Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay hawlgallada dalka looga xoreynayo khawaariijta

Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa waxaa uu faahfaahin  ka bixiyey howlgallada ka socda gobolada dalka, waxaana uu sheegay in jab xooggan lagu gaarsiiyey deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabeelle kooxda Khawaariijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ciidamda Qaranka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay laba jibaareen howlagallada lagu baacsanayo kooxda dhiigmiiratada ah, isaga oo intaa ku daray in ciidamada  CXD ay ku burburiyeen fariiimo iyo meelihii gabaadka u ahaa deegaanada laga xorreeyey.

Dhanka kale Cabdullaahi Cali Caanod Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhigga ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in howlgallada ay hor-jooga u yihiin xildhabaanada heer Fedaraal iyo heer  Maamul ay ku dhawyihiin in dhawaan lagu soo afjaro Khawaarijta, isagoo intaa ku daray in hadda uu dhexdooda uu kala shaki ka dhashay  Khawaariijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in Wasaaraddu ku amartay saraakiisha  hogaamineysa Ciidamada Qaranka ee ku sugan goobaha lagala wareegay Khawaariijta in ay shaqsiyaadka isa soo dhiiba ay ku wareejiyaan hay’addaha Dambi barista iyo haya’addaha kale ee ku shaqada leh.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo daah furtay shirka Dib u eegista iyo Baahinta Maaliyadeed ee Dowladaha Hoose

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku daahfurtay caasimadda Muqdisho Dib u eegista iyo Dhamaystirka  Qaab Dhismeedka Xiriirka iyo Baahinta Maaliyadeed ee dowladaha Hoose.

Kulankaan oo socon doona Muddo laba maalin ah ayaa waxaa goobjoog ka ah wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorshaynta iyo Maaliyadda ee dowlad goboleedyada dalka, qaar ka mid ah duqowda degmooyinka dalka, gobolka Banaadir iyo wasaaradaha Maaliyadda iyo Caddaaladda ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qayb ka ah Saaxibada Caalamiga ah ee ka taageera Soomaaliya arrimaha Dowladaha Hoose ee ku bahoobay UN-JPLG.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay dil xalay ka dhacay Magaalada Jowhar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle  Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon oo xalay  koox arxanlaaweyaal ah ay ku dileen Magaalada Jowhar oo caasimad u ah Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa tilamaamay in nabadoonka uu kaalin mug leh kasoo qaatay Dowlad Dhiskii Hirshabeelle kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha Bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

TIXANAHA SHEEKADA MAANO-FAAY (QEYBTA 30-AAD)

Hadda marxalad aan yarayn, miisaanna fududayn bay is barashadoodii ka tallawday. Waqtigu waa xiimayaa. Bil baa dhammaatay. Mid kalaa ka daba tagtay. Tii saddexaad baa kala barantay. Isbeddel weyn baa dhacay. Waa taas Maana-Faay ninkii ay daymadiisa ka carari jirtay gurigiisa galabta dhex fadhidee saxankii cishqiga la dheelaysa!

Ma sahlana sida ay Maana heerkaas ku soo gaartay. Tallaabooyin badan baa ka horreeyey. Tub dheer bay soo martay. Martiqaadkii u horreeyey ee ay ku soo dhaweeyeen Sahra iyo saddexenkeedii, Maana wuxuu ku reebay raad aan go’i karin. Tixgelintii weyneyd, koolkoolintii badnayd, ammaantii xaddhaafka ahayd, xushmaddii ballaarnayd, adduunyadii la tusay, arrimihii looga sheekeeyey, intuba waxay noqdeen wax aan hore u soo marin, aad u xiisa geliyey, qiimihii ay isla lahayd kordhiyey, qabweyni dareensiiyey, dunidoo dhan u qurxiyey, qalbigeedii ugbaa ee waayo-aragnimada u oommanaana irdihiisa garaacay.

