Illaa 29-kun oo ruux oo ku dhintay dhulgariradii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya

Tirada dhimashada ee dhulgariirkii Turkiga iyo waqooyi-galbeed Suuriya ayaa dhaaftay 29,000 xilli ay socdaan dadaallada samatabixinta ee ka socda dalalkaasi.

Tirada dhimashada  dadkii ku waxyeeloobay Turkiga ayaa kor u kacday oo gaartay 24,617 halka in ka badan 4,500 lagu sheegay dadku ku dhintay Suuriya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo Suuriya ku nool laga yaabo in ay hooy la’aan yihiin, halka ku dhawaad 900,000 oo qof ay u baahan yihiin cunto kulul oo degdeg ah Turkiga iyo Suuriya.

Dowladda Suuriya ayaa ogolaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo goobaha dhulgariirku ku dhuftay ee ka baxsan gacanteeda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Turkiga ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu u furi lahaa laba waddo oo cusub oo loo maro qaybaha ay fallaagada gacanta ku hayso ee Suuriya

Guddiga horumarinta adeega Bulshada Aqalka Sare oo la kulmay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada XFS

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir.

Wasiirka waxaa kulanka ku weyhlinayey Wasiir ku xigeenka, Wasiiru dowlaha, Agaasimaha Guud iyo Masuuliyiin kale oo wasaaradda ka shaqeeya.

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahaa in ay masuuliyiinta wasaaradda wax laga weydiiyo Hannaanka qaadashada Macallimiinta cusub ee ay wasaaraddu qaadaneyso iyo waxyaabaha horutabinta u leh si Bulshada loo gaarsiiyo adeegyada dowladda oo ay ugu horreyso waxbarashada.

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo war ka soo saartay Arday lagu la’ yahay dhul gariirkii dhacay dalka Turkiye

Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in nolol iyo geeri lagu la’ yahay saddex kamid ah Muwadiniinta Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogay goobaha dhul-gariirka ka dhacay ee Koofurta iyo Bariga dalka Turkiga.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu yiri “Maalintii shanaad ayay Diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Ankara ku suganyihiin goobaha Dhulgariirku ka dhacay ee Koonfurta iyo Bariga dalka Türkiye, iyaga oo ku raad jooga noolol iyo geeri saddexda arday ee kala ah: Ifraax Yusuf Cabdi, Abdulqadir Ali Mohamud Matan iyo Liiban Osman Deria”

“Labada wiil, gurigii loo malaynayey in ay ku jiraan, waa la dhameeyey badhistiisii ilaa laga gaadhay dhulka, lagamana helin.  Ifraax Yusuf iyo hablo kale oo reer Djibouti ah guriga lagu ogaa ama lagu tuhunsanyahay in ay ku jiraan, waa gubtay”  ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka safaaradda.

Dhinaca kale , Safaaradda ayaa ku guulleysatay in ay soo daad gureyso Arday iyo muwadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa magaalooyinka uu ka dhacay dhulgariirka, kuwaasi oo tiradoodu guud gaareyso 112 ruux.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗤𝗠 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝘅𝗮𝗹 𝘄𝗮𝗮𝗿𝗮 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗵𝗲𝗹𝗶 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗸𝗮𝗰𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Robert Piper oo maanta dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladaha nololeed ee dadka ku barakacay gudaha dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka heysta dadkaasi malaayiinta qof ah ee ku sugan xeryaha.

Mudane Xamse ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa barakacayaasha gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ku waayay hantidoodii abaaraha, colaadaha iyo isbeddelka cimillada, isagoo ku ammaanay Qaramada Midoobay dadaalka ay waddo ee wax loogu qabanayo dadka barakacay.

Dhankiisa, La-taliyaha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha ayaa ku ammaanay Xukuumadda dadaallada lagu caawinayo barakacayaasha, isagoo xusay in QM ay qaadayso tallaabooyin ay wax ugu qabanayso dadka  barakacay ee ku sugan 16 waddan oo Soomaaliya ay ku jirto.

