Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Ankara

Ankara:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalkaTurkiga, halkaas oo uu kula kulmayo dhiggiisa Turkiga, Rajab Dayib Erdogaan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo soo xiray tartanka quraan aqriska gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa soo xiray Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankaan oo sanad weliba bisha barakeysan ee Ramadaan la qabto ayaa waxaa ka qeyb-galay ardey ka kala socotay Dugsiyadda Quraanka Kariimka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kaalimaha horey u kala galay;

30-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂.

1- Caa’isha Aadan Maxamed (Kaalinta 1aad).

2- Maxamed Cusmaan Aadan (Kaalinta 2aad).

3- Xannaan Axmed C/laahi (Kaalinta 3aad).

20-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂.

1- Cabdimaalik Rashiid Maki (Kaalinta 1aad).

2- Sakariye Cilmi Maxamed (Kaalinta 2aad).

3- Cabdiraxmaan Cabdisalan Maxamed (Kaalinta 3aad).

10-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂

1- Cabdisalaan Cumar Xuseen (Kaalinta 1aad).

2- Ibraahim Macalin Xareed (Kaalinta 2aad).

3- Aasiya Nuurudiin Xasan (Kaalinta 3aad).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa kula dar-daarmay Macalimiinta Dugsiyadda Quraanka Kariimka in ay ardeyda baraan tafsiirka Quraanka, si ay faham guud ugu qaataan micnaha uu leeyahay Quraanka Kariimka, asigoona balan qaaday in uu wax ka qaban doonno marxaladda ay hada ku sugan yihiin Dugsiyadda Quraanka Kariimka.

Guddoomiye Amiir abaal-marino kala gedisan guddoonsiiyay ardeyda kaalimaha horey ka galay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaam ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona Hambalyo iyo boogaadin u diray dhamaan ardeyda, Macalimiinta, guddigii qaban qaabada, guddigii garsoorka iyo waalidiinta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Agaasimeyaal, Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha Bulshada Degmooyinka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Maclimiimta Dugsiyadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

                   

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay maalgelinta mashaariicda adkaysiga iyo horumarinta bulshada, u diyaar-garowga ka hortagga fatahaadaha, hirgelinta waro iyo biyo-qabadyo waaweyn, dhisidda biyo-xireenno adag, qodista ceelal-biyood iyo adeegyo kale oo muhiim u ah nolosha.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii Dowladda Shiinaha ay u xoojin lahayd gargaarka bani’aadamnimo iyo sidii Hay’adda SoDMA looga gacan siin lahaa dhisidda keydadka deeqaha, sare u qaadista karaanka iyo aqoonta shaqaalaha, iyo bixinta agabyo kale oo lagama maarmaan u ah howlaha gurmadka.

MADAXWAYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBABAXAY DALKA TURKIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

DHAMMAAD

Ra’iisul wasaare Xamsa oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro cadowga Khawaarijta ee nabadda iyo horumarka diiddan, jab xoogganna ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Af-fur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.

“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu intaas raaciyey, “Caawa waa 27 Ramadan waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga, waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox la isu cafiyo, dalkana loo duceeyo”.

Mudane Xamsa oo u mahadceliyey aqoonyahanka af-furka soo agaasimay, ayaa dhankooda ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.

          

Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacay gobolka Bakool

Xudur: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 9-aad, ayaa guul weyn ka soo hooyey dagaal ay la galeen kooxaha Khawaarijta oo ka dhacay deegaanka Abagbeeday, oo qiyaastii 20km dhanka bari kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9-aad, G/le dhexe Yuunis Aadan Xasan ayaa xaqiijiyey in ciidanka ay si geesinimo leh ufuliyeen howllgal ay Khawaarijta kaga furteen hub iyo saanad ciidan oo muhiim ah.

Hawllgalka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka XDS ay ku baacsanayaan kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni ka hanaqaada guud ahaan dalka.

Wasaaradda shaqada iyo hay’adda FAO oo kala saxiixday heshiis ku saabsan isweydaarsiga xogta

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa kala saxiixday Heshiis ku saabsan is-weydaarsiga xogta si loo horumariyo nidaamyada Illaalinta Bulshada ee Diwaanka Midaysan ee Bulshada (USR).

