Mareykanka oo xalay duqayn ka fuliyay togga Miiraale ee gobolka bari

Boosaaso- Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ee qaybta ka ah la dagaallanka argagixisada ayaa xalay duqayn culus ka geystay togga Miiraale ee gobolka bari, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin firxadka kooxda Daacish.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala helay bartilmaameedyo sax ah oo ay isku urursanayeen malleeshiyaadka Daacish.

Laamaha amaanka Puntland iyo dowladda Maraykanka ayaa sheegay in ay waxyeello ka soo gaadhay argagixisadu duqeyntii xalay dhacday balse weli lama xaqiijin inta uu qasaaruhu la egyahay.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qaybgalay shir ku saabsan doorka QM ee wadajirka caalamiga

Beijing : Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa si rasmi ah uga qayb qaadatay shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Beijing, kuna saabsanaa xoojinta doorka Qaramada Midoobay (UN) iyo horumarinta nidaamka multilateralism-ka (wadajir-dhawrka caalamiga ah). Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha ayaa waxaa ka qaybgalay madax sare oo ka socday waddamada xubnaha ka ah UN-ka, khubaro caalami ah, iyo mas’uuliyiin ka kala yimid hay’adaha muhiimka ah ee caalamka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wazir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Mudane Miao Deyu, iyadoo sidoo kale madasha ay ka hadleen Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Guy Ryder, iyo diblomaasiyiin badan oo metelayay dowlado iyo hay’ado kala duwan.

Safiir Hodan Osman Abdi ayaa ka mid ahayd diblomaasiyiinta madasha ka jeediyay hadallo muhiim ah.

Waxaa ay si cad u muujisay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay doorka Qaramada Midoobay iyo horumarinta wadajirka caalamiga, iyadoo ay Soomaaliya aragto in xoojinta nidaamka UN-ku uu fure u yahay nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay, waxayna si gaar ah diiradda u saartay:

1. Baahida loo qabo iskaashi dhab ah oo lagu wajaho caqabadaha caalamiga – iyadoo ku boorrisay in xal waara lagu gaari karo keliya marka laga wada shaqeeyo si hufan oo kalsooni ku dhisan.

2. Doorka UN-ka ee horumarinta nabadda iyo xasilloonida – iyadoo xustay in Qaramada Midoobay ay tahay hay’ad muhiim u ah dheelitirka danaha caalamka.

3. Aragtida Soomaaliya – iyadoo caddeysay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda nidaamka Qaramada Midoobay iyo doorkeeda diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka dalalka caalamka.

“Waxaan rumeysanahay in iskaashi waxtar leh oo ku saleysan qiyamka ay UN-ku taagan tahay uu yahay furaha xal u helidda caqabadaha dunida ka taagan,” ayey tiri Safiir Hodan Osman Abdi, iyadoo ka hadleysay doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya diyaar u tahay inay ka qaadato isbeddelka caalamiga.

Shirkan ayaa loo arkay mid muhiim u ah dadaallada ay Shiinuhu ku xoojinayso doorka Qaramada Midoobay, gaar ahaan xilligan ay dunidu wajahayo isbeddello siyaasadeed, khilaafaad hubeysan, iyo caqabado hor leh oo xagga ammaanka, horumarka, iyo isbedelka cimilada ah.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Cadale: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka Khawaarijta, kaddib markii uu caasimadda Muqdisho kulammo kula qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleeyda deegaanka, isaga oo ku booriyay sida ay uga go’an tahay in dhibaatada Argagixisada ay uga dulqaadi lahaayeen dadkeenna ay dhibaataynayaan argagixisadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah Argagixisada.

       

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka dibna dilay Taliye koox.Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo ka tirsan Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali oo ahaa Taliye Koox.

Dilka ayaa yimid ka dib markii Xuseen uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay. Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan qaadaya.

Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay Joojinta eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga.

Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka, waana Toban iyo Todobadii Bishii November ee sanadkii tagay.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Ex S/le Xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝗲𝗲𝗱 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗷𝗶𝗿 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝘆𝗲𝗲𝘀𝗵𝗲𝗲𝗻 𝗘𝗔𝗖 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝗔𝗗𝗖

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay ka qaybgalay kulan madaxeed wadajir ah oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC.

Kulanka oo ahaa mid ku dhacay aaladda fogaan-aragga, ayaa looga hadlay xaaladda amni darro ee ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta Bariga Congo ay masuuliyad ka saaran tahay dalalka gobolka in ay xal u helaan, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in nabad waarta oo laga gaaro DRC lagu heli karo qorshe dhameystiran, oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada is haya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si xal kama dambeys ah oo amni loogu helo dagaalka.

War murtiyeed ka soo baxay shirka wadajirka ah ee labada urur ee EAC iyo SADC ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ah Madaxweynayaal hore kuwaasi oo ka shaqeyn doona xal u helidda arrinta DRC, waxaana ay kala yihiin:

1. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo.
2. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta.
3. Madaxweynihii hore ee South Africa, Kgalema Motlanthe.
4. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Catherine Samba Panza.
5. Iyo Madaxweynihii hore ee Ethiopia, Sahle-Work Zewde.

