Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Nairobi:-Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo loo sameeysay caruur Soomaaliyeed kuwaas oo dhagaha loogu xiray qalab awood u siiyay inay markii ugu horeeysay noloshooda yeeshaan ama helaan dareen maqal ah.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo ka hadlay kulankii lagu daahfuray daaweynta carruurta ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo madaxdeeda kaalmada ay u fidiyeen caruurta Soomaaloyeed.

“Anigoo oo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed, waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan oo 15 carruur Soomaaliyeed ah u xirtay qalab elektaroonik ah oo u sahlaya caruurtaas inay markii u horeeysay yeeshaan dareen maqal. Qaliinkaan ayaa wax ka badali doonaa noloshooda.” Ayuu yiri Danjire Jabril

Waxa uu intaas ku daray “In la siiyo hibada maqalka caruurtaan, waa iyada oo la beddelay habka ay u nool yihiin. Waxa u furmaya albaabo horay uga xirnaa. Qalabkaan ma siinayo caruurtaan maqal kaliya, laakiin waxa uu siinayaa aqoonsiga, fursado cusub, iyo hami cusub oo ku dheehan Sharaf”.

Qoysaska Soomaaliyeed ee dhalay caruurta ayaan barnaamijkan la’aanteed, aan rajo ka qabin in carruurtoodu helaan dareen maqal. Qalabka caruurta lagu xiray jirkooda ayaa ah mid casri ah noocii ugu danbeeyay kuna fadhiya qiimo aad qaali u ah.

Safiirka ayaa yiri, “Waxa aan si gaara ugu mahadcelineynaa Dr. Aqueel bin Jam’aab Al-Ghamdi, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Qorsheynta iyo Horumarinta iyo H.E. Mudane Khalid A. AlSalman, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Kenya kuwaas oo fududeeyay taageeradan waqtigeeda ku habboonayd”

    

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Tacsi ugu tagay Qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Nabadoon Xaaji Geedi Shadoor

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Tacsi ugu tagay Qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday allaha u naxriisto Nabadoon Xaaji Geeseey Geedi Shadoor oo dhawaan geeriyooday.

“Allaha u naxriisto Xaaji Geeseey Geedi Shadoor waxa uu ahaa shaqsi intii uu noolaa dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyay, doorna ku lahaa dhaqanka iyo nabadeynta” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, asigoona eebe ugu baryay in jannatul fardowsa ka waraabiyo.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtey Muqdisho.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidamada Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xuska 65 guurada aas-aaskooda.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Antalya kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayyib Erdogan.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo ay yeelaneyso Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku soo laabtey Muqdisho, kadib booqasho taariikhi ah oo uu ku tegay magaalada Laas Caanood.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatumo, kalana hadley xoojinta nabadda iyo midnimada dalka.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laas Caanood dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo muhiim u ah horumarka degaannada SSC-Khaatumo.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Xarunta NIRA ee Laas Caanood.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo dadweynaha SSC-khaatumo ugu sameeyeen magaalada Laas Caanood.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.

11- Xukuumadda Federaalka oo war-murtiyeed ka soo saartay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee SSC-Khaatumo oo ay ku jirto aqoonsiga maamulka iyo sii deynta ilaa iyo 25 maxaabiis dagaal oo ka soo jeeda degaannada Somaliland.

12- Golaha Wasiirada oo shirkooda toddobaadlaha ah lagu soo bandhigay warbixinta safarka Nabadda iyo Midnimada ee Laascaanood .

13- Ra”iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sannadguuradoodii 65-aad tan iyo markii la aasaasey.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda UNOPS, Mudane Jorge Moreira da Silva.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo daahfuray Shirweynaha Xaquuqul Insaanka.

16- Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankiisa toddobaadlaha ayaa isla meel dhigay ajandayaasha horutabinta u leh kulamada golaha ee soo aadan.

17- Guddiga Doorashooyinka Qaranka  iyo Soodimaha oo daah furay diiwaan galinta codbixiyayaasha dooorashooyinka caasimada dalka ee Muqdisho.

18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ka qeyb-galay Daah-furka Ollolaha Qaran ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha.

19- Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen Odawaa Yuusuf Raage oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo qoysaskooda munaasabadda sannad guurada 65aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

20- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Jabriil Cabdirashiid oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 65-Guurada aasaaskooda awgeed.

21- Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn ku burbiriyay laba doomood oo hub u siday Khawaarijta Al Shabaab iyo maleeshiyadii saarneyd doomaahaasi.

22- Hawlgal ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfuur Galbeed Soomaaliya oo lagu dilay In ka badan 35 Xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

23- Madaxweynaha Maamulka Koonfuur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa dhiiri-gelin ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan furimaha dagaalka ee jabka culus gaarsiiyay Khawaarijta.

24- Ilaa iyo 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab oo lagu dilay hawlgal duqeyn ah oo Ciidamada Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

25- Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen oo dhiirageliyay daljireyaal nolosha ku soo qabtay Khawaarij.

26- Wafdiga ka socda Dowladda Masar oo uu hoggaaminayo Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar ayaa Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya ku wareejiyay agab ciidan oo Masar ugu deeqday Soomaaliya.

27- Boqolaal shacabka magaalada Baydhabo ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, kuwaas oo ku faraxsan jabka Khawaarijta loogu geystay hawlgalkii duleedka magaaladaasi ay ka fuliyeen ciidanka.

28- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa horumarinta hoteelada Soomaaliya.

29- Culimada Gobolka Hiiraan oo gurmad gaarsiiyay Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka

30- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee magaalada Laas Caanood.

31- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo shir la qaatay xubno sare oo ka socday Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo socdaal rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

32- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Jabriil Cabdirashiid  Xaaji oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya.

33- Maraykanka oo cunoqabatayn saaray 15 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab.

34- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar oo kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo.

35- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Starlink guddoonsiisay rukhsadda adeegga internetka Soomaaliya.

36- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay xuska Maalinta Farshaxanka Adduunka.

37- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale oo Qaahira  kula kulmay dhiggiisa dalka Masar.

38- Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray deegaanka Sumadaale, si loo dardargeliyo dagaalka Khawaarijta.

39- Danjiraha Soomaaliya ee Ethiopia oo Addis Ababa uga qaybgalay shir guddiga fulinta iyo wasiirada Arrimaha Dibada Midowga Afrika.

Saraakiisha ciidanka 60-aad oo lagu wareejiyay deeq xoolo nool ah

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha  Koonfur Galbeed mudane Abdullahi Haji Hasan ayaa manta deeq xoolo ah gaarsiiyay ururka 95 guutada 9 ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Bixinta deeqdaan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Bakool iyo Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee degmada Waajid ayaa timid xilli xubnahaasi ay  kormeer ku tageen xarumaha ciidanka ee halkaasi.

Xubnaha ka socday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Gobolka Bakool ayaa ciidanka ku ammaanay sida geesinimada ah ee ay u wajahayaan khawaarijta iyo dadaalka ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka.

Wasiir Fiqi “Dowladda Soomaaliya waxay guullo waaweyn ka gaartay Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaalliya ay ku guuleystay dib u soo celinta xiriirkii dibolomaasi iyo iskaasdhigii kala dhaxeeyay dowladaha caalamka,gaar ahaan kuwa saaxiibada la ah Soomaaliya.

Wasirka ayaa xusay in go’aanka dowladda Soomaaliya uu yahay in Xal waafi ah oo aan laheyn khilaaf lagula dhaqanno dowladaha caalamka,isla markaana la eego in xiriirka lala galayo dowladaha kale ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

:Waxaa shafar ugu filan dowladda Soomaaliya in ay xubin ka noqoto golaha ammaanka ,isla markaana aan ka muuqanno fagaatayaashii caalamka ee aan horay uga  maqneyn”ayuu yiri Mudane Fiqi.

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo yeeshay kulan miro dhal ah

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka ayaa yeeshay kulan xasaasi ah,iyadoo si gaar ah looga arrinsaday arrimaha mudnaanta u leh Dowladda Soomaaliya oo koow ay ka tahay dib-u-howlgelinta iyo soo celinta xiriirka tooska ah ee Bangigu la yeelanayo Dowladda Soomaaliya,kadib gaaritaankii heshiiskii deyn cafinta.

