Xukuumadda oo war-murtiyeed kasoo saartay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Khaatumo

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay 12-15 bishan magaalda Laascaanood ee xarunta SSC Khaatumo.

War-murtiyeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu sheegay in safarku uu ujeeddadiisu ahaa xoojinta nabadda, midnimada iyo wada jirka Umadda Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul wasaare Xamse “Magaalada Adhi-caddeeye wacay heli doontaa xuquuqdeeda dastuuriga ah”

Laascaanood: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hadhimo-Sharafeed lagu Maamuusayey kaga qeyb-galay duleedka magaalada Ari-Caddeeya, oo 30, KM dhanka waqooyi ah kaga beegan magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo la hadlay shacabka magaalada, ayaa sheegay in ay farxad gelinayso booqashada taariikhiha ah ee uu ku soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankan, waxa uuna ballan-qaaday in ay dhawaan heli doonaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dadweyne ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan dalkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ay weheliyaan Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, ( Firdhiye) iyo madaxda ka tirsan Hey’addaha Heer Federaal, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo martisoorka loogu sameeyay Beerta Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed, ee duleedka Adhi-Caddeeye.

          

Ra’iisul wasaare Xamsa oo dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood

Laascaanood: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.

Mashaariicda uu ra’iisul wasaaraha dhagax dhigay, waxaa ka mid ah dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood oo isugu jira xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.

    

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐨 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

Laascaanood, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ayaa magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib- u heshiisiinta,iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka Khawaarijta

Mudane Xamsa, oo tallooyin ka dhageystay odayaasha iyo wax-garadka gobolka Sanaag, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalkeenna la gaarsiiyo.

 

  

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐨 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

Laascaanood, SONNA  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ayaa magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib- u heshiisiinta,iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka Khawaarijta

Mudane Xamsa, oo tallooyin ka dhageystay odayaasha iyo wax-garadka gobolka Sanaag, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalkeenna la gaarsiiyo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad oo daahfuray shirweynaha Xaquuqul Insaanka

Ra”iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirweynaha Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Soomaaliya.

Shirkan oo ayaa soo qaban qaabisay wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insaanka ayaa looga hadlayaa ilaalinta iyo hormarinta arrimaha Xuquuqul Aadanaha,waxana ka qeygalay wasiirro, xildhibaanno katirsan BFS,xubno ka socda maamul goboleedyada, wakiilllo kale ee ka socda qar kamid ah beesha caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo furay shirka ayaa wasaaradda Qoyska ku bogaadiyey qabashada shirweynahan, isagoo sheegay inay Soomaaliya ku jirto waqti wanaagsan islamarkaana dowladda u tahay ilaalinta Xaquuqul Insaanka tiirarka ugu wayn.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaaliya hoggaan u noqon laheyd dhowridda xuquuqda aadanaha.” Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in shirkan muhiim gaar ah u leedahay maadaama ay tahay markii ugu horeeysay oo shir noocan oo kale ah lagu qabtay Soomaaliya, iyadoo tilmaamtay muhiimadda ay wasaaradda siinayso ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka Iyo dhowrista dadka jilicsan sida Haweenka, Caruurta iyo dadka Naafada ah.

“Shirweynahan waxaan kusoo bandhigeynaa sida ay soomaaliyada cusub hormar uga sameyneyso ilaalinta Xuquuqul insaanka waana markii ugu horeysay oo uu dalkeennu martigeliyo Shirweynahan” ayay tiri Wasiirka Qoyska iyo hormarinta Xuquuqul insaanka Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi

Kuxigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghaye guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisadom Zenenga iyo Safiirka UK ee Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey ilaalinta xuquuqda aadanaha, taaso oo ay sheegeen inay iyagana qeybtooda ka qaadanayaan la shaqeynta wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka si loo xoojiyo hormirinta arrimaha Xuquuqul Aadanaha.

Shirka mudda saddax cisha ah socon doono ayaa lagu soo bandhigayaa daraasado la xiriiro arimaha xuquul Aadanaha iyo sida ugu haboon ee loo ilaalin karo, sidoo kale waxaa shirka uu marti galin doonaa doodo la xariira Xuquuqda Aadanaha.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay laascanood

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay Magaalada laascanood kulan soo dhaweyn ah waxa uu igu sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle

Kulankan oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo horumarinta ee ka howlgala deegaannada maamulka SSC-Khaatumo iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ku bogaadiyey Wasiirka doorka muuqda ee Wasaaradda Gargaarka ay ka qaadaneyso wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo ee ka jira deegaannada maamulka, wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa maxalliga ah.

Wasiirka Gargaarka ee SSC-Khaatumo ayaa  dhankiisa uga mahadceliyey Guddoomiyaha iyo Hay’adda SoDMA in uu soo ajiibo  ìsoo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga oo warbixin ka siiyay  xaaladaha bulshada deegaanka.

R/W Xamsa“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada ummadda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood ayaa ku ammaanay maamulka iyo shacabka SSC-Khaatumo sida wada jirka ah ay u ilaaliyeen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,isagoona sheegay in la joogo xiligii midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra”iisul wasaare Xamsa

Mudane Xamsa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in maamulka Khaatumo ku yimid rabitaanka shacabka deegaannada SSC, caawa kadibna ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda SSC-Khaatumo in ay maamulka curdinka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii  uu ku sugnaa munaasabadda, waxa uu  kalmado ku aaddan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dhageystay madaxda heerarkooda kala duwan, isimada dhaqanka iyo dadweynihii kasoo qeyb-galay munaasabadda, waxaa uunna u mahadceliyey bulshada ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗦𝗖—𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗶𝗱 𝗿𝗮𝗯𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮”

Laascaanood, Axad, 13 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad weyn oo ay ka soo qeybgaleen madaxda heerarkooda kala duwan iyo kumanyaal dadweyne ah, taasi oo loogu magac-daray habeenka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC-Khaatumo.

Mudane Xamsa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in maamulka Khaatumo ku yimid rabitaanka shacabka deegaannada SSC, caawa kadibna ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda SSC-Khaatumo in ay maamulka curdinka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa munaasabadda, waxa uu kalmado ku aaddan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dhageystay madaxda heerarkooda kala duwan, isimada dhaqanka iyo dadweynihii kasoo qeyb-galay munaasabadda, waxaa uunna u mahadceliyey bulshada ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Danjiraha dowladda aynu walaalahanahay ee Turkiga Mudane Amb. Alper Aktaş ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo dardargelinta wada shaqeynta labada dal, gaar ahaan difaaca iyo amniga.

Danjire Alper Aktas oo Wasiirka ugu hambalyeeyey xilka cusub ee Wasaaradda ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada Hagar la’aanta ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, taas oo ay ugu horreyso dib u dhiska Ciidanka Xoogga iyo taagerada farsamo ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

WasiirJibriil ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska ciidanka xoogga dalka iyo horumarinta Adeega guud ee bulshada.