Sooyaalka Taariikhda waxbarashada Soomaaliya (Faallo)

Hordhac

Waxbarashada Soomaaliya waxay soo martay heerar iyo marxalado kala duwan. Wixii ka horreeyey qabsashadii gumeystayaashii reer Yurub dabayaaqadii qarnigii 18aad, waxaa guud ahaan dhulka ay soomaalidu degto ka jiray barashada Quraanka iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka. Carruurta waxaa lagu barbbarin jiray qorista iyo xifdinta Quraanka. Waxaa xigi jiray tafsiirka Quraanka iyo barashada Axaadiista. Gumeystayaashii qaybsadey dhulka Soomaalida, waxay isku dayeen in ay diinta masiixiga ku faafiyaan Soomaaliya ayagoo kusoo gabbanaya in ay dadka barayaan luqadaha dalalkooda (Ingriis, talyaani iyo fransiis); waxay abuureen goobo lagu faafiyo masiixiyada oo ay maamulayeen wadaaddo rag iyo dumar masiixiyiin ahaa (priests and nuns); hasee yeeshee kuma aysan guuleysan qorshahaas maadaama ay dadka Soomaaliyeed aad ugu dhegganyihiin diintooda Islaamka ah.

Gumeystayaashu waxay bari-jireen dadka guryaha uga adeega iyo kuwa aysan ugu maarmin shaqada beeraha erayo ku kooban adeegsigooda. Ma siin jirin fursado ay wax intaas ka badan ku bartaan. Qofkii ay ku ogaadaan hami waxbarasho oo ka baxsan inta loo oggolyahay waxaa la marsiin jiray ciqaab.

Hase yeeshee waxaa jiray shakhsiyaad aan badneyn oo muddadii u dhexeysay 1940-1950 oo ahayd Xilligii Ingriisku la wareegay dhamaan dhulka ay soomaalidu degto, marka laga reebo dhulki la dhihi jiray Franch Somaliland (Jamhuuriyadda Jabuuti ee maanta), oo uu Ingriiskii u bilaabay waxbarashada asaasiga ah ee luqada ingriiska iyo xisaabta (basic language and arithmetics). Dhanka kale waxaa iyana jiray dhallinyaradii uu gumeystihii Talyaanigu askareeyay una isticmaalay dagaalkii uu la galay Ethiopia (1935-1939), sidaasna ku bartay af-talyaani jajaban.

Xilligaan waa waqtigii ay soo baraarugeen, inta badan, ummadihii la gumeysan jiray bilaabeenna halgan gobannimadoon. Soomaalidu waxay la jaanqaaddey mowjadihii gobannimadoonka ahaa, waana xilligii uu soo if-baxay ururkii Dhaqdhaqaaqii gobannima doonka ee SYL. Ururkanu wxuu dhallinyaradii ku dhiirri geliyay in ayagu ay iskood wax u bartaan maadaama uusan gumeystuhu sameyn nadaam waxbarasho caadi ah (formal education). Waxaa marxaladdaas bilaabmay dadaal aan caadi ahaeyn ee barashada luqada Ingriiska iyo garaacidda makiinadihii wax lagu qori jiray (type writers). Waxaa waxbarashadaan hormuud u ahaa dhallinyaradii Horseedka ee ururkii gobannima doonka Soomaaliyeed SYL.

!951dii waxaa Soomaalida u bilowday waaya cusub oo ay saameyntiisii ay kala dhantaashay midnimadii dhuleed ee Soomaalida; Gumeystihii Ingriiska oo ka carooday, mashruucii AFIS oo ay Qaramada Midoobay (UN) ugu dhiibeen Talyaaniga 10 sano ee xornimo gaarsiinta Koofurta Soomaaliya. Ingriiski wuxuu isla xilligaas ku wareejiyay Boqortooyadii Ehiopia dhulki Soomaalida ee la dhihi jiray Howd (reserve area); waxaa kale oo uu horraantii lixdameeyadii ku daray kenya qayb kaloo ka mid ah dhulki Soomaalida oo la dhihi jiray NFD; wuxuuna toos ula haray maamulidda Gobollada woqooyi (British Somaliland)

Xusuustaan taariikheed ee gaaban waxa ay muujineysaa sida uu gumeystihu u kala dhantaalay Soomaalida iyo dhulkeedii. Kala qoqobkii Soomaalida wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay masiirkii bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed.

1950-1960 Xilligaaan oo ay Qaramada Midoobay u asteysay xornima-gaarsiinta Soomaaliya; mas’uuliyaddaas waxaana loo kala dhiibay Talyanniga iyo Ingriiska.

