Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka ee Afrika (SSATP).

Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa sida Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay casriyeyso Tiknology-yadda Gaadiidkeeda, Duulista Rayidka iyo xoojinta Ganacsiga Gobolka.

Maalin-nimadii Shalay, ayaa Magaalada Cotonou ee Caasimada Dalka Benin looga dhawaaqay Ku biiritaanka Rasmiga ah ee Soomaaliya iyo kamid noqoshadeeda Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka Afrika (SSATP) iyada oo Munaasabaddaasi uu khhudbad ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Bashiir Macalin Cali Xasan oo hogaaminaya Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirka.

Agaasimaha Guud ayaa Carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’antahay Horumrinta Teknoolojiyadda Gaadiidka, Balaarinta iyo Casriyeenta Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha Dalka, Sare u qaadista nidaamka Duulista Rayidka iyo xoojinta isku xirka gobolka iyo skaashiga Afrika.

Waxaa sidoo kale Khudbaddiisa, ugu mahadceliyay hoggaanka SSATP iyo dalalka xubnaha ka ah, wuxuuna ku adkeeyay xoojinta iskaashiga Dalalka Africa si loo helo xal waara oo waxtar u leh gaadiidka.

Kamid noqoshada Soomaaliya ee SSATP waxay si buuxda ula jaanqaadaysaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka Soomaaliya iyo dadaallada isku xirka gobolka, gaar ahaan Urur-goboleedka Bariga Afrika (EAC) iyo Suuqa Xorta ah ee Ganacsiga Afrika (AfCFTA).

Waxay tallaabadan Soomaaliya ka dhigi doontaa xarun ganacsi oo muhiim ah, taasoo fududeynaysa isku socodka badeecadaha iyo dadka, isla markaana xoojinaysa xiriirka dhaqaale ee gobolka.

Hoggaanka Soomaaliya ayaa aaminsan in iyada oo lays-kaashanayo si wadajir ah looga wada shaqeeyo Siyaasadaha horumarineed ee Technology-adda Gaadiidka, Maal-gashiga Jidadka, Garoomada iyo Dakadaha iyadoo la dhisayo nidaam Gaadiid oo casri ah, wax-ku-ool ah, lagana faa’iideysto Tiknology-yadda Casriga ah.

Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayo la dagaalanka khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Akadamiyadda Jeneraal Kaahiye ku shir gudoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta Dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo Xoojinta ammaanka guud ee Dalka .

Waxaa kulanka Warbixino ku saabsan guud ahaan Ammaanka Gobolada Dalka kasoo jeediyey Saraakiisha Amniga u xilsaaran waxaana si qoto dheer loogu falan-qeeyey guulaha iyo Caqabadaha Howlgalka ka dhanka ah Khawaariijta banaystay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey Baraaruga iyo garab istaagga ay Ciidamadooda furimaha jooga u muujiyeen,Saraakiisha iyo Ciidamadana waxa uu faray in shacabka xogaha amaan ee ay la wadaagayaan si dhakhso leh uga howlgalaan si loo soo afjaro Khawaariijta duulaanka ku ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Hay’adda Al-Mahaasin oo fulinaysa mashruuc looga faa’iidaynayo dadka nugul

Hay’adda Al-Mahaasin foundation oo fulinaysa ballanqaadkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageeridda dadka aadka ugu baahan iyo xoojinta amniga cuntada ee Soomaaliya, ayaa iyada oo kaashanaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada, waxay hirgelinaysaa Mashruuca Qaybinta Zakada Fidriga ee sanadka 1446H – 2025. Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada gargaarka ee joogtada ah, si kor loogu qaado nolol-wanaagga qoysaska danyarta ah iyo kuwa barakacay.

Mashruucan waxaa ka faa’iideysan doona 57,000 oo qoys oo danyar ah iyo kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee guddaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Banaadir iyo degmoyinka qaar ka mid ah gobolka shabeelada hoose,Ujeedada mashruucan waa in la yareeyo culeyska nololeed ee qoysaska, loogana dhigo mid farxad leh maalmaha ciidda barakeysan ee Fidriga.

Mashruucan waxa uu sii xoojinayaa dadaallada Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada ee ku aaddan taageeridda shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la fulinayo mashaariic kala duwan oo daboolaya dhinacyada ammaanka cuntada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul.

