Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Uganda

Kampala: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, ayaa wada-hadallo miro-dhal ah la yeeshay Madaxwaynaha martida loo yahay mudane Yoweri Museveni.

Kulanka labada Madaxwayne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin:

1. Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

2. Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika.

3. Labada Madaxwayne ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM.

4. Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka.

5. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqangalintiisa.

6. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isaga oo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdishu u fidiyay Madaxwayne Museveni.

7. Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan.       

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Taliyihii guutada 14-ka October ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, Ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida Alle ha u naxariistee, Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Taliye Nuur Farey uu ahaa halgamaa daacad ah oo nolol iyo nafba u huray difaaca Qaranka iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo dhammaan shuhadada Ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay wado baaritaan dhameystiran oo ku saabsan weerarkan argagixisanimo, waxa uuna adkeeyey go’aanka adag ee dowladda ee ku saabsan in la sii laba jibbaaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee cadawga ku ah nabadda iyo xasilloonida dalkeenna.

NISA oo fulisay lix howlgal oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo fulisay 6 howlgal oo lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

Howlgalada ayaa ka dhacay gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyadoona sidoo kale lagu burburiyey xarumo ay Argagaxisadu ku dhibaateyn jirtay shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyna Xasan Sheekh oo gaaray Kampala

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Booqashada shaqo ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, iyada oo labada Madaxwayne ay sidoo kale ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya.

      

Ciidanka xoogga oo hawlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan Galgaduud

Galgaduud:-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururada 242-aad iyo 243-aad, ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaannada Jilib Qoodhiley, Qori Madoobe, iyo deegaanka Cali Yabaal, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan gobolka Galgaduud.

Taliyayaasha ururadaasi, dhame Bashiir Qorane (Ururka 242) iyo dhame Cabdi Daahir Xirsi (Ururka 243), ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in laga hortago dhagarta ay maleegayaan kooxaha Khawaarijta ah ee caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa howlgalka ku burburiyay xarumo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, iyagoo sidoo kale xaqiijiyay in deegaanadaasi hadda ay yihiin kuwo amnigooda la xaqiijiyay.

     

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo cadawga Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka-miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo cadawga arxanlaaweyaasha ah.

Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta.

 

DHAMMAAD

Wax ka Ogoow Diyaaradda Bayraktar Akinci

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono difaaca Qaranimada iyo badqabka Dhuleed, iyadoo mid ka ah ay tahay Diyaaradan Akinci, waana nooca aan duuliyaha laheyn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar, waxaana loogu talagalay inay fuliso howlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo howlgallada ciidamada.

Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa Rasaas, Gantaalo iyo Bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaailaa iyo 25 saacadood, waxaana kaloo loo isticmaala Tiknoolajiyada Sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda, iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar Sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah.

Akıncı waxay qaadi karta ugu badnaan culeys dhan 5500+ kg, waxay leedahay laba matoor oo turboprop ah oo awood u siinaya inay hawada sare u gasho joog dhan 38,039 ft oo ay ku gaari karto muddo 25 saacadood ah masaafo 7,507 km, waxayna ku qalabeysan tahay hannaan awood leh oo ay ku qaadi karto weerarrada elektaroonig ah ,iyadoo adeegsanaysa nidaamyada ka-hortagga, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka, radar hawada-ilaa-hawo iyo radar-ka-hortagga shilalka.

Heshiisyada dhoofinta ee lala saxeexday ayaa gaaraya 11 Waddan, Bayraktar AKINCI TIHA waxay sii waddaa fulinta howlgallada gobollada kala duwan ee adduunka, waxayna door muhiim ah ka ciyaartay baadigoobka iyo samatabbixinta ka dib shilkii diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen Madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi iyo wafdigiisa 19-kii May, 2024-kii, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Turkiye Anadol.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale u adegsatay weerarada ka dhanka ah kooxda PKK ee Kurdiyiinta, iyadoo Meelaha kale ee ay ka howlgashay ayaa ka mid ah Libiya oo ay Turkiga u adeegsadeen ciidamada Janaraal Khalifa Haftar.

Haddaba Muhiimada ay u leedahay Soomaaliya diyaaradan ayaa Dadka ka faallooda arrimaha Ciidamada ayaa tibaaxaya dhowr arrimood:-

•Inay ku hubeysanyihiin ciidanka Soomaaliya diyaaradda Bayraktar Akınci , waxay siinaysa gacan sarreyn ay kaga gudbayaan dheelitirkii awoodda ee u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo kooxaha sida AS.

