Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray saladhiga booliska degaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta xarigga ka jaray Saladhiga degaanka Huurshe  ee gobolka Galgaduud ,kaa oo dadka degaanka ay ku dhisteen Isku tashi Bulsho.

Madaxweynaha ayaa shacabka Huurshe uga mahadceliyay isku tashiga ay ku dhiseen Saldhiga booliska oo bulshadu baahiweyn u qabeen,isagoo sheegay in madamaam dadka degaanka ay howl ballaaran ka qabateeyn dhismaha xarunta saldhiga iyagana ay keeni doonaan Gawaaridii ay Booliiska ku howlgali lahayeen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guul waweyn laga gaaray arrimihii dib u heshiisiin xalna lagaa gaaray,islamarakaan waxa uu bogaadinayo odayaasha iyo Culimada degaanka Huurshe oo kaalin tooda ka qaatay dib u heshiisiintaa.

Madaxweyn Xasan oo Qurba joogta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay kulan ay qabteen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub kuna taageerayeen dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee xiligaan ka socda inta badan gobolada dalka ayaa ka hadlay qorshaha dowlada uga dagsan ciidamada Xoogagga kacdoonka dadweynaha,guulaha dowladda ay ka gaaratay dagaalka khawaarijta iyo kaalinta jaaliyadaha Soomaaliyed ee ka qeyb qaadasahada howlgalada socda.

Madaxweynaha oo khudbada ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah khawaarijta kaalinta ugu weyn ee howlgalkasi ay leeyihiin Ciidamada qaranka oo kaashanayo ciidanka dib u xoreeynta degaannada (Macawiisleyda),oo khawaarijta u diiday in wax dhaq dhaqaaq ah ka sameyaan degaannada lagala wareegay isla markaana qorshahoodu uu yahay sidii Ciidamadaas loo qarameyn lahaa loogana dhigi lahaa Boolis ilaalinaya amniga goobaha laga saaray khawaarijta

“Dalka Soomaaliyed meel fiican ayuu marayaa niyadu wey wanaagsan tahay iyagaa dowladda garab taagan tilmaamayo, khawaarijtu maanta kuma dhax socon karaan degaannada waxa u diiday waa Macawiisleey,macna weeyn ayayna noogu fadhiyaan ,xoreyayaasha maanta waaye barrina waa Booliikii degaanada”sidaa waxa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa inay qeyb weyn ka qaataan oo dhaqaalo ku taageeraan dagaalka dalka looga saarayo kooxda khawaarijta oo mudda dheer dhib ku heysay shacabka Soomaaliyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulankoodii caadiga ahaa ku leh xarunta Villa Hargeysa

Kulanka Xildhibaannad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho

Ajendaha kulanka ayaa maanta ah ka doodista akhrinta labaad ee ‘hindise sharciyeedka nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dabiiciga ah iyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.’

Sabtidii  todobaadkaan ayaa kulan ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa loo qeybiyay qaar kamid ah hindise sharciyadeedyada ay ka doodi doonaan, si ay dhawaan u meel mariyaan

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulankoodii caadiga ahaa ku leh xarunta Villa Hargeysa

Kulanka Xildhibaannad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho

Ajendaha kulanka ayaa maanta ah ka doodista akhrinta labaad ee ‘hindise sharciyeedka nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dabiiciga ah iyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.’

Sabtidii  todobaadkaan ayaa kulan ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa loo qeybiyay qaar kamid ah hindise sharciyadeedyada ay ka doodi doonaan, si ay dhawaan u meel mariyaan

Turkiga iyo Suuriya: Tirada dhimashada oo kor u dhaaftay 33.000

Kooxaha Samatabbixiyeyaasha ayaa sii wada in ay soo saaraan dadka ku hosjira burburka dhismayaasha ee ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ,iyadoo tirada dhimashada dhulgariirkii usbuucii hore ay kor u dhaaftay 33,000.

Dhulgariirrada ayaa Turkiga ku dilay ugu yaraan 29,605, halka in ka badan 4,300 oo dhimasho ah laga soo sheegayo Suuriya ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo Suuriya ku nool laga yaabo in ay hoy la’aan yihiin,halka Ku dhawaad 900,000 oo qof ayaa u baahan cunto kulul oo degdeg ah gudaha Turkiga iyo Suuriya.

