SHEEKADII AW-MURIIDI IYO QISADII UU KALA KULMAY ODAY DHAQAMEEDKIISA

Waxay aheyd subax roob badan uu ku hooray waddooyinka Muqdisho uuna ka dhigay biyo qulqulaya , kuwo meel fariistay oo aan laga mari Karin iyo waddooyin qashin iyo biyo is wata ay soo buux dhaafiyeen.

Wuxuu Aw-Muriidi ka soo dhaqaaqay luuqyada xaafadda Koodka isagoo soo maray Cadayga oo labaduba isugu darsameen cariiriga iyo qoyaanka roobka taas oo ka dhigtay meel mararka qaar aan la haweysan Karin laakiin Aw-Muriidi waa adkeystay inkastoo marar badan uu kufkufay oo kabuhu ka dhooqoobeen,

Meel ku dhow wadada Rooma ayuu kula kulmay saaxiibkiis Shooble oo ay fariisteen goob yar oo lagu shaaho kafeeygana uu ka cabbo wuxuuna Aw-Muriidi isla markiiba bilaabay in uu ka hadlo arrimaha doorashada iyo xulista madax dhaqameedka.

“Waxaan u tagay duqii beesha iyo guddigii loo sameeyey xulista laakin waxaas dhahay ninyahow adiga maxaa lagaa faa’idaa ? aniga ma ka waalinin waxaan dhahay “ Maxaa ka waddaa , maxaa lagaa faa’idaa ?”.

Waxaas yiri “ Iskeerso , dadka ma lagu xulo, horta aniga afka ii buuxi , lugo ii yeel , macnaha baabuur aa ii gadee , ka bacdi lee waaye “.

Waxaan dhahay “ Meeqa camal aa liiska rabaa ?” ..Duqa ma ba is wareeririne waxaas yiri dadka intii laga qaado wax aa lagaa dhimaa laakiin horta soo bood”.

Shooble ayaa hadalkii qaatay oo ku yiri Aw- Muriidi “ Maxaad tiri hee , adina waa ku ogahay dab yar ma shidayside?”.

Waxaan dhahay “ walaalow ani waxaan soo doontay xil iyo shaqo ma ahoo…guri maan gadanooyaa..mase dhul aan dhisto aan kaa soo doonaty oo beec kaa eh?”.

Odayga waaba xanaaqay  waxaas yiri “dheedheel aa wadataa adi run ma kaa aha , haddii xildhibaan rabi laheed saan ma u hadli laheen..dadna meel ii soo maraan ay la’ yihiin oo ay igu arkaan adna sidaan aa leedahay .

Shooble ayaa Aw –Muriidi ku yiri “ adi waaba duqowdee hadda iyo xil ma xaa ka rabtaa, tusbaxaa qaado , salaadada tuko, meelna iska fadhiiso nooh.

Aw- Muriidi ayaa markaas ku jawaabay “Aniga dadkaan wada ordaayo oo xildhibaan raadihaayo maxaa iga reebay, ma u qalmi miyaa , meeqaa iga waaweyn oo weli siyaaso ku jirto, adna saas ma I dhahee?”.

Labadii oday waxay mar dambe isku raaceen in ay u tagaan oday kale oo la yiraahdo Kaleelow oo isna beesha ah oo degenaa meel aan waddada Rooma ka fogeyn.

Markii ay Kaleellow u tageen ayaa la soo dhaweeyey waxaana loo sheegay in kaleelow aanu dheereyn oo uu ku maqan yahay dukaanka shaarkey oo isla waddada Rooma ku yaalla halkaas oo uu subaxii u faalalo oo uu u sheeko doonto waxaana loo diray wiilkiisa yare e sharmaan.

Intii lagu maqnaa kaleelow ayuu Aw-Muriidi oo caro badan muujinaya oo isku kala bixiyey gogoshii loo fidiyey wuxuuna ku gam’ay halkii iyadoo Shoobel iska fadhiyo oo arrinkii Aw-Muriidi ku dhacay weli ka fakayo.