Heshiiskan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan, iyo Madaxa Hey’adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Hashiiska ayaa xaqiijinaya hufnaanta, iyo isku xirnaanta barnaamijyada illaalinta bulshada iyo gargaarka, sidoo kale wax-ku-oolnimo dheeraad ah oo loogu adeego bulshada nugul.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ayaa ka sheekeyey heerarka uu soo maray heshiiska is-weydaarsiga xogta.

Heshiiskan ayaa ilaalin doona xaqiijinta xogta ka faa’idaystayaasha oo si ammaan ah loo maareeyo, ka jawaabida baahiyaha dadka nugul xiliga ku haboon, iyo horumarinta habka gaarista ka faa’idaystayaasha.

  

Hawlgal lagu beegsaday Khawaarijta ISIS oo ka dhacay Buuralayda gobolka Bari

Boosaaso: Hawlgal Wadajir oo ay fuliyeen Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo la shaqeynayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay buuraha Golis ee goblka Bari ee dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxda argagixisada ah ee ISIS.

Xog horudhaca ah ee laga helay howglka oo dhacay xalay fiidkii ayaa muujinaysa in dhowr xubnood oo ka tirsan ISIS- la dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka, walina waxaa socda tirakoobka khasaaraha cadowga lagu gaarsiiyay howlgalka.

Duqeymahan oo lala beegsaday goobo ay gabbaad ka dhigayanayeen argagixisada arxanka darran ee Daacish ayaa lagu taageerayay howlgal ballaadhan oo lagu ciribtirayo khawaarijta ee ay Ciimada Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland ka wadaan Buuralayda Caalmiskaad

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaysa saaxiibadeeda sida AFRICOM, waxaa ka go’an sii wadida hawlgallada lagu ciribtirayo Kooxaha khawaarijta ah ISIS iyo Alshabaab oo qatar ku ah amniga iyo nabad galyada Soomaaliya.

Muddada is-diiwaan gelinta ururrada siyaasadda ee dalka oo la kordhiyay

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in muddadii loogu talagalay in aay isku soo diiwaan galiyaan Ururrada Siyaasadda lagu daray muddo 21 cisho ah.

Mudane Cabdikarim Axmed oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xarunta guddiga ayaa intaa raaciyay in muddadii horay loogu qabtay ururradu ay hayad 31 maarso, wuxuuna xusay in ay ururradu soo sodsadeen in 21 cisho loogu daro is-diiwaan gelinta maaddaama lagu jiro bil cibaado ay iyaguna ka aqbaleen.

Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah muddo kadib, iyadoo ay si weyn usoo dhoweeyeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo guud ahaan beesha caalamka.

Danjire Jabriil Ibaraahim: “Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in la xoojiyo qorshayaasha horumarinta magaalooyinka

Nairobi-Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board of Directors) ayaa kalfadhigooda ugu horeeya ee sanadkan ku yeeshay xarunta Hay’adda ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle oo ah wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya ee Hay’adda UN-Habitat ayaa ka qeybgalay kalfadhigan looga hadlayay hufnaanta dadaallada horumarineed ee ku saabsan horumarinta magaalooyinka dunida oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay, wuxuuna Danjiruhu ka hadlay istaraatijiyadda ay dowlada kula tacaaleyso caqabadaha haysta dadka barakacayaasha ah, kobcinta magaalooyinka iyo horumarinta dowladaha hoose.

“Soomaaliya waxa ay ku baaqeysaa in la xoojiyo qorshayaasha hor-tabinta u leh ee ku aadan horumarinta magaalooyinka, gaar ahaan mashaariicda Hay’adda ay ka waddo dalkeena, waxaana ku boorineynaa in la kordhiyo kaalmada farsamo, si guryo loogu dhiso qoysaska barakacayaasha ah”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa waxaa uu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay horumarinta magaalooyinka oo loo dhan yahay, gaar ahaan deegaadana ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha.

Danjiraha ayaa xusay in Soomaaliya oo ku tiirsan tahay taageerada Hay’addaha caalamiga ah ay tageereyso baaqa maalgelinta aas aasiga ah ee Hay’adda UN-Habitat si loo hirgeliyo mashaariicyo la xiriira horumarinta magaalooyinka.