Xoogga Dalka oo howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta ka fuliyay Jubbada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubaland ayaa si guul leh u fuliyay howlgal ballaaran oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo laga sameeyay waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo nabadda iyo xasiloonida dalka ayaa lagu burburiyay xarumo ay kooxaha nabad-diidka ah ku sugnaayeen.

Kooxaha Khawaarijta ayaa la gaarsiiyay jab culus, waxaan Saraakiisha ciidanka kumaandooska XDS sheegeen inay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa khawaarijta oo ay ka mid yihiin goob ay shacabka kaga qaadayeen baada ay ku sheegeen sakaatul-fidri.

   

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo dad shacab ah kula ciiday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda DanQaran, xildhibaano iyo masuuliyiin ka socday gobolka Banaadir ayaa la ciiday Shacabka Degmada Dayniile.

Wasiirada, Xildhibanada iyo masuuliyiinta tagay degmada Dayniile ayaa shacabka la qeybsaday farxadda maalintan barakeysan iyaga oo ku dhiirrigeliyay xoojinta midnimada, nabadda iyo xasilloonida dalka.

Masuuliyiintan ayaa kormeer ku sameeyay daafaha iyo xaafadaha degmada,iyaga oo warbixino ka dhagaystay saraakiisha amniga u xilsaaran iyo Shacabka degan meelaha ay kormeereen.

    

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA KULA OOGAY KUMANNAAN SHACAB AH MASJIDKA ISBAHAYSIGA ISLAAMKA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciiddul Fidriga, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta hay’adaha iyo howlwadeennnada dowladda.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.

    

R/ Wasaare Xamsa oo salaaddii ciidda la oogay ciidan iyo shacab ku sugan Sh/Hoose

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la oogay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.

Tukashada salaadda ciiful fitriga oo ay sidoo kale ka qeybgaleen shacabka ku dhaqan deegaankaasi,waxaa  ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay halkaasi  uu u mahad celiyey bulshada nambat konton oo u istaagay in cadowga ay ka difaacdaan deegaankooda .

R/wasaare Xamsa waxa uu ugu baaqay dadweynaha Gobolka Sh/Hoode inay garab istaagaan halganka khawaarijta looga xoreynayo guud ahaan dalka, gaar ahaan goobaha ay ka joogaan gobolkaasi.

Madaxweyne Xasan sheekh oo sheegay inuu dhowdahay waqti Khawaarijta si buuxda loo jabin lahaa

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda Ciidda awgeed hadal u jeediyey bulshada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ka socda qaybo badan oo dalka ka mid ah, isagoo xusay in ciidanka Qaranku guulo wax ku ool ah ka gaareen hawlgaladi ay ka fuliyeen gobolada qaarkood.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu todobaadkan furimaha dagaalka ku soo arkay sida ciidamada qalabka sida iyo ciidamada deegaanku u jabinayaan Khawaarijta.

“Ciidamadeenu waxay cadowga siiyeen duruus ay taariikhdu xusi doonto, waan ku kalsoonahay in guushu dhowdahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan meelaha ay Khawaarijtu joogto, si aysan waxyeelo uga soo gaareen duqeymaha isdaba joogga ah ee lagu beegsanaayo.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed farayaa inay ka fogaadaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan cadowga Khawaarijtu, meel kasta oo ay joogaan waa hadaf” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS oo gogol u fidiyay Siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan leh u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, Xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo hambalyada munaasabadda ciidul Fidriga.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gogol u fidiyay dhamaan Siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda loogu biiriyo la dagaalanka ka dhanka ah khawaarijta, dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan nidaamka Federaalka ah.

“Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray “Hoggaamiyaasha siyaasadeed waxaan uga mahadcelinayaa garashadooda wanaagsan, ee inaan khawaarijta isku haysanin afkaar siyaasadeed, ee aan isku haysano jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, waxaan soo dhaweyneynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Daawo ah gaarsiiyay Cisbitaalka degmada Cadale

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo maanta booqday isbitaalka weyn ee degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa ku wareejiyay shixnad daawo ah oo ay Hay’adda ugu talagashay in lagu caawiyo ciidamada qaranka kuwa deegaanka iyo dadka rayidka ah ee ku soo dhaawacmaya furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah ee khawaarijta.

Guddoomiye Maxamuud, ayaa deeqdan Shawanda ah oo ka kooban qeybo kale fusan, waxa uu ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Cadale Muuse Maxamed Axmed, Xildhibaan Geedo Oomane , madaxa caafimaadka degmada Cusmaan Maxamed Jabshe, iyo mas’uuliyiin kale.

Hay’adda SoDMA ayaa maalmihii dambeeyay waday fatal xooggan oo gargaar kala duwan lagu gaarsiinayo gobollada Dalka gaar ahaan goobaha ay ka socdaan xoreynta Khawaarijta Al-shaabaab.

 

Ciidanka xoogga oo dilay in ka badan 40 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa hawlgalo culus fuliyey saacadihii u dambeeyey,hawlgaladan oo ka kala dhacay labada gobol ee Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Hawlgalka ugu horeeya ayaa xalay wuxuu ka dhacay deegaanka geel-gub oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo Ciidanku xooggu weerar ku qaadeen goob ay isku urursanayeen xubno khawaarij ah waxayna Ciidanku halkaa ku dileen 40 khawaarij ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Waxa sidoo kale hawlgal labaad ka dhacay deegaan lagu magacaabo Boos Caduur oo ka tirsan degmada aadan yabaal waxayna Ciidanka deegaanka oo hawlgalkan fuliyey ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta.

Dhinaca kale waxay saaka Ciidanka Xoogga weerar culus ku qaadeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyye jab xooggan.

Hay’adda Boqor Salmaan kaashanaysana Al-Mahaasin oo maalintii Labaad bixinaya Zakatul fidri

Waxaa sii socota qaybinta Zakada Fidriga ee sanadkan 1446H – 2025, oo ay fulinayso Xarunta Boqor Salmaan iyadoo kaashanaysa Hay’adda Al-Mahaasin Foundation .

Maanta, oo ah maalinta labaad ee mashruuca, ayaa qaybinta si habsami leh u socotay, iyadoo la gaarsiiyay deeqaha xarumaha agoomaha, dadka nadaafadda ee ku nool Isbitaalka Martini, iyo qoysaska danta yar ee ku nool degmada Garasbaaleey ee gobalka Benadir iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaybinta maanta waxay sii xoojisay dadaallada lagu yareynayo culeyska nololeed ee qoysaska danyarta ah, iyada oo la xoojinayo farxadda maalmaha ciidda barakeysan ee Fidriga. Dadka ka faa’iideystay mashruucan ayaa muujiyay dareen mahadnaq iyo farxad, iyagoo uga mahadceliyay hay’adaha iska kaashanaya gargaarkan naxariista leh.

Mashruucan oo qayb ka ah dadaallada gargaarka ee joogtada ah, wuxuu sii adkeynayaa kaalinta Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada ee ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida amniga cuntada, caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha.

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, waxay mar kale bogaadinaysaa Xarunta Boqor Salmaan dadaalkooda joogtada ah iyo taageeradooda deeqsinimada leh ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la rajeynayaa in mashruucan uu wax badan ka tari doono baahiyaha nololeed ee qoysaska danta yar, si ay u helaan farxad iyo xasillooni inta lagu jiro xilliga ciidda barakeysan.

      

NISA oo kaashanaysa ciidanka xoogga dalka ayaa duqayn ku dishay in ka badan 21 khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo iskaashanaya ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shebeellaha Dhexe.