Warsaxaafadeed: Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay Bulshada Soomaaliyeed la wadaageysaa in dab-yar oo ka dhashey Cillad koronto uu xaley fiidkii ka kacay qeyb ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhakhso loogu guuleystay damintiisa oo ay qayb tooda ka qaateen, hay’adaha dab-damiska iyo amniga, kuwaa oo si hufan, karti iyo mas’uuliyad leh u maareeyay xaaladda guud ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Waxaana kaliya uu samaayn ku yeeshay qaboojiyaashii Garoonka Taasina si dhakhsa ah loo xaliyey.

DHAMMAAD

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ee Wasaaradda Caafimaadka XFS

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ee Wasaaradda Caafimaadka XFS.

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saaray amar ku socda isbitaalada gaarka loo leeyahay, kaddib markii ay soo bateen cabashooyin ka imaanaya dhakhaatiirta ajaanibta ah, gaar ahaan walaalaheen reer Suudaan ee ka shaqeeya dalka.

Cabashooyinkani waxay la xiriiraan dhibaatooyin dhanka heshiisyada shaqada iyo arrimaha dal-ku-joogga. Sidaas darteed, NHPC waxay si cad u faraysaa dhammaan xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay:
1. In Ay qaataan masuuliyadda sharciyeynta deganaanshaha dhakhaatiirta ay shaqaaleyaan.
2. In Ay ixtiraamaan heshiisyada shaqo ee ay la galaan dhakhaatiirtaas.
3. Cid kasta oo ku xadgudubta tilmaamahaan waxay la kulmi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Goluhu wuxuu ku boorrinayaa dhammaan bahda caafimaadka inay ilaaliyaan xuquuqda dhakhaatiirta, si kor loogu qaado kalsoonida iyo tayada adeegga caafimaadka dalka.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiis u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka

-Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayay kulankoodii maanta oo Khamiis ah Ra’iisul wasaaraha, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan labada dal muddo 90 maalmood ah.

Hesiiskan oo lagu saxiixay 23 Janaayo, 2025 Magaalada Qaahira ayaa waxaa saxiixooda kala lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, iyo dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, iyadoo ay goobjoog ka kala ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Abdel Fattah El-Sisi.

Soomaaliya iyo Turkiye oo kala saxeexday heshiis Shidaal Baaris ah

Istanbul:-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa heshiis istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo laga bilaabayo hawlgal sahamin shidaal oo lagu sameynayo dhulka gudaha Dalka (Onshore Blocks).

Heshiiskan muhiimka ah ayaa ka dhashay kulan wadatashi ah oo dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar. Kulankaasi wuxuu daba socday wadahadallo miro-dhal ah oo horay uga dhacay magaalada Istanbul.

Intii uu socday kulanka, waxaa si rasmi ah loo kala saxiixday “Heshiiska Sahminta iyo Soo Saarista Kaarboon ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya”, waxaana heshiiskaas kala saxiixday Shirkadda Shidaalka ee Turkiga (TPAO) iyo Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (SPA).

Sida ku xusan heshiiska, Shirkadda TPAO waxay ka fulin doontaa Soomaaliya hawlo sahaminta dhulka ah (seismic surveys) oo laba-gees iyo saddex-gees ah (2D & 3D) oo lagu sameynayo saddex dhul oo isku wareeg ah 16,000 KM². Marka sahankaasi la dhameeyo, waxaa lagu guda geli doonaa hawlaha qodista iyadoo la tixraacayo natiijooyinka sahanka.

Tallaabadan cusub waxay astaan u tahay horumar dhab ah oo laga gaaray dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku horumarinayso kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, waxayna u gogol xaareysaa wejigii labaad ee sahaminta dhulka kadib dadaalladii hore ee lagu sameeyay badda Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay ku rajo weyn tahay in iskaashigan uu noqon doono mid miro-dhal ah, kana qeyb qaata kobcinta dhaqaalaha dalka, abuurista fursado shaqo, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

  

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee BFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka ku dhaariyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacabay.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday jadwaleynta shuruucda horutebinta u leh Golaha Shacabka kuwaas oo la horgeynayo todobaadka soo socda, waxaana guddi walba uu faahfaahin ka bixiyay shuruucda uu gacanta ku haayo, heerarka ay marayaan iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha.

Ugu dambeyn Guddiga Joogtada ayaa isku raacay in maalinta isniinta ee socota ay dib u bilaaban doonaan kulamada guud ee Golaha Shacabka.

Golaha Wasiirrada XFS oo bogaadiyay howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyay howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha Qaranku deegaanno badan ka saareen Khawaarijta.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixiso lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.

Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 Biixi 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 m𝐚𝐝𝐚𝐱𝐝𝐚 s𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 h𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 d𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kuwait ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay mas’uuliyiin dowladeed iyo qaar ka mid ah madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta.

Wasiirka iyo wafdigisu waxa ay kulan gaar ah la qaateen madaxda Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait, kulan kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa maalgalin ku saabsan ilaha dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo Dowladda Kuwait ay hore gacan balaaran uga gaysatay.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay fursada maalgalineed ee u baahan in iskaashi gaar ah laga yeesho iyada oo diiradda la saarayo maalgalinta ilaha wax soo saarka bulshada Soomaaliyeed ay aadka u danaynayaan si dhaqaalaha gudaha dalka uu sare ugu kaco.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay in Sanduuqani uu door muhiim ah kulahaa in dowladda Soomaaliya ay gaarto bartii kama dambeysta ee hannaankii deyn cafinta.

Sidoo kale, Wasiir Biixi ayaa sheegay in kulanka ay hadda la yeesheen Agaasimaha Guud ee Kuwait Fund Mr. Waleed Shamlan Al-Bahar ay warbixin guud ka siiyeen heerka maaliyadeed ee maanta ay taagan yihiin kadib deyn cafintii iyo qorshe-yaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay mihiimadda siinayso.

Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaaliya ee sida joogtada ah uga qeyb qaatay safarkii Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Dhaqaalaha iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadeed ee dalka.

Wasiir Beene-beene oo la kulmay wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa Saeed.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UNICEF, iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada ku aaddan hirgelinta iyo isku-duwidda Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) iyo Barnaamijka UNICEF ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay Ergayga Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa Ergayga Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jaamicadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha waaweyn ee ay dowladdu xaqiijisay iyo fursadaha maalgashiga ee dalkeenna ka jira ee u baahan in ay maalgashadaan dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada dalkeenu qaniga ku yahay ee Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Tamarta, Batroolka iyo Macdanta.

Danjire Al-Otaibi, ayaa la soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa muhiimadda ay leedahay qorshe ururku wado oo lagu xoojinayo barashada luuqadda Carabiga, maadaama ay Soomaaliya tahay dal Muslim ah xubinna ka ah Jaamicadda Carabta, isla markaana dastruurkeena uu qorayo luqadda labaad ee dalka in ay tahay Carabi.

Taliyaha Boliiska oo guddoomiyey kulan ku saabsan xoojinta amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kullan Saraakiisha Amaanka ee Gobalka Banaadir ugu diyaar garoobayaan sugidda Amniga Doorashooyinka Dalka.

Kullanka ayaa intii uu socday looga hadlay Doorka Ciidamada Boliiska uga aadan sugidda Amniga muwaadiniinta, waxaana uu Taliyuhu Saraakiisha faray in Ciidamadu shacabka markasta ka dhigtaan wehelkooda koowaad kana fogaadaan waxkasta oo lid ku ah hab dhaqanka wanagsan ee looga bartay.