Wasiirka Biixi oo la kulmay wasiirka maaliyadda Kuwait

Kuwait City: Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka Kuwait ayaa maanta waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Kuwait Marwo Eng. Nuura Sulaymaan Al-Fassam iyo saraakiil sare oo Wasaaradda Maaliyadda Kuwait ka tirsan.

Kulanka oo ay Wasiirka Maaliyadda ku wehlinayeen Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya mudane Cabdirahman Maxamed Cabdullaahi iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kuwait City Dr. Cabdullaahi Maxamed Sheekh ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumatinta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ee iskaashiga dhaqaalaha.

Kulanka oo miro-dhal ahaa ayaa labada dhinac waxa ay si gaar ah u dul istaageen arrimaha maalgalinta iyo Ganacsiga oo madaxda Dowladda Soomaaliya ay dhawaanahaanba juhdi gaar ah ku wadeed sidii loo maalgalin lahaa ilaha soosaarka dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Kuwait taageeradeeda taariikhiga ah ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya, waxaa kale oo uu balan qaaday in ay xoojinayaaan xiriirka wadashaqeyneed ee ay Dowladda Kuwait la leedahay Dowladda Soomaaliya si loo kobciyo dhaqaalaha iyo qorshe yaasha maalgalineed ee u dagsan Dowladda Soomaaliya.

  

Wasiirka Warfaafinta oo shir guddoomiyay kulanka hay’adda TUBSAN ee la dagaallanka arrimaha xag-jirka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee hay’adaha DFS, Dowlad Goboleedyada, Ururrada Bulshada, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya, Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha la dagaalanka fikradaha xag jirka ah iyo ka hortagga falalka argagixisonimada ee nabadda ka dhanka ah (Preventing & Countering Violent Extremism).

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Qaran ee Tubsan ee La Dagaalanka Fikradaha Xag-Jirka ah ayaa waxaa looga dooday halka ay marayaan hawlaha la dagaalanka fikradaha xagjirka iyo argagixisonimada iyo sidii hay’adaha ku mideysan hawshan ay iskaga kaashan lahaayeen dardar-gelinta barnaamijkan oo muhiim u ah in Soomaaliya ay dib u hesho xasilooni buuxda, qeybna ay ka qaadato nabadda gobolka iyo tan caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa xusay in hawlaha la xiriira fikradaha xajirnimada ee rabshadaha wata aan laga mira dhalin karin haddii aanay jirin iskaashi buuxa oo dhex mara hay’adaha dowliga ah, bulshada iyo qeybaha kale ee muhiimka u ah najaxinta qorshahan qaran.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud ayaa xusay muhiimadda isku duwidda shaqooyinka barnaamijkan oo noqon kara waddada keliya ee lagu xaqiijin karo in jawaab celin waafi ah oo dhameystiran, iskuna dhafan laga bixiyo caqabadaha xagjirnimada rabshadaha wata.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka uga warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen Khawaarijta, kuwaas oo guulo la taaban karo laga soo hoyay, isla markaana ku ammaaney shacabka sida ay ugu baraarugsan yihiin damaca guracan ee Khawaarijta oo mar walba lid ku ah nolosha iyo bedqabka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) Dr. Christopher Laker iyo mas’uuliyiin kale ayaa iyaguna kulankan hadal ka jeediyay, iyagoo ku amaaney Hay’adda Tubsan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay baabi’inta fikradaha xagjirnimada iyo inay Soomaaliya u horseedaan nabad, barwaaqo, horumar bulsho iyo mid dhaqaale intaba.

Afhayeenka gaashaandhiga oo ka hadlay bannaanbaxyada ka dhanka ah khawaarijta ee ka dhacay muqdisho

Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan dibedbaxyada ka dhanka ah nabad-diidka ee lagu qabtay muqdisho iyo in ay shacabka ku nool caasimadda dareenkooda ka muujiyaan dhibaatada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku hayaan khawaarijta.

Afhayeenka oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay shacabka Soomaaliyeed garab istaagaan wiilashooda xaq u dirirka ah ee naftooda, maalkooda iyo dhiiggooda badbaadinayo, iyagoo ku dhiirraday in ay bannaanbax ku muujiyay dareenkooda.

Wuxuu sheegay afhayeenku in ay shacabku maanta ka baxeen xilligii ay ka baqi jireen wax ka sheegidda khawaarijta, balse dedaallo badan oo muujisay xukuumadda Dan-Qaran ay suurto gal noqotay in goob fagaaro ah laysugu yimaaddo lagana hadlo dhibaatada kooxda.

Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay meesha ka baxday beentii ay shacabka ku qaldi jireen mar hadday arkeen in ay bulshadii kasoo jeedaan, taas oo guud ahaan ciidamada Qaranka u ah dhiirrigelin halka argagixisaduna ay u tahay dhabar jab.

