Bandhigga Farshaxanka iyo Dhaqanka Bariga Africa oo Lagu soo Geba-gabeeyay Addis Ababa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb galay Bandhigga Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka dalalka bariga Africa oo lagu soo gabogabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Bandhigaan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen qaar ka mid ah wasiirada dhaqanka wadamada bariga Afrika ayaa hal ku dhig looga dhigay “Fanka iyo Dhaqanku waa is dhexgalka gobolka” waxaana Soomaaliya ku matalayay Hobollada Qaranka ee Waaberi kuwaas oo madasha kusoo bandhigay barnaamijyo xiiso leh oo ka tarjumaya dhaqanka, suugaanta, fanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa bandhig dhaqameedkaan ka qeyb galeysa markii ugu horeysay waxa ayna muujisay diyaargarow heer sare ah.

        

Madaxweynaha JFS oo kulan Afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan Afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku yimid dalka.

Casho sharaftan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Danjireyaasha iyo diblumaasiyiinta dalalka Afrika ee ka howlgala Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo u kuur-galay xaaladda Ciidamada Qaranka

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo fulinaya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday deegaannada furimaha dagaalka, si loo qiimeeyo xaaladda Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ee Dagaalka kula jira Khawaarijta.

Saraakiishaan ayaa u kuur-galay xaaladda ciidamada xoogagga iyo  shacbiga u istaagay xoreynta deegaannadooda, iyagoo warbixinno ka dhageeytay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee jooga jiida hore ee dagaalka maadaama ay ku jiraan dagaal ay ku doonayaan in ay ku ceribtiraan kooxaha Qawaajinta oo bilaabay in ay ka qaxaan goobihi ay ku dhuumaaleysan jireen

Afur wadareed ay soo qaban qaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Iyo Ardayda Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta oo lagu qabtay Ankara

Magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga waxaa lagu qabtay kulan Afur wadareed ah oo ay soo qaban qaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Iyo Ardayda Soomaaliyeed ee halkan wax ka barta,

Afurka waxaa kayb galay Madax iyo Masuuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay. Waxaana kulankan Afurka ah Danjire Fatxu’diin Cali Maxamed ugu duceeyay dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Waxaana kulankan Afurka ah Danjire Fatxu’diin Cali Maxamed ugu duceeyay dadka iyo Dalka Soomaaliyeed

     

Guddoomiyaha Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafti uu hoggaaminaayo oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf

Gudoomiyaha Midowga Africa mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ku yimid Muqdisho waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XfS mudane Xamse Cabdi Barre kuwaasi oo kawada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka midowga Africa.

          

JAHWAREER IYO QAX SOO WAJAHAY HORJOOGEYAASHA IYO MALEESHIYAADKA KHAWAARIJTA EE DEGMADA JILIB

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii dhowaan ay Ciidamada Qalabka Sida ka fuliyeen degmada Jilib ayaa sheegaya in jahwareer xooggan uu soo wajahay hoorjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee halkaasi ka soo maleegi jiray waxyeelada shacabka Soomaaliyeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in horjoogeyaasha Khawaarijta ay bilaabeen inay ka qaxaan magaalada, iyaga iyo qoysaskooda, isla markaana raadinaya goobo cusub oo ay ku dhuumaaleystaan.

Maleeshiyaadka kooxda ayaa iyaguna ku dayanaya horjoogeyaasha, iyagoo dhankooda ka bilaabay inay ka goostaan kooxda, una baxsadaan goobo ay doonayaan inay kaga badbaadaan weerarada joogtada ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay halkaasi ka bilaabeen.