Waxaa ugu weynaa waajibaadkoodii diyaarinta hawlwadeeno hanan kara hoggaan maamul dowladeed dhan kasta, siyaasad, aqoon maaamul, arrimaha bulshada sida waxbarasho, caafimaad iyo wax kasta oo dowladnimo gundhig u noqon kara. Muddada loo qabtay oo ahayd 10 sano, ayaa laga garan karaa in, waxa lgu qaban karayay muddada intaa la’eg iyo baaxadda waajibaadkii la saaray dowladahaas, ay ahayd ha qaateen Soomaalidu xornimo magac u yaal ah, maadaama ay dhan kasta ugu tiirsanaan doonaa gumeystaashii la moodayay in laga xoroobay. Tobankaan sano wax weyn kama duwaneyn marxaladihii gumeysiga. Haddii aan si gaar ah u fiirinno dhanka wabarashada, waxaa dalkoo dhan laga hirgeliyey degmoooyinka qaar min 1 dugsi hoose-dhexe, iyo Muqdisho oo laga hirgeliyey 1 dugsi sare caadi ah, 3 heer dugsi saree ee mihnadaha xisaabta, cabbirka dhulka iyo xarunta tababarka macallimiinta dugsiyada hoose. Dugsiyadaas oo dhan waxa ay lahaayeen lntooda badan min 1 fasal 1960 kii.

1960-1969 Madaxdii Maamulka Dalka kala wareegtay gumeystayaashii 1960kii ma ahayn kuwo aqoon iyo waayaaragnimo maamul dowladeed lahaa, waxa ayse u badnaayeen kuwo daacad u ahaa dalkooda iyo dadkooda. Ayadoo ay sidaas ahaayeen ayey dhaxleen Dal dhan kasta uu ka haystay dib u dhac (dhaqaale, siyaasad, caafimaad, waxbarashada, adeegga iyo wax kastoo dal ku dhaqaaqo).

Tobankaas sano wax isbeddel dhanka horuumarka ah oo macno leh lagama sameyn guud ahaan, sababo la xiriiray, duruufihii qallafsanaa ee mataanaha la ahaa jamhuuriyadda soomaaliyeed ee curdunka ahayd.

Dhanka waxbarashada waxaa laga sii ambaqaaday nadaamkii laga dhaxlay isticmaarkii tegay, mana jirin wax macno leh oo laga beddelay barnaamijkii waxbarasho (manhajkii) uu ka tegay gumeysigii. Dhallinyaro aan badneyn oo dhameysatay dugsiyadii sare ayaa waxbarasho jaamacadeed loogu diray dalal dibadda ah; sida Talyaaniga, Ingriiska, Ruushka, Masar iyo kuwa kale. Afafka wax lagu barto waxay ahaayeen Talyaani koofurta Dalka, halka gobollada waqeeooyi wax lagu baran jiray af-Ingriis iyo dugsiyo fara ku tiris ahaa oo Carabi wax lagu baran jiray sida Dugsigii ALLAH ee masaaridu maamuli jirtay; Afsoomaaligu ma ahayn mid qoran; sidaas darteed wax laguma bara jirin.

1970-1990 labaatankaan sano waxa ay ku asteysan yihiin xilligii Kacaankii 21 ka Octoobar 1969 oo xukunka Dalka ay majaraha u hayeen ciidamadii Xoogga Dalda uuna hoggaaminaayey Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Muddadaas waxan uu Dalku ku tallaabsadey is-beddello waa-weyn ee dhan kasta ah; xag dhaqaale, siyaasad, bulsho, caafimaad iyo waxbarashaba. Waxaan si gaar u iftiimineynaa horumarkii waxbarashada ee xilligaas maadaama aan bilowgi qoraalkaan kusoo shegnay in ujeeddadeeynu tahay Sooyaalka waxbarashada Soomaaliya. Dowladdii Kacaanka waxa ay qaadday tallaabooyin waaweyn ee dhanka waxbarashada; xilligaan waxaa lagu baahiyay dhamaan degmooyinka dalka boqollaal dhismooyin dugsiyo waxbarasho ee heerarka kala duwan (Hoose, Dhexe iyo Sare). Waxaa markii u horreysay ka hanaqaadey Muqdisho waxbarasho heer jaamacadeed ahayd (Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed); waxaa lagu guuleystay in la qoro Afsoomaaliga, waxaa la qaadey ololihii caanka ahaa ee la dagaallanka wax qoris-aqris la’aanta (literacy & Numeracy campaign); waxaa la hirgeliyay manhaj ku qoran afka soomaaliga laga bilaabo dugsiyada hoose ilaa kuwa sare. Qorista afsoomaaliga waxa ay door lama illowaan ah ka qaadatay hoos u dhigidda wax-aqris iyo qoris la’aantii bulshada soomaaliyeed. Qorista afka Soomaaliga ka hor, heerka wax qorista/akhrin la’aantu waxa ay ahayd 85%, waxaana kor loo qaaday ilaa ay ka noqoto 45%

