Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay ku simaha safiirka Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Chen Wendi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Shiinaha siiyo dalkeena, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada.

   

Guddoomiyaha Ruun-nirgood oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii saakay ka dhacay gudaha magaalada

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe Macallin Muxudiin Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkii saakay ka dhacay gudaha magaalada

Guddoomiyaha oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiya gacanta looga dhigay xaruntii ay ku sugnayeen,ciidanka ayuu sheegay in wali ay wadaan howlagallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Macallin Muxudiin Kulmiye guddoomiya degamada Ruun-nirgood ayaa inta hadalkiisa ku daray in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu burburiyay fariisimihii cadawga,haddana ay guuda ahaan amniga degmada ay gacanta ku hayaa ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka.

Ciidamada, oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, kuwaas oo hadda firxadkooda la dabajoogo.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐫 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐊𝐮 𝐓𝐚𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝.

Dr. Maryama Mohamed Hussein, Wasir dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa kormeer shaqo ku tagtay qaar ka mid ah isbitaalada danta guud ee magaalada Muqdisho. Kormeerkan ayay ujeedadiisu ahayd mid ay si dhow ugu ogaanaysay xaaladaha caafimaad ee bukaanada iyo adeegyada kala duwan ee lagu bixiyo xarumahan haar ahaan Isbitaalada Banaadir, Madiina, DeMartino iyo Erdugan EX Digfeer.

Intii ay ku guda jirtay kormeerka ayay Dr. Maryam waxay la kulantay bukaanada ayadoona xog wareestay si ay u ogaato xaaladahooda caafimaad iyo adeegyada ay helayaan bukaanada ayaa uhelay fursad ay ku gudbin karaan hadii ay jiraan dhibaatooyin ay la kulmaan iyo talooyinkooda si loo hagaajiyo adeegyada.

Sidookale wasiir dowlaha ayaa warbixino ka dhageysatay maamulada isbitaalada waxayna la wadaageen habsami u socodka shaqo iyo caqabadaha jira ugu danbayn maamulada isbitaaladda ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshada.

Wasir dowlaha ayaa ugu danbayn ku amaantay howl-wadeenada caafimaadka, iyadoo xustay sida ay u dadaalayaan si ay u daryeelaan caafimaadka shacabka. Dr. Maryam waxay sidoo kale ku dhiiragelisay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyadoo sheegtay in shaqada ay qabtaan ay tahay mid aad u muhiim ah oo saameyn weyn ku leh nolosha dadka ayadoona u xaqiijisay in Wasaaradda ay ka go’an tahay in ay taageerto shaqaalaha caafimaadka iyo in la xoojiyo adeegyada caafimaad si loo gaaro natiijooyin wax ku,ool leh.

Howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay gudaha degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada, oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, kuwaas oo hadda firxadkooda la dabajoogo.

Faahfaahin dheeraad ah kala soco goordhow warbaahinta Qaranka.

Maalinta caalamiga ah ee horumarinta isboortiga iyo Nabadda oo Muqdisho laga xusay

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa manata ku xusay magaalada Muqdisho maalinta caalamiga ah ee isboortiga Horumarinta iyo Nabadda 6 April.

Munaasabada xuska maalinta 6-da April oo lagu kala qabtay Garoomada Stadium Mogadishu iyo Wiish Stadium ayaa Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Dahabo Suusow, Agaasimaha Wasaaradda Jamaal Shiil, Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee Wasaaradda Saacid Maxamed, Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed Duran Farah, Xoghayaha Guud ee GOQS Mohamed Abdo Haij, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdirashiid Cabdulle, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Yuusuf Muxudiin, Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Maxamed Cali Siyaad iyo bahweynta Isboortiga wiilal iyo gabdhaba.

Waxaa la qabtay ciyaar Kubadda Kolayga ah oo ay dheeleen degmooyinka Shibis iyo Hodan, Ciyaaro dhaqameedyo ay ka mid yihiin xarig jiid, tartanka Jawaan-ku-orodka, dhari jebin. Waxaa kaloo dabaal degga qeyb ka ahaa oo maalinkaan lagu maamuusay ciyaartii galabta dhex martay kooxaha Dekadaha iyo Horseed, oo ka dhacay Garoonka Mogadishu Sadium.

Xuskaan maalintaan weyn ayaa si guul leh ku soo dhamaaday, iyadoo Koob iyo Abaal marino kala duwan la guddoon siiyay kooxixii ku guuleystay tartamadii kala duwanaa.
              

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay madaxda Hay’adda SOS

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA Md.Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi isugu jiray madaxda ugu sareeysa Hay’addaha SOS Germany iyo SOS Somalia.

Kulankaas ayaa looga hadlay xaaladda Bini aadanimo ee Dalka, iyadoo sidoo kale lugu falanqeeyay saameynta ay yeelatay hoos u dhaca ku yimid deeqaha gargaar ee looga jawaabi jiray arrimaha Bani-aadanimo ee dalka.

