Wasiirka duulista hawada oo la kulmay wasiirada duulista hawada ee dowlad goboleedyada

Wasiirka gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda FS mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan Muqdisho kula yeeshay  Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Dowlad-goboleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo Wasiir kuxigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa ahaa mid isbarasho iyo is-xogwareysi ah, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u ee dhaxeysa heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, horumarinta Garoomada Dalka, Fududeynta isu socodka Dadka iyo Badeecadaha, iyo dardargelinta adeegyada duulimaadyada Rayidka ee Gudaha.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka dhageystay caqabadaha ka jira garoomada Dowlad Gobaleedyada iyo isku socodka deegaanada, waxaana laysla qaatay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo xal u helidda Caqabadaha ka jira Garoomada Dalka.

Ugu dambeyntii, waxaa kulanka laga soo saaray qodobo muhiim ah oo diiradda lagu saaray isku xirka bulshada ee iskaashiga lagula dagaalamayo Khawaarijta, iyo ka qayb qaadashada duulimaadyada diyaaradaha, adeegyada gurmadka deg-degga ah.

Wasaaradda waxaa ka go’an in ay xoojiso wadashaqeynta iyo horumarinta adeegyada Gaadiidka, Garoomada, Jidadka iyo Duulista Rayidka si loo gaaro himilooyinka qaran ee horumarineed.

   

Guddiga Qaran ee taageerada dagaalka Khawaarijta oo booqday isbitaalada caasimadda

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, anha Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish., ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaannada ee waxyeelladu kasoo gaartay jiidaha hore ee dagaalka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, oo mid mid u dul-istaagay dhaawacyada ayaa ka waraystay xaalladooda caafimaad, wuxuunna sheegay in dowladdoodu la garab taagantahay daryeel walba oo ay u baahan yihiin, lana socon doonto xaaladdaha ay ku sugan-yihiin.

Booqashada Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka iyo xubnaha guddiga, oo warbixinno kala duwan ka dhagaystay howl-wadeennada gacanta ku haya dhaawacyada ayaa kula dardaarmay in ay ugu adeeggaan si hufan geesiyaasha u dhaawacmay halganka dalka looga sifeynayo kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta ah.

Mudane Cabdisalaam, oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddigan uu yahay mid Qaran oo ka howlgallaya dhammaan gobollada dalka, iyaga oo si buuxda u garab istaagaya ciidamada qalabka sida, kuwa maamul gobolleedyada, dadka deegaannada, wuxuunna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb qaataan difaaca dalka iyo diinta.

  

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo la kulantay mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas

Beijing : Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa maanta kulan la yeelatay Agaasime ku-xigeenka Waaxda Afrika ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Shiinaha mudane He Degang.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, dardargelinta iskaashiga horumarineed, iyo wadashaqeynta labada dal ee ku aaddan arrimaha gobolka. Safiiraddu waxay uga mahadcelisay dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, waxayna muujisay rajo weyn oo ku aaddan in xiriirka labada dal uu gaaro heerar sare oo cusub.

Kulankan ayaa kusoo dhammaaday jawi saaxiibtinimo iyo isfaham buuxa.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya heshiis deyn cafin ah la saxiixday sanduuqa lacagta Carabta

Kuwait City: Xilli uu magaalada Kuwait uu ka soconayo Shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu saxiixay maanta heshiis deyn cafin taariikhi ah, kaas oo muddo sadex sano kabadan uu wada xaajoodkiisa soo socday.

Heshiiskan deyn cafinta ah oo ay wada saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta Mudane Fuad M. Al-Turki ayaa gaaraya $306.5 Milyan oo dollar, taas oo cuuryaamisay helidda mashaariicda maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay u baahneyd.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiim u yahay dib u dhiska dhaqaalaha dalka iyo dadaallada lagu dhameystirayo arrimaha deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan galisay. Sidoo kale Wasiirku waxa uu tilmaamay in heahiiskani uu suuro galinayo in Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Carabta ay si rasmi ah usoo ceshadaan wadashaqayntii taas oo hakad galisay dhammaan kaalmooyinka ay heli ay Dawladda Soomaaliya ka heli lahayd Sanduuqan.

  

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka geeddi-socodka Khartoum ee ka dhacay Qaahira

Qaahira-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah khudbad ka jeediyay shirka labaad ee heer Wasiir ee geeddi-socodka Khartoum oo ku qaboomay magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Shirka oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 50 dowladood oo matalayay waddamada Yurub, geeska Afrika, wakiillo ka socday Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ayaa diirrada lagu saaray dadaallada lagula dagaallamayo socdaalka sharci-darada iyo ka ganacsiga dadka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dowladda Masar oo ah shir-guddoonka shirka, isaga oo sheegay in geeddi-socodka Khartoum uu yahay wax ka run sheegaya xaaladaha is-beddelka leh ee arrimaha socdaalka, ayna tahay madal muhiim u ah wada hadal wax ku ool ah, wax wadaagga iyo tallaabo-qaadka.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay ku soo noqoshada Suudaan ee madasha, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hindistay in howsha la sii ambaqaado xilli ay adkayd, haatanna soo dhowaynayso dib ugu hanashada Suudaan kursigeeda matalaadda.

Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaato hab-maamul loo dhanyahay oo ku salaysan socdaalka oo la jaanqaadaya qorshe howleedka Qaahira.

Waxa uu carrabaabay dadaalka badan ee lagu xoojinayo habka isuduwidda iyo dejinta siyaasadaha ku aaddan xuquuqaha ee dhowraya farqiga u kala dhexeeya lab iyo dhedig xalna u raadinaysa sababaha ku askumay socdaalka sharci-darada ah ee loo yaqaan tahriibka.

Wasiirka ayaa sheegay in hannaanka socdaalka oo halbowle u noqda iskaashi sarreeya lagu maareyn karo, laguna ilaalin karo xaqa soo galootiga, dib-u-celinta iyo ku dhex-milankooda bulshada iyo burburinta shabakadaha dembiyada abaabula.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa muujiyay taageeriddiisa dhammaystiran ee Faransiiska oo noqonaya shir-guddoonka xiga ee geeddi-socodka Khartoum, wuxuuna u mahadceliyay midowga Yurub , midowga Afrika iyo xarunta (ICMPD) horumarintooda siyaasadaha socdaalka.

Wasiir Maareeye oo furay kulan looga hadlayay kobcinta wax soosaarka dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ku dhawaaqay kulan hordhac ah oo ku saabsan “Shirka Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha (NAFIS)” kaasoo diiradda lagu saarayo kobcinta wax soosaarka dalka iyo helidda maalgelin ballaaran oo lagu horumarinaayo dhaqaalaha beeraha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda, agaasimaha guud, agaasima waaxyad, lataliyayaasha iyo qaar ka mid ah howlwadeenada wasaaradda, ganacsatada beeraha, bangiyada, jaamacadaha iyo gabdhaha beeraha ka ganacsado.

Wasiirka waxa uu iftiimiyay in dalalka khaliijka ay maanta si toos ah u muujinayaan xiisaha ay u qabaan maalgelinta wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya, iyaga oo doonaya in ay iska ilaaliyaan cunno yari ku timaadda dadkooda.

Wuxuuna shegay in dalabyo iskaashi iyo maalgelin ay ka imaanayaan wadamadaasi, taas oo Soomaaliya u fureysa fursad dahabi ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad Kalfadhiga lixaad ee Guddiga Joogta Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka maanta ee Guddiga joogtada ayaa ku saabsanaa dib u qaabaynta qorshe howleedka fadhiyada guud ee Golaha oo ay ugu horeeyaan ajandaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada iyo katashiga geeddi socodka howlaha kale ee Mudnaanta leh iyo hor-tebinta leh Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamaanka JFS.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadiyay shaqada wanaagsan ee xubnaha Guddiyadu ay u hayaan Golaha, ayaa dhinaca kale faray in ay laba jibbaaraan waajib gudashadooda, si loo dhammaystiro kalfadhigan shuruucda Golaha hortaalla.

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay shirka hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa maanta ka qeyb galay munaasibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanadkani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait.

Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceelka-Nuurgadoow

Ciidanka geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca degaanka ayaa howlgal qorsheysan oo guul leh ka fuliyay deegaanka Ceelka-Nuurgadoow oo hoostaga degmada Al-Koowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday malleeshiyaad ka tirsan argagixisada khawaarijta oo u yimi deegaankaasi si ay biyo uga helaan ceelka.

Malleeshiyaadka khawaarijta oo xaalad harraad daran haystay ayaa la kulmay jawaab adag oo ka timid ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka, iyagoo cashar aan la ilaawaan ah u dhigay argagixidasa.

Khawaarijta ayaa waxaa halkaasi loogu dilay tiro malleeshiyaad katirsan khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay meelo gabaad u ahaa cadowga oo lagu garaacay madaafiic xooggan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa mar walba u taagan difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulalka wali ay dhibaatada ka wadaan kooxaha Khawaarijta.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad Kalfadhiga lixaad ee Guddiga Joogta Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka maanta ee Guddiga joogtada ayaa ku saabsanaa dib u qaabaynta qorshe howleedka fadhiyada guud ee Golaha oo ay ugu horeeyaan ajandaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada iyo katashiga geeddi socodka howlaha kale ee Mudnaanta leh iyo hor-tebinta leh Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamaanka JFS.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadiyay shaqada wanaagsan ee xubnaha Guddiyadu ay u hayaan Golaha, ayaa dhinaca kale faray in ay laba jibbaaraan waajib gudashadooda, si loo dhammaystiro kalfadhigan shuruucda Golaha hortaalla.