Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu khaarajiyay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay

Baydhabo:-Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saakay jab xooggan gaarsiiyay khawaarijta, kadib weerar khawaarijta ku soo qaadeen fariisimo khawaarijtu ku lahaayeen aagga deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay dileen 15 Khawaarij ah oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, isla markaana ay sii haacsanayaan firxadka Khawaarijta.

Meydadka Khawaarijta lagu laayey aagga deegaanka Daynuunaay ayaa loo soo bandhigay magaalada Baydhabo, walina waxaa socda tirakoobka guud ee khawaarijta lagu gaarsiiyay halkaas, saraakiisha ayaa noo sheegay in meydad iyo dhaawacyo kale ay horay u qaateen.

Ciidamada Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM oo Duqeyn Ka Fuliyay Aadan Yabaal

7Muqdisho, 17 Abriil 2025: Xalay fiidkii, waxaa degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe laga fuliyay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), si loo ciribtiro khatarta kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada isdaba joogga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida Mareykanka, si loo labo jibaaro gulufka ka dhanka ah cadowga Khawaarijta ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan deegaanada laga xoreeyay.

Ciidamada Qaranka iyo howlgalka AFRICOM waxa ay wali wadaan qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga. wixii faahfaahin dheeraad ah oo kasoo kordha howlgalada oo si xowli ah ku socda, waa idiin soo gudbin doonaa mar walba.

-DHAMMAAD-

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee xuquuqul insaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga.

Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho haddii aan la dhammaystirin hannaanka dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah, isagoo adkeeyey in la dhameystiro shuruucda horumarinaya xuquuqul insaanka iyo dhismaha hay’ad madax-bannaan ee xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay duruufaha ku xeeran dalkeenna oo dagaal kula jira argagixisada, taas oo saamayn toos ah ku leh xaaladda xuquuqda dadka Soomaaliyeed, maadaama argagixisadu ay ku xadgudbeen xaq kasta oo ay lahaayeen dadkeennu, isuna soo bahaysteen daadinta dhiigga dadkeenna iyo boobka hantidooda.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

      

Agaasimaha Guud ee W. Warfaafinta: “Wakaaladaha caalamka meel aan SONNA ahayn war kama qaadan karaan”

Agaasimaga guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in wakaaladaha wararka caalamka aysan wararka ku saabsan Soomaaliya ka qaadan karin meel aan ahayn wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Agaasime Xayir oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaaddeen maamullada Hoteellada muqdisho iyo madaxda wasaaradda warfaafinta loogana hadlayay horumarinta iyo dhiirrigelinta dalxiiska dalka ayaa intaa raaciyay in dowladdu ay ka go’an tahay dhiirri gelinta xarumaha ganacsi ee ay u horreeyaan Hoteellada.

Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaga guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dowladdu ay Hoteelladii dowladda oo ay ka mid yihiin Jubba, Shabeelle, Curubo, SYL iyo Bulsho fursado u siisay ganacsatada in ay maalgashtaan, iyadoo loo fududeynayo wax kasta oo caqabada ah.

“Dhammaan wararka Soomaaliya ku saabsan haddaad aragteen berigii hore waxay doonaan bay qori jireen, maanta warka ay xiganayaan caalamku sida BBC, Reuters, AP IWM waxay ka qaataan SONNA, warku ha xumaado ama ha fiicnaado SONNA ayay ka qaataan, waayo waa wakaaladda keliya ee dalka Soomaaliya ka jira cid kale kama qaadan karaan”.

Mudane Xayir ayaa maamullada Hoteellada faray in ay kusoo xirmaan Web-Site-ka wasaaradda qaybta dalxiiska, lana shaqeeyaan warbaainta dowladda, si loo muujiyo horumarka ay samaynayaan Hoteellada.

Agaasimaga guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa faray maamulka Hoteellada in aysan u dhega nuglaan dadka cabsi geliya goobaha ganacsiga iyo dalxiiska, isagoo ku adkyeeyay in aysan warar been abuur ah ku xirin xaruntooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday xarunta diiwaan-gelinta dad weynaha ee degmada Shagaani

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan-gelinta dadweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Duqa muqdisho iyo ma’uuliyiin kale ayaa ku biiray muwaaddiniinta halkaasi iska diiwaan-gelinaysa.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dadka maanta ay bacadka u taaganyiihiin in ay berri codkooda wax ku doortaan, taas oo uu ku tilmaamay guul ay Soomaaliya gaartay.