Aw-Muriidi waa quuriyey wuxuuna bilaabay in uu barqo riyoodo..isagoo ku riyoonaya sidan.

Aw-Muriidi wuxuu iibiyey dhowr guri oo uu ku lahaa Xamar/weyne iyo Aw Aweys wuxuuna soo qaatay lacagtii oo uu keensaday guriga si uu ugu qarshgareeyo arrimaha la xiriira raadintiis xubin baaralamaana ama aqalka sare laakiin waxaa habeen habeenada ka mid ah yimid roob mahiigaan ah oo qasaare weyn geystay .

Gurigiisii oo ahaa dabaq duq ah oo waqti dheer ka hor la dhisay oo xilliyadii dambe aan la dayactirin isagoo ka baqaya haddii uu dayactiro in la tuhmo in uu lacag heysto oo dabely hubeysani ka dhacaan ayaa soo dumay ..dulka ayuu ku darmay kolkaas ayaa Aw-Muriidi uu garan waayey halka ay ku dambeysay boorsadii uu ku ogaa lacagta oo uu is lahaa toddobaadka dambe ku shaqo tag .

Odaygii waalli ayaa la soo deristay iyo hedba meel u carar oo xitaa wuxuu ilaaway badbaadintii qoyska wuxuuna bilaabay in uu dhulka ku rafto oo si aad ah u ooyo oo dhulka isku garaaco.

Shooble oo ag fadhiyey ayaa la yaabay waxa odayga ku dhacay oo uu la qylinayo dhulkana isugu garaacayo waxaana soo dhoobtay qoyskii ay martida u ahaayeen ee reer Kaleelow oo la yaabay Aw-Muriidi .

Kaleelow ayaa la soo kulmay odayga oo weli sambariiray oo hurdada markaas laga toosiyey wuxuuna Kaleelow yiri”Muriidii ani waa ku kasaa  qaraowgaan..meeshiis tagaba waa iska hurdaa hadana waa qeylihaa.

Aw-Muriidi waxaa la yiri maxaa kugu dhacay wuxuuna ku jawaabay  isagoo bedelaya wixii uu ku riyooday runtana aan ka sheegein” waxaan ku riyooday anigoo i-PHONE 12 la ii sood diray, ka bacdi habeen anigoo salaadda subax u socdo oo gacantana ku wato ayaa labo nin iga daba yimaadeen waa I qabqabteen waxay dhaheen keen telefoonka waa diiday ka bacdi labada nin midkood aa soo baxday mindi dheer oo kuwa geelka lagu qalo camal eh..gacantaas ii dhuftay gacantii kaf ay tiri haddiin fiiriyaba dhulkay ku dhacday..qeylada aad maqasheen xanuunkii gacanta waaye.

WQ: Mohamed Shiil

SHEEKADII ADEEGTO (QEYBTII 5-AAD)

Xaaskii hadalkii ama taladii inta ka kala firdheen bay dhannaba joogi la’dahay. Way garwaaqsiisanayd inay dambi gashay, inkastooy qof kibir iyo talo xumo u geysay tahay.

Mar dambe oo dhawr saacadood la oran karo way ka soo wareegeen intii indhaha uun layska eegayey maskaxdana laga wada fekersiinayey ayaa xaaskii iyadood mooddo inay daal ma jirro la kici la’day inta istaagtay gurigii gashay.

Waxay odaygii iyo wiilkii soo hordhigtay xeero qori aho hilbo caato ahee solani dhex saaran yihiin.

Wax hadal ahi kama soo yeerin afkeeda ee intey sidii kubbad la soo laaday dhulka xeeradi ku soo taraarixisay bay isaga hartay.

Inanka oo baahi qaan-gaar ahi haysay ayaa haddiiba xeeradii gacanta u daruuriyey. Cad ayuu sodhufsaday oo uma daahine afka la aadey. Inanka waxaa hayey baahidana uga culays badnaa oon wuxuuna joogey heer uu wax maqliwaayo ama dhago weddoobeyba afka jiiIka kaga yiil ee harraad iyo gaajo ku ilkáystay dartood ah waxaad mooddey qurac duruja ah jilifti.