Habeenkii hore waa tii xusuustaas ku seexatay, subaxdiina la soo toostay. Ka dib, dhawr jeer gurigii Sahra booqashooyin ku tagtay. Asxaabtiina la kulantay. Kadis iyo ku tala galba. Sheekadii sii socotay. Maana tartiib-tartiib u qala goysay. Kooxdiina la qab satay. Sahra horeba uga qaloon mayn. Cabdinaasirna dhaqsaba ugu qala goysay. Ulana kaftan wadaagtay. Axmed marka ay kala maqan yihiin keligiisay inta badan ku fekeri jirtay, erayadiisii soo gocan jirtay, sawirkiisu u muuqan jiray.

Marka ay aragtana way ka qaloon jirtay. Markii dambe isagiina ku qalo goysay. Isxirxiriddiina ka xoroowday.

Marba marka ka dambeeya waxay dareemaysey in ay Axmed ku sii xirmayso, xusuusteeda ka bixi la’ yahay, xoog dahsooni xaggiisa u sii jiidanayo. Waxay is-aragtay iyadoo mar walba ku fekeraysa, sababta ma garanayn. Marka la sheekaysanayo si gaar ah u dhageysanaysa. Isaga afkiisa uun eeganaysa. Dadka kale hadalkooda u dhugma lahayn.

Marka ay iyadu hadlaysana dareemaysa in ay keligii la hadlayso. Waxyaalihii kale ee ay danayn jirtay way illowday. Aad bay isula yaabtay. Meel lagaga yimidna garan wayday. Dhawr jeer bay goosatay in ay kooxdaas ka xarig furato, guriga Sahrana iska goyso, ee gurigooda ku ekaato, sideedii hore. Go’aankaas waxay gaartay markay dareentay in mawjadi sidato, ciddiina ka shakiday ee hooyadeed dhawr jeer canaanatay, beentii ay u sheegaysayna ka soo oodantay. Ma yarayn inta jeer ay guriga Sahra ka tagtay iyadoo niyaysan in ayan dib dambe ugu soo noqon. Haddana waxay is-arki jirtay iyadoo ku soo ordaysa, ee is celin kari wayday.

Hadday dhawr beri gurigooda isku adkayso, nolosha oo dhan baa ka hor imaanaysa. Cuntada, hurdada, akhriska, dadka guriga jooga iyo hadalkooda, waxaa oo dhammi way dhibayaan. Way ku xajiimoonaysaa. Markaasay is cunaysaa, ee is karhaysaa, wax walbana karhaysaa, ka dibna joogi kari waayaysaa, ee soo xargo goosanaysaa.

Muddo ka dib, Axmed iyo Maana wixii ay isu qabeen way qarsoomi kari waayeen. Runtii baa la isu sheegay. Jacaylkii waa soo shaac baxay. Fagaare faydan baa loogu faysteeyey. Qoftii u horraysay ee daaha ka rogtayna Sahray ahayd. Ka dib markay labadooda midba gooni u daristay, in ay isku cudur yihiinna ogaatay, ayay u kala xog warrantay, kuna dhiirri gelisay in ay xanuunkooda isu qirtaan. Axmed baa ku horreeyey ee beryo is bandhigayey. Maanana markii dambe is qarin wayday. Daahii waa la iska rogay.

Dhufayskii waa la isaga soo baxay. Kalgacaylkii waa la isku gacan qaaday. Heestii jacaylka waa la darandoorriyey. Maqaarsaarkii Sahra waa laga baxay. Gurigeedii culayskii badnaa waa laga qaaday. Kooxdii waa laga madax bannaanaaday.

Madal jacayl baa meelo cusub laga furtay. Guriga Axmed ka mid buu noqday. MaanaFaay waa la soo baray. Markay cidda kataan ka heshaba way u soo dhuumataa. “Dugsigii baa galabta lagu noqonayaa,” iyo “Gabar baan duruus la soo akhrisanayaa,” bay ku marmarsootaa. AayCaddeey Allaahu run. Horaa loo yiri, runtaada hore beentaada dambay u roon tahay.

Ishii bugtaay ku bikaacso! Waa taas Maana-Faay caawa ku gabbaldhacsatay gurigii gacaliyaheed. Ninkii hadlayaa ha hadlo.

