๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š XFS ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐“๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccรฒ Coppi.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaradda taliyaaniga ee magaalada Muqdishu, ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta hayโ€™adaha shaqo ee Soomaaliya iyo horumarinta fursadaha shaqo ee dalka.

Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Amb. Pier Mario Daccรฒ Coppi ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii Talyaanigu u xoojin lahaa taageeradiisa Soomaaliya gaar ahaan dhinaca shaqaalaha.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo oo waara gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loo horumarin lahaa xirfadaha shaqaalaha si ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Talyaanigu ay uga wada shaqeyn lahaayeen ajendaha shaqo wanaagsan (Decent Work Agenda), kaas oo ah qorshe caalami ah oo lagu xoojinayo xuquuqda shaqaalaha, ka hortagga shaqo laโ€™aanta iyo kor u qaadista tayada shaqo ee dalka.

Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal ee arrimaha shaqo iyo horumarinta bulshada.

Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday gobolka Bari ee Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntani lagu beegsaday malleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland.

Howlgalka ayaa lagu taageerayay dadaallada Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ee lagu ciribtirayo khawaarijta.

Qiimeynta horudhaca ah ee howlgalkan waxay muujinaysaa in xubno badan oo ka tirsan ISIS la dilay, iyadoo aanay jirin wax rayid ah oo waxyeello soo gaartay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Taliska AFRICOM ee Mareykanka, waxay sii wadi doontaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah sida ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya iyo caalamka.

Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in xukuumaddani ay tahay tii ugu horreysay ee la dagaallanta khawaarijta

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Xasan Macallin ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay si dhab ula dagaallantay khawaarijta, taas oo soo dadejisay guulaha la gaaray.

Wuxuu sheegay in ay dowladdu cadowga koobaad ka dhigatay nabad-diidka ciidamaduna ay godadka ugu daateen, taasi oo sababtay in ay Kalsooni buuxda helaan shacabka Soomaaliyeed.

โ€œXukuumaddu waxay cadowga 1aad ka dhigatay khawaarijta, waxaaan ugu galnay godadkoodi, taasi waxaa ka dhalatay in ay kalsooni buuxda helaan shacabka Soomaaliyeedโ€.

Wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in dowladdu ay khawaarijta ku qaadday dagaal saddex geesood ah oo isugu jira midka tooska ah, kan maaliyadda iyo kan fekerka, taas oo sababtay in ay godadka ku jiri waayaan iaygoo naf-lacaari ah, sidaas awgeedna xukuumaddani ay tahay tii ugu horreysay ee la dagaallanta khawaarijta.

Wasiir Fiqi oo u hambalyeeyay wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa teleefoonka kula hadlay gelinkii dambe ee maanta oo ah Talaado, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar, isaga oo u jeediyay hambalyo diirran oo ku aaddan xilka maanta loo magacaabay.

Intii khadka isgaarsiinta lagu wadahadlayay, Wasiir Axmed Fiqi waxa uu adkeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo iyo kan diblomaasiyadeed ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isaga oo caddeeyay aragti-wadaagga dhanka iskaashiga iyo horumar is-dhaafsiga. Waxa uu carabaabay kalsoonida uu ku qabo hoggaaminta Wasiirka Jabuutiyaanka ee xoojinta xasilloonida gobolka iyo sare-u-qaadidda dano-wadaagga.

Labada Wasiir ayaa waxa ay fallanqeeyeen hore-u-dhaqaajinta xiriirka labo geesoodka iyo is-gaashaanbuursiga fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga iyo kor-u-qaadidda wax-wadaagga istiraatiijiyadeed.

Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday gobolka Bari ee Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS.

Duqeyntan oo dhacday maanta, waxaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland. Howlgalka ayaa lagu taageerayay dadaallada Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ee lagu ciribtirayo khawaarijta.