Dhibaatooyinka sababay barakaca gudaha dalka ayaa waxaa kamid ah abaaraha, colaadaha iyo argagixisada oo go’doon galisay deegaannada ay ku sugan yihiin, si aan dadka gurmad loo gaarsiin. Sidoo kale isbeddelka cimilada ayaa sababay biyo yaraan iyo dhulkii ku haboonaa daaqa iyo beerashada in uu nabaad guuro.

Guddoomiyaha Hay’dda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’dda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin iyo Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Saed ayaa maanta ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa Arrimaha deg degga ah ( emergency).

Hay’adda SODMA iyo UNICEF ayaa ku heshiiyey in ay ka wada shaqeyn doonaan u gurmashada dadka tabaaleysan si gaar ah goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta kuwaas oo ku yaala Maamullada Galmudug,Hiirshabeelle, Jubbaland iyo koonfur Galbeed

Hay’adda Mareeynta Masiibooyinka ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii gurmad loo gaarsiin lahaa degaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Madaxweynaha Puntland oo goobjoog ka noqday dhaarinta xeer Ilaaliyaha guud iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta  xeer Ilaaliyaha guud ee Dowladd Goboleedka Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland Gaashaanle Sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed, waxaa dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare Siciid Axmed Faarax.

Madaxweynaha ayaa  Alle uga baryay Masuuliyiinta cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka oo ka socda xarrumaha hay’addaha Dowladda

Waxaa si habsami leh xarruumaha Dowladda uga socda Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka, si loo dardar galiyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha.Rayidka ee dowladda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gudigga farsamada ee tirakoobka Shaqalaha Rayidka dowlada Axmed Maxamed Xasan  ayaa maanta wasaaradda Warfaafinta ka daah furay tirakoobka madax ka tiriska ah ee shaqaalaha wasaaradda.oo maalmahani ka socday xarumaha Wasaaradaha Dowladda.

Ujeedada tirakoobka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka, daah-furnaanta  iyo hufnaanta Shaqada, tan oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Dawladda ee adeegyada qaranka iyo Bulshada ay u hayaan Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

Guddoomiyaha Gudigga farsamada ee tirakoobka Shaqalaha Rayidka Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay in tirakoobka uu socon doono mudda laba cisho ah,islamarkan uu yahay mid lagu dar-dar galinayo howlaha shaqo ee shaqaalaha Rayidka u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dhankiis bogaadiyay sida aay Guddiga u wadaan shaqada iyo howlaha loo igmaday,isagoona timaamay in mudda xubnaha tirakoobka ay jogaan loo fudu deeyn doono howshooda,islamarkana ay la sheqey doonaan waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda.

Tiro koobkaan ayaa laga sameyn doonaa dhammaan Hey’adaha iyo Wasaaradaha Dowladda si loo xoojiya isla xisaabtanka iyo hubinta gudashada wajibaadka saaran Shaqaalaha Rayidka.

Wasiirka Amniga Jubbaland oo kulan la qaatay Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Dalka iyo Sarakiil kale

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad goboleedka Jubbaland S/ Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa kulan la qaatay Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland, guddoomiyaha degmada Afmadow iyo Taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka  Jubbaland ee fadhigoodu yahay Afmadow.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa Is-xog-wareysi iyo kala war qaadasho ku aadan xaaladda amniga, howlgallada ay ciidanku wadaan iyo ka hortagga dhagarta ay soo maleegaan khawaarijta nafla caariga ah ee Al Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ayaa wada howlgallo ka dhan khawaarijta oo looga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.

Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsoon dagaalka khwaarijtu ka waddo dalkaan (Warbixin)

Muddo ka badan 15-sano ayay dalka iyo dadka dhibaato adag ku hayeeN Khawaarijta, waxaana hadda isbedel xoog leh oo dardar ku socda laga dareemayaa howlgallada lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta arxanka daran, kuwaas oo laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan dalka.