“Dadkan maanta is diiwaan-gelinaya waxay bacadka u taaganyiihiin in ay berri codkooda wax ku doortaan, waana guul ay Soomaaliya gaartay.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta arko shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer ka dib gudanaya waajibkooda dastuuriga ah, maaddaama ay xaq u leeyihiin in la doorto iyaguna ay wax doortaan.

Isdiiwaangalinta doorashooyinka oo ka bilowday Banaadir (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta hirgalinta doorasho dadweyne oo Soomaaliya ugu dambeysay 58 sanno ka hor, taasi oo uu ku soo baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake oo la dilay sanadkii 15-kii bishii Oktoober sanadkii 1969-kii.

Tan iyo xornimadii Soomaaliya waxaa soo maray 9 Madaxweyne iyo 10 doorasho madaxweyne, waxaa doorasho dadweyne ku soo baxday laba madaxweyne, kuwaasi oo kala ah AUN Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ahaa labadii Madaxweyne ee ugu horreeyey Soomaaliya. Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ka suuragashay in hoggaanka dalka uu ku yimaado doorasho ay dooranayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo dooranayeen Odayaal dhaqameed.

Siyaasiyiin iyo dhallinyaro han siyaasadeed lahaa ayaa ku hungoobay qaabka doorasho ee dalka ka soo jirtay, kuwaasi oo xooggii, fursaddii, iyo aragtii u hayeen in ay uga soo muuqdaan xilalka ugu sarreeya dalka ay dhaafisay doorashada dadban, taasi oo dhaliil ay ka keeneen bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ahayn wax sahlan 58 sanno ka dib dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod, isaga oo xusay in muwaadinka Soomaaliyeed ay lama huraan u tahay in uu gacantiisa ku ciil baxo, uuna doorta qofka uu doonaya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in la joogo xilligii laga gudbi lahaa doorashada dadban, taasi oo hadda ifafaaladayda ay muuqato. Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirrada ayaa soo jeediyey in ay laga gudbo doorashadii dadbaneed, oo badankood sheegeen in ay dhibaato kala kulmeen, qaarkoodna ay xuseen in damacooda ay hor istaagayn Oday dhaqameed.

Hirgalinta doorasho qof iyo cod ah ayaa Soomaaliya u furi doonta baal cusub, waxa ayna soo xiri doonta Baalasha ay ku xardhanaayeen; Nin jeclaysiga, musuqmaasuqa, boobka kuraasta Xildhibaannada, iyo qilaafka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Madaxda.

Haddaba Diiwaan gelinta Dadweynaha oo ka qaybgalaya Doorashada Qof iyo Codka ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan degmada Shangaani ay si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, waxayna safaf dhaa-dheer u galeen sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen, xittaa Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa waayeello ah ayaa qayb ka ahaa dadweynaha qaatay kaarka isdiiwaangalinta Doorashooyinka qof iyo codka ah maalinteeda koowaad ka bilaabatay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani waxaa shalay ka billowday diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaasi oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha dadweyne ee la filayo in ay dhacdo bisha June, iyadoo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ay iska diiwaangeliyeen degmada Shangaani iyagoo qaatay kaarka codbiyaha.

Gudoomiyaha Guddiga Dorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa goobta diiwaan-galinta degmada shangaani kula hadlay shacabka degmada Shangaani oo safaf ugu jira qaadashada kaarka Codbixinta, isagoo dadka Soomaaliyeed ku booriyay in ay isdiiwaan-geliyaan, si codkooda ugu ciil baxaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay isdiiwaan-geliyaan, si ay codkooda ugu ciil baxaan, go’aanna ugu gaaraan cida ay hogaanka u dhiiban lahaayeen.