Shacabka gobolka Hiiraan oo garab istaagay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka Aboorreey

Buulo-burte- Qeybaha kala duwan ee shacabka gobolka Hiiraan ayaa gurmad iyo garab istaag la dhic joogsaday Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo saaka cashar adag Khawaarijta ugu dhigay deegaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu soo afjaray Khawaarijtii duulaanka kusoo qaaday deegaanka.

Shacabka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa ciidamada la garab istaagay gurmad isugu jira raashin, caano iyo biyo si ay u taageeraan, una dhiirri galiyaan Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku jira cirib tirka khawaarijta.

Dadkan oo isugu jira haween, arday iyo dad waayeello ah ayaa si xamaasad leh u taageeraya naftood hurayaasha xoogga dalka, taasi oo muujinaysa sida aan loogu kala harin dagaalka Khawaarijta duullaanka ku ah dadka, diinta iyo dalka.

Ciidanka xoogga oo deegaanka Aboorreey ka saaray khawaarijta

Buulo-burte- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo saaka aroornimadii Ciidamadu ku qaadeen weerar saf ballaaran ah.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa u daatay godad ay Khawaarijtu gudaha deegaanka ka qoteen saacadihii u danbeeyay.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay maydadka khawaarij tiro beel ah oo daadsan gudaha deegaanka, waxayna xuseen in kuwooda badbaaday ay duurka u baxsadeen halkaasi oo wali lagu sii baacsanaayo firxadka Khawaarijtii lasoo qalday.

Madaxweyne laftagareen oo la kulmay danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha iyo Safiirka Ingiriiska ayaa kulankooda kaga wada hadlay amniga guud ee deegannada Koonfur Galbeed, mashaariicda dowladda Ingriiska ay ka waddo deegannada Koonfur Galbeed iyo arrimaha siyaasadda guud ee Soomaaliya.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐭𝐚𝐡𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐨𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐦𝐚𝐭𝐚𝐚𝐧𝐨 𝐚𝐡

Wasir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa booqatay hooyo ku dhashay afar mataano ah (gabdho) qeybta VIP ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyada oo halkaas uga muujisay tahniyad iyo taageero.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd kormeer shaqo oo Wasiiru Dowluhu ku sameysay Isbitaalka Banaadir halkaas oo ay horey ula kulantay hooyada inta lagu guda jiray xilliga uurka, waxayna ballanqaadday in ay dib u soo booqan doonto marka ay umusho – taasoo maanta rumoowday.

Dr. Maryama ayaa sidoo kale uga mahadcelisay maamulka iyo dhammaan howl-wadeenada caafimaadka ee Isbitaalka Banaadir ka howlgala dadaalka ay ugu jiraan badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed Wasiir dowlaha ayaa si gaar ah ugu bogaadisay hawlkarnimada iyo xilkasnimada ay ku shaqeeyaan taasoo muhiim u ah horumarinta adeegyada daryeelka caafimaadka ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug oo madaxda Hay’adda SoDMA kala hadlay gurmadka abaaraha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka ee SoDMA, waxaana xaruntaan ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lala wadaagay warbixin guud oo la xiriirta howlaha iyo waajibaadka Hay’adda, saameynta taban ee ka dhalatay abaarta dalkeenna ka jirta, dagaalada lagula jiro khawaarijta ee ka socda Galmudug, hoos u dhicii ku yimid deeqihii gargaar ee arrimaha Banii’aadannimada looga jawaabi jiray, iyo dadaallada gargaar ee SoDMa ka wado dalka.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Markale martigaliyey shir looga hadlaayo arrimaha Banii’aadannimada oo 22 bishaan ka furmaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, dhinaca kale Madaxweyanaha waxa uu booqday dhammaan qeybaha kala duwan xarunta Hay’adda, isagoo kulan guud la qaatay hoggaanka Hay’adda waxana uu uga mahadceliyay dadaallada joogtada ah ee Hay’adda SoDMA ay ka wado dalka.

        

Beesha caalamka oo soo dhaweeysay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Warsaxaafadeed ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay gogosha Qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u fidiyay siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan demoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah.

Warsaxaafadeed-ka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta kuwaas oo Argagixisada lagu naafeeyay, islamarkaana looga khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad halis ku ahaa dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, Waxaa naga go’an in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku garab-istaagno halganka ay ugu jiraan dhismaha qaran nabdoon, demoqoraadi ah isla-markaana barwaaqo ah” ayaa lagu yiri qoraal Beesha caalamka.

Aqoonsiga Qaranka oo lagu xirayo adeegga ay hay’adaha dowladdu bixiyaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku-xirka Aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha, taas oo meesha ka saareysa in ka badan 34 sano oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in adeegsiga dhijitaalku yahay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kala ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaalaha horumar ee gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in la sameeyey dhammaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, Xukuumadduna ay ballanqaadeyso in dadweynaha la diiwaangeliyo oo aqoonsi la siiyo, isaga oo faray Hey’adaha heerarka kala duwan ee Dowladda JFS iyo Hey’adaha aan dowliga ahayn ee bixiya adeegyada uu aqoonsiga muhiimka u yahay in ay bixinta adeegyada ku xiraan Aqoonsiga Qaranka.