Uu rud is yiri hilibkii maahee wuxuu ogaadey inaan afkaba wax calyo ahi ku dambayn. Wuu isku sii dirqiyey oo inta rudey calali maagay, ha yeeshee tahartii caatada ahayd ayaa ka qoyaan roonaatay afkuu rabey inuu iyada ku cuno.

Dhawr kol markuu hadba dhan ugu cayrshay, dhawr gowsna u qarqariyay ayuu dareemay qoyaan iyo xanuun isku qasane afka ku baahaya. Wuxuu heli waayey meesha qoyaankani ka yimid oo waxaa ka sayid caleeyey gaajadii haysay iyo calooshu siday ugu baahnayd wax lagu rido bal inay dabkay shidayso qaar yarayso.
Isagoo weli rudmadii hore la rafanaya ayuu mar dambe u adkaysan waayey xanuunkii. Intuu soo qabtay tahartii ayuu la aadey dab meel fog ka shidnaa. Wuu eegay mise tahartuba waa wäda dhiig. Intuu iska tuuray buu afkiisii dib ugu noqday. Meeluhuu xanuunka ka dareemayey, ayuu soo taataabtay oo dabkii faruhu ku soo taabtay ku eegay, mise dhiiggu afkiisu ka burqanayaa.

Garay sababta dhiiga keentay afka qallalan iyo taharta dagaalkii dhexmaray. Waxa ugu sii darraa isagoo dhaawac ugu sii darmay afkii awalba engegnaa. Luqluqasho ama daawana daaba.

Isagoo go’ calaloo uu huwanaa dacalkii iyo gacan afka iskula haya ayuu ardaagii dib ugu soo laabtay. Wax hadal ah ma uu oran, maxaa yeelay inaan laga gurayn ayuu ogyahay goobtuna siba u carqaladaysan tahay.

Intiiba, haddii afkii qallaylkiisii ayuu ku noqday. Isagoon hadlayn, ha yeeshee xanuun qarsanaya ayuu si uu neecowda uqaato wuxuu isku kala tuuray ardaaga meeshuu ka seexan jiray isagoo cirka iyo xiddigga badnaantiisa eegaya.
Odaygii isagoon hadlayn ayuu inta dhawr tagarood ka walam walamsiiyey, qorigiisii oo xabbado dhuunta u yaalliinna inta la soo fariistay isagoo salka dhulka ku haya iska hammiyéy.

Xaaskii intay ilmiihii oo meelaha kala daadsan gurigii gudihiisii u daad gureysay bay iska dhex seexatay. Meeshaa hadalka ama daqaqanku aad buu u yaraa. Doodi kama ay furrayn oo duruuftaa ahayd mid aan oggolayn wax nolol sidaas ahi ku sii jirto.

Dhammaan waxaa loo wada muuqday dad isu wada cadow ah, is wada neceb. faylaha is wada jaraya.

KIRADA GURYAHA IYO GOOBAHA GANACSIGA OO QIIMAHOODU SARREEYO

Tobankii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay kor u kac ku yimid kirada oo halkii awal ka ahaan jirtay qolkii $50/= ayaa isu beddelay $60 ilaa 100 U$D/

Nuska boos kiradiisu ayaa noqday $300 U$D oo ka kooban 3 qol, Suuli iyo Kushiin, laba qol oo gaar ah ayaa $200/= sidaasi oo ay tahay ayaa haddana lagu kireeyaa horumaris.

Guryaha oo uu kireeyo dulaal ayaa qaata ugu yaraan $500/= halka beryahan dambe ay la soo ifbaxeen horumaris laba bilood ah la bixiyo.

Run ahaantii  ruuxa xaq looguma laha , haddii sidaas la gartay waa in aan laga tegin isxaanka oo ruuxa doonaya guri in uu kireysto laga qaado bil keliya.