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa laga hirgeliyey in ka badan 10 kulliyadood oo ay ka qalin jebiyeen kumanaan arday Soomaliyeed. SNU waxa ay ahayd jaamacad haysata aqoonsi caalami ah (international recognition). Manhajka Jaamacadda Ummadda waxa uu ka imaan jiray Talyaaniga, Waxaa wax ka dhigi kiray macalimiin badan oo Ajnabi Waxaa xusid mudan in, guud ahaan maalgelinta Jaamacadda Umadda Soomaliyeed (JUS) ay bixinjirtay dowladda Talyaaniga (dhismayaasha campuses yada, hoyga ardayda, xafiisyada, qaybaha wax lagu barto, mushaaraadka macallimiinta, qalabka wax lagu barto iyo sheybaarrada iwm). 10kii sano ee u horreysay Macallimiinta wax ka dhigi jiray jamacadda 90% waxay ka iman jireen Dalka Talyaaniga. Waxaa jiray barnaamij dalka Talyaaniga takhasus loogu diri jiray qaar ka mid ah ardayydadii ka qali jibisay JUS, si ay qayb uga noqdaan macallimiinta wax ka dhiga JUS. Arrintaanu waxay kalliftay in afka wax looga barto JUS uu noqdo af-talyaani ayadoo maaddooyinka dugsiyada sare duruusta lagu dhigaayey af-soomaali. Sidaas darteed Waxay ardaydu ku khasbanaayeen, markey jamacadda bilaabayaan, in ay 1 sano ku qadato barashada af-talyaaniga, marka laga reebo kulliyaddii Afafka iyo tii Lafoole ee macallimiinta. Si loo dhiirri geliyo Tacliinta sare waxaa arday kasta oo soo dhameysta waxbarashada dugsiga sare la siin jiiray fursad uu ku dhigan karo jaamacadda lacag la’aan.

Qof kastoo dhameysta waxbarashda jaamacadda waxaa laga shaqaaleyn jiray wasaaradaha iyo wakaaladaha Dowladda. Ardeyda ka gasha kaalinta koowaad kulliyad walba waxaa loo qaadan jiray bare kaaliye ee Jaamamacadda si loogu diyaariyo in musytaqbalka ay kala wareegaan macalimiinti ajnabiga ah.

Laga soo bilaabo markii Dalku Xoroobay iyo midowgii labadii Gobol ee woqooyi iyo koofurta Soomaaliya, waxaa Dalka ka jiray isu-dhelli tir la’aan soo jireen ahayd ee dhanka shaqo helidda (employment opportunities) sababtoo ah Gobolladii waqooyi waxaa u ahaa afka rasmiga ah ingriis, halka koofurta afka rasmiga uu ahaa af-taliyaani. Xoogaagii yaraa ee aqoonyahannada (university graduates) oo kasoo kala jeeday Waqooyiga iyo Koofurta uma sinnayn fursadaha shaqo helidda iyo gaarista manaasib saree e Dowladda.

Madaama la qaatay in luqada ingriisku noqoto afka rasmiga ah ee looga shaqeeyo Xafiisyada Dowladda; wuxuu go’aankaanu guud ahaan saameeyey wasaaradihii, hay’adihii iyo wakaaladadihii Dowladda. Sidaas darteed waxaa si aad ah hoos ugu dhacay fursadihii shaqo-helista ee aqoonyahannadii wax ku kusoo bartay af-talyaaniga oo dhammaan kasoo jeeday gobollada koofureed ee Dalka.

Waxaa, dhanka kale, xusid gaar ah mudan:

1- Dowladda ayaa ahayd shaqo-siiyaha ugu weynaa xilligaas 90% (major employer at the time), taasoo caadi ka ah dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo (underdeveloped Countries). Halkaan waxaa cad in miisaankii shaqo helinstu u liicay dhanka dadkii wax kusoo bartay af-ingriiska ee kasoo jeeday Gobolladi Woqooyi.

2- Dhammaan wasaaradihii iyo hay’adihii dowladda ee wax xiriir ah la lahaan karey Dibadda (relations with foreign countries and international institutions) waxaa fursado shaqo ka helay dhallinyaradii iyo aqoonyahanaddii wax kusoo baratay Gobolladii woqooyi, sidaasna ku hantay intii badneayd shaqadii, derejooyinkii dhexe iyo kuwii saree ee hay’ado dowladeed oo badan sida: wasaarado muhim ahaa, wakaalado, Safiirradii iyo howl-wadeennadii kale ee safaaradaha, agaasimayaal guud, maareeyeyaal guud iyo derejooyin kaloo aan halkaan lagu soo koobi Karin.

Xaaladaha aan kor kusoo xusnay waxa ay ka dhasheen duruufihii ay ku kala sugnaayeen labadii gobol ee Woqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya xilligii xurriyadda iyo midowgii.

Waxaan tusaale usoo qaadaneyna, qaar ka ka mid ahaa, saraakiishii rayidka oo hormuudka u ahayd Maamulladii dowladdihii Soomaaliyed ee 1960-1990:

Ahmed siilaanyo, Ibrahim Meygaag, Jaamac Rabbiile, Adan Cabi Xuseen, Xuseen Ceelaabe, Maxamed Sh. Xasan Nuuriye, Cali khaliif Galleyr, Dugsiiye, Maxamed Warsame Ducaale (Bay project), Buraale (libsoma), Xandulle (Wakaaladda Biyaha), Sheef (Bankiha Ganacsiga), M M Nuur kii Bankiga Horuumarinta, Xasharo, Abdi giirre (Mugambo), iyo in kaloo badan. Waxaa intaa dheeraa ayadoo safiirradii dalalka dibadda uga wakiilka ahaa Soomaaliya ay ugu yaraan 70% kasoo jeedeen gobollada Woqooyi.