Waxaa la rumeysan yahay in tiro horjoogeyaal ah iyo boqolaal Khawaarijta ka tirsan ay ku dhinteen weerarada Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen degmada Jilib, iyadoo boqolaal kale oo dhaawaca Khawaarijtana ay ku dayacan yihiin magaaladaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa maleeshiyaadka Khawaarijta in fursadda keliya oo ay haystaan ay tahay inay isku soo dhiibaan dowladda, isla markaana ay ku tusaale qaataan dayaca dhalinyarada la soo marin habaabiyey ku qabsadey Jilib, oo boqolaal ay naftooda ku waayeen, kuwo intaas ka badanna ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa in Degmada Jilib iyo dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta ay yihiin bartilmaameed milateri oo waqti kasta weeraro lala beegsan karo, waxaana shacabka laga codsanayaa inay ka fogaadaan goobaha ay Khawaarijtu joogaan.

Waxaa sidoo kale shacabka la farayaa inay laamaha dowladda ku soo wargeliyaan firxadka horjoogeyaasha Khawaarijta iyo maleeshiyaadkooda firxadka ee soo gaaraya degaannadooda, si looga hortago in waxyeelo shacabka soo gaarto, marka ay Ciidamada Qalabka Sida beegsanayaan horjoogeyaasha baxsadka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo degmada Cadale ka wada dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadalle ee Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale, halkaas kulammo gaar-gaar ah kula qaatay masuuliyiinta odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanno kamid gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Wasiirka cusub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore Fardowsa Cismaan Cigaal oo shaqo baaxad leh ka soo qabatay wasaaradda muddadii ay hoggaminaysay, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay casriyeynta, horumarinta siyaasadda, shuruucda, iyo kaabayaasha dhaqaaale ee dalka.

Sidoo kale— Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Faarax Nuux, in uu sii labo jibbaaro shaqada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay u hayso dadka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga oo ka qeyb galay xaflad qalin jebin ah

Mas’uuliyiin ka mid ah safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabiyeen arday Soomaaliyeed oo wax ka bartay Jaamacada Sapienza Università ee Magalada Roma.

Xaflada waxaa ka kheygalay Diblumaasiyiin sare oo ka hawlgala Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Roma sida Safiir ku xigeenka Safaarada Dr Khaalid Macow iyo Axmed Suudaani oo ah Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka talyaaniyga.

Masuuliyiin ka socotay Safaaradda ayaa ugu hambalyey laba arday oo soo afmeertay shahaadada Master degree-ga oo ku takhasusay maaddada dhaqaalaha, Labadaan arday ayaa ka mid ah arday ku guulaysatay inay deeq waxbarasho ka helaan dalka Talyaaniga oo sanooyinkii la soo dhaafay bilaabay inay deeq waxbarasho oo heerarkoodu sareeyo u fidiyiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee raba inay kor u qaadaan aqoondooda.

Dhanka kale safiirka Soomaaliiya u jooga dalka Talyaaniyga Eng Ibraahim Sheegow ayaa isna dhankiisa u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay kulana dardaarmay in aqoonta ay ka kororsadeen jaamacdaha dalka Talyaaniaga ay kula noqdaan dalkooda, waxna ugu qabtaan bulshadooda oo u hamuun qabta horumar waara

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo kullan la qaatay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow oo la qaatay kulan la xiriira horumarinta Baarista Dambiyada Socdaalka, Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID), G/LE Sare, Muxudiin Axmed Cusmaan.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Baarista Dambiyada (CID) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada hay’adood, wadaagista xogaha muhiimka ah si loogu hortaggo socdaalka sharci-darrada ah iyo dardar-gelinta la-dagaallanka Argagixisada Maadaama uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa uga mahadceliyay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa labada hay’adood. Waxa uu xusay Agaasimaha  ahmiyadda gaarka ah ee ay leedahay baarista dambiyada la xiriira socdaalka iyo tahriibinta dadka, iyadoo la xoojinayo baarista dambiyada si hufan loo wajaho, dambiileyaashana sharciga loo horgeeyo. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadd tayeynta iyo horumarinta habka baarista iyo daba galka Dambiyada, maadaama ay door weyn ka qaadan doonto xasilloonida dalka iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.