Waa arrin xunuun ku heysa danyarta oo aan iska bixin Karin kiradaas qaaliga ah iyo horumaris laba bilood ah.

Waxaa jira dad ku mashquulay dhisidda guryo kana dhigtay qaab ganacsi oo kireeyaan una aaba yeelin dadka u baahan in ay helaan guryo ay degaan oo laga kireeyo ayna kaga kireeyaan lacag aysan iska bixin Karin , sidaasi oo ay tahay ayaa haddana sannad kasta lagu kordhiyaa dadka guryaha kirada ku deggan, waa in la eegaa wadciga maanta loona turaa danyarta lagana tegin isxaan falidda.

Dhinaca kale, waxaa cabasho ka jirtaa goobaha ganacsiga oo kirada la bixiyo ay ka sarreyso biilka guriga.

Gnacsato ayaa cabasho ka muujiyey dakhligooda iyo biilka guriga ityo kirada ay tahay mid faa’ido la taaban karo laga soo hooyo inkastoo ay jirto hadbo loo dhisay  hanacsatada hadane kuma qanacsana qaarkood in ay dagaan goobahaan iyadoo ay ka door bideen in ay ku ganacsadaan hareeraha jidadka iyo laaamiyada ayagoo aaminsan in jidadka wax loogu iibsan karo kaliya taa soo ahayn mid quman oo kalsoonida Alle ka fog.

Dadka haatan  la ildaran abaarta iyo biyo la’aanta ayaa u baahan gar-gaar bini-aadanimo  dadka iyo xoolaha inta ka hartay oo la’ biyo baadba, baliyo iyo ceelal oo si baahsan loogu fidiyo goobaha iyo deegaanada miyiga ah ayaa kaalin ka qaadan karata kolka ay dadkaasi la soo gudboonaato roob yarida.

Arinta si kastaba ha ahaatee meelaha ay haatan ka jirta abaarta ayaa u baahan in loo fidiyo gurmad biyo dhaamin iyo gar-gaar.

WQ: Ibraahim Abuukar Fanax

DHOOFINTA LIIMO DHANAANTA LA QALLAJIYEY.

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu  ku salaysan yahay ama ku tiirsan yahay waxyaabo fara badan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu Ilaahay ina  siiyay waddanka Soomaaliya sida Xoolaha, dhulbeeraadka, xeeb laga kalluumaysan karo iyo nimcooyinka dhulka ku aasan ee aan laga faa’iidaysan wali sida Birta, Dahabka, Uraniumka, Saliida Shidaalka, iyo waxyaabo fara badan oo aan la soo koobi karin, kuwaas ay ka mid yihiin dhul bilicsan oo Dalxiiska ku wanaagsan sida dhulbaraha Adduunka ee equetar ama Raas-kambooni meeshaas oo ah meel ay adduunka oo idil u soo dalxiis tagi karaan.

Waxaa u sii dheer Soomaaliya in ay ku taallo dhul istraatiiji ah markii loo fiiriyo geopolitical, taas oo macnaheedu yahay in ay soomaaliya isku xiri karto Qaaradaha Afrika iyo Aasiya iyo Yurub.

Waa dhul ku wanaagsan dhinac logistica-da oo ay noqon karto dhul beec mushtar ah.

Dhanka beeraha, Soomaaliya waa dal ku wanaagsan beerashada,waxaana ka baxa inta badan mirooyin  kala duwan sida Liimo dhanaanta .

Liimo-dhanaanta waxay ka mid tahay miraha dalkeena Soomaaliya sida aadka ah uga baxa, waxayna faa’iidooyin badan u leedahay caafimaadka ruuxa Aadamiga ah iyada oo dhakhaatiirta ay kula taliyaan in ay bulshada Liimo dhanaaanta ay isticmaalkeeda badiyaan taasi oo ka hortageyso xanuuno badan.