1990-2024, xilligaan waxaan u kala qaadeynaa 2:

1990-2000, tobankaan sano waxay ahayd bilowgii burburkii Dowladdii Soomaaliyeed oo ay meesha ka baxeen wax kasta oo nadaaan maamul Dowladeed ahaa. Sidaas awgeed waxaa Dalka ku baahay dagaallo sokeeye oo sababay, dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur-bur saameeyay dhammaan kaabayaashii bulsho-dhaqaale, hantidii dowladda iyo tii dadweynahaba oo boob, dhac iyo bililiqo ku baaba’ay.

Waxaan ka badbaadin biliqadii xilligaas hubkii iyo saanadii ciidamadii difaaca qaranka iyo amniga gudaha. Xilligaaan dib loogama bilaabin Dalka waxbarasho caadi ah (formal education) inkastoo meelaha qaarkood laga asaasay dusiyo aan lahayn manhaj waxbarasho. Waxaa dudsiyadaas abaabulay shakhsiyaad kaalmo dhaqaale ee bani’aadannimo kasoo qaatay ha’yado samofaloyaal ah(INGO), dalal carbeed, dowladaha dariska sida Kenya iyo kuwa Muslim ah. Waxa ay asaaseen dugsiyo hoose dhexe oo wax lagu barto afaka carabiga oo ay tayadoodu aad u hooseysay kuwaasoo isticmaalaya manaahij aan rasmi ahayn oo ay dejiyeen ha’yadaha dhaqaalaha bixiyey. Waxaa xusid mudan, shakhsiyaadka abaabulayey waxbarashada noocaas ah waxa ay ahayeen inta badan kooxo diimeed dhaqaale ka sameynayey waxbarashadaas. Taasi waxay keentay in ubadkii Soomaaliyeed oo suuqa daadsanaa aysan fursad siman u helin waxbarashadaas ee mudnaanta la siin jiray ubadka kooxa diimaadkaas.

Bal qiyaas jiilkii 1990 ahaa 10 jir ee 2000 noqday 20 jir ayagoon helin fursado wax barasho, kuna barbaaray amaba qayb ka noqday fowdo tii u darned dhexdeeda.

2000-2024, Xilligaan waxaan ku iftiimin doonaa xaaladaha waxbarasho ee guud ahaan Dalka, anigoo il gaar ah ku fiiri doona xaalaha waxbarasho ee Koofurta Soomaaliya.

Ayadoo, sida aan kusoo sheegnay heerka 1aad, aysan waxbarasho nadaamsan jirin (Formal education), ayaa waxaa lasoo gaaray heerkan 2aad oo waxa ay waxbarashadii isu beddeshay mashaariic ganacsi oo jaantaa rogan ah. Waxaa loo tartamay abaabul iyo hirgelin dusiyo hoose-dhexe- sare iyo jaamacado aan habayaraatee lahayn wax nadaam ah iyo maamul dowli ah oo kormeer iyo korjoogteyn ku sameeya.

Waxaa dhacay in qofkasta oo xoogaa lacag ah haystay/helikaray uu kireysto guri kuna magacaabo DUGSI HEBEL ama Jaamacd HEBEL. Waxaa ayaan darro ahayd in kuwa dugsiyadaas abaabulayey 99% aysan aqoon iyo nadaam iyo maamul waxbarasho midna lahayn; ujeedkoodu wuxuu ahaa oo kaliya kasbasho dhaqaale, mana ahayn kuwo ay u muuqatay dhagarta iyo dibindaadyada ay u dhigayeen mustaqbalka jiilalasha soo koraayey. Xaaladdaanu waxa ay si ba’an u dhaawacday mustaqbalka waxbarasho ee Gobollada koofureed, inkastoo ay siyaabo kala duwan u saameysay dhamaan Dalka intiisa kale.

Waxaa dadaal badan sameeyay Dalladihii Waxbarasho ee xilli dhexe (2000-2010) ku soo biiray saaxaddii waxbarasho ee Dalka; haseyeeshee waxaa dadaalkoodii wiiqayay dhaqan xumadii ka horreysay ee ganacsatadii iyo kooxo diimeedyadii ku tuntay waxbarashada. Waxaa hore loo yiri “Aayaddii alif ka wareerta Albaqra kama toosto”. Waxaa caado noqotay in la iibsado shahaado heer kasta ah, min dugsi hoose illa shahaado jaamacadeed. Waxaa kale oo caado noqotay in ardey waxbarasho ku dhaca uusan jirin arrimo amni iyo daacad darro awgood. Dhaqan xumidaan waxay dhaxalsiisay malaayiin dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ay u suurtoobi weysay in ay Dalka ka tahriibaan, inay xilligaan dugsanayaan shahaadooyin been abuur ah ama aysan lahayn aqoonteeda; taasoo lagu tilmaami karo musiibo heer qaran ah oo aan lagu baraarugsaneyn saaxada noloshana ka saartay jiilal soomaaliyeed oo naftooda, dalkooda iyo dadkooda wax tari lahaa.

