Wasiir Balcad oo ka qaybgalay madal looga hadlayey arrimaha Sudan

Antalya, Türkiye:- Wasiir dowlaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, H.E. Ali Balcad, ayaa ka qaybgalay shirka Antalya Diplomacy Forum, halkaas oo loogu dabaaldegay muhiimadda ay leedahay in dawladaha gobolka ay iskaashadaan sidii loo xalin lahaa khilaafka Sudan.

Kulankan oo ay ka qayb galeen wasiiro ka kala yimid Kenya, Türkiye iyo WFP, ayaa ahaa mid lagu darsay mowduucyo ku saabsan sida loo suuro gelin lahaa nabadgelyo goboleed.

Wasiir Balcad ayaa xusay In ay muhiim tahay in dhibaatada Sudan xal loo helo maadama ay saamayn ku leedahay amniga iyo dhaqaalaha gobolka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Moqdishu(SONNA):-1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey dalka Turkiga uu kaga qeybgelayo Madasha Diblomaasiyadda Caalamiga ah ee Antalya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebba kulan miradhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, Ciidanka Qalabka Sida iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida Alle ha u naxariistee, Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalad Muqdisho ku qaabilay Ergayga Jaamicadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku-xirka Aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay dowladdu bixiso.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgaley munaasabadda uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

7- Golaha Wasiirrada Xukuumadda, oo bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya Mudane Cabdisalan Cabdi Cali ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo kuwa deegaannada ee waxyeelladu ka soo gaartay jiidaha hore ee dagaalka.

11- Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan barista shidaalka ee dhanka berriga.

12- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee hay’adaha DFS, Dowlad Goboleedyada, Ururrada Bulshada, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya, Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha la dagaalanka fikradaha xag jirka ah iyo ka hortagga falalka argagixisonimada.

13- Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faaraxayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa Saeed.

14- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa lacagta Carabt Fuaad Al turki .ayaa kala saxiixday heshiis deyn cafin ah oo dowladda Soomaaliya loogu cafinaayey lacag dhan 306.5 milyan oo doolar.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa khudbad ka jeediyay shirka labaad ee heer wasiir ee geeddi-socodka Khartoum oo ku qabsoomay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

16- Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ku dhawaaqay kulan hordhac ah oo ku saabsan “Shirka Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha (NAFIS)” kaasoo diiradda lagu saarayo kobcinta wax soo saarka dalka iyo helidda maalgelin ballaaran oo lagu horumarinayo dhaqaalaha beeraha Soomaaliya.

17- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi.

18- Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Kuwait ugu qeybgalay shirka Hay’adaha Maaliyadda Waddamada Carabta oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ay Khawaarijta dagaal kaga saareen degaanka Geel-Gub ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

20- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Dowlad-goboleedyada oo diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta.

21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Kuwait City kula kulmay Wasiirka Maaliyadda ee Kuwait Marwo Eng. Nuura Sulaiman Al-Fassam.

22- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan la yeelatay Agaasime Ku-Xigeenka Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Mudane He Degang.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa hawlgallo milateri oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degaanka Ceel-Saacid ee Koonfurta gobolka Mudug.

24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa difaaca degaanka ayaa hawlgal milateri oo miradhal ah ka fuliyay degaanka Ceelka-Nuurgadoow oo hoostaga degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay tiro Khawaarijta ka mid ah.

25- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulan saraakiisha amaanka ee Gobolka Banaadir ugu diyaar garoobayaan sugidda amniga doorashooyinka dalka.

26- Beesha caalamka oo soo dhaweeysay gogosha wadatashiga ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sidoo kale bogaadiyay hawlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

27- Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay degaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, iyagoo halkaasi ku jebiyay maliishiyaadka Khawaarijta.

28- Shacabka gobolka Hiiraan ayaa gurmad iyo garab istaag u fidiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka oo dagaal culus ku qaadey Khawaarijta AL Shabab ee ku sugnaa degaanka Aboorey.

29- Shacabka Muqdisho oo isugu soo baxay Isgooyska Taleex, iyagoo taageeray hawlgalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaalameyso Khawaarijta.

30- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria Mudane Prof Kaamil Badaari.

==============DHAMMAAD==============

Madaxweynaha JFS oo casuumad ku saabsan madasha wadatashiga qaranka u diray Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025 ayaa casuumaad u fidiyey madaxda Dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Madashaan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May) ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimo qaran iyo sidii wadajir loogu dhameystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wadashaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horreyso xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Ganacsato Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Madaxweyne kuxigeenka koonfurta suudaan

Ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfurta Suudaan ayaa kulan muhiim sh la qaatay   Madaxweyne kuxigeenka daslkasi Mr. Dr. Benjamin Bol Mel

Kulanka dhinacyadaasi ayaa looga hadlay arrimmo badan oo ay kamid ahaayeen fursadaha la xiriira ganacsiga iyo maalgashiga dalkaasi iyo sidoo kale u hoggaansanaanta bixinta canshuuraha iyo qodobbo kale.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa qiray kaalinta ay bulshada Soomaaliyeed ka geysanayaan dhaqaalaha Koonfurta Suudaan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, isagoo ku baaqay in Ganacsatada Soomaaliyeed la siiyo maalgelibta Beeraha.

Madaxeyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan ayaa tilmaamay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kordhiso maalgelinta waaxda Beeraha si wax looga qabto loona kobciyo sugnaanta cuntada, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta reer miyiga. Madaxweyne-ku-xigeenku waxa kale oo uu Ganacsatada u ballan-qaaday inay Xukuumaddiisa garab istaagi doonaan, isla markaana ay ilaalinayaan dhammaan maalgashiga iyo hawlaha ganacsi ee sharciga ah.

Wakiilada ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ugu danbayn hambalyo diiran wax ay u direen H.E. Dr. Benjamin Bol Mel oo dhawaan loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan iyo madaxa kooxda dhaqaalaha,iyagoo u muujiyeen sida ugu wanagsan ee ay ugu hanweyn yihiin hogaamintiisa,waxayna ugu dambeyntii u xaqiijiyeen inay garab istaagi doonaan.

 

Wasiirro ka tirsan XFS oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Laascaanood

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaas oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Wafdiga ka socda Sowladda Soomaaliya  waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey  maamulka khaatumo iyo Bulshada ku dhaqan halkaasi.

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC Khaatumo ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan.

Soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana saacadaha soo socda aad heli doontaan macluumaad la xiriira safarka Xukuumadda ee Laascaanood.

 

Guddoomiye Yabooh “Habeen iyo maalin heegan ayeey ku jiraan hay’adaha ammaanka Gobolka Banaadir”

Gudoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Yabooh oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo nabad sugid ah oo la doonayo in lagu wiiqo dhaqdhaqaaqyada kooxaha nabad-didka ee caadeystay waxyeeleynta dadka shacabka ah.

“ciidanka gobolka waxa ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan dhagarta khawaarijta iyo cid kasta oo falal amni darro ah ka wadda caasimadda iyo deegaanada kale”ayuu yiri Gudoomiye Yabooh.

Gudoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir,waxa uu codsaday in shacabka ay garab istaagaan ciidanka dalka oo u xilsaaran xasillinta dalka iyo soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Weerarrada Isra’el oo sii socda iyo dhibanayaal badan oo u baahan daaweyn dhanka dibadda ah

Ilaha caafimaadka ayaa Al Jazeera u sheegay in ugu yaraan 29 falastiiniyiin ah lagu dilay weerarrada Israel ee ka socda Gaza tan iyo waaberigii shalay, waxaana jira warar sheegaya weeraro cusub iyo khasaarooyin kale oo ay geysteen ciidamada Israel.

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka digay cudurro iyo dhimasho badan oo ay sabab u tahay xannibaadda Israel ee gargaarka galaya Gaza, halkaas oo in ka badan 10,000 oo qof ay u baahan yihiin caafimaad dhanka dibadda ah.

Hey’adda ayaa sidoo kale sheegtay in dadka ku go’doonsan Gaza ay sidoo kale u baahan yihiin gurmad bini’aadanimo oo degdeg ah.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,886 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen,halka 115,875 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray Ankara

Ankara:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga halkaas oo uu uga qaybgali doono meertada 4aad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu shirku socdo waxa uu sidoo kale kulamo-doceeedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda caalamka ee madasha martida ku ah, isaga oo kala hadli doona arrimo ahmiyad u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka ay matalayaan.

S/Guuto Axmed Suleymaan Dafle oo ku Geeriyooday Belgium-ka.

S/Guuto Axmed Suleymaan Dafle oo ku Geeriyooday Belgium-ka.

Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha , iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga ayaa ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.

Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa waxaa soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.

General Axmed S. Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya sanadkii 1937kii, waxaana 1971 kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey, intaan loo magacaabin xilal kale oo qaran intii ay dalka ka talineysay Xukuumaddii Milateriga.

Burburkii dowladii dhexe kadib Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafla) waxa uu ku noolaa dalka Eritrea, kadibna waxaa uu uga sii gudbay magaalada Brussels ee Belgiumka oo uu caawa ku geeriyooday.

Allah ha u naxariisto. Jannatul Fardowsa Allah ha ka waraabiyo. Qoyskii, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna, samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo. Aamiin

 

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Afhayeenka Xukuumadda oo faahfaahin ka bixiyey Safarka Ra’iisul wasaaruhu ku tegayo laascaanood

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan jimcaale ayaa ka warramaya ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.

Afhayeenka ayaa xusay in Ra’iisulwasaaruhu inta oo joogo laascaanood uu la kulmayo madaxda Maamulka khaatumo iyo waxgaradka deegaanka isagoo kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha ayaa u kuur geli doona dhinacyadda Amniga,dhaqaalaha iyo hurmarka ka socda deegaanka maamulka khaatumo.

Sida uu afhayeenku xusay waxa uun iga Ra’iisulwasaare Xamse xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay fulinayso xukuummadda dan-qaran.