Beeralayda Soomaalida ayaa Liimo dhanaanta u iib geeya dalka dibaddiisa ka dib markii ay Umadda Soomaaliyeed ka helaan qidmad ku filan nolol malmeedkooda.

Iib geynta Liimo dhanaanta ayaa waxa ay sababtay dad badan in ay bilaabaan in ay si saa’id ah ay u beertaan Liimo dhanaanta, taasi oo aad ku arkeyso beeraha ay ku abuuraan kun geed iyo in ka badan oo  Liimo dhanaanta ah.

Dhoofinta Liimo dhamaanta ayaa waxa ay faa’iido u tahay dhallinyaro badan oo shaqo la,aan ah kuwaas oo ka faa’iideysanayo in ay ka shaqeeyaan qalajinta Liimo dhanaanta iyo sidoo kale in loorar ay ku cabeeyaan sida loorarka loogu cabeeyo digirta oo kale.

Sidoo kale, waxaa Liimo dhanaanta shaqa abuur ka helay  baabuureyda kuwaa oo soo rara Liimo la qalajiyey ayaga oo geeynaya Dekadda magaalada Muqdisho halkaas oo Markab laga saarayo Liimo dhanaanta.

Faa’iidooyin badan ayey leedahay wax dhoofinta taasi oo sababta dad badan oo Soomaali ah ay bilaabaan in ay wax soo-saaraan sidoo kale  beeraleyda  ayaa bilaabay in ay wax soo-saaraan ayaga oo beerahooda dalagyo kala duwan ku abuuraan .

Kobac iyo hormar ayaa ka socda dalkeena taasina waxaa daliil u ah in aan dibadda wax u dhoofinno sida Xoolaha nool oo aan u iib geyno, sidoo kale Muuska iyo Liimo dhanaanta la qalajiyey ayaan u dhoofinaa dalka dibaddiisa taasi oo sahashay in dad badan shaqa abuur u noqdaan in kasto shaqala’aanta ay aad u sameeysay dhallinyarada balse dhallinyara badan ayaa  ka faa’iidaystay fursadahaan.

Haddaad si dhab ah u fiirisid waddamada adduunka, waddan walbo dhaqaalihiisa wuxuu ku salaysan yahay hal ama labo arrimood, sida waddanka Sucuudiga oo dhaqaalihiisa ku salaysan yahay Saliidda cayriinka ama Batroolka.

Waddanka Finland wuxuu dhaqaalihiisa ku salaysan yahay geedaha ama alwaaxda.

Waddanka Iceland dhaqaalahiisa wuxuu ku salaysan yahay Kalluunka.

Waddanka Ethiopia dhaqaalihiisu wuxu ku salaysan yahay wax soo-saarka beeraha, waxaad arkaysaa waddamo dhaqaalahooda ku tiirsan yahay Dalxiiska,

kuwa kalana waxay ku tiirsan yihiin wax soo-saarka Warshadaha .

WQ: Abdinaasir Aadan Yuusuf

SAAMAYNTA HALKU-DHIGGII MADAXWEYNAHA GUDAHA IYO DIBADDABA!!

Waxaan shaki ku jirin halku dhiggii Madaxweyne Xasan Sheekh  ee ahaa “Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la ah” uu Gudaha Dalka iyo dibadiisaba ka hirgalay, taasna waxaan daliil kaa dhigayaa haddii aad daliil iga waydiiso arimahaan hoos ku tibaaxan.

Marka hore haddii aan ka faaloono gudaha dalka halku dhigga Madaxweynaha si wanaagsan oo mucjiso oo kale ah ayuu uga dhaqan galay—Bal fiiri sida ay isula jaanqaadeen dawladda dhexe iyo Maamul gobolayda dalka ka jira, mar kasta oo arin daacad laga noqdo isla markaana la helo hogaan daacad ah waxaa si Owtumaatik ah loo arkaa wada shaqaynta oo hagaagta, isla markaan kalsooni wayn oo abuuranta, taas oo iyadana sii dhasha midnimo guud oo ka dhalata, meeshana ka baxdo farqiyada yaryar ee lagu kala duwanaa.

