Wasiir Maareeye oo furay kulan looga hadlayay kobcinta wax soosaarka dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ku dhawaaqay kulan hordhac ah oo ku saabsan “Shirka Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha (NAFIS)” kaasoo diiradda lagu saarayo kobcinta wax soosaarka dalka iyo helidda maalgelin ballaaran oo lagu horumarinaayo dhaqaalaha beeraha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda, agaasimaha guud, agaasime waaxyeedyada, lataliyayaasha iyo qaar ka mid ah howlwadeennada wasaaradda, ganacsatada beeraha, bangiyada, jaamacadaha iyo gabdhaha beeraha ka ganacsado.

Wasiirka waxa uu iftiimiyay in dalalka khaliijka ay maanta si toos ah u muujinayaan xiisaha ay u qabaan maalgelinta wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya, iyaga oo doonaya in ay iska ilaaliyaan cunno yari ku timaadda dadkooda.

Wuxuuna shegay in dalabyo iskaashi iyo maalgelin ay ka imaanayaan wadamadaasi, taas oo Soomaaliya u fureysa fursad dahabi ah.

Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan la qaatay safiirka dowlada Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi.

Wasiirka ayaa kala hadlay Safiirka cilaaqaadka kala dhaxeeya wasaaradda iyo sidii loo sii dar dar galin lahaa arrimaha dhallinyarada gaar ahaan sidii loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo horumarinta qaybaha kala duwan ee Isboortiga oo muhiimad weyn u leh wasaaradda.

Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa soo dhaweeyay kulanka shexmaray asaga iyo wasiirka, wuxuuna ballan qaaday in ay sida uu qorshaha yahay qayb laxaad leh ka qaadan doonaan howlaha lagu horumarinayo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo tan ciyaarahaba.

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay shirka hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa maanta ka qeyb galay munaasibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanadkani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait.

Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan.

Waa la soo gaaray xilligii dhamaaadka Khawaarijta (WARBIXIN)

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay si guul leh u fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Shabeellaha dhexe. Howlgalka oo ka dhacay bartamaha degmada iyo deegaanada ku dhow ayaa lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Duqeymo Cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka iyo CXDS oo ay wehliyaan hawlgallo dhulka ah oo lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan argagixisada ayaa sidoo kale lagu gubay saddex gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen gaadiid dagaal, halka midka kalena uu ahaa Ambalaas oo ay u adeegsanayeen ujeeddooyin qaldan.

Inta lagu guda jiray hawlgalka, waxaa la qaarajiyay Bashiir Axmed Dhuxul oo loo yaqaanay Bashiir Caadle, kaas oo ahaa Amiirka Dacwada ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe. Khawaarij Bashiir Caadle ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu firfircoon ee ka qeyb qaata abaabulka iyo faafinta fikirka xagjirka ah, waxaana dilkiisa uu dhirbaaxo culus ku yahay hoggaanka kooxda Khawaarijta.

Ciidamada geesiyaasha ah ee Danab ayaa weerarka si xirfadaysan u fuliye, iyagoo bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen, kuna diyaarinayeen falal amni darro. Argagixisadii lagu beegsaday howlgalka ayaa ka cararay goobihii ay ku sugnaayeen, iyagoo halkaasi kaga tegay meydad iyo dhaawacyo badan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in howlgalkaan uu qeyb ka yahay qorshaha ballaaran ee lagu ciribtirayo argagixisada, laguna xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa kooxaha argagixisada ah in aan loo dulqaadan doonin khatar kasta oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Abwaanad Shamso Sheekh Cali ayaa Geeraar ku aadan dhaqamada xun xun ee ee kooxda Khawaarijta ah ayay tilmaantay “Muslim aan Ilaah beenin waxay gaal u bixiyaanba baroortoodi soo umadda dhami kuma bishaareysan.”

Dhinaca kale ‘Waa Geesiyaal Wiilasha iyo Gabdhaha Reer Hiiraan, 24 saac wax ka yar ayey khawaarij uga saarteen dhowr magaalo oo ka tirsan Gobolkaasi’.

Sawirkaan waa shalay, goobtuna waa Deegaanka Abooreey oo ka tirsan  Gobolka Hiiraan, waa Gabar Soomaaliyeed oo Biyo siinaysa Wiil Dagaalyahan ah oo ku Oomay Xabadda uu Khawaarijta ku ridayo, waana dhaqan lagu yaqaan Gabdhaha Soomaaliyeed inay Mujaahidiinta Xoogga Dalka ka daba wadaan Biyo Caano.

Waa Sawir ka tarjumaya  xaqiiqada Dagaalka ay Dadkeenu kula jiraan Khawaarijta oo ah mid aan loo kala harin. Insha allaah waa laga adkaanayaa Khawaarijta, sidaasi waxaa yiri:- Wasiir Cadaala Kuxigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaalada culus ee lagula jiro kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab in gabi ahaanba laga saaray deegaanno badan saacadihii la soo dhaafay sida uu ku waramayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, isagoo intaasi raaciyay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay saakay howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geel-gub ee gobolka Shabeellada dhexe Malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaasi oo si dhuumaaleysi ah u soo galay.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday Malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaankaGeel-gub, si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah, iyadoo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay kooxda.

Waxaa maalintii shanaad oo xiriir ah ay geesiyada Qaranka iyo halgamayaasha deegaanku ay weerarro ku ekeeyeen Khawaarijtii isku soo maqiiqday maamulka goboleedka Hirshabeelle, iyadoo saakayna lagu laayay, lagana saaray deegaanka Geel-gub, islamarkaan dhawaan filo warar intaasi ka sii faahfaahsan.