Af la buuraa ninkuu ku yaal buu dhibaa. Ag fadhigiisu farxadda uu nafsaddeeda ku beero way ku baddelanaysaa canaan kastoo ka soo gaarta. Way ku qabtaa xan kastoo laga been abuuro. Doob dareen baa dilay! Dadow i daaya! Dawadii naftaydaan dugsanayaaye!

Qore maxamed dahir afrax

Diyaarin Cabdisalaan sidiiq

La soco qeybta xigta ee taxanaha sheekada maanofaay

 

DHOOFINTA LIIMO DHANAANTA LA QALLAJIYEY.

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu  ku salaysan yahay ama ku tiirsan yahay waxyaabo fara badan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu Ilaahay ina  siiyay waddanka Soomaaliya sida Xoolaha, dhulbeeraadka, xeeb laga kalluumaysan karo iyo nimcooyinka dhulka ku aasan ee aan laga faa’iidaysan wali sida Birta, Dahabka, Uraniumka, Saliida Shidaalka, iyo waxyaabo fara badan oo aan la soo koobi karin, kuwaas ay ka mid yihiin dhul bilicsan oo Dalxiiska ku wanaagsan sida dhulbaraha Adduunka ee equetar ama Raas-kambooni meeshaas oo ah meel ay adduunka oo idil u soo dalxiis tagi karaan.

Waxaa u sii dheer Soomaaliya in ay ku taallo dhul istraatiiji ah markii loo fiiriyo geopolitical, taas oo macnaheedu yahay in ay soomaaliya isku xiri karto Qaaradaha Afrika iyo Aasiya iyo Yurub.

Waa dhul ku wanaagsan dhinac logistica-da oo ay noqon karto dhul beec mushtar ah.

Dhanka beeraha, Soomaaliya waa dal ku wanaagsan beerashada,waxaana ka baxa inta badan mirooyin  kala duwan sida Liimo dhanaanta .

Liimo-dhanaanta waxay ka mid tahay miraha dalkeena Soomaaliya sida aadka ah uga baxa, waxayna faa’iidooyin badan u leedahay caafimaadka ruuxa Aadamiga ah iyada oo dhakhaatiirta ay kula taliyaan in ay bulshada Liimo dhanaaanta ay isticmaalkeeda badiyaan taasi oo ka hortageyso xanuuno badan.

Beeralayda Soomaalida ayaa Liimo dhanaanta u iib geeya dalka dibaddiisa ka dib markii ay Umadda Soomaaliyeed ka helaan qidmad ku filan nolol malmeedkooda.

Iib geynta Liimo dhanaanta ayaa waxa ay sababtay dad badan in ay bilaabaan in ay si saa’id ah ay u beertaan Liimo dhanaanta, taasi oo aad ku arkeyso beeraha ay ku abuuraan kun geed iyo in ka badan oo  Liimo dhanaanta ah.

Dhoofinta Liimo dhamaanta ayaa waxa ay faa’iido u tahay dhallinyaro badan oo shaqo la,aan ah kuwaas oo ka faa’iideysanayo in ay ka shaqeeyaan qalajinta Liimo dhanaanta iyo sidoo kale in loorar ay ku cabeeyaan sida loorarka loogu cabeeyo digirta oo kale.

Sidoo kale, waxaa Liimo dhanaanta shaqa abuur ka helay  baabuureyda kuwaa oo soo rara Liimo la qalajiyey ayaga oo geeynaya Dekadda magaalada Muqdisho halkaas oo Markab laga saarayo Liimo dhanaanta.

Faa’iidooyin badan ayey leedahay wax dhoofinta taasi oo sababta dad badan oo Soomaali ah ay bilaabaan in ay wax soo-saaraan sidoo kale  beeraleyda  ayaa bilaabay in ay wax soo-saaraan ayaga oo beerahooda dalagyo kala duwan ku abuuraan .