Waxaa dhanka kale dhibaato lasoo deristay waalidiintii duruufihii adkaa kharash ku bixinaayey waxbarashada ubudkooda, kuwaasoo tacabkoodii laga dhigay HAL BACAD LAGU LISAY, maadaama ay ubakoodi darbiyada la fadhiyaan waraaqo (shahaadooyin been abuur ah oo lagu khayaanay) oo aan waxba u tareyn.

Waxaa intaas u dheer, dhallinyaradii lagu khiyaanay dugsiyo iyo jaamacado aan tayo lahayn, in uusan jirin maamul dowladeed oo fiiro u leh xalaaladaha murugada leh ee haysta boqollaalka kun ee jiilashii 30 iyo dowrkii sano ee ka dambeeyay buburkii dowladdii Soomaaliyeed ee 1990kii. Fursadaha yar ee shaqooyinka soo baxa waxaa qaata dad dibad joog ahaa oo si eex iyo qaraabo kiil ah loogu meeleeyo shaqooyinka soo baxa. Arrinkaan waxaa fududeeya ayadoo inta badan ha’adaha Dowladda (wasaaradaha iyo Wakaaladaha) ay madax ka yihiin xubno qurbajoog ah oo si aan gabbasho lahayn oo cadaaladda ka fog u shaqaaleysiiyo qaraabadooda ama qaraabada madaxda saree ee Dalka.

Xilligan la joogo waxaa dhallinyada u furan (kuwa wax bartay iyo kuwa aan wax baranba) in ay xubno ka noqdaan(Asker) qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga; fursaddaan nafteedu waxa ay mararka qaar u baahantahay gacan qabad.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, oo ah shakhsi wax badan ka mid ahaa dalladihii waxbarashada, ayaa labadii sano ee u dambeysay isku deyayey inuu wax ka beddelo khayaanadii ku socotay waxbarashada ardayda soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Tallaabooyinka uu qaaday wasiir Faarax Cabdulqaadir waxaa ugu muhimsan:

Kordhinta tirada macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada hooe-dhexei-sare, hase yeeshee macallimiintu ma ahan kuwo leh aqoon iyo khibrad wax-barid (Knowledge and teaching skills). Kama jirijirin Dalka machadyo iyo kulliyado jaamacdeed oo lagu diyariyo macallimiinta mustaqbalka (teachers training institutes and university faculties). Arrintaas oo 5-tii sano ee u dambeysay xoogaa soo hagaageysay. Jaamacadaha gaarka loo leeyahay oo awalba iska tayo liitay iyo Jaamacadda Ummadduba, waxay ku dadaaleen in ay hirgeliyaan kulliyado waxbarasho oo ay macalimiintu ka soo baxaan (Faculties of education). Sidoo kale dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe, qaarkood, waxaa laga hirgeliyey xarumo lagu tababaro macalimiinta (Teacher training centres) oo laga maalgeliyey mashruuc loo yaqaan Global partnership for education(GPE) oo kharajka ka hesha dowladda Mareykanka. Halkaas waxaa ka muuqatay haddii amaanka wadanku sii hagaago, dadaalka iyo tayeynta macaliintuna si socoto in mustaqbalka dhaw tayada waxbarashadu ay horumar sameyn karto.

1- Wasaaraddu waxay soo rogtay in ardayda soo dhameysata dugsiyada sare ay maraan sannad waxbarasho oo dheeri ah inta aysan bilaabin Jaamacadaha (Foundation year), gobolada qaarkoodna laga yiraahdo (Semister zero) taaas oo loola jeedo in lagu xoojiyo aqoontooda heerka dugsi sare.

2- Waxaase barnaamijkaan macno tiraya in ardayda soo dhameysata dugsiyada sare, oo intooda badan aan soo marin waxbarasho xiriir ah (hoose-dhexe-sare); Sidaas darteed wax badan soo kordhin mayo hal sano. Waxa ugu muhiimsan oo sannadkaas la barayaa waa luqadda Ingiriiska iyo hab qorista saxda ee Af soomaaliga (Somali professional writing).

3- Wasaaraddu waxay bilowday dib-u-habeynta (reform) boqollaalka jaamacadood ee Dalka ka jira ee in badan ah magac u yaal aan lahayn wax nuxur iyo tayo toona. Arrinkanu ma ahan mid sahal looga gun gaari karo maadaama ay taabaneyso dano shakhsiyaad leh awood siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba oo ku hodmay ka ganacsiga dugsiyada iyo jaamacadaha gaarka loo leeyahay.

4- Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Waxbarashada sanooyinkan dambe laga hirgaliyey barnaamij loo yaqaan EIMS (Educartion Information management system). Barnaamijkaas (Data base) waxa uu sahlayey in dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka ka jira lagu xareeyo warbixintooda oo dhammeystiran si loola socdo in ardeygu waxbarasho xiriir ah leeyahay isla markaasna imtixaanada ay galaan iyo dhibcaha ay ku gudbiyaan ay sax yihiin. Barnaamijkaasi waa uu ka hirgalay dalka marka laga reebo Somaliland.

Waxaa kaloo wasaaraddu ay soo kordhisay mid la mid ah EIMS oo loo yaqaan HEIMS (Heigher education information management system). Barnaamijkaan waxaa loogu talo galay in lagula socdo xaaladda waxbarasho ee Jaamacadaha dalka. Ardey kasta oo Jaamacad dhigta dalka oo ay ku jirto Somaliland waxaa uu leeyahay HEIMS LAMBER, haddii kale wasaaraddu uma aqoonsaneyso in uu ardeygaasi jaamacad dhigto ama uu ka soo qalin jabiyey. Barnaamijklas HEIMS wuxu hirgalya horrantii 2024.

Barnaamijyada kor ku xuan oo intooda badan laga maalgelin jiray kaalmo ka imaneysay USAID, waxaa dhibaato weyn u keeni kara go’aanka Madaxweyne Trump ku joojiyey dhamaan maalgelinti ay bixi jirtay Hay’adda USAID.

Geba gebo iyo talo jeedin:

Tayeynta manaahijta iyo horumarinta aqoonta iyo mihnadda waxbaridda macallimiinta waa tallabooyinka ugu horreeya ee xilligaan waxbarashda Dalka hor u tabinta u leh (firt priority for Somalia education).

Dhanka tacliinta sare waxaa loo baahanyahay dib u eeegidda tayada jaamacadaha Dalka ka jira iyo dib u habeyntooda (universities review and reform) oo ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ku tallaabsatay, balse loo bahanyahay in si dhab ah loo hirgeliyo dib u habeynta jaamacadaha Dalka. Wasaaradu waxay macagacowday guddiga Tacliinta sare oo ku meel gaar ah. Guddigaasi waxay tirokoobeen Jaamacadaha dalkaa, waxay kormeereen jaamacad walba labo goor, laga soo bilaabo Hargeysa ilaa Kismaayo. Waxay soo saareen qiimeyn hor dhac ahayd ayagoo qiimeeyey 106 Jaamacadood. Waxay u aqoonsadeen 41 ka mid ah in ay yihiin Jaamacdo hore usii socon kara., qaybo kalena waxay ku qiimeeyeen in la siiyo fursad ay ku hagaajiyaan waxa ay hayaan. In badan oo ka mid ah waxay soo jeediyeen in la xiro.

Nassib darro, guddigaas sababo sharci awgeed ayuu isaga baaba’ay, talooyinkoodiina lama hirgalin. Waxaase la rajeynayaa in mid cusub la magacaabo sannadkaan 2025ta gudihiisa.

Waxaa, dhanka kale, wax ka qabasho deg deg ah u baahan curinta barnaamijyo heer qaran ee lagu jahaynaayo dugsiyo farsamo kala duwan oo dhallinyarada iyo da’dhexaadda Soomaaliyeed (young and middle-aged) oo ku nool guud ahaan Dalka gudihhisa, gaar ahaan koofurta Soomaaliya, ee lagu khayaanay waxbarasho aan tayo lahayn iyo shahaadooyin jaamacadeed oo been-abuur ah. Ayadoo ay jirto in dhallinyarada intooda badan aysan helin xataa fursadaha lagu hantay shahaadooyinka wax laguma dheefaanka ah.

Sanadihii 2000 ilaa 2017-kii ha’yado maxalli ah (NGO) ayaa dhaqaale uga soo qaadan jiray ha’yadaha UNICEF, NRC USAID, ETC in ay sameeyaan dugsiyo lagu barto mihnado shaqo sida Harqaanka haweenka, korontada, farsamada baabuurta, sameynta qalab xaafiisyada(Carpenter) iwm. Ha’yadahaasi marar badan ayagoo aan sameyn wax dugsi ah ayey lacagta ku lunsan jireen warbixin been ah oo ay u qori jireen ciddi lacagta bixisay. Waxaa dhici jirtay in ay dad ay 5 dolar ama 10 doolar inta qof kasta siiyaan oo qol iskugu keenaan ay masawirro ka qaadi jireen.

Hadda wasaaradda Waxbarashada waxay diyaarisay manhaj farsamada gacanta ah, waxa ayna isku dayeysaa in ay buuxiso kaalintii ha’yadahaas. Laakiin weli wax rasmi ah oo muuqda ma sameyn marka laga soo tago sameynta Manhajkaas.

