Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxnaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Technology-yada ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiir Cadaala, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ee dalka ay garab taagan tahay Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo garabna lagu siin doonao in wariyaasha ka howlgala maamulkaas ay helaan tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo sidoo kale in dib loo howlgalin doono xarumihii dalxiiska ee ku yaalay maamulkaas.

Wasiir Cadaala oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sidoo kale tagay xarumaha ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah Warbaahinta kala duwan ee ka howlgala maamulka SSC-Khaatuno.

                  

Wafdi ka socda Dowladda Masar oo soo gaaray Muqdisho

Wafdiga ka socda Dowladda Masar oo uu hoggaaminayo Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha gudaha Masar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas  oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, u qeybsamaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Amniga, iyo saraakiil ay ka mid yihiin Jeneraal Maxamed Maxamuud Garaar, Jeneraal C.kariin Macalin Xuseen ayaa Garoonka diyaaradaha Abadan Cadde si diiran wafdiga ugu soo dhoweeyay.

Munaasabad kooban oo lagu wareejinayay agabka ciidanka ay ku deeqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Masar oo uu hadal ka jeediyay Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha gudaha Masar oo ka mahadceliyay Soo dhoweynta ayaa sheegay inuu fariin ka sido madaxda dalka Masar,wuxuuna sheegay in ujeedka imaanshihiisa uu qeyb ka yahay xoojinta amniga iyo la-dagaallanka argagixisada ay muujineyso aragtida madaxweynaha Masar.

Wuxuu xusay in Dowladda Masar qeyb weyn ay ka qaadatay tayeynta iyo tababarada saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo xusay in wejiga koowaad ee tababarada oo la bilaabay 224-loo, tababar la sii yay 100-ka mid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliya,islamarkaana ay bixisay 40 ka mid ah koorsooyinkan la siiyay ciidamada booliiska, sidoo kale, Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, isagoo wuxuu tilmaamay inuu jiro wejiga labaad oo la qorsheynayo in Tabatha’s Masaari ahi loo soo diro dalka si ay uga qeyb qaataan howlaha lagu ballaarinayo tababarka ciidanka Soomaaliyeed oo la gaarsiinayo ikaa 200.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa oo ka hadlay soo dhoweynta ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay sida dalkooda Labaad, isagoo muujiyay in taageeradan ay muujineyso iyo xiriirka walaalnimada ku dhisan ee soo Jordanian ee u dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ku faraxsan yihiin taageeradooda xasillinta amniga gudaha ee dalka taasi oo ay ka mid tahay taageerada dhinaca tababarka ciidamada iyo qalabka ciidamada intab.

Munaasabadda wareejinta agabka oo goob joog ka ahaayeen Safiirka iyo Qunsulka Dalka Masar ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho Maxamed Albazi iyo Maxamed Fowzi Masar,iyadoo uu Wasiiru Dowlaha Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga XFS Yuusuf Cali Maxamed iyo Jeneraal Maxamed Maxamuud Garaar ay guddoonsiiyeen wafdiga Masar haddiyado ay ugu talo gashay Wasaaradda Amniga XFS wafdigan oo y keentay diyaaradda Egypt Air ayaa dib ugu laabtay dalkooda Hooyo.

              

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Xarunta NIRA ee Laascaanood

Laascaanood:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta hay’adda diiwaangalinta aqoonsiga dadweynaha ee (NIRA), oo xarun cusub ku yeelan doonta Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Xaruntaan ayaa bulshada deegaanka u qaban doonta adeeg muhiim ah, iyagoo ka heli doonaan Kaarka aqoonsiga Qaranka (Natinal ID) waxaana ay ka baaqsan doonaan in adeeggaan ay safar dheer u galaan.

“Qofka Muwaadinka ah waa in la diiwaan galiyo, oo uu aqoonsi helo, waana qodob Dastuuri ah, marka xaqiiqdaas ayaa uga curatay reer Khaatumo deegaanada maamulka, waana ku faraxsanahay in Madaxweynuhu noqdo qofkii ugu horreeyey ee la diiwaan galiyo”.

Aqoonsiga Qaranku waa xaq dastuuri ah oo Muwaadin kastaa uu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsi qaran iyo diiwaangelin, waana saldhigga horumar kasta ee qaranku hiigsado.

Xukuumadda DanQaran oo fulineysa waajibkaas ayaa dib u yagleeshay Aqoonsi Qaran oo dhijitaal ah, xogtiisuna ay sugan tahay.

 

    

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee Magaalada Laascaanood

Laascaanood:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee Magaalada Laascaanood, gobolka Sool ee Maamulka Khaatumo (SSC).

Xafiiskan cusub ayaa noqon doona mid si weyn uga jawaaba baahida ardayda dhammaysatay heerarka kala duwan ee waxbarasho, isaga oo fududeyn doona helidda shahaadooyinka rasmiga ah ee ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ujeeddada laga leeyahay furitaanka xafiiskan ayaa ah in la helo adeeg wax-ku-ool ah oo ardayda u dhow, loogana hortago dibudhac ku yimaadda bixinta shahaadooyinka, taas oo horay ugu xirneyd xarumo ku yaalla magaalooyin kale oo ka fog halka ay ku noolyihiin.

Munaasabadda xarigjarka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Gobolka Sool, bahda waxbarashada ee SSC Khaatumo, waalidiin iyo arday. Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku bogaadinayo dadaalka shacabka deegaanka iyo sida ay ugu heellan yihiin horumarinta waxbarashada, isaga oo xusay in Wasaaraddu ka go’an tahay in la gaarsiiyo adeegyada waxbarasho dhammaan gobollada dalka.

