Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qaybgashay xuska 70 Guurada shirkii Bandung ee Beijing

Beijing: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Cismaan Cabdi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay shir caalami ah oo lagu xusayay 70 guurada Shirkii Bandung, kaas oo ka dhacay magaalada Beijing, ayna soo qabanqaabiyeen Akadeemiyadda Cilmiga Bulshada ee Shiinaha.

Danjiraha oo la hadlaysay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socday in ka badan 30 dal, ayaa xustay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta mabaadi’dii Shirkii Bandung ee ku salaysnaa midnimo, sinaan iyo iskaashi nabadeed.

Waxay si gaar ah diiradda u saartay dedaalka Soomaaliya ee xoojinta madax-bannaanida dhaqaale, xasilloonida gobolka, iyo iskaashi wax ku ool ah oo lala yeesho waddamada soo koraya.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray deegaanka Sumadaale, si loo dardargeliyo dagaalka Khawaarijta

Jowhar; Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo wado dardargelinta iyo abaabulka howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ayaa booqday aagga Sumadaalle oo ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida iyo xaq-u-dirirka deegaanka.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa goobta kulan kula qaatay saraakiisha waxaana lagu gorfeeyay sida ay suuragal ku tahay duullaan mid ah oo lagu qaado Khawaariijta.

“Waxaan ku kalsoonahay xeeladda iyo tababarka aad qabtaan. Khawaariij iyo Khawaarij kalkaal, waan ka adkaaneynaa maalmaha soo socda haddii uu Alle idmo.” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay saraakiisha iyo horjoogayaasha xaq-u-dirirka deegaanka.

     

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo daah-furay hindise sare loogu qaadayo waxtarka xoolaha

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka Hindisaha Mustaqbalka Dhaqashada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho.

Hindisahan waa hal-abuur cusub oo muhiim u ah horumarinta nolosha bulshada xoola-dhaqatada Soomaaliyeed, ujeedkiisana yahay in la helo isbeddel waara oo wax-ku-ool ah, kaas oo kor u qaadaya tayada nololeed ee xoola-dhaqatada, isla markaana la jaanqaadaya xaaladaha isbeddelka cimilada.

Hindisaha wuxuu diiradda saaraya dhowr qodob oo asaas u ah kobaca dhaqaalaha xoolaha, oo ay ka mid yihiin, Xoojinta awoodda bulshada xoola-dhaqatada, si ay ula qabsadaan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, Helitaanka suuqyo waara oo fursado cusub u fura ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada, Maareynta hufan ee kheyraadka dabiiciga ah, si loo ilaaliyo deegaanka iyo sii jiritaanka dhaqashada xoolaha.

Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku horumariso dhaqaalaha miyiga iyo faya-qabka bulshada reer guuraaga ah.

    

SSC Khaatumo oo dowladda FS ku wareejisay maxaabiis la cafiyey

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo ka mid ah Maxaabiista u xirnaa colaadihii gobolka ka dhacay sanadkii 2023 kuwaasi oo loo qaaday magaalada Muqadisho.

Talaabadan ayaa ayaa timid kadib markii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xamsa Cabdi Barre uu gobolka Sool ku gaaray safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo xustay maalinta farshaxanka adduunka

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay xuska Maalinta Farshaxanka Adduunka.

Xuskaan ayaa ah sanadkii labaad oo ay wasaaraddu qabanayso, taas oo muhiimad gaar ah u leh dhiirrigelinta farshaxanka, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo horumarinta fursadaha shaqo iyo hal abuur ee dhalinyarada.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmibaarista, Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale, Agaasimeyaal ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, iyo Wakiillo ka socday shirkadaha maxalliga ah ee ka shaqeeya farshaxanka dalka.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay sawirro iyo farshaxanno gacmeed ay sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyarada hal abuurka u leh farshaxanka, taas oo dareen gaar ah ku reebtay dadkii ka soo qeybgalay.

Maslax Cabidaahir, oo matalayey mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya farshaxanka, ayaa tilmaamay doorka ay shirkaduhu ka ciyaaraan kobcinta farshaxanka dalka iyo taageerada ay siiyaan dhalinyarada hal-abuurka leh.

Aadan Cabdiqani Cawaale, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku muujiyey muhiimadda ay leedahay xuska maalinta farshaxanka iyo sida ay wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka hadlay qiimaha farshaxanku uu u leeyahay bulshadeena iyo muhiimadda ay leedahay in la helo barnaamijyo rasmi ah oo lagu horumarinaayo fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in wasaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada ay ku dhiirrigelinayso hal-abuurka Soomaaliyeed, si loo helo farshaxan casri ah oo la jaan qaadaya dunida.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gebagabeeyey safarkii taariikhiga ahaa ee afartii maalmood ee la soo dhaafay uu ku joogay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool isagoo dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Mas’uuliyiin iyo qeybaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa,oo 12–kii bisha safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ku gaaray Laascaanood ayaa dhagax dhigay Mashaariic badan oo hormarineed, isaga oo qaar kalena daah-furay, waxaana uu maamulka iyo bulshada degaanka ku bogaadiyey sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Safarkii Nabadda iyo Midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo gebagaboobay si guul ah.

Muqdisho oo maanta looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Diiwaan gelinta dadweynaha ka qaybgalaya Doorashada Qof iyo Codka ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho.

Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan degmada Shangaani ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa qayb ka ahaa dadweynaha maanta qaatay kaarka isdiiwaangalinta Doorashooyinka qof iyo codka ah maalinteeda koowaad ka bilaabatay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa iska diiwaangeliyay maanta degmada Shangaani iyagoo qaatay kaarka codbiyaha.

Gudoomiyaha Guddiga Dorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa goobta diiwaan-galinta dagmada shangaani kula hadlay shacabka dagmada shangaani oo safaf ugu jira qaadashada kaarka Codbixinta, isagoo dadka Soomaaliyeed ku booriyay in ay isdiiwaan-geliyaan si codkooda ugu ciil baxaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay isdiiwaan-geliyaan si ay codkooda ugu ciil baxaan, go’aanna ugu gaaraan cida ay hogaanka u dhiiban lahaayeen.

Ciidamada Boliiska ayaa Door muhiim ah ka qaadanayay sugidda Amniga Muwaadiinta isu diiwaangelinaya Doorashada Golayaasha Deegaanka oo ka bilaabatay Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir .

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

 

           

Sirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad

Sirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad, iyadoo maanta lagu falan qeyn doono Xaquuqul Insaanka si gaar ah haweenka, Carruurta iyo Naafada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka Maxamed Cumar Bashiir ayaa sheegay in shirka maanta lagu soo bandhigi doono doodo muhiim u ah ilaalinta xuquuqul insaanka dalkeenna.

“Maanta shirweynaha waxaan kusoo bandhigeynaa doodo muhiim u ah ilaalinta Xuquuqul insaanka dalkeenna”.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda wasaaradda Qoyska ee XFS ayaa waxaa shalay furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali, iyadoo lagu wado in berrito lasoo gabagabeeyo.

Maraykanka oo cunoqabatayn saaray xubno ka tirsan khawaarijta

War qoraal ah oo ay maanta soo saartay waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in 7-da dal ee xubnaha ka ah xarunta la-dagaallanka maalgelinta argagixisada ay si wadajir ah u soo saareen magacyada 15 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo lagu soo rogay cunaqabateyn dhaqaale.

Xarunta la dagaalanka maalgalinta argagixisada (TFTC) oo la aasaasay may 2017 ayaa waxaa xubno ka ah Mareykanka, Baxreyn, Kuweyd, Cumaan, Qatar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Xubnaha khawaarijta ah ee la saaray cunaqabateyntan ayaa kala ah:-

Xasaan Abshir Xuuroow oo ah horjooge sirdoon iyo maaliyadeed khawaarijta oo dadka Jubbada Hoose xoog uga qaado lacago baad ah.

Aadan Yuusuf Saciid Ibraahim oo isna dadka Shabeellaha Hoose lacago xoog ah waydiiyo.

Mumin Dheere: Ku-xigeenka horjoogaha Jubbada Hoose.

Macallin Burhaan oo isna lagu sheegay in uu yahay taliyaha xisbada ee Jubbada hoose, kaas oo dhibaatooyin u geysto dad rayid ah oo u xiran.

Cali Axmed Xuseen: horjoogaha khawaarijta ee Shabeellaha hoose.

Maxamed Cali, horjooge malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, xiriirna la leh Cali dheere, Burhaan iyo Xuuroow.

Axmed Kabadhe, horjooge hore oo khawaarijta u qaabbilsanaa deegaannada Jubbaland, horayna u qorsheeyey weerarro badan.

Siyaad Ayuuto horjooge waxa loo yaqaano Xisbada ee deegaannnada Jubbada hoose; hore wuxuu u ahaa horjoogaha hawlgalka aagga Kismaayo.

Xasan Yariisow Aadan horjooge ururiya lacagaha baadda ah ee Shabeellaha hoose.

Siciid Cabdullaahi Aadan: horjooge dhanka qaraxyada ah, islamarkaana qaabbilsan lacag ururinta khawaarijta.

Maxamed Cabdullaahi Xiireey horjoogaha khawaarijta ee Jubbooyinka, horjooge u qaabbilsan marin habaabinta dadweynaha ee dhanka warbaahinta.

Cabdi Roobow horjooge qorsheeyay weerarro kana dhacay Cabdalle Biroole, lana kaashaday Cali dheere.

Aadan Abuukar Malayle horjooge maamule lacagaha laga dhaco shacabka.

Aadan Jiis horjooge gacanta ku haya xarun marin habaabin iyo maxkamadaha beenaadka ah.

Cumar Guhaad horjooge sare oo kooxda u aruuriya lacagaha xoogga looga qaado qabiillada.

Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha Golaha Deegaanka oo maanta Muqdisho ka billaabaneysa

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani waxa maanta ka billaaban doono diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha dadweyne ee la filayo in ay dhacdo June.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyey in maanta loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaar ahaan degmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka howl-galka doorashooyinka Mudane Maxamed Aamiin Xasan Cabdullahi oo isna shalay ka hadlay munaasabadda ololaha Qaran ee diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha ayaa sheegay in dagmada Shangaani loo xushay in ay ka billaabato diiwaan-galinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir, isagoo reer Shangaani ugu baaqay in ay soo baxaan oo ay is diiwaan-galiyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in ay tallaabadani meesha ka saarayso sheekadii ayad dalka doorasho kama dhici karto.

Guddoomiye Yabooh “Diiwaan gelintan maanta billaabatay waxay meesha ka saaraysaa dalka doorasho kama dhici karto.”

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.