Madaxweyne Xasan Sheekh oo afur ugu sameeyey Caddalle hoggaanka Ciidanka iyo Siyaasiyiinta

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee Macawisleyda, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo culumida deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay masuuliyiinta, saraakiisha iyo waxgaradka Cadale talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka, isaga oo ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu horuyaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya dadkooda.

     

G/Guddiga doorashooyinka qaranka oo tababbar u soo xiray tababarayaal

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, oo ay wehlinayaan Gudoomiye ku xigeenka Guddiga iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa tababar soconayay muddo laba maalmood ah u soo xiray Howlwadeenno kamid ah Howladeenanada Guddiga kuwaa oo noqonaya Tababarayaassha Howl-wadeenada Diiwaangelinta Codbixyayaasha ee Doorashooyinka Dowlada Hoose ee JFS.

Tababarayaasha tababarka loo soo xiray ayaa qaatay tababar heerkiisu sareeyo oo ku saabsan isticmaalka qalab casri ah oo lagu qabanaayo doorashada Dowladaha Hose.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo qubd kooban ka jeediyey xiritaanka tababarka ayaa sheegay in dalka uu aaday doorasho, talada dalkana lagu celindoona shacabka Soomaaliyeed si ay usoo doortaan dadka ku matalaaya hogaanka Dalka.

Taliyaha Booliiska oo qabtay kulan looga hadlayey horumarinta dambi baarista

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa shir gudoomiyey kullan looga hadlayey Horumarinta howlaha baarista dambiyada si loo hagaajiyo nidaamka Cadaaladda baarista Dambiyada iyo Amniga Dalka.

Kulanka waxa kasoo qeyb-galay Qeybta guud ee Booliiska Gobalka Banaadir,Hogaanka Baarista Dambiyada,Taliyaasha qeybaha Baarista iyo Saraakiisha laamaha amaanka qeybahooda kala duwan ,waxaana laysla meel dhigay fududeynta qaabilaada dhibanayaasha, Dhowrista xaquuqda aadanaha, daadajinta adeegga Bulshada iyo Dhowrista sareynta sharciga iyo cadaaladda .

Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa Saraakiisha faray in wada shaqeynta dhexdooda xoojiyaan islamarkaana la sameeyo nidaam xog wadaag oo meesha ka saaraya caqabadaha mararka qeybtood ragaadin kara shaqada Bulshada loo hayo.

Taliyaha guutada 9-aad oo kormeer ugu tegay ururka 96-aad

Taliyaha Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xasan, oo ay wehliyaan saraakiil katirsan Ciidanka ayaa maanta kormeer u tagay Ururka 96-aad ee Guutada 9-aad. Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda xaaladda ciidamada iyo dhiirrigelinta dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga iyo gudashada waajibaadka qaran.

Intii uu socday kormeerka, Taliyaha Guutada 9-aad ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay sii xoojiyaan feejignaanta, una diyaar garoobaan sidii ay si hagar la’aan ah uga hortagi lahaayeen khataraha ay maleegaan kooxaha argagixisada ah. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro anshaxa iyo sumcadda ciidanka, lagana fogaado wax kasta oo dhaawici kara sharafka iyo haybadda ay leeyihiin.

Madaxweynaha JFS oo gaaray Caddale si uu u hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Cadalle:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadale ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen, masuuliyiin heer Federaal iyo heer-dowlad goboleed ah, saraakiil iyo Taliyeyaal Ciidan.

Madaxweynaha ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qaranka, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada iyo dib u hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga oo ay ka jirtay nolol iyo duruufo adag.

   

Kulanka Guddiga joogtada oo lagu dhaariyey xubno ka tirsan Golaha wasiiradda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacaabay, waxaana xubnahan dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha la dhaariyay kula dardaarmay in ay qaranka si daacadnimo ah ugu adeegaan.

Xubnaha wasiirada ee maanta la dhaariyay ayaa kala ah:

Mudane Maxamed Faarax Nuux oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali oo ah Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Marwo Aamina Xuseen Cali oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Marwo Dahabo Suusow Muunye oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

j

Ra’iisul wasaare xigeenka XFS oo xilalka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ganacsiga iyo wasiirka Cusub

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), iyo Wasiirkii hore, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub in uu hirgeliyo hiigsiga dowladda ee ku aaddan horumarinta ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo warshadaha, si loo xoojiyo wax soo-saarka dalkeenna ee dhanka warshadaha iyo xiriirka wax is-dhaafsi ee aynu la leenahay caalamka, maadaama dhowaan aynu ku biirnay Ururka Ganacsiga Adduunka.

Mudane Saalax, ayaa xusay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay laf-dhabar u tahay hay’adaha dowladda, sidaas darteedna Wasiirka cusub looga fadhiyo in uu hormuud ka noqdo fududeynta ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.

Ciidanka Qaranka oo laayay horjoogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal si weyn loo qorsheeyay xalay ku beegsaday horjoogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Hawlgalkaan ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhammaan horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, kuwaas oo awoodi waayay inay ka baxsadaan ciidanka gaarka ah ee dowladda oo ku hawlgalayay xog sirdoon oo dhamaystiran.

Hawlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa kusoo dhammaaday guul.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku jabiyay Khawaarijta weerar naflacararinimo ah oo ay kusoo qaadeen nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka.

Geesiyaasha Qaranka oo ku jiray feejignaan buuxda ayaa markiiba ka hortagay weerarka Khawaarijta, halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado qaatay, ugu dambayntiina lagu burburiyay Khawaarijta. Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah.

Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas. Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa guulaha ay ka gaareen Khawaarijta, waxaana u mahadcelinaynaa saaxiibada caalamka ee gacanta joogtada ah ina siiya.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamka waxay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ilaa laga suuliyo dalka oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale, Booqashada wafdigan ayaa daba-socota wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray Labada Madaxweyne, wadahalkaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga walaalnimo iyo wadashaqeyneed ee Labada dowladooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraatka Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soodhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxa uuna tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Hay’adaha SoDMA iyo Africa Risk Capacity oo ka wada hadlay yaraynta khatarta abaarta

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Africa Risk Capacity (ARC) ayaa yeeshay shir loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya kaasoo maalintii 3-aad ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo looga dooday xaaladda abaarta ee ka sii dareysa, sida loogu baahan yahay in Hay’adaha dowladda ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa daruufta taagan iyo qodobbo kale, waxaana goob-joog ahaa xubno ka socday Baarlamaanka JFS oo kala matalayay Guddiga Maaliyadda, Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Arrimaha Beeraha.

Madaxda Hay’adda SoDMA iyo hay’adaha kale ee shaqo wadaagga la ah SoDMA ee kala ah ARC, START NETWORK iyo WFP, waxa ay warbixin ka siiyeen Xildhibaannada ka socday guddiyada Baarlamaanka JFS nidaamka ceymiska looga gaashaanto abaaraha oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.