Kobac iyo hormar ayaa ka socda dalkeena taasina waxaa daliil u ah in aan dibadda wax u dhoofinno sida Xoolaha nool oo aan u iib geyno, sidoo kale Muuska iyo Liimo dhanaanta la qalajiyey ayaan u dhoofinaa dalka dibaddiisa taasi oo sahashay in dad badan shaqa abuur u noqdaan in kasto shaqala’aanta ay aad u sameeysay dhallinyarada balse dhallinyara badan ayaa  ka faa’iidaystay fursadahaan.

Haddaad si dhab ah u fiirisid waddamada adduunka, waddan walbo dhaqaalihiisa wuxuu ku salaysan yahay hal ama labo arrimood, sida waddanka Sucuudiga oo dhaqaalihiisa ku salaysan yahay Saliidda cayriinka ama Batroolka.

Waddanka Finland wuxuu dhaqaalihiisa ku salaysan yahay geedaha ama alwaaxda.

Waddanka Iceland dhaqaalahiisa wuxuu ku salaysan yahay Kalluunka.

Waddanka Ethiopia dhaqaalihiisu wuxu ku salaysan yahay wax soo-saarka beeraha, waxaad arkaysaa waddamo dhaqaalahooda ku tiirsan yahay Dalxiiska,

kuwa kalana waxay ku tiirsan yihiin wax soo-saarka Warshadaha .

WQ: Abdinaasir Aadan Yuusuf

 

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay dil xalay ka dhacay Magaalada Jowhar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon oo xalay koox arxanlaaweyaal ah ay ku dileen Magaalada Jowhar oo caasimad u ah Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa tilamaamay in nabadoonka uu kaalin mug leh kasoo qaatay Dowlad Dhiskii Hirshabeelle kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha Bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

13-KA FEBERAAYO WAA MAALINTA CAALAMIGA AH EE UNESCO U AQOONSATAY IN LA XUSO RAADIYAHA ADUUNKA

Maalinta caalamiga ah ee Raadiyaha Adduunka waxaa loo asteeyay 13-ka February sanad walba markii ay isku raaceen wadamada ku jira Hey’adda UNESCO 2011-kii, waxaana aqoonsaday Golaha guud ee Qaramada Midoobey 2012-kii in maanta oo kale dunida looga dabaal dago maalinta Raadiyaha, si loo dhiiragaliyo howlwadeennada Warbaahinta, loona xoojiyo doorkooda wacyagalinta bulshada.

Haddaba adeegsiga Raadiyaha ayaa ah dunida oo dhan mid aad muhiim uga ah ilaa maanta oo ay jiraan aalado kale iyo teknolojiyadda casri ah oo ku soo biirtay dunida sida internetka oo ay ka dabo dhasheen isticmaalka baraha bulshada oo iyana fududeeyey iska warqabka bulshada dunida .

Manta oo kale ayaa laga wada xusayaa dunida oo dhan maalinta Raadiyaha ee caalamiga ah taasina waxay ka marag kaceysaa ahmiyadda uu raadiyuhu leeyahay.

Raadiyaha waxaa loo adeegsadaa sida Warbaahinta kale in dadka lagu siiyo xogaha ay u baahan yihiin, wax ayaa lagu baraa waana lagu madadaaliyaa.

Raadiyaha waa aalad fudud oo gacanta lagu qaadan karo wuxuuna u baahan yahay labo batari oo keliya taasna wuxuu kaga duwan yahay telifishanka oo u baahan muraayad, koronto iyo muuqaal qabte ( receiver), sidoo kalena qofku raadiyaha meeshuu doono ayuu u qaadan karaa .

Raadiyaha waxaa loo adeegsan karaa barnaamijyada wacyigalinta waayo mar keliya hal raadiye waxaa wada dhageysan kara in ka badan afartan ruux .

Raadiyaha sida Raadiye Muqdisho waxaa loo adeegsan karaa ololeyaal la mid ah kii barashada af soomaaliga oo waxa ugu weyn ee suurtagaliyey uu ahaa raadiyaha.