Ciidanka xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Mudug

Gaalkacyo- Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa xalay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceel-saacid ee koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada is-garabsanaya ayaa howlgallo qorshaysan kubeegsaday saldhigyo iyo gaadiid dagaal oo ay kooxaha khawaarijta ku haysteen deegaankaas.

Saraakiisha Ciidammada ayaa xaqiijiyay in howlgallada lagu beegsaday saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka ee khawaarijta, iyagoo intaa ku daray in ay xoojinayaan dedaallada ay dowladdu ugu jirto ka hortagga iyo ciribtirka kooxahan argagixisada ah ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka.

Saraakiishu waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalladan ay qayb ka yihiin qorshayaasha amni ee ka socda gobolka Mudug, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida deegaannada ay khawaarijtu ka joogaan.

Ciidammada Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa u muuqda in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan hawlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta, iyada oo ujeedaduna ay tahay in la xaqiijiyo amniga shacabka iyo dhismaha dowladnimada.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay deegaanka Geel-gub

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay saakay hawlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geel-gub ee gobolka Shabeellada dhexe malleeshiyaadka Khawaarijta.

Ciidamada ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Geel-gub si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah, iyadoo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay kooxda.

Waxaa maalintii shanaad oo xiriir ah ay geesiyada Qaranka iyo halgamayaasha deegaanku weerarro ku ekeeyeen Khawaarijtii isku soo maqiiqday Hirshabeelle, iyadoo saakayna lagu laayay lagana saaray deegaanka Geel-gub.

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo ka dhacay Masaajid Cali-gaduud

Jowhar: Ciidanka Kumaandoosta Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si guul leh u fuliyey hawlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Hawlgalka oo ka dhacay bartamaha degmada iyo deegaanada ku dhow ayaa lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Duqeymo cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka iyo CXDS oo ay wehliyaan hawlgallo dhulka ah oo lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan argagixisada ayaa sidoo kale lagu gubay saddex gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen gaadiid dagaal, halka midka kalena uu ahaa Ambalaas oo ay u adeegsanayeen ujeeddooyin qaldan.

Inta lagu guda jiray hawlgalka, waxaa la qaarajiyay Bashiir Axmed Dhuxul oo loo yaqaanay Bashiir Caadle, kaas oo ahaa Amiirka Dacwada ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Bashiir Caadle ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu firfircoon ee ka qeyb qaata abaabulka iyo faafinta fikirka xagjirka ah, waxaana dilkiisa uu dhirbaaxo culus ku yahay hoggaanka kooxda Khawaarijta.

Ciidamada geesiyaasha ah ee Danab ayaa weerarka si xirfadaysan u fuliye, iyagoo bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen, kuna diyaarinayeen falal amni darro. Argagixisadii lagu beegsaday howlgalka ayaa ka cararay goobihii ay ku sugnaayeen, iyagoo halkaasi kaga tegay meydad iyo dhaawacyo badan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in howlgalkaan uu qeyb ka yahay qorshaha ballaaran ee lagu ciribtirayo argagixisada, laguna xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa kooxaha argagixisada ah in aan loo dulqaadan doonin khatar kasta oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Dekadaha oo xilka la wareegay

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Bada Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka hore mudne Maxamuud Axmed Aadan (Geesood)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenk dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo Bogaadiyay Wasiirkii hore Mudane geesood ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub in Alle u Fududeeyo xilka loo idmaday.

Mudane Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Wasaarada Dakadaha ay kamid tahay Wasaarada

Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiirka tacliinta sare ee dalkaas

Algiers : Danjiraha Dowlada federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay wasiirka wasaarada tacliinta sare ee dowladda Aljeeriya mudane Prof Kaamil Badaari.

Labada masuul ayaa ka wada halday xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dawladood ee Soomaaliya iyo AlJeeriya, sidoo kale waxay kawada hadleeyn sidii garab buuxa looga siin lahaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta arrimaha waxbarashadda iyo sidii deeq waxbarasho ay uga heli lahaayeen Ardayda Soomaaliyeed dalka Aljeeriya.

Kulan-ka Danjiraha iyo Wasiirka Tacliinta sare ayaa ku soo dhamaaday si wanaagsan Waxayna labada Masuul isla Af-garteen In Kor loo qaado is-kaashiga waxbarasho ee labada dowladood.

Taliyaha cusub ee guutada ilaalada madaxtooyada oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Guutada Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/dhexe Maslax Maxamuud Maxamed ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay, Taliyihii hore ee Guutada Sarreeye Guuto Xasan Aadan Dhicis, kaddib munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Guutada ee Madaxtooyada Qaranka.

Taliyaha cusub ee Guutada 77 ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh sugidda

Ammaanka Madaxtooyada iyo madaxda Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Taliyihii hore ee Guutada shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilkan hayay.

Dhankiisa, Taliyihii hore ee Guutada Ilaalada Madaxtooyada Sarreeye Guuto Xasan Aadan Dhicis, ayaa ka dalbaday Sarreeyaasha, iyo Saraakiisha Guutada in ay ku garab istaagaan Taliyaha cusub gudashada masuuliyadda loo igmaday, isaga oo ku ammaanay howlkarnimadii uu muujiyay muddada uu Taliyaha cusubi ahaa Taliyaha Ilaada gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Taliyaha cusub ee Guutada 77 G/dhexe Maslax Maxamuud Maxamed ayaa muddo kaa badan 14 sano ah kusoo dhex jiray Ciidamada Qalabka sida, isaga oo kasoo qabtay mas’uuliyada kala duwan sida Taliyaha Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, xilkaasi oo uu hayay sanadihii u dambeeyay.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Guddiga Xilwareejinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.