Waxaa maanta iska cad oo aan caad saarnayn isla jaanqaadka Dawladda federaalka ah iyo iyo maamul goboleedyada in ay keentay dib u xuraynta goobo badan oo dalka ka mid ah iyada oo si wanaagsan looga dulqaaday heeryadii ay khawaarijtu dul saareen 15 sano ka hor iyaga oo argagaxisadu dhac dil iyo xarig aan kala joogsi lahayn iskugu dartay dadkii ay awooda aan jirin ku haysteen.

Sideedaba argagaxisada meelaha ay haysteen waxay ku qabsadeen isku diridda beelaha goobahaasi ku nool, iyaga oo ku dhaqmayey mabd’a xaaraanta ah ee ku dhisnaa isku dir dadka markii ay tabardareeyaana xukun adag dul dhig iyaga oo aan ku dareemin, taasna waxaa meesha ka saartay halkudheggii Madaxweynaha Umadda oo shacabka soomaaliyeed u kala tilmaantay in heshiiska soomaalida iyo midnimadooda looga adkaan karo cadawga dulaystay.

Iyada oo taas laga duulay isla markaana abaal looga haayo aragtidaas waxaa meesha laga saaray argagaxisadii, waxaana la xaqiijiyey goobo badan oo ka mid ah hirshabeele, galmudug iyo goobo kale oo fara badan, waxaana maanta u cadaaday dadka soomaaliyeed in la iska celin karo xoogna loo sheegan karo argagaxisada oo riyoon jirtay in ay waligood dul saarnaanayaan umadda soomaaliyeed isla markaana ay gabaad uga heli karaan dalkeena argagaxisda kale ee dalalkoodii laga soo cayriyey ee iska dhaadhiciyey in ay nololoshooda baaqi ku sii ahaan karto dalkeena.

Dhinaca kale haddii aan ka eegno halku dhigga madaxweynaha dhinaca dibadda waxaa la xaqiijiyey in caasimadda muqdisho usbuuc ka hor ay isugu yimaadaan hogaamiyayaasha wadamada safka hore loo yaqaan sida Ethopia, kiinya, Jabuuti waxaana garwadeen shirkaasi ka ahaan madaxweyne Xasan sheikh Max’uud.

Waxaa la isla gartay shirkaasi in iyada oo aan loo turin Argagaxisada si wada jir ah looga xaaqo dalka Soomaaliya isla markaasna ay wadamadaas xuduudahooda ka ilaashadaan firxadka argagaxisida ee naftooda la cararayo.

Si kastaa arintu ha ahaatee waxaa lama huraan ah in argagaxisda laga dhameey Geeska Africa guud ahaan gaar ahaana dalka soomaaliya oo sando ay u afduubnaayeen argagaxisdaas arxanka daran ee waqtigaas aadka u dheer ay dadkeena u afduubnaayeen.

Dalka Edatorial  

 

KU KAADINTA SAMSAMKA!.

