Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida Ciidamada Qaranka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Amniga Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo dhamaan xubnaha heer Maamul ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa diirada lagu saaray hanaanka wada-shaqeynta bulshada, Maamulada Degmooyinka, Hey’addaha Amaanka iyo sidii loo xoojin lahaa barnaamijka dariseynta si looga hortago garan-waaga ku dhex jira bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay garab istaaga iyo taageerida Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanada, asigoona xusay in taageero dhinac weliba leh ay la garab taagan yihiin, isla markaana ay furimaha dagaalka ku maqan yihiin qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha SoDMA oo shir uga qayb galay Nairobi

Nairobi:-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda Africa Risk Capacity (ARC) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir socday muddo shan maalin ah oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya

Hay’adda ARC ayaa Hay’adda SoDMA ku wareejisay lacag magdhow ah oo loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka isbeddelka cimiladu saameyay, waxaana musaasabadda goobjoog ka aha xubno ka tirsan Baarlamaanka JFS, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, wakiillo ka socday Hay’adaha caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sharraxay saamaynta uu isbeddelka cimilada ku yeeshay Soomaaliya, isagoo xusay in abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha ka dhasha khayraad-yarida ay sababeen in 85% uu burburay tacabkii iyo wax soo saarkii beeraha, isla-markaana lacagtaan magdhow loo sii doono dadka ay saameynta ugu badan ku dhacday, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan Caddale

Cadalle:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa maalintii labaad safar ku jooga degmada Caddale ee adowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo uu kulamo ku saabsan abaabulka howgalka ciribtirka Khawaarij la qaadanayo Saraakiisha Ciidamada iyo bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u kuur galay furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaatay halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.

saacadihii u dambeeyey Khawaarijta ayaa lagu jabiyey dhamaan goobihii ay gabaadka kq dhiganayeen iyadoo loogq dilay hawlgaladii u dambeeyey horjoogeyaal sar sare iyo maleeshiyaad tiradoodu ka badan tahay 80,sidoo kale waxa khawaarijta loogu burburiyey goobihii ay ka soo maleegi jireen sharka.

   

Wasiiru-dowlaha Isgaarsiinta oo Ka Qaybgalay Shirwaynaha 25-aad ee Dhijitalka Adduunka

Washington:-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada, mudane Axmed Diiriye, ayaa ka qaybgalay Shirwaynaha 25-aad ee Dhijitalka Adduunka (Global Digital Summit), oo ka dhacay xarunta Bangiga Adduunka ee Washington, DC.

Shirkan oo ah mid sannadle ah, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tiknolojiyadda iyo dadaallada ay dowladuhu ugu jiraan ka faa’iidaysiga tiknolojiyadda dhijitalka. Wasiiru-dowlaha ayaa ka qaybgalay kulammo muhiim ah, kuwaas oo uu kala qeyb galay in ka badan 50 wasiir oo caalamka ka socda.

Kulammada uu Wasiirku ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa mid lagaga hadlayay sidii dowladuhu ugu faa’iidaysan lahaayeen tiknolojiyadda, halka uu sidoo kale ka qeybgalay kulan kale oo diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya tamarta iyo dhijitalka (Energy-Digital Nexus). Wasiirku wuxuu sharaxay muhiimadda isku xirka dadaallada horumarinta tamarta iyo dhijitalka si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha iyo adeegyada casriga ah.

Intaa kadib, Wasiiru-dowlaha ayaa la kulmay Madaxa Dhijitalka ee Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Miss Isabel, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan Mashruuca Isku Xirka Dhijitalka ee Bariga Afrika oo Soomaaliya qayb ka tahay.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 “𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮𝘆𝗱𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗲𝘆 𝘂 𝗴𝘂𝘂𝗿𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮 𝗷𝗶𝗶𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗵𝗼𝗿𝗲 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg oo looga hadlayo amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddisu ay u guuri doonto furrimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka, isaga oo faray hey’adaha amniga in ay sii xoojiyaan xaqiijinta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada socda ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ku ciribtirayaan kooxaha baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee laga sifeyn doono guud ahaan dalka.

Ciidanka dowladda oo fashiliyay miinooyin iyo weerarro lala damacsanaa Waajid

iidanka Xoogga Dalka Soomaliyed gaar ahaan ururka 95-Aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad ee fadhigeedu yahay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa ka hortagay weerar Khawaariijta ay doonaayeen in ay kusoo qaadaan degmadaas.