Ciidamada Boliiska ayaa Door muhiim ah ka qaadanayay sugidda Amniga Muwaadiinta isu diiwaangelinaya Doorashada Golayaasha Deegaanka oo ka bilaabatay Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir, iyadoo Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin laheyd, taasi oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyey in loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaar ahaan degmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka howl-galka doorashooyinka Mudane Maxamed Aamiin Xasan Cabdullahi oo isna shalay ka hadlay munaasabadda ololaha Qaran ee diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha ayaa sheegay in dagmada Shangaani loo xushay in ay ka billaabato diiwaan-galinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir, isagoo reer Shangaani ugu baaqay in ay soo baxaan oo ay is diiwaan-galiyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in ay tallaabadani meesha ka saarayso sheekadii ayad dalka doorasho kama dhici karto. “Diiwaan gelintan shalay billaabatay waxay meesha ka saaraysaa dalka doorasho kama dhici karto.”

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir oo ay ka socoto Diiwaangelinta Doorashada Dadweynaha ka qaatay kaarka Codbixiyaha oo muwaadinka xaq u siinaya in codkiisa uu ku doorto qofka uu rabo, iyadoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin oo goobta Diiwaangelinta ka socoto ku gudoonsiiyey Taliyaha Kaarkiisa Codbixinta.

Diiwaangelinta dadweynaha ka qaybgalaya Doorashada Qof iyo Codka ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho. Ciidamada Boliiska ayaa Door muhiim ah ka qaadanaya sugidda Amniga Muwaadiinta isu diiwaangelinaya Doorashada Golayaasha Deegaanka oo ka bilaabatay Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir.

By. C/laahi Ruush

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay agaasimaha UNOV

Geneva-  Safiirka Soomaaliya ee dalalka Switzerland iyo Austria, Khadra Axmed Ducaale, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbisay Ms. Ghada Waly, oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Vienna (UNOV).

Kulankaasi muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xiriirka iskaashi ee xafiiska iyo dadaallada horumarineed ee mustaqbalka Soomaaliya.

Labada dhinac waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen taageerada muuqata ee ay Qaramada Midoobey siiso hawlaha horumarinta, iyadoo Safiir Khadra ay muujisay sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga, isla markaana la sahmiyo mashaariic cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Kulankan ayaa muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee dalka.

Wasiir Bidhaan oo bulshada Laascaanood ugu baaqay in ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Laascaanood- Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa xalay booqday xarunta Hay’adda Diiwaan gelinta iyo Aqoonsiga Qaranka, xafiidkeeda Laascaanood.

Wasiirka ayaa halkaasi kusoo dhoweeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle.

Wasiir Cabdullaahi Bidhaan ayaa qaatay Kaarka Aqoonsiga Qaranka, wuxuuna Maareeyaha NIRA uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa bulshada Khaatumo uga baaqay in ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Danjiraha Soomaaliya ee Ethiopia oo Addis Ababa uga qaybgalay shir muhiim ah

Addis Ababa: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa kaga qayb galay kalfadhigii 24-aad ee aan caadiga ahayn ee Guddiga Fulinta iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Afrika.

Kalfadhigan ayaa looga arrinsaday dar‑dargelinta hawlaha horyaalla Midowga Afrika, gaar ahaan fulinta iyo fududaynta kuraastii ay doorashadoodu harsanayd. Intii lagu guda jiray kalfadhiga, waxaa la doortay saddex xubnood oo ka kala tirsanaya Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC), Guddiga Sharciga Caalamiga ah ee Midowga Afrika (AUCIL), iyo Golaha Sare ee Arrimaha Satellite-ka Afrika (AfSC), halka doorashada kuraasta harsan dib loogu dhigay bisha July 2025.

    

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Qahira: Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu Hoggaaminayo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale oo ku sugan dalka Masar, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirrada Dowladda Masar General Osama Sayyid.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladdood ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo casiriyeynta hey’addaha dowladda iyo tababbarrada shaqaalaha dowladda.

Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo is-dhaafsiga waayo-aragnimada, si loo gaaro yoolalka horumarineed ee labada dal.

Weftiga Soomaaliyeed, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar soo dhowayta diirran iyo martigalin qiimo-badan ee ay u sameeyeen, waxaa ayna xuseen in ay diyaar u yihiin iskaashi iyo wada-shaqayn miro-dhal ah.