Waxuu wariyay Ibnul-Jawsi dhacdo ka dhacday xajka xilligiisi, waxuu sheegay in xilli ay xujayda dawaafayeen kacbada, qaarna ay biyo ka darsanayeen ceelka Samsamka, uu yimid nin reer baadiya ah, uuna xaytay maryihiisi, kadibne uu ku kaadiyay ceelkii biyaha Samsamka!. Dadki ayaa ku soo yaacay, si xunne u garaacay, illaa ay askartii ilaalada ka fujiyeen, waxaana la horgeeyay madaxii Makkah ee xiiligaas. Waxa uu weydiiyay sababta ku kalliftay in uu sidaas sameeyo?, waxa uuna ku jawaabay “Waxa aan doonayay in dadku I aqoonsadaan, oo la I dhaho waa ninkii ku kaadshay Samsamka”!.
Foolxumada iyo liiddanaanta falka ninkaas kadib, waxa uu ku ugu suntay magaciisa taariikhda doqonnimadiisa iyo foolxumad ficilkiisa, waana halka ay la gaartay raadinta caannimada, iyo jacaylka is-muujinta, waxa uuna sidaas ugu noqday caan, waloow ha ka soo-galo mid kamid ah albaabada ugu xun ee ugu hooseeyo taariikhdee, si gaar ah falkaas oo aanan u baahnayn wax u dedaalid dhaqaale ama dedaal bixin ah!.
Qofki eego maanta waaqaceenna, iyo nolosha baraha Bulshada, waxa uu ogaanayaa in ninkii ree baadiyaha ahaa, ay madrasadiisa ka soo baxeen arday badan, uuna yeeshayba taageerayaal aanan la tirin karin, kuwaas oo ku tunto xeerarka Bulsho, oona hareer maro dhaqammada toosan, kana tallaabsado Anshaxa iyo mabaad’ida toosan. Waxa ugu weyn ee ay raadinayaan ayaa ah caannimada, sheegidda, Jacaylka soo-muuqashada iyo is-caan-bixinta!.
Tusaalayaasha ardayda Madarsada ninkaas waxaa kamid ah; kuwa Baraha bulshada tuuran ee ku caanbaxay, ama ba isku-caan-bixiyay cayda, aflagaaddada, wax-kasheegga qabiillada iyo duridda dadka wanaagsan!.
Si aad u ogaato tira badnida ardayda Ninkaas, waxaad tagtaa TIKTOK, si aad u aragto heerka akhlaaq liidasho, dhaqan hoobasho iyo garaad xumo ee dhallinteennu marayso!, waxa aad arkaysaa Haweeneey marwo ah, oo marba meel ka duubayso jirkeedi, ninkeedi (anigoo ka xun in aan ku dari karin rag ah!), gurigeedi iyo wax walboo qarsoonaa, ayna ahayd in ay daboosha!.
Waxaad arkaysaa gabar dhallinyaro ah, laga yaabo in ay ardayd tahay (Anigoo ka xun in aan summada ardaynimo u qiro!), oo marba meel ka duubayso jirkeeda, lana niikinayso niman kale oo marba meel qabsanayo!. Waxaad arkaysaa wiil dhallinyaro ah oo afkiisa uusan lahayn dabar, dibnihiisuna lamid!, oo hadbo waxa uu isleeyhay way ka yaabin karaan bulshada dheh oo samee, asagoonan dhib u arkayn in laga cuudibiilaysto, ama la ammano, masaajidda laga sheego ama la dhiirrigeliyo!. Waxaa kamid ah kuwa qoraa isku-sheegyaal ah, oo ka tallaabo xeyndaabka anshaxa iyo af-gobaadsi, ayaga oo ugu raadinayo buugtooda suuq sidaas!.
Waxaan dhimrin u dareemayaa ninkaas ku kaadiyay biyaha Samsamka iyo garaaca uu la kulmay, laakiin maanta ay ardaydiisa maamuusayihiin, billad sharafyo ayaana la guddoonsiiyaa, ammaan iyo dhiirrigelin badan ayaana loogu daraa!. Haddabo waxaan si aamusan isku weydiinayaa; dhibtu waa halkee? Ma dhaqankeennaa? Mise waa dhadhankeenna oo waxaan ku dhiirran la’nahay cabburinta codadkaas caannimo doonka ah?, mise waxaan dhibaatada ku tuurnaa Macallinkaas baas, ee maalintaas ku kaadiyay ceelka, illaa maantana ay qulqulka kaadidiisa hallaynayso ceelasheenna iyo illaheenna biyo?!..

 

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka oo Muqdisho soo gaarsiisay dad ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Laascaanood

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka  Qaranka ayaa Caawa Muqdisho soo gaarsiisay markale Qaar kamid ah dadkii dhawacyada culus ka soo gareen dagaalka lixdii maalmood ee la soo dhaafay ka socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hey’adda Maareynta Masiibooyinka  Qaranka, Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa sheegay in dhaawacyada ay gaarayaan ilaa 11 ruux.