• Waxaa adkaanaysa inay nolal ku laabtaan koox kasta oo weerar ku qaada saldhigyada ciidanka xoogga , sabab la xiriirta masaafada deg deg leh oo goob kasta oo Soomaaliya ay ku gaari karto diyaaradan!
• Diyaaradan waxay leedahay hannaan sirdoon oo awood u siinaya ciidanka Soomaaliya inay fuliyaan howlgallo gaar ah oo ay ku beegsanayaan xubnaha sare ee AS.

• Bayraktar Akınci , waxaa kaloo ay Soomaaliya awood u siinaysa inay ilaaliso hawadeeda oo diyaaradan ayaa ka hortagi karta diyaarad walba oo soo gasha hawada Soomaaliya.
•Akınci, waxaa kaloo ay fulin kartaa howlgalo baadi goob iyo sahmin isugu jira.

• Waxayna awoodaan labadan diyaaradood inay muddo ka yar afar bilood ku burburiyaan saldhigyada AS ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, haddii ay helaan gantaallada iyo xogta sirdoon ee bartilmaameedyada.

• Heli-taanka diyaaradaha waa in goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya ay howlgallo ka fulin karaan ciidanka Soomaaliya, sababtoo ah saacadii waxay ku gaari kartaa masaafo dhan 277 km illaa inta u dhaxeysa 361 km.

Ma aha diyaaraddii u horreyay ee aan duuliyaha laheyn oo ay Soomaaliya hesho, horey waxay ciidanka Soomaaliya u heysteen diyaaradda Turkiga uu soo saaro ee Bayraktar TB2

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay qaar ka mid ah ciidanka difaaca deegaanada shabeellaha dhexe

Shabeellaha dhexe:-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Ciidanka difaaca deegaanka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka geysteen difaaca dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta” wax aan idiin ka mahad celinayaa sida geesinimada leh ee u difaacdeen diinta,dalka iyo sharafkiina”.ayuu yiri Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

Taliye Odowaa ayaa sheegay in dhowaan la dhamaystiri doono haraadiga khawaarijta ku soo duulay diinta iyo dalka” Khawaarijta diinta nalama leh ehel ma ah waayo wuxuu kuu arkaa Gaal”khawaarijta waxay ka shaqaysaa in hooyadii la dilo in walaalkii la dilo in dhiiga muslimiinta la daadiyo.

Taliyaha Xoogga oo ka hadlay isa soo dhiibayaasha khawaarijta ayaa yiri ”Wax badan intaa dagaalka ku jirnay waxaa arki jirteen anagoo leh ha isa soo dhiibaan hadda waxaan leenahay ha isa soo dhiibina Meeshiina ku jira,meeshiina ayaa la idin ku soo afjarayaa”.ayuu yiri taliye Odowaa.

Ciidanka Booliiska oo soo xiray Cabdiraxmaan Suleyman oo ku kacay falal ku liddi ah Amniga qaranka

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliiska ee degmada Xamarweyne ayaa caawa soo xiray Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac, oo ku eedeysan inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka.

Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal ka soo saaray xarigga Cabdiraxmaan Suleymaan ayaa sheegay la horgeyn doono “Maxkammada Awooda u leh.”

“Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah, qof walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka waxa uu wajihi doonaa hay’adaha cadaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ururka Saxafiyiin ee FESOJ oo tababar u soo xiray xubno ka tirsan Warbaahinta madax-banaan

Tababar Socday u mudo labo maalmood ah oo uu qabatay Ururka isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) oo kaashanaya BBC Media Action ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdishu.

Tababarkan oo ku saabsanaa ka hortaga colaadaha iyo nabad dhiska loona qabtay wariyaasha idaacadaha iyo dhalinyarada baraha bulshada ku shaqeeya waxay ku baranayeen mowduucyada kala ah doorka Warbaahinta Bulshada ama Social Media uu ka qaadan karo ka hortaga Colaadaha iyo dhinaca kale oo ah taageerida Nabad dhiska, xirfadaha waraysiga, hal abuurka warbixinada dhismaha nabadda, Anshaxa, soo saarista xirmo wadareedka, sheeko tabinta , waraysiyada dadweyne ee aragtida bulshada(Vox Pop).

20ka ka qaybgale ee tababarka iyo maclimiinta ayaa casharada la qaatay ka dib isla falanqaynaayay sida loogu dabaqi karo aqoonta ay barteen qaybaha warbaahinta ee baraha bulsda ay ka hawlgaleen.
Tababarka waxaa soo xiray Xoghayaha guud ee FESOJ, Faarax Cumar, waxa uuna ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay aqoontooda xoojiyaan casharada ay halkan ka barteena laga arko wax soo saarkooda iyo isbedelka ay ku sameeyeen idaacadaha iyo baraha bulshada ay wax ku qoraan

Ururka FESOJ oo tababarkan hirgaliyay waxaa ka taageeray BBC Media Action, waxaana maalgaliyay Xaffiiska midowga Yurub (EU).