Ciidanka ayaa halkaasi ku  qabtey nin lagu magacaabo Cabdullahi Axmed Maxamed (Cabdicasiis) oo ahaa sawir qaadihii Khawaariijta u qaabilsanaa  duubidda muuqaalada.

Dhinaca kale laamaha amaanka degmada Waajid ayaa fashiliyey qaraxyo miino ah oo maleeshiyaad ka tirsan Khawaariijta ay ku doonaayeen in ay ku waxteeleeyaan shacabka degmada.

Khawaariijta ayaa miinooyinkaasi ku aasay agagaarka garoonka diyaaradaha degmada halka mid kale ay dhigeen inta u dhaxeysa magaalada iyo garoonka.

Yuusuf Axmed Hagar ” Dadka Hirshabeelle waa in aysan u kala harin ciribtirka Khawaarijta”

Hadaladaan ayaa daba socda booqasho shaqo oo uu maanat Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar uu ku tagay Degmada Aadan Yabaal ,halkaasi oo uu meel fagaare ah kula kulmay maamulka degmadaasi, cidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee madaniga ah.

Waxaan ku jirnaa dagaal xaq ah oo aan isaga dulqaadeyno Khawaarij duullaan ah” ayuu yiri Yuusuf Axmed Hagar,isagoo si gaar ah u  boogaadiyay howlgallada cidanka ay ka wadaan gobolka.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ,waxa uu kula dardaarmay ciidanka xoogga uyo kuwa madaniga ee gobolka Sh/Dhexe in ay si degdeg ah u soo afjaraan howlgalada ka dhanka ah khawaarijta.

Gobolka Sh/Dhexe waxaa haatan ka socda howlgallo la doonayo in lagu sifeeyo kooxaha khawaarijta oo dhowaan lagu arkay deegaanno kamid ah gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga iyo kuwa madaniga ee Sh/Dhexe oo wada howlgallo ka dhan ah khawaarijta

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay wadaan howlgallo saf ballaaran ah oo lagu baacsanaayo kooxaha argagaxisada ee ku dhuumaaleysanaya deegano ka tirsan gobolkaas.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sahal Cabdullaahi Cumar oo ku sugan jiidda hore ee furimaha dagaalka ayaa sheegay in ay wadaan dardar galinta howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Taliyaha  ayaa ku ammaanay geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo xaq u dirirka deegaanka guulaha ay maalmihii lasoo dhaafay  ka gaareen cadowga.

Kooxaha khawaarijta ayaa xilligaan wajahaya ruux baxii ugu dambeeyay ka dib markii laga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad farabadan oo caadeystay ama baneystay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.

NISA oo xaqiijisay in 82 khawaarij ah lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha hoose

Shabeellaha hoose:-Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgallo duqeyn ah oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 82 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaadka Khawaariijta, halka 19 kalena dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqeynta.

Hay’adda NISA, ayaa markale dadka rayidka ah ku wargalisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaariijta ah oo bartilmaameed u ah Ciidamada Qaranka.

Soomaaliya oo ka Qeyb gashay Bandhigga Dhaqanka ee Bariga Afrika

Addis Ababa:-Soomaaliya ayaa ka qeybgaleysa Bandhigga 2aad ee Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Bariga Afrika oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb qaataan kulankaasi ballaaran oo ay ka qeybgelayaan Wasiirrada Dhaqanka ee dalalka Soomaaliya, Burundi, Uganda, Rwanda, Djibouti, Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, Tanzania, Kenya iyo Ethiopia oo martigelineysa.

Kulankaasi waxaa maanta si rasmi ah magaalada Addis Ababa uga furay Ra’iisul Wasaare Ku- Xigeenka Ethiopia Mudane Temesgen Tiruneh.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys ayaa sheegay in kulankan ujeedkiisu yahay in dhaqanka loo adeegsado xoojinta, isku xirka, xiriirka diblomaasiyadeed, is dhexgalka bulshada iyo iskaashiga dalalka Bariga Afirka.

Munaasabadan oo hal-ku-dhig looga dhigay “Fanka iyo Dhaqanka oo loo Adeegsanayo Is-dhex-galka Gobolka” ayaa kulmisa bulshooyinka ku dhaqan dalalka Gobolka Bariga Afrika.