Dhaawacyada maanta la keenay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah kuwa qaba dhaawacyo culus, waxaana loo gudbiyay xarruumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada  si loogu baxnaaniyo xaaladooda.

 

18 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

In ka badan 18 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen deegaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Khawaarijtaan oo lagu beegsaday gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada iyo Geedo hoostooda, ayaa waxay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadkii saaka aroortii ku jabay weerar ay doonayeen inay ku qaadaan xero ciidanka Qaranka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa Gaariga la beegsaday iyo kuwii kale ee ku jiray dhulka keynta ah lagu laayay howlgalkaan.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo ka qeyb galay barnaamijka Dood-furan oo looga hadlay tayeynta Waxbarashada dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare  Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ka go’antahay tayeynta Waxbarashada dalka iyo si siman ay ardayda u heli lahaayeen Waxbarasho.

Wasiirka ayaa ka qeyb galay Barnaamijka Dood Furan oo ku saabsan Tayeynta Waxbarashada Dalka oo ay marti ku ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Ardayda wax ka barata Iskuulada iyo Jaamacaddaha Muqdisho.

Ardayda ka qeyb gashay Barnaamijka ayaa su’aalo la xiriira baahiyaha Waxbarashada waydiiyay Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir.

“Waxaa lagu soo arkay deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta in aysan haba yaraate ka jirin wax fursad waxbarasho ah, dowladdana ay ka leedahay qorshe waxbarasho lagu gaarsiinayo’’ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Abduqaadir mar Arday kamid ah ka qeyb galeyaasha Barnaamijka uu waydiiyay.

Wasiirka oo mar laga waydiiyay Mashruuca Dowladdu ku shaqaaleeysiinayo 3000 oo isugu jira Macalimiin iyo Tababareyaal ayaa sheegay in dad badan ay soo dal badeen, isla markaasna ay socoto sidii loo kala xuli lahaa.

“Haddii aad tahay macalin uma baahnid in aad qabiilkaaga soo sheegto, uma baahnid qof kale in aad soo wadato, waxaa kaliya lagaaga baahan yahay Shahaado sax ah iyo in aad Imtixaanaadka ku guulleysatid” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Isaga oo sii hadlaya wasiirka  ayaa yiri “Mushaarka la siinayo macallimiinta ku soo gudubta tartanka waxaan weydiisanay deeq bixiyeyaasha Caalamka, waan kasoo weynay wax taageero ah, nasiib wanaag mushaarka macallimiinta waxaa bixinaya Canshuur Biyayaasha Soomaaliyeed”

Si guud wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay sida Dowladda Soomaaliya uga go’antahay in la hagaajiyo Nidaamka Waxbarashada dalka, si loo soo saaro jiil la jaan qaadi kara dunida inteeda kale, haystana aqoon iyo xirfad sare.

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo qoraal

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof iyo qoraal

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad taagan iyo qoraal

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo taagan

Golaha Shacabka oo loo qeybiyay hindise sharciyeedyo dhowr ah

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa shir Guddoomiyay kalfadhiga 2-aad kulankiisa 17-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Ajandihiisu ahaa;

1-Qeybinta warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.

2)Qeybinta warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.

Qeybinta Hindise sharciyeedka Akhrinta 1aad ee kala ah: 

A)Hindise Sharciyerdka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo maalgashiga.

B)Hindise sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

C)Hindise Sharciyeedka Socdaalka.

D)Hindise Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

E)Hindise Sharciyeedka Hormarinta Maareynta Kalluumeysiga Soomaliyeed.

Intaasi kadib Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona sheegay in sharciyadaan maanta lahorkeenay Golaha ka doodistooda iyo turxaanbintooda ay noqon doonto kulankaan kulankiisa xiga Maantana ay tahay Qeybin kaliya.

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo fadhiya

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad fadhiya iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof, taagan iyo fadhiya