Dejintii dadkii abaaruhu soo baro kiciyeen si la mid ah taas waxaa taabagalinteeda loo adeegsaday idaacadda, waxaa kale oo uu qeyb ka ahaa baraarujintii shacabka xilligii ay socdeen dagaaladii 1977 ee dhexmaray Soomaaliaya iyo iyo Itoobiya oo raadiyuhu ahaa isha keliya ee lagala socday hadba meesha ay marayeen ciidanka Soomaalida isla markaana laga guubaabin jiray.

Awoodda raadiayaha waxay ku xoog badan tahay dhulka miyiga ah oo ilaa maanta lagu arkayo nin ceel jira ah oo uu garabka ugu jiro raadiyaha oo kala socdo akhbaarta inkastoo muddooyinkan dambe idaacaduhu u bateen nooca FM-ka loo yaqaano oo aad looga maqlo magaalooyinka ay ka dhisan yihiin halka xilliyadii hore ay jireen idaacado ka hadla mowjadaha gaagaaban iyo kuwa dhexe.

Si kastaba ha ahaatee lama fududeysan karo dowrka ay idaacaduhu weli kaga jiraan bulshada Soomaaliyeed iyadoo dadka da’da ah ay weli ku dhegan yihiin dhageysiga idaacadaha halka dhallintu u badan yihiin adeegsiga baraha bulshada.

Muqdisho weli kama suulin ama lagama waayin waayeel ku tiirsan Idaacadaha oo subax walba ku dheelmada xilliyada wararka isuna tebinaya oo isaga sheekeynaya wixii saaka ay ka soo dhageysteen idaacadaha oo is leh “Idaacad hebela maanta waxay sheegtay sidaas”.

Taas waxay muujineysaa ahmiyadda idaacaduhu ummaadeena u leeyihiin waayo xitaa geel jireyaashu waxay si waafi ah ula socdaan xaaaladda dalka hadba halka ay mareyso.

 

WQ;Osman dhiblaawe

BOGGA WARARKA DIBADDA GXX101 EE 2023 —————————————————————————————————————————————— QARAMADA MIDOOBAY OO KU BAAQDAY GARGAAR DHEERAAD AH OO LA SIIYO TURKIGA IYO SUURIYA

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay lacag badan ku bixiyaan gurmadka loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya.

Madaxa Qaramada Midoobay  ayaa sidoo kale  ku dhawaaqay shir deeq ah  oo dhacaya todobaadka soo socda,kaas oo ay  isugu imaan doonaan dalalka deeq-bixiyayaasha caalamiga ah .

Dhinaca kale,Bangiga Adduunka ayaa u ballan qaaday Turkiga lacag dhan $1.78-bn oo gargaar soo kabasho ah.

Kolanyadii ugu horreeyay ee gargaarka Qaramada Midoobay ayaa gaaray waqooyiga-galbeed Suuriya ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka, iyadoo aan la soo marin goobaha ay maamusho dowladda Suuriya

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada Turkiga iyo Suuriya ayaa dhaaftay 21,000. Ugu yaraan 17,674 qof ayaa ku dhintay Turkiga, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay, halka la og yahay in 3,377 ay ku dhinteen Suuriya.

Xigasho: SONNA

TIRADA DADKA KU DHINTAY TURKIGA IYO SYRIA  OO GAARTAY 16-KUN

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirradii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ayaa sii dhaafaya 16,000,xilli ay sii yaraanayaan rajada laga qabo dad nool oo weli ku jira burburka dhismayaasha.

Ugu yaraan 12,873 qof ayaa ku dhintay Turkiga, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha, halka ugu yaraan 3,162 lagu dilay Suuriya.

Rajadii laga qabay in la helo dad ka badbaaday dhulgatriirka ayaa si degdeg ah u sii yaraanaysa, iyadoo dadka deggan koonfurta bari ee Turkiga iyo waqooyi-galbeed ee Suuriya ay dhaleeceeyay waxa ay ugu yeereen qaabka ay u socdaan dadaallada baadi goobka iyo samatabbixinta dadka.