Waxaa ayaan darro ah in, habayaraatee, aan lagu baraarugsaneyn baaxadda ay la’egtahay kala fogaanshaha tirada dadka soo dhameysanaya jaamacadaha aan tayadooda soo sheegnay, kuwa dugsiyada sare dhameystay iyo guud ahaan dhallinyarada rajo-la’aanta derbiyada fadhiya; iyo dhanka kale oo Dalka uusan ka jirin, soona muuqan waqtiga dhow koboc iyo horuumar dhaqaale (economic growth and development in the foreseeable future) oo dabooli kara baahida shaqo (absorptive capacity of employment demand).

Waxaa lagama maarmaa ah in la wajaho baadi goobka xal u helidda dhibaatooyinka shaqao la’aanta ah oo ay la ildaranyihiin bulshada qaybaheeda kala duwan siiba kuwa dhameystay wax-barashada heerarkeeda kala duwan ayadoo la tixgelinaayo duruufihii lasoo dersay muddadii waxbarashadoodii.

Waxyaabaha lagu tallabsan karo waxaa ka mid ah abaabulid machadyo iyo dugsiyo farsamo oo lacag la’aan ah (free technical institutes and vocational training schoolos) oo lagu barto farsamooyinka iyo xirfadaha kala duwan sida: dhismaha qaybihiisa kala duwan, koronta caadiga ah, Solar ka iyo korontada baabuurta, mihnadda hoteellada iyo soo dhoweynta (hospitality and turismo), alxanka biraha, Farsamada alwaaxda iyo biraha (welding, wood and steel carpentary), makaanikada, cunto karinta, hagaajinta computers-ka iyo teleefoonnada (computer hardware and mobile repair technicians) iyo farsamo iyo xirfad kastoo dowr ka qaadan karta horumarka bulsho-dhaqan-dhaqaale ee Dalka.

Haddii aan la qaadin tallaabooyin wax ka beddeli kara dhibaatooyinka is-biirsaday ee ragaadiyay bulshada soomaaliyeed, ma foga waqtiga la filan karo kacdoon bulsho (social apprising) oo ay hormuud ka yihiin dhallinyarada rajo la’aanta la ildaran.

Pro Abdullahi Ahmed Afrah 

Wasiirki hore ee Ganacsiga TFG ga

Guddoomiyaha midowga Afrika oo socdalakiisa Soomaaliya soo gabangabeeyey

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ka sagootiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay dalka.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa Intii uu ku sugnaa Muqdisho, kullamo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo dadaallada nabadda iyo dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Midowga Afrika booqashadiisa iyo doorka Midowga Afrika ee nabadda iyo horumarka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, iyo horumarinta dhaqaalaha.

     

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay muwaadiniin ku xirnaa dalka Liibiya

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo gacan ka heleeyso hay,ada socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 145 muwaadin oo mudo ku xiraan dalka Liibiya.

Dhalinyaraan oo ay ka muuqdeen tacdiyo badan ayaa 37 ka mid ah laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa halka 108-da kalana lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal iyo madax ka socotay hay,ada socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa si wadajir ah ugu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan dalka in ay dib ugu soo celiso muwaadiniin ku xirin dalal badan oo ka mid ah caalamka.

      

Midowga Afrika oo DFS ku bogaadiyey dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho rasmi ah ku yimid Magalada Muqdisho tan iyo marki loo doortay Xilka gudoomiyaha Midawga Afrika ayaa khudbad uu ka jeedayay kulan soo dhaweyn iyo afur loogu sameeyay xarunta madaxtooyada ka sheegay in Midowga Afrika inuu Dowladda Soomaaliya ku taageerayo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo qorsha ku ku aadan doorasho qof iyo cod.

Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda hogaamintiisa dagaalka khawaarijta dalka looga xoreynayo iyo sida Madaxweynaha safka hore ee dagaalka ugu dhiirogelinayo ciidanka Qaranka.

Guddoomiyaha Midowga Afrika mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhanka kale ka hadlayay muhiimadda Soomaaliya u leedahay in dalka laga qabto doorasho dadweyne, isaga oo madaxda Qaranka ku ammaanay dadaallada ku aadan hirgelinta Qorshaha doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa madasha ka ballan-qaaday inay diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliya si isku filanansho dhan kasta ah, taasoo muhiim u ah Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

“Inta aan Guddoomiyaha Midowga Afrika ahay garab istaagga wax joogsanaya ma ahan, Soomaaliya waxa ay ku socotaa wadadi ay ku gaari la heyd dowladdanimo taam ah”

Casho sharaftan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Danjireyaasha iyo diblumaasiyiinta dalalka Afrika ee ka howlgala Muqdisho.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu dilay Bardaale

Ciidamada ammaanka degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Kooney oo hoostaga degmada Bardaale waxa ay ku dilay horjooge lagu magacaabo Macallin Qaddiid oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta baadda ay shacabka Soomaaliyeed ka qaataan.

Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa horjoogahaan la dilay kasoo furtay hub iyo agab kale oo muhiim.

Kooxdaha Argagixisada ah ayaa dhibaato xog leh u heyta dadka ku nool meela ay ku dhuuleeytaan iyaga ka qaada dadka raydka ah lacag baad ah oo ay ku sheegaan in ay tahay sako