Kulaka oo socday muddo Shan maalmood ah ayaa waxaa intiisa badan lagu gorfeeyay xiriirka wada shaqeyneed ee Bangiga iyo Soomaaliya, qorsheyaasha Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso si loo maalgaliyo, qaabeynta heshiiska wada-shaqeynta Bangiga Horumarinta Islaamka saddexda sano ee soo socota iyo in la horumariyo Qorshaha Isbaddalka Qaranka (NTP) oo ka mid ah meelaha mudnaanta gaarka ah u leh Dowaldda Soomaaliya.

Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waa mid ka mid ah saaxibada qiimaha gaarka ah ugu fadhiya Dowladda Soomaaliya oo hadda xoojinaya xiriirka Bangiga, si loo helo Mustaqbal u wanaagsan bulshada Soomaaliyeed oo ku dhisan horumarin, casriyayn iyo maalgalinta kaabayaadha dhaqaalaha dalka.

Qunsulka Dowladda Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya oo kulan muhiim ah la qaatay Amiirka Gobolka Najraan

Qunsulka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya Mudane C/weli Xirsi C/lle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdi Casiis.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xaaladda maxaabiista Soomaalida ee ku jira xabsiyada gobolkaasi iyo sida suurtagalka ah ee looga qeybqaadan karo sii deynta ama cafinta dadkaasi oo isugu jira kuwo ku xukumn sanado iyo kuwo kale oo xukun sugayaal ah.

Kulanka Qunsulka Soomaaidida uu la qatay Amiirka kadib,waxa uu booqday qaar kamid ah xabsiyada ay ku jiraan maxaabiista Soomaaliyeed ee Gobolka Nakraan,isagoo u kuurgalay xaaladda nolol ee dadkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay madaxda Dalka Sacuudi carabiya uga codsatay in lagu soo wareejiyo maxaabiista Soomaalida ee ku jira jeelasha dalkaasi.

Labada Gole oo boogaadiyay qeybaha ciidanka ee dagaalka kula jiro khawaarijta

Qaar kamid ah xildhibaanada labada Aqal ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageeraayey qeybaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku howlan dagaalka lagu soo afjarayo kooxaha nabad-diidka ee khawaarijta.

Kulankaasi waxaa ka hadlay Xildhibaan cabdalla Xuseen,isagoo sheegay in Ka Xildhibaano ahaan ay garab taagan yihiin ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee khawaarijta dagaalada kula jiro.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur [Saransoor] ayaa yiri “Khawaarij waqtigoodii ugu danbeeyay ayeey ku jiraan, waxaana ummadda Soomaaliyed laga rabaa inay u midowaan kooxdaan”.

Xildhibaan Axmed Mashruuc oo ka hadlay kulankaasi ayaa qiray in ay garab taagan yihiin ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa raaciyay in dhankooda ay qeyb ka noqon doonaa howlgalada socda”.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Mr. Wang Yu.

Dhinacyadaasi waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo ballaarinta iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhaxeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Mr. Wang Yu ,waxa uu ku soo dhammaaday jawi aad u sareeya,iyagoo isla gartay in la sii ambaqaado barnaamijyada horumarineed ee lagu taafeerayo dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Nairobi ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Agaasimaha Socdaalka Kenya

Nairobi:-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuxulow oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget iyo Xoghayaha Amniga GudahaMudane Thomas Saka.

Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, waxa uuna kala hadlay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee adeegyada socdaalka, oo ay ka mid yihiin fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan helitaanka oggolaanshaha dal-ku-galka dalkaas. Waxa uu sidoo kale kala hadlay wadashaqeynta dhinaca amniga xuduudaha, is-dhaafsiga xogta socdaalka, horumarinta isku-socodka xuduudaha, iyo nidaamyada dijitaalka ah ee socdaalka.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, ayaa xaqiijisay ballanqaadka Kenya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hagaajinta wada-shaqeynta socdaalka ee labada dal.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la horumarinayo adeegyada socdaalka si ay ugu adeegaan danaha shacabka labada waddan.