Hay’addaha SOS Somalia iyo SOS Germany waxey sheegeen iney ka go’antahay in wixii karaankooda ah ay kordhin doonaan taagerada ay taageetayaan bulshada soomaliyeed ee u baahan gargaarka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa caawinta Dadka kasoo barakaya Colaadaha iyo abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Kulankaan waxaa uu ka mid yahay kulamo dhowr ah oo ay hay’adda SoDMA ugu qaaraameyso sidii dalka uu u heli lahaa dhaqaalo lugu kabo hoos dhaca ku yimid gargaarkii ay bixin jirtay Dowladda Mareykanka.
     

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulanka 150-aad ee Baarlamaanka Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa Magaaladda Tashkent wadanka Uzbekistan uga qeyb galay furitaanka kalfadhiga 150-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU.

Shirka sanadkan ayaa looga doodi doonaa mowduuca guud ee ah Tallaabada Baarlamaanka ee Horumarinta Bulshada iyo Caddaaladda, iyada oo inta kulanka uu socdo ay jiri doonto madal ay ka qeyb galayaashu kaga doodi doonaan arrimahaas, sidoo kale shirka inta uu socdo madaxda ka qeyb galeysa waxa ay is-weydaarsan doonaan aragtiyadooda ku aadan mowduuca shirka iyaga oo talooyinkooda ku biirin doona.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono xaaladda guud ee wadanka iyo guulaha ay dowlada ka gaartay la Dagaalanka argagaxisada sidoo kale iyo arimaha Aminga caddaaladda iyo hormarka bulshadda.

Guddiga Qaran ee Taageeradda la-dagaallanka Khawaarijta oo kulankoodii ugu horeeyay yeeshay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray garab istaagga ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka dagaallamaya qeybo kamid ah gobollada dalka iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa dhagarta ay kooxaha Khawaarijta ah u maleegayaan shacabka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo xusay in si isku mid ah loo garab istaago geesiyaasha xoogga dalka, iyada oo bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in ay gacan ka gaystaan difaaca dalka iyo ciribtirka cadowga.
          

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kormeeray mashaariic iyo goobo ganacsi oo Soomaali leeyihiin

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka ahaayeeen diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa booqasho dhiirigelin iyo u kuurgelidda xaaladda Nololeed ugu tegay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Namanga ee xadka Kenya uu la wadaago Tanzania.

Safiirka iyo xubnaha la socday ayaa kormeeray mashaariic iyo ganacsiyo kala duwan oo Ganacsato Soomaaliyeed ay halkaasi ka hirgeliyeen. Ganacsiyada ayaa waxaa ka mid ahaa beero ay ku tacbadeen dalagyada nuucyadiisa kala duwan, goobaha ugu waa weyn ee lagu dhaqdo digaaga, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageysteen Ganacsatada Soomaaliyeed.

Danjire Jabriil ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay door muhiim ah ka qaataan isdhexgalka bulshada, horumarinta ganacsiga iyo abuurista fursado maalgashi.

Danjiraha ayaa goobihii uu booqday waxaa ka mid ahaa dusgiga sare ee gabdhaha isaga oo xusay in Arday badan oo Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysteen Iskuulaadka ku yaala dalka Kenya, isla markaana uu socdo qorshe ay waddo dowladda Soomaaliya oo ah in ardayda loo fududeeyo Jaamacadaha dalka.

“Fursado ganacsi iyo mid maalgashi ayaa halkan ka jirta, Safaaraddu waxa ay diyaar ula tahay in bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan fursadaha Maalgashi ee magaalada ka jirta”.ayuu yiri Danjire Jabriil.

Waa markii ugu horeysay taariikhda uu Safiir Soomaaliyeed booqasho iyo dhiirigelin ugu tego bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Namanga ee dalka Kenya.

        

R𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur,

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay laf-dhabar u tahay difaaca Qaranka, amniga iyo horumarinta siyaasadda Qaran ee dib-u habeynta iyo tayeynta ciidanka Qaranka ee habeen iyo dharaarba u dhimanaya difaaca dalka iyo diinta, si loo ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah, loona baahanyahay in la dhamaystiro Qorshaha Xukuumadda ee Soomaaliya nabad ah.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabateyntii hubka oo muddo dheer kaddib dalkeenna laga qaaday, diyaarintii ciidamadii kala duwanaa ee ka qeyb-qaatay amniga caasimadda, iyo diyaarinta qorshaha casriyeynta hannaanka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu sameeyay dib-u-habeyn xooggan, sidaas awgeed Wasiirka cusub waxaa laga doonayaa in uu horumariyo siyaasadda Qaran ee difaaca iyo dib-u xoreynta dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa Wasiir Cabdiqaadir, ku ammaanay dedaalkii badnaa ee uu galiyey sidii loo heli laxaa ciidan Qaran oo awood u leh in ay dalkeenna ka difaacan cadowga, una diyaarsan ciribtirka Khawaarijta, waxaa uuna Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargaliyo dib u habeynta ciidamada iyo wada-shaqaynta hey’addaha amniga si looga guuleysto kooxaha argagixisada ah.