Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo caawa dhulka iyo cirka ka wada howlgallo barakeysan

War Deg Deg ah Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa caawa dhulka iyo cirkaba ka wada howlgallo barakeysan oo ka dhan ah Khawaarijta ku dhuumaaleysanaysa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe,

Warar aynu  ka heleyno jiid hore ee dagaalka ayaa sheegaya in dhoor jiho laga galay waxaana ku socda howlgallo nadiifin ah.

Warkaan oo intaan ka Faahfaasan goor dhaw naga fisha.

Wasaaradda warfaafinta oo guddiga doorashooyinka kala shaqaynaysa wacyigelinta doorashada

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ay wehliyeen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusf Cumar Alcadaala, ku Simaha Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Warbaahinta Qaranka ayaa xarunta Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka kula kulmay Guddoomiyaha guddiga, xubnaha guddiga iyo Agaasimayaasha u xilsaaran wacyigalinta iyo diiwaan galinta dadweynaha.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Guddiga ee wacyigalinta dadweynaha ee howlaha doorashooyinka iyo kor u qaadista kaalinta Warbaahinta ee doorashada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddiga ku bogaadiyay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo ay ugu muhiimsan tahay kor u qaadista wacyiga dadweynaha, isaga oo hoosta ka xariiqay ka go’naanta Wasaaradda ee taageerada guddiga ee howlaha wacyigalinta Dadweynaha iyo Warbaahinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu mahad celiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS kaalinta Wasaaradda ee Wacyigalinta bulshada, wuxuu sheegay in guddigu ay ahmiyad weyn siinayaan wacyigalinta dadweynaha ee doorashooyinka oo ay wasaaraddu laf-dhabar u tahay.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda iyo Guddiga ayaa isku raacay hannaan farsamo oo guddiga Doorashooyinka looga taagerayo masuuliyadooda Wacyigalinta dadwynaha iyo Warbaahinta.

    

Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka hadashay ahmiyadda Kaarka aqoonsiga Qaranka

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo arrimaha dib u heshiisiinta dowladda FS ayaa ka hadashay ahmiyadda uu leeyahay Kaarka aqoonsiga Qaranka oo qaadashadiisu ay ka socoto caasimadda iyo gobollada dalka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Moqikori kulan kula qaatay ciidanka Macawisleyda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan taliyaha Ciidanka Qalabka Sida iyo Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ayaa degmada Moqokori kulan furan kula qaatay hogaanka ciidammada shacabiga ah ee Macawisleyda, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo waxgaradka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay bulshada Maqokori iyo Hoggaanka Macawslayda talooyinkooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isaga oo ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu horuyaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

     

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shir-weynaha maareynta deymaha caalamiga ah

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (𝐔𝐍𝐂𝐓𝐀𝐃) kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan oo la qabto labadii sanaba mar ayaa kalfadhigiisan 14-aad, oo soconaya 𝟏𝟕-𝟏𝟗-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐜𝐡 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓, waxaa looga doodayaa qaabka loo dhigayo maalgelinta ajandaha horumarka oo ay qaddiyadaha deymuhuna udub dhexeed u yihiin.

Waxyaabaha shirkan lagu sahminayo waxaa ka mid ah raadinta xalal wax looga qabanayo xiisadaha deymaha adduunka, iyo hindisidda istiraatiijiyado lagu maareeynayo deymahaas, iyada oo diiradda la saarayo xoojinta adkeysiga, maareynta iyo wax-ka-qabashada qataraha xiisadaha adduunka ka jira.

Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa shirkaas ku metelaya Soomaaliya oo qayb ka ah dalalka maareeyey deymihii lagu lahaa, kadib markii ay si fiican uga shaqaysay qaariiraddii deyn-cafinta oo ay ugu dambeyn dowladdu ku guuleystay.

