MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHAMBAAL HAMBALYO AH U DIRAY CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray qeybaha, talisyada iyo darajooyinka kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay xuska 65 guurada aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ka xoreeyeen, isagoo bogaadiyey naf-hurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda difaacaan, kana sifeeyaan argagixisada ku soo duushay.

“Ciidamadeennu waxay naftooda u hureen difaaca dalkeenna iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha soo socda. Mudadii la soo dhaafay, waxay guulo muhiim ah ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, iyagoo xoreeyay deegaano badan oo muhiim ah, isla markaana jab xoogan u geystay kooxaha nabad-diidka ah”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo kor u qaadidda nolosha Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞, 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

Laascaanood:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ahna caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu ka degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaa halkaas kusoo dhoweeyay masuulliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah oo muujinayey taageeradooda ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Safarka midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo midnimada dalka iyo horumarinta adeegyada dowladdeed ee ay u baahan yihiin bulshada reer SSC-Khaatumo.

Mudane Xamsa, oo kumanyaal shacabka Laascaanood ah kula hadlay garoonka, ayaa uga mahadceliyey soo dhowaynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay ku qaabileen, isaga oo ku tilmaamay in ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed marwalbana ay difaacan Qaranimada.

          

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay madasha diblumaasiyadda ee Antalya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qeybgalay Madaxda Caalamka, furitaanka Madasha Diplomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga.

Madashan oo ka mid ah fagaareyaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan doceedyo la qaadan doona madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb-galaya Madashan.

Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi culus oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Laascaanood ee xarunta Maamulka SSC-khaatumo.

Mudane Xamsa Cabdi Barre waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaas si balaaran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, mas’uuliyiin ka tirsan, Xukuumadda Federaalka, Maamulka SSC-Khaatumo iyo dadweynaha magalada Laascaanood.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa ah mid lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka sidoo kalena inta uu Ra’iisul wasaaruhu joogo wuxuu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda SSC-khaatumo.

Sidoo kale Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhagax dhigo mashaariicyo kala duwan, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sanadguurada 65–aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa tilmaamay ahmiyadda Ciidanka Xooga Dalka ay u leeyihiin jiritaanka dowladnimadeena iyo difaaca qaranimadeena, isaga oo bogaadiyay dadaalka ay mar walba ugu jiraan ciribtirka cadowga lidiga ku ah dowladnimadeena.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle SWT uga baryey dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dadkooda, diintooda iyo dalkooda inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo kuwa dhaawac ahna bogsiimo deg deg ah siiyo, waxa uuna bogaadiyey dadaalka ay mar walba ugu jiraan ciribtirka Khawaariijta.

Laascaanood oo si weyn looga dareemayo soo dhowaynta Ra”iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya

Qaban qaabadda soo dhowaynta Ra”iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka socota magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiiro,xildhibaano iyo wufuud kala duwan oo ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa halkaas u tegay u kuur-gelidda xaallada deegaanka iyo soo dhowaynta Ra”iisulwasaaraha.

Madaxda maamulka Khaatumo,Waxgaradka deegaanka iyo shacabka ayaa si weyn uga qayb qaadanaya soo dhowaynta Ra”iisul wasaaraha xukuummaddq Federaalka Soomaaliya.

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka (warbixin)

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin  munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah  oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta  ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Aasaaskii Ciidanka Xoogga

Sanadkii 1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada,isla markaana ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee Qaaradda,kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhismaha Hoggaanada Ciidanka

Waa dhab in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qabo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada,sida 1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeybqaadashada howlaha lagu sugayo amniga guud ee gudaha dalka.

ka dib kolkii loo howlgalay kordhinta tayada iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa lagu guuleystay in la sameeyo hogaanno badan oo ka qeybqaata socodsiinta howlaha ciidamada,waxayna kala yihiin hoggaanadaasi:-

1-Hoggaanka   Maaliyadda.2-Hoggaanka   Saadka.3-Hoggaanka   Tababarada.4-Hoggaanka   Dab damiska..5-Hoggaanka   Caafimaadka ,6-Hoggaanka   Isgaarsiinta.7-Hoggaanka   Dhismaha.8-Hoggaanka   Gaadiidka.9-Hoggaanka   Nabad-sugidda.10-Hoggaanka  Ciidanka,11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.12- Hoggaanka barista dembiyada.13-Hoggaanka  Ilaalinta waddooyinka.14-Hoggaanka  Dib u dhiska ciidanka.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo ka qeybgalay diyaarinta  ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Xilligii Burburka & Soo Kabashada

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada,haddana,waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fuliyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxaa haboon in xilligaan adage e la marayo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Xoogga waxaa xilligaan adag ee lagu jiro la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuqdaan mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyntii,Madaxda dalka ayaa maanta dhambaallo hambalyo ah oo ku aadan xuska sanadguurada 65-aad hawada u mariyay dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada xoogga dalka meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Guud ahaan ciidanka waxaa loo rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo qoysaskooda

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale 12-ka Abriil.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, laga soo bilaabo markii la aas-aasay 12-kii Abriil, sanadkii 1960-kii, ilaa maanta oo ay si geesinimo leh ugu adeegayaan dadkooda.

Sidoo kale Taliyaha ayaa hambalyo iyo mahadcelin u diray ciidamada dib u xoraynta deegaanka doorka ay ka geysteen la dagaalanka Khawaarinta” wax aan halkan uga mahadcelinayaa Ciidamadama difaaca deegaanka doorka nafhurka ah ee u hurteen naftiina dalka iyo sharafteena” ayuu yiri Taliye Odowaa.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in qof walba kaalintiisa ka qaato sidii dalka looga xorayn lahaa khawaarijta” wax aan leeyahay Dadka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidankooda,waxaynu dagaal kula jiraa Argagixiso Caalami ah” ayuu yiri Taliye Odowaa.

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale 12-ka Abriil.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, laga soo bilaabo markii la aas-aasay 12-kii Abriil, sanadkii 1960-kii, ilaa maanta oo ay si geesinimo leh ugu adeegayaan dadkooda.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah”.

Wasiirka Gaashaandhigga XFD ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo si buuxda u taageeraya dadaallada ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka iyo dalka.”Waa waajib qaran in la garab istaago geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, oo maanta naf-hurnimo ugu jira hawlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid.

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Aljeeriya:-Dowladda Aljeeriya ayaa soo badbaadisay tahriibeyaal doon kula xumaatay Badda Aljeeriya sida uu Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Caasimadda Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan( Jeego)dadkan ayey doonta kula xumaatay meel 80KM u jirta Caasimadda Aljeeriya.

Sida Safiirka sheegay tirada dadkan ayaa ah 23 qof oo isugu jira Rag iyo Haween,soo badbaadinta dadkan ayaa waxa iska kaashaday wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Dowladda Aljeeriya sida uu xaqiijiyey Safiirka”dadka ayaa la xiriiray egelkooda sidaas ayaan ku helay xogta,wax aan u gudbinay wasaaradda Arrimaha dibedda iyada ayaana la xiriirtay Dowladda Aljeeriya sidaas ayaan uga hawlgal ka Safiir ahaan annaga oo kaashanay wasaaraddeena Arrimaha Dibedda Soomaaliya” ayuu yiri Safiir Jeego.

Dadkan ayaa hadda xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayaa cisbitaalada dalkaas,safarka tahriibta oo ah mid halis badan ayey dowladda Soomaaliya dhowaan soo rogtay awaamiir lagula dagaalamayo arrimaha Tahriibka.