Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa, waxaana uu sheegay in ay wax badan ka soo badaleen, iyagoo la kaashanaya wasaarada maaliyadda iyo khuburo ku xildheer sharcigaan, waxaana uu xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan maadaama uu sharcigaan muhiim u yahay dalka iyo dadka soomaliyeed.

Intaasi kadib xildhibaannada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa, waxaan ay intooda badan doodooda ay saleeyeen toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Intaasi kadib Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, Xildhibaan.  Nuur Axmed Diiriye ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed oo uu guddigu ka soo shaqeeyay, asagona tilmaamay in diyaarinta sharcigaan in ay la kaashadeen khubaro sharciyaqaano ah iyo khuburo ku xildheer sharcigaan , waxaana uu xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan sharcigaan oo muhiim u ah dalka.

Guddoomiye ku xxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka maanta, waxaana uu faray labada guddi inay soo diyaariyaan warbixinta akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa iyo akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed, ayna ku soo biiriyaan tallooyinka iyo turxaan bixinta ay xildhibaannada soo jeediyeen.

                            

Madaxweynaha Hirshabeelle oo wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay howlgaladda lagu ciribtirayo khawaarijta

Nairobi- Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Shirkaan ayaa looga hadlay howlgalada lagu ciribtirayo khawaarijta, xaaladaha deegaanada la xoreeyay iyo dardargalinta barnaamijka xasilinta oo muhiim u ah bulshada.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caalamka uga warbixiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaalada lagula jiro khawaarijta oo lagu xoreeyay degmooyin iyo deegaano badan oo muddo fog ay maamulayeen kooxda khawaarijta ah.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caalamka ee taageera Soomaaliya la wadaagay dardargalinta iyo xoojinta barnaamijka xasilinta ee laga fulinayo deegaanada iyo degmooyinka la xoreeyay si bulshadu u hesho adeegyada muhiimka ah Dowladda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo kulankaan muhiimka ah ay ku weheliyeen Wasiiradiisa Arrimaha Gudaha, Amniga, Qorsheynta, iyo Haweenka iyo Xuuqul Insaanka ayaa bogaadiyay doorka saaxibada beesha caalamka ee Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay la garab taagan yihiin Hirshabeelle.

             

Wafdi Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal oo ka qayb galay shirka Baarlamaannada Carabta

Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka koobnaa Senator Cabdixakiim macalim Axmed, Senator Abdi Osman Xareed iyo Xildhiban Jamac Maxamed Askar ayaa ka qayb galay shirka shanaad ee madaxda Baarlamaannada Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Shirka oo lagu ansixiyay sharci ku saabsan sidii looga hortagi lahaa cunta yaraanta laguna kobcin lahaa wax soo saarka beeraha ee Wadamada Carabta ayaa waxaa khudbadda Baarlamaanka Somaliya shirka ka jeediyay Senator Cabdixakiim Macalim Axmed.

Wafdiga iyo madaxda kale ee Baarlamaannada carabta ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxwaynaha Dalka Masar Cabdifitax Siisii iyo madax kale oo shirka ka soo qayb galay sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qaabilay Sii hayaha Safaaradda Shiinaha

Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda , Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ee Soomaaliya , Mudane Wendi Chen.

Xoghayaha Joogtada iyo Siihayaha Safaaradda Shiinaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo Iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo Tiknoolojiyadda.

Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa uga mahadceliyay dowladda China taageeradeeda fagaarayaasha caalamiga ah, isagoo la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in laga qaado cunaqabataynta hubka, maadaama ay caqabad ku tahay dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sii hayaha Safaaradda Shiinaha ayaa muujiyay muhiimadda ay Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika ugu fadhiyaan Jamhuuriyadda dadka Shiinaha, isagoo caddeeyay inay xoojinayaan Iskaashiga kala dhexeeya.

 

Wafdi Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal oo ka qayb galay shirka Shanaad ee madaxda Baarlamaannada Carabta

Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka koobnaa Senator Cabdixakim Macallim Axmed, Senator Abdi Osman Xareed iyo Xildhiban Jamac Maxamed Askar ayaa ka qayb galay shirka shanaad ee madaxda Baarlamaannada Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Shirka oo lagu ansixiyay sharci ku saabsan sidii looga hortagi lahaa cunta yaraanta laguna kobcin lahaa wax soo saarka beeraha ee Wadamada Carabta ayaa waxaa khudbadda Baarlamaanka Somaliya shirka ka jeediyay Senator Abdihakim Moallim Ahmed.

Wafdiga iyo madaxda kale ee Baarlamaannada carabta ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxwaynaha Dalka Masar Cabdifitax Siisii iyo madax kale oo shirka ka soo qayb galay sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika.

R𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲: 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘅𝗼𝗼𝗴𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗴𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗮𝗹𝗮 𝗴𝗼𝗼𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮 𝘅𝗼𝗿𝗲𝗲𝘆𝗲𝘆

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax Bannaan oo diiradda lagu saaray sidii loo gaarsiin lahaa garsoorka deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta oo ay bulshada baahida weyn u qabaan.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo kaashanaysa khubaro ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyey Khawaarijta sidii loo gaarsiin lahaa garsoor, si loo soo celiyo kalsoonida ay bulshadu ku qabaan nidaamka dowladnimada, maadaama deegaannadaas ay muddo badan argagixisadu ku maaamulaysay gacan arxandaran.

Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa soo jeedisay warbixin la xiriirta tacadiyada ay ka geysteen Khawaarijtu goobaha laga xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la helo nidaam garsoor oo lagu kalsoonaan karo oo ay saldhig u tahay caddaaladdu.

Mudane Xamse ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa Garsoor Caddaalad ku dhisan, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xoreeyey khawaarijta.