Iyadoo qabowgu jiro, shaqaalaha samatabbixintu waxay weli dadka ka soo saarayaan burburka maalintii afraad.

Xigasho: SONNA

ERDOGAN OO BOOQAN DOONA GOOBIHII UU KA DHACAY DHULGARIIRKII TURKIGA

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u safri doona meelaha ugu daran ee ay saameyeen dhibaatooyinka dhulgariirka, ka dib markii uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya Isniintii ayaa gaartay in ka badan 9,600.

Ugu yaraan 7,108 qof ayaa ku dhintay Turkiga, halka ugu yaraan 2,530 ay sidoo kale ku dhinteen Suuriya,waana dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa muddo toban sano ka badan.

In ka badan 70 waddan ayaa ku yaboohay kooxaha samatabbixinta iyo gargaarka,kuwaas oo haatan ku sugan dalkaasi.

Illaa 12,000 oo shaqaale Turki ah oo ay la socdaan 9,000 oo askari,ayaa baadigoob iyo samatabbixin ka wada meelaha ay dhibaatadu saameysay.

Xigasho: SONNA

IN KA BADAN SHAN KUN OO KU DHINTAY DHULGARIIRKII KA DHACAY TURKIGA IYO SUURIYA

Ugu yaraan 3,419 dhimasho ayaa laga soo sheegay Turkiga, halka 1,581 qof ay ku dhinteen Suuriya. Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa inay sii korodho.

Yunus Sezer, oo ah madaxa hay’adda AFAD, ayaa sheegay in 15,384 qof oo dheeraad ah ay ku dhaawacmeen Turkiga, halka 6,217 dhismo ay dumeen.

16,400 oo shaqaalaha gurmadka ah ayaa ka howlgalaya goobaha ay dhibaatadu ka dhacday,waxaana Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu tilmaamay in si wadajir ah ay uga gudbi doono masiibadaasi.

Xigasho: SONNA

MAALMO KA HOR DOORASHADA NIGERIA, BUHARI AYAA MAGCAABAY GUDDI DIYAARISA XILWAREEJINTA MADAXWEYNAHA CUSUB

 

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa Khamiistii saxeexay amar fulineed oo lagu dhisayo gole fududaynaya xilliga kala-guurka iyo xil-wareejinta madaxweynaha cusub ee ku soo bixi doona, doorashada dalkaas ka dhacaysa bisha February 25-keeda.

Buhari oo 80 jir ah, ayaa dastuurka dalkaasi ka mamnuucay inuu u tartamo doorashada, wuxuuna noqday madaxweynihii labaad ee dalka Nigeria ee dhamaysta laba muddo xileed, tan iyo wixii ka dambeeyey, markii la soo afjaray nidaamkii milateriga ee dalkaas ka ariminayey, sannadkii 1999.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xoghayaha xidhiidhka gobollada ee Nigeria, inuu guddoomin doono, guddida xil-wareejinta, iyaga oo shaqadooda bilaabi doona maalinta Salaasada.

Illaa saddex musharax ayaa ugu cadcad tartanka doorashada madaxtinimada ee dalka Nigeria, kuwaas oo uu ka mid yahay Bola Tinubu oo ka sharaxan xisbiga talada haya, Atiku Abubakar oo ka sharaxan xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn iyo Peter Obi oo ka sharaxan xisbiyada yaryar.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay

Xigasho: VOA

DUQA BARCELONA OO WARAAQ YAAB LEH U DIRAY RA’IISAL WASAARAHA ISRAA’IIL

Duqa magaalada Barcelona Ada Colau ayaa jartay xidhiidhka rasmiga ah ee magaaladeedu ay la leedahay dalka Israa’iil, iyada oo ku eedaysay in dalkaasi uu ku kacay “dembiyo la xidhiidha, midab takoor ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta”.

Go’aanka ay qaadatay maayarka Barcelona ayaa saamayn yar ku yeelanaya dawladda Israa’iil, hase ahaatee waxaa tallaabadani keeni doontaa in meesha laga saaro, heshiiska 25 jirsaday ee lagu mataaneeyey Barcelona iyo Tel Aviv.