“Maanta waxa aan markhaati ka nahay tallaabo kale oo muhiim u ah xoojinta nidaamka waxbarashada dalka. Xafiiskan waxa muujinayaa sida ay Wasaaradda uga go’an tahay in adeegyada waxbarasho la gaarsiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sii wadi doonta dadaallada lagu xaqiijinayo usinnaanta helitaanka adeegyada waxbarasho, iyada oo kaashaneysa maamulka deegaanka, bulshada rayidka ah, iyo daneeyeyaasha kale ee waxbarashada.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐜 𝐰𝐚𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaaraha, oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.

Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah:

𝟏. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟐. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐋𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝.
𝟑. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟒. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐬𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐲𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝.
𝟓. 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐤𝐚𝐚𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐮𝐡𝐨𝐨𝐝𝐥𝐞.
𝟔. 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟕. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡 (𝐒𝐎𝐃𝐌𝐀).
8. 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨( 𝐒𝐭𝐚𝐭𝐞 𝐇𝐨𝐮𝐬𝐞 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥).

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimkq qh ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto musqablka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka “15-ka bishaan waxaa loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyaasha.”

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan ,oo ka hadlayay xafladda daah-furka ololaha qaran ee diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha ayaa sheegay in 15-bishaan loo dareeri doono diiwaan galinta cod bixiyashaa golaha degaanka, 30-juuna ay dhici doonto doorashada Golaha degaanka.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in guddiga uu diyaariyay dhammaan agabkii loogu talagalay doorashooyinka.,ayana diyaar tahay goobaha doorashooyinka lagu qaban lahaa.

“15-ka bishaan waxaa loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyaasha.” Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo munaasabada ka qeyb galay ayaa dhankiisa sheegay in ay hoggaamin doonaan shacabka gobolka Banaadir si ay isu diiwaan galiyaan.

“Anigu waxaan hoggaamin doonaa shacabka gobolka Banaadir si ay isu diiwaangeliyaan una tagaan goobaha codbixinta.”ayuu yiri Guddoomiye Amiir

 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Starlink guddoonsiisay rukhsadda adeegga internetka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta guddoonsiisay Shirkadda Starlink rukhsadda isgaarsiineed oo ay kaga howlgeleyso dalka.

Munaasabadda guddoonsiinta oo ka dhacday caasimadda waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Dowladda iyo Shirkadda Starlink.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin SHEIK oo xafladda guddoonsiinta ka hadlayay ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink ee Soomaaliya ay wax weyn ka tari doonto dadaallada lagu doonayo in adeegyada internetka lagu gaarsiiyo dalka oo dhan.

“Waxa aan rajeyneynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ganacsiyada, hay’adaha dowladeed ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn oo adeegga internet-ku xaddidan yahay,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Maxamed Aadan Macallin, oo munaasbaadda goobjoog ka ahaa, ayaa sheegay in dowladdu ku faraxsan tahay in Starlink soo gaarto dalkeena.

“Waxaan soo dhoweyneynaa in Starlink soo gaarto dalkeena. Tallaadaban waxay la jaanqaadeysaa aragtida fog ee dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la gaarsiiyo adeeg internet oo meel kasta gaari kara, isla markaana la awoodi karo,” ayuu yiri wasiirka.

Adeegga internetka ee Starlink ayaa la filayaa in uu kaabi doono adeegyada Isgaarsiinta ee dalka jira, isaga oo wax weyn ka tari doono in adeegga internetku wada gaaro dalka oo dhan, isagoo sahlaya in adeegyada looga faa’iideysto internetka uu wada gaaro dadweynaha oo dhan.

Dalkeena waxaa hore u soo gaaray dhowr xarig internet oo ka soo dagay qaar ka mid ah xeebaha dalka, iyadoo Starlink-na ay ku soo kordhineyso adeeg cusub oo dhinaca dayaxgacmeedka ah oo gaari kara meel kasta oo dalka ka mid ah.

Ra’iisul wasaare Xamse oo caawa la kulmay Isimada SSC Khaatumo

Laascaanood: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka, isaga oo ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda ee bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

          

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Antalya ee dalka Turkiga dhiggiisa Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha ayaa magaalada Antalya uga qeyb galaya meertada 4aad ee madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhiirageliyay Daljireyaal nolosha ku soo qabtay Khawaarij

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ku sugan difaaca ugu dambeeyay ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaamiyeyaasha xaq-u-dirirka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furinta waxa uu la wadaagay hambalyo ku aadan maalintooda. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u wakiishay Wasiirka Amniga inuu goobta ku guddoonsiiyo abaalmarin lacageed oo dhan $2,000 askar ka mid ah ciidanka muuqdo ee Hay’adda Nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka iyo xubin ka mid ah xaq-u-dirirka deeganka oo lagu abaalmariyey qori AK-47.
Daljirayaashan, ayaa deegaan ay ku sugnaayeen Khawaarijta waxa ay kasoo qabteen khawaarij nool oo ay kusoo wareejiyeen Hay’addaha ku shaqadda leh.
“Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka waxaan ku garab taaganahay in laga adkaado Khawaarijta.”

Ugu dambeyn, madaxweyne Guudlaawe, ayaa kula dardaarmay in la dardargeliyo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.