Afhayeenka Boliska”Ciidanka Booliska waxay qeyb ka yihiin howlgalka lagu xoreynayo Khawaarijta”

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in howlgallada ciidanka aysan aheyn kuwo ku kooban caasimadda Muqdisho,balse ay qeyb ka yihiin dadaalada ka socda gobolada ee la doonayo in dalka looga xoreeyo kooxaha khawaarijta.

Afhayeenka oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa  faahfaahiyay shaqada ciidanka boliiska,isagoo sheegay in ay guud ahaan u xilsaaran yihiin sugidda amniga dhammaan gobolada dalka ,gaar ahaan deegaanada ay maamulaan dowlad goboleedyada Soomaaliya.

“Ciidanka boliiska waxa ay joogaan furimaha dagaalka,waxayna diyaar u yihiin in ay cadowga ka qabtaan shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri afhayeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan waxa uu qiray in lagu guuleystay wax ka qabashada falaka ay geystaan tuugada,kuwa dhaca moobeylada iyo waxa loo yaqaanno ciyaal weero ,isagoo dhinaca kale muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin dhameystirka howlgallada lagu soo afjaraayo khawaarijta.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo bogaadiyay ardayda wax ku barta Dalkaasi

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya Jabril Ibrahim Abdulle,ayaa Magaalada Nairobi uga qeybgalay daawashada bandhig dhaqameed ay soo abaabuleen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Jaamacadda Caalamiga ah ee USIU-Africa ,taas oo fadhigeedu yahay Dalka Kenya.

Bandhiggaasi oo sidoo kae ay ka qeybgalrrn xubno ka tirsan dublamaasiyiinta Safaraadda Soomaaliye,waxaa  ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaasi ay halkaasi ku soo bandhigeen dhaqanka faca-weyn ee qowmiyadda Soomaalida,iyagoo soo gudbiyay heeso iyo barnaamijyo ka tarjumaya dadka Soomaalida.

Danjiraha Soomaaliya ee safaaradda Kenya  Jabril Ibrahim Abdulle iyo xubnihii kaler ee ka socday safaaradda ayaa bogaadiya ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalkaasi,iyagoo ka mahadceliya ddaalka ku aadan bandgigga iyo   soo gudbinta hab-dhaqanka dadka Soomaalida.

Jaamacada USIU-Africa ,waxa ay kamid tahay jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka Kenya iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ,taas oo ay wax ku bartaan arday badan oo Soomaali ah oo qaata waxbarashada  noocyada  kala duwan ee cilmiga.

Daawashada bandhigga dhaqanka waxaa kaloo ka qeybgalay dibolomaasiyiinta iyo safiirada Afrika ee ku sugan Nirobi.

Ciidanka xoogga oo hawlgal ka dhacay jubbada hoose ku dilay xubno ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa maanta guul weyn ka soo hooyay howlgal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday kooxaha Khawaarijta.

Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay kooxda Khawaarijtu kaga sugnaayeen deegaanka Qabri Shariif,tiro badan oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in la burburiyay goobihii ay kooxdaasi kaga dhuumaalaysanaayeen deegaanka, isla markaana laga hortagay khataro ay qorsheynayeen in ay fuliyaan.

Ciidanka XDS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay wado howllgalo khawaarijta lagu naafeeyay.

R/wasaaraha XFS oo magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jiro Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.

Soomaaliya oo danjire cusub u magacowday dalka Aljeeriya

Aljeris-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Aljeeriya Mudane Axmed Attaf ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doono Aljeris mudane, Yuusuf Axmed Xasan ( jeego).

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Aljeeriya iyo wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaasi ayaa ka wada sheekeystay xaaladaha guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay dagaalka lagu cirib-tirayo khawaarijta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyada oo uu goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Khawaarijta, isla markaana caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyay booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.

Ducaale Axmed: “Markii aan ku biiray khawaarijta ayey ideyriyeen waalidkayga”

Ducaale Axmed Gabayre ayaa sheegay in markii uu ku biiray Khawaarijta ay si xun ula dhaqmeen waalidkiis, isla markaana ka dhigeen mid aan qiimo u laheyn.

Ducaale oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay waalidkiis ka eryeen guriga, aadna loo deyriyay, iyagoo eegaya dhibaatada ay u geysteen Khawaarijta.

Ducaale oo ka hadlay sameeynta kooxda ee dhallinyarada ayaa xusay in ay u soo bandhigayaan fursado aan run ahayn oo ku saabsan awood, lacag, iyo magac.

Ducaale Axmed oo isu soo dhiibay dowladda ayaa ka digaya in dhallinyarada kale ay ku dhici karaan khatartaas, isagoo kuwa haatan ku jirana ugu baaqay in ay isaga soo baxaan.

Wuxuu sidoo kale bulshada u muujiyay in laga hortagi karo fikirka xag-jirka ah, wuxuuna ugu baaqay kuwa haatan ka tirsan kooxda in ay dib ugu laabtaan bulshada, iyagoo helaya taageero iyo fursado ka fiican kuwa kooxda.

Ducaale Axmed Gabayre oo muddo 11 sana ah ka barbar dagaallamayay kooxda khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaysa qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa ugu dambayn ku qancay waanada hooyadiis, taas oo ay u dheer tahay gulufka xooggan ee argagixisada kaga timid ciidanka xoogga dalka iyo dadka degaanka.

Madaxwyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

Jabuuti:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, iyadoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen walaalnimada iyo iskaashiga Labada dal, kaas oo ku salaysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ree Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyey doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay’adaha ammaanka.    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti

DJibouti-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

Wasiirka Isgaarsiinta oo sheegay in ay xukuumaddu ku shaqeyn doonta dhowaan xarunta xisbiga

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolajiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Soomaali ayaa sheegay in xukuumaddu ay dhowaan toos ugu shaqayn doonto xarunta xisbiga oo laqalabaynaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintani lagu tilmaali karo mid muhiim u ah kana tarjumaya qorshayaasha horumarineed ee dowladda ee ku aaddan teknoolajiyadda iyo isgaarsiinta dalka.

”waxaa lagu tilmaami karaa arrin muhiim ah oo ka tarjumaysa qorshayaasha horumarineed ee dowladda ee ku aaddan teknoolajiyadda iyo isgaarsiinta dalka”.

Qorshahan ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay rabto in la horumariyo is-dhexgalka xogta iyo maaraynta shaqooyinka dowladda iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyada iyo nidaamyo casri ah oo wax ku ool ah.