Magaalada Barcelona oo caan ku ah dhinaca dalxiiska, iyo xataa kooxaha kubadda cagta ee dunida ugu magaca dheer, ayaa tallaabada ay qaaday wuxuu si guud u muujinayaa, dhaleecaynta sii kordhaysa ee ka dhanka ah dalka Israa’iil, taas oo lagu eedaynayo inuu ku kaco falal midab-takoor ah.

Israa’iil ayaa iyadu diiday eedaha loosoo jeediyey, iyada oo ku tilmaantay inay yihiin uun Yuhuud Nacayb.

Maayarka ayaa waraaq u dirtay ra’iisal wasaaraha Israa’iil taas oo ay kula socodsiinayso go’aankeeda, iyada oo u sheegtay inay tallaabadani jawaab u tahay, olole xooggan oo ay sameeyeen ururo kala duwan oo maxalli ah iyo kumanaan qof oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha madaniga ah.

Maayarka ayaa tusaale u soo qaadatay qaar ka mida siyaasadaha Israa’iil ee laga cabanayo oo ay ku jirto, in milateriga dalkaasi uu muddo ku siman 55 sano inuu haysto Daanta Galbeed, “qabsashadii bariga Jerusalem iyo dib u deegaamaynta dhulalka Falastiiniyiinta.

Dawladda Israa’iil ayaa beenisay eedaha loo jeediyey iyada oo go’aankan ku tilmaantay mid ku salaysan Yuhuud nacayb, iyada oo ku tilmaantay arrin nasiib darro ah.

Warbixintan waxaa qortay AP

Xigasho: VOA

———————————————————————————————–

Turkiga oo Xirxiray qandaraaslayaal dhismo

Dowladda Turkiga ayaa Xabsiga dhigtay 33 qandaraasleyaal dhismo sababo la xiriira cillado dhanka dhismaha ah iyo khaladaad dhismaha la xariiro oo lagu arkay Magaalada ugu weyn koonfur bari Turkiga ee Diyarbakir, taasi oo uu aad u saameeyay Dhul-gariirkii halkaasi ka dhacay dhawaan.

Wakaalada wararka Anatolia, ayaa sheegtay in xafiiska xeer ilaalinta ee Diyarbakir uu bilaabay baaritaan ku aadan sidii loo ogaan lahaa cilladaha iyo khaladaadka la xiriira dhismooyinkii ku burburay dhulgariirkii Isniintii la soo dhaafay ku dhuftay magaaladan.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in weli ay socdaan baaritaanno lagu hayo qandaraaslayaasha la xirxiray ee qaabilsanaa dhismaha magaalada Diyarbakir.

Ciidamada Boliiska oo gacanta ku dhigay burcad hubeysan

Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay labo kamid ah burcad hubaysan oo qori AK47 ah ku dhacayay goobo ganacsi oo ku yaalla degaanka Weydoow ilaa aagga degmada Dharkenley, kuwaas oo muuqaalo laga helay lagu baahiyay Baraha Bulshada, iyagoo gudaha u galaya goobo ganacsi oo ay kamid tahay goob Pharmacy ah.

“Baaritaan dheer kadib ciidanka booliska degmada Dharkenley ayaa soo qabtay labadaan nin ee Burcadda ah, waxaana lagu soo xiray Saldhigga Degmada Dharkenley, ciidanka ayaa ragaan ka qaaday agab kala duwan oo ay ka soo dhaceen bulshada, Muwaadiniinta ay burcadaan dhaca u geysteen waxaa laga codsanayaa inay soo wacaan lanbarka gaaban ee 991, si loogu hagaajiyo xoolaha ka maqan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir

Ciidamada Booliiska Soomaaliyed ayaa maalmahaan waday howlgallo lagula dagaalamayo kooxaha burcadda ee bulshada dhaca kuwaa oo tira kamid ah la soo qabtay.