Qiimeynta horudhaca ah ee howlgalkan waxay muujinaysaa in xubno badan oo ka tirsan ISIS la dilay, iyadoo aanay jirin wax rayid ah oo waxyeello soo gaartay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Taliska AFRICOM ee Mareykanka, waxay sii wadi doontaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah sida ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya iyo caalamka.

Xubno ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiiban dowladda

Baydhabo-Afar Xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidamada amaanka ee ka howlgala magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xubnahan isa soo dhiibay waxa ay sheegeen in ay Khawaarijta uga biireen gobolaada Baay, Bakool iyo Jubbooyinka, iyaga oo ka soo qeyb qaatay dagaal ay galiyeen argagixisadii ay ka soo baxeen.

Maareeyaha hayโ€™adda duulista rayidka oo ka hadlay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka muqdisho

Maareeyaha Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

Diyaaraddan oo ay lahayd QM ayaa saakay barqanimadii ka kacday garoonka muqdisho, iyadoo kusii jeedda magaalada bayshabo balse uu u bixi waayay shaagga hore sidaa daraaddeedna ay kusoo laabatay madaarka Aadan Cadde oo ay markii hore ka duushay, sida uu sheegay maareeyuhu.

Diyaaraddan oo ay saarnaayeen 22 qof oo dhammaantood ka tirsan shaqaalaha hayโ€™adaha qaramada midoobay ayaa si nabad ah kusoo gaca dhigatay garoonka diyaaradaha muqdisho kadib dedaallo badan oo ay sameeyeen hayโ€™adda duulista hawada iyo waaxaha kale ee ka howlgala madaarka muqdisho.

โ€œDiyaarad markii ay cilladi ku timaaddo waxaa jira hab-raac loo maro, badda ayaan kor geynay si dabka loo yareeyo, shidaalkaan ka dhamaynay, intaan shidaalka ka dhamaynaynay waxaan boobsiinnay dhammaan diyaaradihii bixi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa, Alle mahaddiis si nabad ah ayay ku degtay 22 qof oo UN ayaa saarnaa, cid wax ku noqotay ma jirto, deb demiska iyo Ambalasyaduna heegan ayay noo ahaayeen, wax mushkilad ahna ma dhicinโ€.

Dhabbaha ay ka haadaan diyaaradaha oo uu mashquul ku yimid awgeed ayaa la hakiyay duullimaadyada garoonka illaa 5-ta galabnimo ee maanta, sida uu sheegay maareeyaha hayโ€™adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Madaxweynaha Jabuuti oo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda

Djibouti-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti iyo afhayeenka rasmiga ah ee Djibouti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar.

Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa baddalay Maxamud Cali Yuusuf, oo noqday guddoomiyaha midawga Afrika, isagoo horay u soo noqday Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee dalka Kuwait kana soo shaqeeyay wasaaradda Arrimaha dibadda iyo goobe kale waxbarasho ah.

Toddoba dhagar-qabe oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada dhexe

Jowhar-Ciidamada difaaca madaniga ah degmada Mahaddaay ee gobolka Shbeellada dhexe ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cabdulle-Barbaar oo ku dhow nawaaxiga Ciid Ciidka.

Saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa warbaahinta ciidamadda u sheegay in howlgalka lagu dilay toddoba dhagar-qabe oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, lagana soo furtay lix qori, mooto Fekon iyo agab kale.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada deegaanka iyo xoogga dalka wadaan si loo sugo nabadgelyada deegaannada hoos yimaada Mahadaay, iyadoo la beegsanayo xubnaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya gobolka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha Khawaarijta lagu gaarsiiyay weerar lagu jabiyay oo ka dhacay duleedka deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in Khawaarijta malleeshiyaad korb u dhaafaya 30 looga dilay howlgallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Sidoo kale, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed ayaa sheegay in howlgallo barakaysan oo isugu jira cir iyo dhul kana nawaaxiga degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe kahwaarijta looga dilay malleeshiyaad ka badan 40, gaari nooca dagaalka ahna laga gubay.