Martin Griffith, madaxa gargaarka Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dunidu ilaa hadda ay ku guul darraysatay wax u qabashada dadka ku nool waqooyi-galbeed ee Suuriya, isagoo sheegay in kuwa ka bad-baaday ay “si sax ah u dareemayaan in la dayacay”.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu oggolaado in sahayda la geeyo dhulka ay fallaagada gacanta ku hayso iyada oo laga sii gudbayo xadka Turkiga.

Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo shir looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada kaga qeyb galay Imaaraatka Carabta

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka.

Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen wufuud gaaraysa 4000 oo xubnood kana kala socda 150 dal ayaa ka kooban 22 madal oo mid walba dood gooni ah lagu soo bandhigayay.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galay madal gaar ah oo ay lahaayeen wasiirrada Dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta ayaa diirradda lagu saarayay ilaalinta luuqadda iyo firka dowladaha carbeed,

Madasha ayaa sidoo kale looga dooday fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada dunida Carabta iyadoo Wasiir Maxamed Barre uu soo bandhigay fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo shirka ka caddeeyay in dhalinyaradu ay tahay awoodda ugu badan ee Soomaaliya ay ku tiirsantahay dhinacyada horumarka ammaanka, dhaqaalaha iyo Hal-abuurka casriga ah intaba, wuxuuna caddeeyay in dadka ka yar da’da 35 jirka ay gaaryaan 80% taasoo ah fursad aysan haysan dunida inteeda badan.

Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsanyahay ay ku hawllantahay in meesha laga saaro dhammaan qodobada caqabada ku ah ka qayb-galka siyaasadda ee dhallinyarada si looga faa’iidaysto awooddooda.

Xubnaha wafdiga ee wasiirka ku weheliyay shirkan waxaa ka mid ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo isna ka qayb-galay doodo la xiriira sidii farsamo ahaan loo jihayn lahaa dhallinyarada dunida Carabta iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ah la-taliyaha Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha.

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeyb galay Munaasabad lagu caleema saarayo Guddoomiyaha cusub ee degmada Cabudwaaq

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Gudoonka cusub ee dhawaan loo doortay Cabudwaaq.

Munaasabadda caleema saarka Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee lagu doortay dhawaan Golihii degaanka Degmada Cabudwaaq waxaa ka qeyb galay Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa u hambalyeeyay guddoonka cusub ee Degmada Cabudwaaq, isagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

 

 

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo faray maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Amniga in wax ka badal lagu sameeyo qaabka loo sugi Amniga Caasimada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa amray in si deg deg ah wax looga beddelo qaabkii hore ee amniga caasimadda loo sugi jiray, kadib kulan uu shir guddoomiyey oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta Gobolka Banaadir, Wasiirro iyo Taliyeyaasha laamaha amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga warbixinno ku saabsan xaaladda amni iyo bulsho ee gobolka, isagoo ku adkeeyey in ay badiyaan feejignaantooda amni maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal oo lagu dabar-goynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in la kordhiyey isla xisaabtanka ku aaddan falalka amni, degmo kastana looga baahan yahay in ay xoojiso wadashaqeynta maamulka, ciidanka iyo shacabka, si looga hortago falalka gurracan ee ay soo maleegayaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir in degdeg wax looga qabto cid kasta oo waxyeelanaysa amniga caasimadda, korna loo qaado fayo dhowrka iyo bilicda, isagoo tilmaamay in askarigii tacaddi u geysata shacabka si adag loo maxkamadeynayo.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ku-xigeenadiisa, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Booliska Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka iyo Taliyeyaasha heer degmo ee Gobolka Banaadir.

  

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Caabud-waaq

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,  mudane Axmed Cabdi Kaariye  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Cabud-waaq ee Gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa magaalada Cabudwaaq ku soo dhaweeyay  qeybo ka mid ah laba gole ee Dowlada Galmudug Maamulka Degmada iyo bulshada Degmada.

Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelan doona Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Caabud-waaq, si uu oggaado xaaladda magaalada.

Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 10 qof iyo dad taagan

Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta  kulan la yeeshay Safiirka dalka Mareykanka u jooga Soomaaliya Mudane Larry Andrè.

Labada mas’uul ayaa ka waxaa ay ka wada hadleen guushii laga gaaray dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo xaaladaha guud ee dalka.

Danjiraha dalka Mareykanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahadceliyay sida hufnaanta iyo dhexdhexaadinta leh uu u maamulay isl-markaana ku guuleystay gogoshii taalay magalada Baydhabo in si guul ah lagu soo gabagabeeyay.