Waxay Hay’adda Al-Mahaasin foundation , si kal iyo laab ah uga mahadcelinayneysaa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada taageeradooda deeqsinimada leh iyo iskaashigooda joogtada ah ee hirgelinta mashaariicda gargaarka. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa go’aankeenna ah inaan sii wadno gargaarka dadka u baahan iyo xoojinta iskaashiyada wax-ku-oolka ah, si loo xaqiijiyo nolol sharaf leh oo dhammaan bulshada ah.

   

Safiirka u fadhin doona Soomaaliya dalka Algeria oo gaaray Algeria

Algeris:-Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalka Algeria oo gaaray Caasimadda dalka Algeria ee Algeris.

Danjiri Yuusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego) ayaa waxaa soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Algeria, dhamaan Safiirada wadamada carabta iyo kuwa dalalka Afrika ee ka howlgala dalkaas.

   

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

Paris-France:-Wasiirka Wasaaardda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo qeyb ka ahaa madaxdii ka qeyb galeysey Shirka kobaca Nafaqada ayaa kulan duceed muhiim ah la qaatay Baroness Jenny Chapman Wasiirka Horminta Deeqaha Caalamiga ah ee wadanka UK.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadley sidii loo horumarin lahaa Caafimaadka iyadoo la xoojinayo taageerada maaliyadeed ee lagu bixiyo Caafimaadka Soomaaliya, waxa uuna Dr. Ali Haji Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ka mahadceliyay kaalmada Caalamiga ah ee arrimaha Caafimaadka iyo kuwa kale ee lagu bixiyo qeybaha kale, Wasiirka ayaa sidoo kale kala soo hadal qaadey sidii loo xojin lahaa wada shaqeynta labada dal, waxayna arrintan daba soctaa in Soomaaliya laga taageero qorshaha cusub ee Caafimaadka Qaran 2025-2029.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta iyo xal u helida Caafimaadka Soomaaliya iyada oo kaa shaneysa saaxiibada Caalamiga ah ee taageera Caafimaadka Soomaaliya si loo helo Caafimaad tayeysan oo dhameys ah islamarkaana laga heli karo goobkasta taasoo u jeedkeedu yahay in bulsho waynta Soomaaliyeed ku naalooto Caafimaad la heli karo goor kasta.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-adaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kulan mira dhal ah oo muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Rajab Teyyib Erdogan, iyagoo ka wadahadley iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada amniga Soomaaliya.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdigiisa.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.

5-   Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe si loo  dardar galiyo hawlgalka dib u xoreynta dalka.

6-   Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqey in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

7-   Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay kulan madaxeed ay yeesheen urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC oo looga hadlayey mushkiladda.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac ayaa  xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax Nuux.

10-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Cabdisalam Cabdi Cali ayaa  Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ka sagootiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay dalka.

11-Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Midowga Afrika uu Dowladda Soomaaliya ku taageerayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo qorshaha doorasho qof iyo cod.

12-Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa ku guuleystay  in dalka dib loogu soo celiyo  145 muwaadin oo mudo ku xirnaa dalka Liibiya.

13- Wasiirka Warfaafinta   Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb galay Bandhigga Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka dalalka bariga Africa oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

14-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan is-weydaarsiga xogta si loo horumariyo nidaamyada Illaalinta Bulshada ee Diiwaanka Mideysan ee Bulshada (USR).

15-Hawlgal Wadajir oo ay fuliyeen Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaasahanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay buuraha Golis ee Dowlad Goboleedka Puntland oo lagu bartilmaameedsaday kooxda argagixisada ah ee ISIS.

16-Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in muddadii loogu talagalay in aay isku soo diiwaan galiyaan Ururrada Siyaasadda lagu daray muddo 21 cisho ah.

17-Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jabrill Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeyb galay Shirka Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board of Directors), oo ka dhacay magaalada Nairobi.

18-Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Beijing, kuna saabsanaa xoojinta doorka Qaramada Midoobay iyo horumarinta.

19-Ciidamada ammaanka degmada Berdaale ee gobolka Bay oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Kooney ayaa lagu dilay horjooge lagu magacaabo Macallin Qaddiid oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta baadda ay shacabka Soomaaliyeed ka qaataan.