Si aan loo fahmin dhagarahooda waxay soo dhoweysteen cid walba oo aan lahayn aqoon Diineed iyo mid maadi ah, kuwaas oo ay ka dhigeen madaxdii xukumi lahayd Bulshada Soomaaliyeed ee qadarisa dhaqankooda iyo Diintooda.

Waxaad isweydiineysaa maxay tahay sababta ay u dhisan yihiin Khawaarijta laga hor wareejinayo caqabadii ay ku hayeen Diinta, dhaqanka iyo horumarka?.

Maxamed Cumar Abuu Ayaan ayaa su’aashan hordhignay  “ Waa inaan ummaddeyda u naxaa, Ummadeyda muslimiinta ahna waa inaan u sheegaa wax haba yaraatee Diin ah u socon, oo wanaagooda u socon, Waxaan ka aamisanahay in ay yihiin dad la soo shaqaaleystay oo ummadda muslimiinta Soomaaliyeed ka hortaagan in ay marnaba nabad helaan oo midoobaan, oo dowladnimadooda u soo laabato kana baxaan qaxootinimada iyo dhibaatada,”.

Qofka waliba oo Soomaaliyeed waxay si cad u ogtahay dagaalka Khawaarijta ay ku hayso Diinta si bulshada u fasahaadiyaan, waxaase ka sii daran dagaalka aan la ogeyn oo ay ku hayaan dhaqanka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa cabiraya sida Khawaarijta u marin habaabiso una caburiso bulshada iyo dadka hormuudka u ah.

“ Qabiil dhanaa loo tegayaa, kan dadka ugu jaahilsan ugu caraabisan ama ugu dhalinyar aa kaaba qabiilka looga dhigaa, cuquladadii dadkaasi, waxgaradkooda midna waa la eryay, midna xabsi ayaa la geliyay, waxaan arkay 80-sano jir dhahaaya 7-jeer ayaa xabsi galay, waxaana arkay todobaatan iyo dhowr jir dhahaayo 7—sano beledkan ka maqnaa amar ayaa la igu siiyay inaan ka baxo,”

Dulmiga aan ka soo sheekeynay waxaa laga dareemay qoyska kasta oo Soomaaliyeed sida uu qabo Sheikh Ibraahim Maxamed Kulmiye.

“ Qoys maanta ummadda Soomaaliyeed oo dulmiga Khawaarijta uusan gaarin lama soo helaayo si taban ama si togan ayay ummadda Soomaaliyeed u wada dhibaateeyeen,”.

Iftiiminta aan ku sameynay Khawaarijta oo ah in ay yihiin duul u shaqeynaya quwada kale waa mid aan ku dooneyno in ay ku sii baraarugaan Bulshadan ka kacdoontay dhagarta xadka dhaaftay oo ay muddo ku hayeen.

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa dhawaan Khawaarijta kala wareegay deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo ka badan 10-sano gacanta ay ku hayeen, waxaana laga dilay horjoogayaal sar sare. Dhinaca kale, waxaa xoogaystay kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ay kaga qayb qaadanayaan hawlgalka lagu cirib tirayo kooxaha khawaariijta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xafiiska waaxda Dad-dhigista ee degmooyinka qeybta galbeed ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Xafiiska Waaxda Dad-dhigista ee Degmooyinka dhinaca Qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir, taasi oo maanta laga furay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax, Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista Cabdirashiid Cabdullaahi Salaad (Wadaad yare), Agaasimeyaal Guud, kuxigeenada Degmooyinka Wadajir iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xafiiskaan uu adeegyada Dhalashada iyo Sugnaanta uu siin doonno bulshada ku dhaqan Degmooyinka Wadajir, Dharkeenley, Kaxda, Garasbaaley iyo Dayniile, kuwaasi oo horey adeegaan ugu soo doonan jiray xarunta dhexe ee Degmada Wadajir. Iyadoona Duqa furitaanka Xafiiskaan uu qeyb ka yahay Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee daadijinta Adeegyada Bulshada.