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shir-weynaha maareynta deymaha caalamiga ah

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (𝐔𝐍𝐂𝐓𝐀𝐃) kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan oo la qabto labadii sanaba mar ayaa kalfadhigiisan 14-aad, oo soconaya 𝟏𝟕-𝟏𝟗-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐜𝐡 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓, waxaa looga doodayaa qaabka loo dhigayo maalgelinta ajandaha horumarka oo ay qaddiyadaha deymuhuna udub dhexeed u yihiin.

Waxyaabaha shirkan lagu sahminayo waxaa ka mid ah raadinta xalal wax looga qabanayo xiisadaha deymaha adduunka, iyo hindisidda istiraatiijiyado lagu maareeynayo deymahaas, iyada oo diiradda la saarayo xoojinta adkeysiga, maareynta iyo wax-ka-qabashada qataraha xiisadaha adduunka ka jira.

Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa shirkaas ku metelaya Soomaaliya oo qayb ka ah dalalka maareeyey deymihii lagu lahaa, kadib markii ay si fiican uga shaqaysay qaariiraddii deyn-cafinta oo ay ugu dambeyn dowladdu ku guuleystay.

Hay’adda SoDMA oo dawo dhaqaatiir iyo gaadiidka gargaarka degdegga ah u dirtay furimaha dagaalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah ee u taagan xoreynta dalka.

Dhaqaatiirta ayaa sal-dhig ka dhigan doona isbitaalka degmada Cadale, halka ay ka howl-gali doonaan, Moqokori, Aadan Yabaaal, Xaaji Cali, Guulane, Masaajidka Cali Gaduud iyo guud ahaan goobaha ay xoreynta iyo cirib-tirka Argagaxisada ka wadaan geesiyaasha xaq u hardanka ah.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa magaalada Muqdisho ka amba-bixiyay dhaqaatiirta iyo taageerada ay wadaan, halka isla todobaadkaan ay Hay’addu degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan geysay daawo loogu tala-galay in lagu dabiibo dhaawacyada iyo bukaannada kale ee baxnaannada caafimaad u baahan.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa xoojisay dadaallada yareynta khasaaraha ka dhasha howlgallada lagu cirib-tirayo khawaarijta.

Soomaaliya iyo Serbiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallim Fiqi oo khadka Telefoonka kula hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Marko Djuric ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

“Soomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo waxa uu gaarayaa muddo 65 sano ah, waxaan xoojin doonnaa, korna u qaadi doonnaa xiriirkeenna wadaagga ah oo muddadaa fog jiray” ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Danjire Marko Djuric Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa boogaadiyay horumarka dhanka Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda ee dhexdhexaad ka ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato danaha is diidan ee yaala Golayaasha Caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa ballan qaaday in ay dowladdiisu taageero la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

“Mar walba Soomaaliya waxay noo tahay saaxiib gaar ah, waxaan rumeysannahay in aan wax badan wada-qabsan karo” ayuu yiri Marko Djuric.

Ugu dambeyn, labada Wasiir ayaa isla gartay in booqashooyin rasmi ah isweydaarsadaan, si loo ballaariyo fursadaha jira si looga wada faa’iideysto arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo Tiknoolajidda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay la kulmay madaxda Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa xalay kulan kula qaatay degmada Moqokori hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka xogwareystay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka Ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed.

Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Baxdo : Ciidanka deegaanka ayaa maanta weerar qorshaysan ku qaaday deegaanka Haamcaduur oo dhinaca kofureed ka xiga magaalada Qaayib ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Guddoomiyaha deegaanka Cadakibir Daahir Ugaas ayaa SONNA u sheegay in hawlgalkaas oo sidoo kale ay ka qayb qaateen culimada degmada Baxdo lagu dilay 3-ka mid ah Khawaarijta, kuwaas oo wali maydkoodu yaal goobtii dagaalka.

Talaabadan ayaa u muuqata mid soo dadajin karta in maleeshiyaadka Khawaarijta laga ciribtiro Galmudug, maadaama hadda ay ku furan yihiin dhowr furimood tabartooduna aad loo wiiqay.