Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Moqokori Hiiraan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka degay magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha Ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasibu tagay dardargelinta hawlgalka ballaaran ee ciribtirka Khawaarijta, waxaana uu la kulmayaa saraakiisha iyo madaxda hoggaaminaysa hawlgalka.

Madaxweynaha Qaranka ayaa sidoo kale maanta tagay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe oo ka mid ah talisyada laga hoggaamiyo hawlgalada lagula dagaalamayo Khawaarijta.

   

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo daah-furay qalabka diiwaangelinta cod-bixiyaha

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u daahfuray qalabka diiwaan gelinta codbixiyaha oo ah qalab casri ah oo lagu qabanaayo doorashada dadwaynaha, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin wayn uu Dalka u jihaystay doorasho dadwayne, Gudoomiye Cabdikariim ayaa sidokle sheegay in 30-ka June Dalka ay ka dhici doonta doorashada goloha deegaanka.

Muddo konton sano ah kadib Shacabka Soomaaliyeed ayaa nasiib u yeelan doona in ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay xaq u leeyihiin shacab-waynaha Soomaaliyeed.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray jiidda hore ee dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada.

Madaxweynuhu ayaa u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobanida dalkeenna.

Dowladda Soomaaliya oo u digtay shacabka degmada Jilib iyo goobaha lagu beegsanayo khawaarijta

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qiimeyn ku sameyneysa khasaaraha ballaaran ee Khawaarijta lagu gaarsiiyay degmada Jilib, markii Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ay beegsadeen goobo ay halkaasi argagixisadu ku lahayd, lagana soo maleegayay shirqoollada iyo dhibaateynta shacabka.

Cadowga Khawaarijta ayaa sida la rumeysan yahay jab xooggan kala kulmay weerarkaasi, iyagoo si dadban u qiraya jabkaasina ay xubno ka tirsan argagixisada ka soo muuqdeen baraha bulshada.

Sida la xaqiijiyay ma jirin dad rayid ah oo wax ku noqday weerarkii ka dhacay degmada Jilib.

Weerarka ka dhacay Jilib ayaa qeyb ka ah hawlgallo ay dowladdu ku beegsaneyso haraadiga kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya meelo kooban oo dalka ka mid ah.

Shacabka ku nool degmada Jilib iyo goobaha kale ee argagixisadu gabbaadka ka dhiganayaan ayaa waxaa mar kale loogu baaqayaa in ay ka fogaadaan goobaha cadowga lagu beegsanayo si loo baajiyo khasaare dadka rayidka soo gaara.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa guulo badan ka soo hoyay dhowaan dagaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo degmada Jilib oo argagixisadu ka soo maleegaan shirqoollada nabadda lagu carqaladeynayo ay bartilmaameed koowaad u tahay ciidamada dowladda.

Ciidanka Qaranka oo jab xooggan gaarsiiyay khawaarijta

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar ku qaaday xubno Khawaarij ah oo ku dhuumaaleysanayay aagga deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellada dhexe.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa warbaahinta Qranka u xaqiijiyey in weerarkan oo billowday waaberigii hore ee saakay ay ku laayeen malleeshiyaadkii Khawaarijta ee bartilmaameedka ahaa.

Saraakiisha ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in weli ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijtii ay ku weerareen goobta ay isku aruursanayeen.

Dhinaca kale, waxaa Khawaarijta lagu jabiyay weerar naflacaari ah oo saakay ay isku dayeen in ay ku soo qaadaan fariisin ciidamada geesiyaasha ah ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Ceelbarwaaqo oo ka tirsan Shabeellada dhexe, waxaana mar kale halkaas cadowga loogu dhigay cashar lama illaawaan ah.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzaniya oo shirar muhiim ah uga qeyb galay Harare

Harare- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya iyo EAC Amb, Ilyas Cali Xasan ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qayb gashay shirka wada jirka ah ee ay caasimadda Zimbabwe ee Harare ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga dalalka xubnaha ka ah Ururada EAC iyo SADC, kaas oo diiradda lagu saaray soo celinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Congo DRC.

Danjire Ilyaas ayaa shirar gaar-gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxda ka qeybgashay kulanka oo ay kamid tahay Marwo Thérèse Kayikwamba, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Congo DRC.

Safiirka ayaa Marwo Thérèse u xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay nabadda iyo xasilooni waarta oo ka dhacda gobolka.

Dhanka kale, waxa uu kala hadlay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Congo DRC iyo sidii wax looga qaban lahaay.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo sagootiyey ciidamo hawlhalka ku biiraya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Khawaariijta.

“Khawaariijta Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta,bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn “Ayuu yiri Taliye Asad

Ciidamada Boliiska ayaa helay Tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda waxaana ay awood buuxda u leeyihiin in goob walba cadowga ku ugaarsadaan si loo soo afjaro dhagarta Khawaariijtu kula kacdo Shacabka Soomaaliyeed.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay hoggaanka hawlgalada ciidamada cirka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgallada cirka ee ciidamadu ay ka fuliyeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu,

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey saraakiisha Ciidamada Cirka dadaalkooda joogtada ah, gaar ahaan xoojinta weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo argagixisada, isagoo tilmaamay in duqeymaha cirka ee lala beegsaday xarumaha Khawaarijtu ay si weyn u wiiqday awooddooda iyo abaabulka dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada cirka ayaa Madaxweynaha la wadaagay xaaladda guud ee howllada iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu xoojinayo Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan tababarrada sare ee ay soo qaateen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto dib-u-dhiska, qalabaynta, iyo tayeynta ciidanka Cirka si ay u gutaan waajibaadkooda, dadka Soomaaliyeedna uga dulqaadaan argagixisada.

Muddoo dheer kadib, waa markii ugu horeysay ee ay ciidanka cirka Soomaaliyeed hagayaan isla markaasna fulinayaan weerarro ka dhan ah argagixisada.

     

Shir ku saabsan yareynta khatarta abaarta Soomaaliya oo Nairobi ka furmay

Nairobi : Guddoomiyaha ha’adda maareynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka daah-furay shirka yareynta khatarta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Shirkan oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya, isla markaana socon doono muddo 5 cisho ah oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Hay’adda nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika ee loo soo gaabiyo ARC ayaa waxaa ka qeybgalay Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, xubno ka socday ARC, mas’uuliyiin ka tirsan START NETWORK oo wada shaqeyn dhow la dheh SoDMA.

Guddoomiye Maxamuud ayaa tilmaamay in shirkan oo socon doono muddo shan cisho ah ay maalmaha soo socda ku soo biiri doonaan xubno ka socda Hay’addaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wafdi ka socda Baarlamaanka JFS iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku biirtay nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika ee loo soo gaabiyo ARC sanadkii 2021-ka kadib markii ay buuxiyeen shuruucdii ku biirista, isagoo intaa ku daray qorshuhu uu yahay sidii Soomaaliya la siin lahaa lacago magdhow ah oo la xiriirta abaarta ku dhufatay dalkeenna. 

Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacay Shabeelaha dhexe

Jowhar : Hawlgal lagu naafeeyey kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan u dhow deegaanka LLabo-garasee gobolka Shabeelaha dhexe.

Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo socod ku jiray ayaa waxaa jidka u galay ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda, halkaas oo kooxda lagu gaarsiiyey qasaare culus.

Ciiddamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay dilaan 5-ka mid dhagarqabayaashii ay jidka u galeen, waxayna ka soo furteen 6-qori oo ay wateen, hawlgalkaas ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyey.