Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa ku bogaadiyay Ciidamada xoogga guulaha muhiimka ah ee ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, guulaha muhiimka ah ee ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta, si gaar ah howlgalkii guuleystay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku dileen ku dhawaad 40 Dhagarqabe oo Khawaarijta ka tirsan iyo Horjooge Ajanebi ah, kaasi oo ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay

” Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howlgalka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga khawaarijta ee ka dhacay Degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay, kaasi oo ahaa mid ka marqaati kacaya diyaar garwaga Ciidanka iyo bulshada iyo in la gaaray dhammaadka Kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed “.

Wasiirka ayaa Alle u weydiiyay naxariistiisa ballaaran halyeeyadii ku naf waayay dagaalka xaqa ee Khawaarijta, isaga oo bogsiino dagdag ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah u garab istaagaan Ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan cadwga arxanka daran ee in muddo ah gumaadka ku hayay shacabkeena, isla markaana hortaagan in aan nabad iyo xasilooni ku noolaano.

War-Murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha la-dagaalanka Khawaarijta oo Muqdisho ka socday

War-Murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha la-dagaalanka Khawaarijta oo maalmahaan magaalada Muqdisho ka socday,shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan 700 oo ergay kuwaas oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Ujeedka shirkan ayaa wuxuu ahaa in si weyn looga qayb galo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo sidii dalka looga xorayn lahaa loona garab istaagi lahaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa waxa loogu baaqay bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee dalka in ay si weyn uga qayb qaataan sidii dalka looga xorayn lahaa khawaarijta,soo xiritaanka shirkan ayaa waxa ka qayb galay oo khudbado kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah Golaha wasiiradda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda oo ka hadlay shirka ayaa yiri Wasiir Fiqi “Waxa la dhibaateynaayo, oo la beegsanayo waa dadkii aad matasheen, baraarugaan iyo in loo midoobo dagaalka khawaarijta waan idinkaga mahadcelinayaa.”

Waxa sidoo kale shirkan khudbad ka jeediyey wasiirka caafimaadka isagoo yiri Wasiir Cali Xaaji “Khawaarij meel walba ayeey ka soo qaxeen, waxana ay isugu yimaadeen deegaanadeena, aan u midowno ciribtirka iyo soo afjarkooda .”

Hantidhowraha Guud ee qaranka oo ka qeybgalay shir lagu qabtay magaalada Madrid

Hantidhowraha Guud ee JFS, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay kulan lagu qabtay magaalada Madrid, looguna magac daray “Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare (Mastery Initiative)”.

Barnaamijkan, oo socday muddo laba toddobaad ah, waxaa si wadajir ah u martigeliyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Spain (SAI Spain) iyo Jaamacadda Madrid (Universidad Autónoma de Madrid), iyadoo ay taageero mug leh ka geysatay Xoghaynta Arrimaha Dhaqaalaha ee Switzerland (SECO Switzerland).

Barnaamijkan wuxuu ahaa madal lagu kobcinayay hoggaaminta, lagu xoojinayay iskaashiga caalamiga ah ee hay’adaha hantidhowrista, isla markaana la isku-weydaarsaday waayo-aragnimo ku saabsan sida Hay’adaha Hantidhowrada Guud ay uga jawaabi karaan duruufaha adag ee caalamiga ah.

Soomaaliya waxay si mug leh uga dhex muuqatay doodaha muhiimka ah ee barnaamijka, gaar ahaan kuwa la xiriira doorka Hay’addaha Hantidhowrada ee maaraynta qataraha maaliyaddeed, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo dhiirrigelinta iyo daahfurnaanta.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah, taas oo ay yeelan doonto Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha looga fadhiyo sidii ay u horumarin lahayd wax-soosaarka dalka oo kaalin wayn ka qaata dhaqaalaha, isaga oo bogaadiyey dhismaha xaruntan oo ah mid casri ah oo fududeyn doonta adeegga ay wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in saameynta isbeddelka cimilada adduunka ay yaraysay wax soo saarkii dalaga beeraha ee dunida, sidaas awgeedna loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka gudaha.

GUDDIGA JOOGTADA EE GOLAHA SHACABKA OO YEESHAY KULANKIISA TODOBAADLAHA

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulankiisa todobaadlaha ah, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan sida ay lagama maarmaan u tahay dib u bilaabashada kulamada guud ee Golaha iyo muhiimadda ay leeyihiin maadaamaa shuruuc badan laga sugayo inuu Golaha ka howlgalo.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday shuruucda Golaha horutebinta u leh kulamada Golaha, waxaana ugu dambeyn kulanka lagu sameeyey ajendayaasha kulamada Golaha Shacabka ee todobaadka soo socda.

Ciidamada Mareykanka oo kaashanayan DFS oo Duqeyn ku burburiyay doomo hub ku siday Alshabaab

Muqdisho, 17 Abriil 2025: Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay biyaha gudaha ee Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay.

Hubka la burburiyay oo loogu talagalay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa khatar ku ahaa Amniga Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka ee taageeraraya dedaallada nabad dhiska.

Qiimeynta hore ee AFRICOM ayaa muujinaysa in duqeyntan lagu dilay dhammaan argagixisadii saarnaa labada doon, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

-DHAMMAAD-

Doomo Khawaarijta Alshabaab u siday hub oo lagu burburiyay xeebaha Soomaaliya

Doomo Khawaarijta Alshabaab u siday hub oo lagu burburiyay xeebaha Soomaaliya.

Warkaas oo faah faahsan filo goor dhow insha Allah

 

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxa uu kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iskaashiga dhinaca nabadgelyada kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya Mudane Onesimus Kipchumba Murkomen.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

War-Saxaafadeed:-In ka badan 35 Xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Baay

Muqdisho, 17, Abriil, 2025: Howlkani oo si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa laga fuliyay deegaanka Baay Burjeed oo qiyaastii 15-KM u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah Koofur Galbeed.

Howlgalka waxaa lagu burburiyay koox ka tirsan Khawaarijta Alshabaab oo qorsheynayay weerar ay ku dhibaateeyaan Shacabka, Ciidanka oo ku howlgalay macluumaad dhameystiran ayaa wajahay cadowga, waxa la xaqiijiyay in lagu dilay howlgalkan in ka badan 35 xubnood oo uu ku jiro horjooge ajnabi ah oo watay maleeshiyada la jabiyay, sidookale waxaa lagu dhaawacay in badan 60 xubnood oo kale.

Ciidanka ayaa howlgalka kadib soo aruuriyay meydadka ilaa 18 xubnood oo khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal, wali waxaa ay ciidanku wadaan uruurinta meydadka khawaarijta, qaarkoodna waxaa la baxsaday haraadigigii khawaarijta la beegsaday.

Howlgalka oo si guul ah ay u fuliyeen geesiyaasha Qaranka ee is kaashanaya waxaa saakay lagu gaarsiiyay jab culus waxaana loogu dhigay cashir aanay ka soo Kabsan karin Khawaarijta taa oo muujinaysa sida Ciidanka Xoogga iyo Ciidanka Daraawiishta oo kaashanaya dadweynaha Koofur galbeed ay ugu go’an tahay dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta.

-DHAMMAAD-

Boqolaal Shacab ah oo isugu soo baxay maydadka khawaarijta ee lagu soo bandhigay Baydhabo

Baydhabo:-Boqolaal Shacabka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada, kuwaas oo ku faraxsan jabka khawaarijta looga geystay deegaanka Daynuunaay.

Bartamaha Magaalada ayaa waxaa la geeyay khawaarijta lagu khawaarijay howlgallada barakeysan ee saakay hore ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo saakay weerar lagu fashiliyey ku soo qaadeen.

Qaar kamid ah Shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyey ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed howlgallada barakeysan ee lagu laayay khawaarijta arxanka daran, iyagoo sidoo kale tilmaamay in waqtiga khawaarijtu dhamaaday loona baahanyahay uun in la dhameystiro.

Khawaarijta ayaa waxaa ku socda howlgallo nadiifin ah oo ka socda guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo sidoo kale howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Daacish aya ka socdaan Puntland.