20-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka ee Ciidanka Boliiska.

21-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka soo hoyay dagaal ay la galeen kooxaha Khawaarijta oo ka dhacay deegaanka Abagbeeday, oo qiyaastii 20km dhanka bari kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

22-Mas’uuliyiin ka mid ah Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinaayeen  arday Soomaaliyeed oo wax ka bartay Jaamacada Sapienza Università ee magaalada Rome.

23-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta.

24-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Qaramada Midoobay oo ka digtay in Koofurta Sudan ay qarka u saaran tahay burbur

Qaramada Midoobay ayaa shalay walaac xooggan ka muujisay xaaladda ka sii dareysa ee Koonfurta Suudaan, iyagoo ka digay in horumarradii u dambeeyay ay halis ugu jiraan inay dalka ku riixaan colaad hor leh.

afhayeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa ku sheegay shir jaraa’id in dalkaasi uu ku sii dhowaanayo burbur iyo dagaal sokeeye iyo in sidoo kale meesha ay ka baxaan  heshiiskii nabadda ee la saxiixay 2018.

Afhayeenka ayaa ku booriyay hogaamiyayaasha Koonfurta Sudan madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad Machar in ay si nabad ah ku xalliyaan wixii cabashooyin ah ee jira.

“Waa inay caddahay dhammaan in dadka Koonfurta Suudaan aysan awoodin inay u adkeystaan ​​cawaaqibka ka dhalan kara dagaalka sokeeye,” ayuu yiri afhayeenka,isagoo intaa raaciyay in ay muhiim tahay in madaxda dalka ay wax kasta ka hormariyaan danta dadka.

Illaa 9.3 milyan oo qof oo ku nool Koonfurta Suudaan ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo  sababo la xiriira colaadaha socda, khalkhal dhaqaale iyo caqabadaha cimilada.

SOOMAALIYA OO KA GUDDOONTAY MIDOWGA AFRIKA GAADIID GAASHAAMAN IYO AGAB MILATARI.

Douala:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka guddoontay Midowga Afrika Gaadiidka Gaashaaman iyo agab Ciidan kuwaas oo muhiim u ah xoojinta kaabayaasha amniga, kana qeyb-qaadanaysa xasilloonida Gobolka.

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa agabkani kaga guddoomay magaalada Douala ee Dalka Cameroon koox matalaysay Saldhig qaaradeedka Saadka ee Midowga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo (CLB).

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika taageeradiisa joogtada ah, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, la dagaalanka argagaxisada,xaqiijinta hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta oo ka taaba-gala guud ahaan qaaradda Afrika.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ANKARA KULA KULMAY DHIGGIISA TURKIGA

Ankara:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan, xarunta Madaxtooyada dalkaas ee Ankara.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi istiraatiiji ah oo muhiim u ah labada dal, waxayna isla qaateen in la sii ambaqaado dhammaystirka fulinta heshiisyada iyo iskaashiyada wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Erdogan ayaa si qoto dheer uga wada hadlay howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo horumarka gobolka, iyagoo bogaadiyey miro-dhalka iskaashiga labada dal ee dib u dhiska Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo wiiqidda argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga garab istaagga hagar la’aanta ah ee ay siiyaan Soomaaliya, waxa uuna xusay doorka muuqda ee ay ka qaataan dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo garab istaagga dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweynaha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa tilmaamay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, taageerada farsamada iyo midda bini’aadantinimo.

Guddoomiyaha Sodma oo la kulmay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Md. George Conway oo uu wehliyo madaxa xafiiska OCHA ee Soomaaliya Md. Crispen Rukasha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii wadajir loogu istaagi lahaa u qareemidda howlaha gargaarka dal iyo dibadba iyo in mudnaan iyo qariiradeyn loo sameeyo goobaha xaaladaha adag ka taagan yihiin ee gurmadka degdegga ah u baahan.

Musuuliyiinta ayaa sidoo kale isla eegay sida ay muhiim u tahay in NGO lagu korjoogteeyo howlgallada gargaarka iyo in loo diyaar-garoobo qabashada Shirka Madasha Bani’aadantinimada ee Country Humanitarian Forum (CHF) oo saddexdii biloodba mar qabsooma.